Maxjar Xoolaha Laga Dhoofiyo Oo Laga Sameeyay Muqdisho
Muqdisho (RBC) Munaasabad shaley ka dhacday Muqdisho, ayaa waxa xariga looga jaray maxjar loogu talagay in lagu xanaaneeyo isla markaana laga dhoofiyo xoolaha dalka Soomaaliya.
Munaasabada oo ka dhacday deegganka Jaziira ee duleedka degmada Wadajir ee magaaladda Muqdisho ayaa waxa ka qeybgalay madaxda dowladda oo uu ku jiro madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.
Maxjarkan oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa oo kale oo laga furo Duleedka Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, markii ugu horeysay ayaa waxa uu noqon doono mid lagu baaro caafimaadka Xoolaha Soomaalida lagana Dhoofiyo.
Ugu horreyn waxa ka hadlay munaasabada Agaasimaha waaxda xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa ee wasaaradda xanaanda Xoolaha Xukuumada KMG ah Dr Cabdi-raxmaan Nuur waxa uu ugu horeyn ka warbixiyay in ka siiyay in maxjarkan uu faa’ido weyn uu lee yahay Soomaalida ku dhaqan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya
Waxa uu yiri xoolaha Soomaalida waxa la geeyn jiray maxjaro ku yaala Boosaaso, Berbera iyo Djabuti, taas oo keenta ayuu yiri iyagoo xoolaha daalan ayey tagaan dalkaas.
Sidoo kale waxa ka hadlay munaasabada agaasimaha maxjarka Jasiira Iimaan Maxamed , waxana uu madaxda ka qeybgashay u sheegay in dhismaha Maxajarkan uu soo socday ilaa labo sano ayna ku baxaday lacag kor u dhaafeysa Saddax milyan iyo saddax kun oo dollar mareykanka.,isla markaana dalka uu ka socday dagaallo.
Waxa uu ugu dambeen hoosta ka xariiqay, in Maxjarka cusub ay aqoonsadeen wadamo badan oo loo iibgayn doono xoolaha Soomaaliya taasina ay tahay guul u soo hoyatay ganacsatada ku dhiiraday in maxjarkan la furo.
Sidoo kale waxa ka hadlay goobta ra’iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Cabdi wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo sheegay in maxjarkan faa’ido weyn ay ugu jirto Soomaalida ku dhaqan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxa uu sheegay in wasaaradiisu ay gacan siin doonto ganacsatada Soomaalida ee ku nool dalka.
Sidoo kale waxa munaasabda ka hadlay wasiirka arrrimaha gudaha, taliyaha ciidanka booliska, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo dad kale oo lagu casuumay goobta oo uu ka mid yahay ganacsade reer Cumaan ah.
Ugu dambeen waxa goobta ka hadlay madaxweynaha DKMG ah Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo sheegay in furitaanka maxjarka Jasiira uu fursad u yahay dadka Soomaalida, oo uu sheegay in ay yihiin kuwa ku caan ah dhaqashada xoolaha.
Waxa uu sheegay in dowladiisa ay taagereyso in dalka maalgashi lagu sameesto.
RBC Radio
——————————–
Xafiiska Wararka Muqdisho












[...] View article: Maxjar Xoolaha Laga Dhoofiyo Oo Laga Sameeyay Muqdisho [...]
Waa muhiim Maxjarku laakiin yaa ka celinaya dhiig yacabka Shabaab?
Tan kale maalka meesha la galiyey Xalaal ma wada yahay?
Wanlaweyntii baa nagu soo baraarugay! kkkkkkk