Matt Baugh: Xitaa Haddii Madaxda DKMG Soomaaliya ay Xilka Qabtaan Waqti Kale Maxkamad Waa La Geyn Karaa
Muqdisho (RBC) Safiirka Dawlada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Danjire Matt Baugh ayaa taageeray warbixintii dhowaan ka soo baxday guddiga Qaramada Midoobay baarista cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ee loo yaqaano UN Monitoring Group, taasoo shaaca ka qaaday musuqmaasuq ballaaran oo hareeyay xafiisyada madaxda ugu sareysa dawlada Soomaaliya.
Danjire Matt Baugh ayaa sheegay in dawladiisa ay si weyn u soo dhoweyneyso warbixinta ka soo baxday guddiga Monitoring Group oo uu xugin ka yahay nin u dhashay dalka Ingiriiska, wuxuuna danjiruhu cadeeyay in shaki weyn uu ka jiro hanaanka loo maamulo dhaqaalaha la siiyo dawlada Soomaaliya.
“Waan taageereynaa in la soo saaro warbixin sidaasi oo kale u faahfaahsan, waayo hadaad akhriso dukumintiga waxaa ku cad waxyaabo marqaatiyo u ah waxyaabaha eedaha ah, waana soo dhoweynmeynaa in la helo dabagal iyo la xisaabtan” ayuu yuri danjire Matt Baugh.
Danjiruhu wuxuu sheegay in dawlada Ingiriiska ay qadarineyso talooyinka ku qoran waqrbixinta oo ay ka mid ahaayeen in la cunaqabateeyo madaxda sare ee DKMG Soomaaliya oo loo heysto inay musuqmaasuqeen balaayiin doolar oo deeq ahaan dawlada loo siiyey iyo in la sameeyo guddi madax bannaan oo maamula dhaqaalaha dalka deeq ahaanta loo siiyo.
“Waan qadarineynaa waxaana ka fekereynaa sidii dawladaha kale ee xuybnaha ka ah golaha amaanka ay u meelmarin lahaayeen talooyinka ay kooxdu soo jeedisay” ayuu yiri Baugh.
Mala maxkamadeynayaa madaxda?
Danjiraha Ingiriiska oo waqti dhow ka hor ka soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay in haddii talooyinka guddiga loo codeeyo ay iman karto in madaxda DKMG Soomaaliya la saaro xayiraad safarka ah iyo inay dhici karto in maxkamad looga yeero taasina ay caqabad kuy tahay haddii xafiiska ay markale ku soo laabtaan.
“Xitaa haddii madaxda hadda joogta ay xukunka ku soo laabtaan Agoosto kadib taasi kama reebeyso in la eedeeyo ama caddaalada looga yeero, waa inaan cadeynaa in shakhsiga madaxda ah aysan micneheedu ahayn inaan la soo taagi karin maxklamad ama talaabo sharcio laga qaadi karin” ayuu yiri si faahfaahsan u yiri danjire Matt Baugh.
Dhanka kale xubnaha sagaalka ah ee qoray warbixinta kooxda Monitoring Group oo u badan rag u dhashay wadamada Yurub ayaa la sheegayaa in dawladahooda, gaar ahaan Mareykanka, Faransiiska, Ingiriiska iyo Canada ay taageero uga raadinayaan in golaha amaanka ee Qaramada Midoobay uu si buuxda isugu raaco sidii talaabo looga qaadi lahaa madaxda DKMG ah ee hadda joogta ee lagu xusay warbixinta kooxda Monitoring Group.
Hadalka danjiraha ayaa u muuqda inuu jawaab u yahay ololaha tartanka doorashada ee madaxda sare ee DKMG ah oo beryahan si aad ah uga socda magaalada Muqdisho.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi











GAALKAAN MUJRIMKA AH WAXAAN U SHEEGEYNAA IN HADDII AY WAX XADEEN AY SOOMALIDA LA XISAABTANTO EE OGOOW MEESHA MA AHA LONDON, EE WAXAA LAGAA RABAA IN AAD KA JAWAABTID XASUUQA AAD KA GEYSATEEN CIRAAQ, AFGANISTAAN, IYO AWOOWAYAASHAADA MAREYKANAKA 200 SANO KA HOR KU LAAYEEN HINDIDA CAS CAS EE EE MAREEYKAN AAD KU LAYSEEN, IDINKA AYAA EEDEYSANE AH MARKAAS AYAA DAD WAX KA SHEEGEYSAAN TUUGAYAHAY URUURTAY OO QURUNTAY
MR BEEN SHEEG DEMBI DHAAF ILAAHEEY WEYDIISO MAXAA YEELEY WAXAAD JIDEYNEYSAA IN MADAXDA AY KA SAREYSO SHARCIGA AYNA SAMEYN KARAAN WAX KASTA OO AY DOONAYAAN XITTAA HADDII UU YAHAY DEMBI IYO DULMI.
YAA U JIDEEYEY INEY DHACAAN OO AY LUNSADAAN SADAQO AY GAALO KUWA AAD KU SHEEGTEY IYO ISLAAMBA AY U SOO DHIIBEEN MASAAKIINTABAALEYSAN IN LA XADO, DAWLADNA LA SHEEGTEO, GANACSINA LAGU GALO, GURYO DHAA DHEERNA LAGU DHISTO DIBADDA /
HADDII AADAN IYAGA KA MID AHAYN, AMA AADBA IYAGA KALA QEYB GALIN XATOOYADA IYO DHACA WAXAAN KUUGULA TALINAYAA INAAD TOWBAD KA KEENTO FIKIRKAAS , DULMIGANA AAD LA DAGAALLANTO.
waan akhriyay warbixinta lagu soo eedeyay nimankan madaxda ah.sida ay u dhigantahay waa wax laga fajaco waayo cadaymo fara badan oo aad loo daba galay ba ey keeneen.iyaga oo qudha lama eedayn ee dawlado kale sida eitoibia,ugandha,sacuudi arabiya ,uae,ayaa jira oo cadaymo in cunaqabataynta hubka ay jabiyeen lagu haystaa.sheekh shariif baad moodaa in uu intaba daacad uga dhawyahay,waxaana ku tusi karta maalintii dhawayd ee uu yidh “monatarin groupku waa cadawga somaliya waxaad moodaa in aanu garanayn cida ay yihiin nimanka uu cadawga ku sheegayaa,oo ah UN ka.
Waxa se aan aad uga xumaaday nimanka jaamacadaha qurbaha wax ku soo bartay ee yidhaa Phd baanu soo qaadanay ee u tagay meesha in ay lumiyaan xoolihii dadka.
Ugu dambayn Meesha kii wax bartay tuuga ka yahay ama sharciga ka baxay maxaad u malaynaysaa ilmaha maanta sodanka jira ee aan wax baran wax dawlad la yidhaa ku soo hoos korin in uu sameeyo.
waa wax la’iska qarxiyo.
TO KEEROOW GAAL U HIILIYE
MR DHAGO-XIRAN KEEROW IMA FAHMIN ANIGU MA DIIDANI IN QOF KASTA UU XUMAAN SAMEEYO LA MAXKAMADEEYO LAAKIIN INGRIIS IYO MAREYKAN OO AAN OG NAHAY DHIBKA AY UMADA MUSLIMKA KU HAAYAAN MA AHA IN AY ANAGA WAX INOO MEEERIYAAN EE WAX FAHAN MR DHAGO-XIRANOOW.