Maxamed Cabdi Khadar oo ah 14-Jir Soomaaliyeed oo Ka Sheekeeyay Mudadii uu u Dagaalamayey Al-Shabaab (Sawiro)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Maxamed Cabdi Khadar

Muqdisho (RBC) Shabakada Raxanreeb ayaa toddobaadkan la kulantay wiil yar oo 14 sano jira oo mudo ka badan lix bilood u dagaalamayey ururka Al-Shabaab, balse haatan ay soo qabteen ciidamada AMISOM oo kaashanaya kuwa DKMG ah ee ku sugan degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sheekada Maxamed Cabdi Khadar, waa mid xiiso gelineysa qofkii aan horey u maqlin in carruur yar yar oo Soomaaliyeed aysan ka mid ahayd dagaalada ka socda dalka,iyo in carruur badan ay ku waxyeeloobaan colaadaha halkii ay ka tagi lahaayeen waxbarasho.

Maxamed sida uu noo sheegay, waxaa toddobaadkii hore lagu soo qabtay iska horimaad ka dhacay duleedka degmada Balcad kadib markii, sida uu sheegay laga warheley weerar ay qorsheynayeen inay xilli habeenimo ah ku qaadaan saldhigyada AMISOM iyo kuwa DKMG ah ee ku yaalla degmadaasi hase yeeshee intii aysan weerarka qaadin ay ka hor yimaadeen ciidamo AMISOM iyo kuwa dawlada isugu jira oo raggiisa qaarna dilay, isagana qabtay.

“Waxaan ku dhashay Muqdisho, Magacaygu waa Maxamed Cabdi Khadar, waxaana ku biiray Xarakada Al-Shabaab lix bilood ka hor, waxaana ka tirsanaa guutada shiishka loo tababaray ee Xarakada” ayuu yiri Maxamed oo ka sheekeynaya waayihiisadagaaladii uu soo maray.

Wiilkan 14 jirka ah ayaa sheegay in uu ka qeybgalay dagaalo aan tiro lahayn oo uusan wada xusuusan karin, laakiin intooda badan ahaa weero xilli habeenimo ah la fuliyey, uuna og yahay in dad badan qaarna dileen qaarna dhaaweceen.

“Markii hore waxaan ku jiray dhalinyaro lagu tababaray deegaanka Ceelasha Biyaha, markii Al-Shabaab laga qabsaday halkaaasi, aniga iyo rag fara badan waxaan ku jirnay kooxda weerarka qaada habeenkii waxaana sooweerari jirnay xaafadaha Muqdsisho, sida Dayniile, Kaaraan, Yaaqshiid iyo Xoosh” ayuu sii raaciyey Maxamed.

Sida uu sheegayo Maxamed inkastoo uu aad u yar yahay haddana waxyaabaha uu sida gaarka ah u bartay waxaa ka mid ah difaacida nafsiga “Markaad khatar gasho waxaa lagaaga baahan yahay inaad isbadbaadiso” ayuu si degan u sheegay.

Sidee laguu qabtay?

Maxamed Cabdi Khadar wuxuu sheegay in goor galab ah, sideed maalmood ka hor ay isu diyaariyeen isaga iyo koox kale inay soo weeraraan degmada Balcad, ayna isu diyaariyeen sidii ay hubkooda oo meel ugu qarsoonaa u qaadan lahaayeen, laakiin ka hor intii aysan magaalada soo gelin ay ka warheleen ciidamo go’doomin ku sameeyay oo ka tirsan AMISOM iyo kuwa dawlada.

“Iska hor imaad ayaa bilawday, dagaal xun ayuu ahaa, saaxiibadey qaarna way dhinteen qaarna way baxsadeen  hubkiina way ka carareen, aniga si xoog ah ayaa la isu soo qabtay qorigana waa la iga qaaday” ayuu sheegay.  “Illaa maalinkaas illaa haddana waxaa la igu hayaa magaalada Balcad”.

