Md: Shariif Oo Rajo Ka Muujiyay In Uu Markale Noqdo Madaxweynaha Soomaaliya
Muqdisho (RBC) Madaxweynaha DKMG ah Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in uu rajo weyn ka qabo in uu markale noqdo madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweynaha oo saxaafadda kula hadlaayay aqalka madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegay in uu isaga intii uu xukunka hayay uu qabtay waxyaabo badan oo horrumar u leh dalka.
“Anniga si weyn ayaan ugu kalsoonahay in aan ku guuleesto doorashada madaxweynaha Soomaaliya ,” madaxweyne Sharif Sheikh Ahmed ayaa u sheegay saxaafadda.
Madaxweyne Shariif ayaa ku sababeeyay in ujeeddada uu u tartamayo markale ay tahay in aysan kala dhantaalmin howsha uu qabtay mudadda afarta sanno ee xilka uu haya.
Waxa uu yiri “Annaga waxa aan qabanay wax-yaabo badan, xitaa dowladda soo socota hadda wax bilow ah uma immaan doonta ugu yaraan iyadoo heykal dowladnimo uu dhisan yahay ayey ku soo aadi doontaa”
Waxa uu sheegay in dowladiisa mudadii ay jirtay in ay ku guuleesatay in magaalada Muqdisho ay ka saarto Al-Shabaab, magaaladana ay hadda isku diyaarineyso inay martigaliso in ay ka dhacaan doorasho rasmi, in hadda lagu shaqeenayo xarumaha dowladda iyo dib u dhiska ciidamadda dowladda oo meel bilow ah laga soo bilaabay.
Madaxweynaha ayaa sheegay in sida la isku raacsan yahay 25-ka bishan in uu furmaayo shirweynaha lagu ansixinayo dastuurka cusub ee dalka Soomaaliya uuna socon doono muddo toddobaad ah.
Wax yaabaha la weydiiyay waxa ka mid ahaa in halkii ay ku dambeeyeen wadahadalada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland? waxana uu yiri hadda waxa lagu howlan yahay oo shaqada xoogeeda la isugu geeyay siddii loo dhameenn lahaa xiliga kala kumeel gaarka, marka ay dhacaan doorashada ayaa dib loo bilaabi doonaa” ayuu yiri madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo saxaafadda gudaha iyo dibedda kula hadlay xafiiskiisa.
Si kastaba, waxa soo baadanaya maalmihii u dambeeyay musharraxiinta u taagan xilka madaxtinnimo ee dalka Soomaaliya, waxana ka mid ah madaxweynaha, ra’iisal wasaaraha iyo afhayeenka baarlamaanka iyo kuwa kale oo badan.
RBC Radio
———————–
Xafiiska Wararka Muqdisho











[...] View the original here: EU Expands Sanctions Against Somalia By Targeting Charcoa Trade [...]
ma u malaynaayo in la soo dooranaayo shariif
umalynmaayo in shiekh sharif soo labanayo. sabto ah waxyaalo badan baa qaldan oo dowladu ku kacday inta saxan iyo inta qaldan inta qaldan baa badan oo sab unoqotay aqoondari ka haysata dhinacyo badan. dowlada KMG somaliya hada jirtay waa la ogyahay waxay ku timi oo ku dhalatay sheikh shariifna lagu doortay. waxay ahayd usaga oo loo arkay xiligaas in lagu dejinkaro caasimada isla markaas mesha loga saari karo koxaha ku dagalamayaa diinta ee markaas ka jiray. runtii waxbadan waa isbedeleen. dowladuna waxay ku guulaysanwayday inay hanato nabadgelyada dalka siiba konforta somaliya. hada madaxda iyo dowlada waxaa ilaaliya kaare Amison leedahay majiraan ciidan somaliyeed oo u shaqayaa qaab wanaagsan la iskuna halaynkaro. hada muqdisho waxaa lagu jogaa oo dowladu ku jogtaa oo martidu ku jogtaa waa Amison. dowlada sharifna mahan Amison . waa inay wax ay ledahay keensato.
teeda kale shiekh shariif waa shaqsi jirjiroole ah. hadaba geedfuula. umna wanagsana mustaqbalka somaliya nin aan aqoonsare lahayn wadani na aan ahayn xiligaan xun ee lagu jiro.
waad mahadsantiihiin