Yaa kugu dhiirigeliyey ka mid noqoshada?

Sida uu sheegay Maxamed Cabdi Khadar, hooyadii way geeriyootay mar hore, wiil ay isaga saaxiibo ahaayeen oo ay wada sheekeysan jireen ayaa ku dhiirigeliyey [tashkliilin sida uu Maxamed u yaqaano] inuu ku biiro Xarakada Al-Shabaab. “Waxaa i tashkiiliyey [dhiirigelin] wiil aan saaxiibo ahayn oo Ceelasha joogay, anigana way ila fiicnaatay kadibna waxaa aadayxerada lagu tababarto oo ku taalla deegaanka Ceelasha Biyaha” ayuu yiri Maxamed Khadar ooxusuustay saaxiibo badan o ay isku meel joogeen.

Sida Maxamed oo kale, waxaa jira carruur fara badan oo xiise u gali jiray Xarakada Al-Shabaab berigii ay joogeen Muqdisho, halka qaar kalana ay jeclaayeen isticmaalka hubka iyo raacista baabuurta dagaalka sidaasi darteedna ay ka agdhowaan jireen xarumaha Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay in uusan arkin tababare ajnabi ah laakiin dadkii tababarka siiyey dhamaantood ay ahaayeen rag Soomaali ah oo si fiican ay isu barteen intii uu ku jiray xerada tababarka, qiyaastii lix bilood.

Sidee Muqdisho u soo weerari jirteen?

Maxamed wuxuu sheegay in markasta oo duulaan ay aadayaan uu ogaa inuu ama ku dhiman karo ama ku dhaawacmi karo, laakiin wuxuu qabaa in NOLOSHIISA ciidanimo ay bartay cabsi la’aan iyo inuusan ka welwelin dhawaqa rasaasta iyo hubka culus oo waxaasi oo dhan “caadi bey u ahaayeen isaga”.

“Markaan soo weerari rabno Muqdisho, waxaan soo baxnaa galabkii casar gaabadka anagoo soo raaceyna baabuurta BL-ka ee ka imaaneysa Afgooye iyo Balcad wax hub ahna ma heysano, markaan magaalada soo galno ayaa waxaan u tageynaa rag hubka noo haya… kadib markii habeen la gaaro ayaan weerarka qaadeynaa” ayuu sii raaciyey sheekadiisa.

Wuxuu sheegay in sida badan ay beegsan jireen saldhigyada ciidamada, guryaha dadka madaxda ah degan yihiin, dadka saraakiisha meelaha ay ku nool yihiin.

“Markaan weerarka dhameyno qoryaha waxaandhiganeynaa meeshii ay markii hore noo yaalleen kadibna magaalada waan iskaga baxaynaa illaa habeen dambe laga gaaro” ayuu sheegay wiilkan yar.

Marka laga hadlayo carruurta Soomaaliyeed ee loo adeegsado dagaalada, kaliya ma ahan Maxamed Cabdi Khadar ee waxaa jira boqollaal iyo boqollaal oo xitaa waxaa laga heli karaa dhanka dawlada [inkastoo ay yar yihiin], waxaase nasiib darro ah in xitaa ilmihii goosta inuu iska daayo nolosha ciidanka uusan heli karin wax kale oo uu kaga maarmo sida waxbarasho, nolol fiican iyo daryeel.

Arin kale oo welwelkeeda leh ayaa ah in qofkii sidan oo kale ka baxa Al-Shabaab ama la soo qabto uusan bilaabi karin nolol caadi ah waayo amaankiisa darteed iyo cabsi uu ka qabo in la dilo ayuu markale ku qasban yahay inuu ka agdhowaado ciidamada dawlada iyo AMISOM si uu naftiisa uga ilaashado labada dhinacba.  Waana taas sababta uu MAXAMED CABDI KHADAR hadda u joogo xerada AMISOM ee degmada Balcad!!!.

 

_________________________________________________________________
RBC Radio
Raxanreeb.com

 

 

 

Share

8 Responses for “Maxamed Cabdi Khadar oo ah 14-Jir Soomaaliyeed oo Ka Sheekeeyay Mudadii uu u Dagaalamayey Al-Shabaab (Sawiro)”

  1. Mohammed Ahkaam says:

    A.S.C WALAAHI WALAAL KEY MAXAMED ILAAHEY TOWFIIQDA HA WAAFAJIYO ILAAHEYNA HA U SUUBIYO KHAATUMADA ISAGA IYO ANAGA BA DHAMAAN TEENABA WALAAHI MAANTA WAXBA ANIGA MA AWOODO HADAAAN AWOODI LAHAA WAXBAAN KU CAAWIN LAHAA AAWAY HEE ANIGA AYAABA MEEL DARBI YADA KU GARAACANAYA LKN ILAAHEY WAXAAAN UGA BARYEY FARAJ DEG DEG AH INUU U FURO WAALIDKII DHALAY NA UU WAX TARO INTA KALE EE ISAGA LA MID KA AHNA ALLAHA DHOWRO . QOF WALIBANA HA OGAADO NOLOSHA ADUUN WAXAA KA DAMBEEYSA MID AAKHIRO . QOFKA WALAAAL KIISA AMA ILMAHA YARI UGA FAA I DEYSTAY CAQLI XUMADA AMA GAAFIL NIMADA ILAAHEY WUU U JEEDAA KUWAANA ALLAHA SOO HANUUNIYO .

  2. Garyaqaan says:

    Afrikada madow waxaa bah dilay diino ay ku fududaadeen oo xitaa dadkii u keenay diimahaas ugu dhaqmin oo ku waasheen runtii sida muuqata

  3. hayaan says:

    allow alle masakiinta alllow u gargaar

  4. shuuriye says:

    haduu run yahay oo wiilkaasu jihaad ku jiri jiray hadase cadow gacanta uguj jiro waxaan leeyahay nin cadow haystaan oo marba saxaafada la tuso waa dhibta ugu yar oo cadow laga fisho.

  5. Aj says:

    Waa qaran burbur calaamada lugu garto alloow dhibta aniga saar

  6. saama rabe says:

    walaal waa wax aad looga xumaado in dhalintii soomaaliya loo adeegsado xaabo dablagushido

  7. Waayeel75 says:

    KU.Shuuriye.
    Shuuriye shaki kuma jiro in aad ka mid tahay kuwa ka dhaga XIRAN DIINTA Ilaahay (swt).Sababtoo ah waxaa qoraalkaaga looga jeedaa in aad leedahay wiilka kor ku masawiran cadaw buu gacanta ugu jiraa.Taas oo macneheedu yahay Shabaab shar wadayaal baa diin iyo wanaag haya.Waaad maqashay dad baa mabda lagu raacaa.War shabaab waxay wadaan waa waxa ugu xun wax Ibno aadam suubiyaan.Ugu dambeyn ma ii sheegi kartaa suurad ama aayad ku jirta Quraanka Kariimka ah ee sheegaysa waxa ay suubiyaan Shabaab sharwadayaal?Haddii adan hayn wax daliila banaanka ka joog shabaab iyo sharkooda.

  8. Soonow says:

    Suurtagal ma aha in mid walba oo Al-Shabaab ka soo goosta ama la qabto – uu si ka mudan qayrkiis – helo daryeel gaar ah. Inankan xabsi ha lagu hayo ilaa iyo inta dhaqdhaqaaqaas waddanka laga cidhibtirayo. Kuwase iyagu saraakiisha u ahaan jiray – ee inankan ama kuwa kaloo la mid ah soo dagaal geliyeen – kuwaas waxan odhan lahaa way xujoobeene na dhaafiya.

Leave a Reply