Md Shariif : Waqtigii Nabadda Ayaan Joogna Waxa Aan U Baahanahay In Fursad Nala Siiyo
Muqdisho (RBC)Madaxweynaha DKMG ah Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo shaley ka hadlaayay munaasabad uu ku soo bandhigaayay musharaxnimadiisa ayaa waxa uu ka hadlay arrimo badan.
Hadaba Shabakadda Raxanreeb ayaa idiin soo koobeysa nuxurka khudbadii Madaxweyne Shariif
Qeybta koobaad hadalka Shariif
Madaxweynaha oo labadiisa garab taagan yihiin xaasaska uu qabo ayaa ugu horreyn ka hadlay warka soo baxay kooxda dabagalka Soomaaliya oo sheegay in madaxda dowladda uu ka mid yahay in ay lunsadeen dhaqaalo badan iyo in uu isaga gabaadsiiyay mid ka mid ah ragga ugu sareeya burcad-badeeda isla markaana uu siiyay basaboor caalami ah oo heer dipolomaasi
Madaxweyna ayaa si weyn u beeniyay eedaha lagu shaaciyay warbixinta ka soo baxday Monitoring Group ee cunaqateynta Soomaaliya iyo Eritrea ee sheegaysa in isaga iyo madax ka tirsan dowladiisa ay lunsadeen hantida dadweynaha.
Waxa uu guddiga ku tilmaamay kuwo cadow ku ah Soomaaliya isagoo madaxa guddigan oo lagu magacaabo Matt Bryden ku eedeeyay inuu ka shaqeeyo kala qeybinta Soomaaliya.
Sheekh Shariif wuxuu sheegay in ujeedada kal danbeysa warbixintan ay tahay sidii loo dhaawici lahaa sumcada dowladda isla markaana loo weecin lahaa xilliga kala guurka.
Muxuu ka yiri marxalada hadda la marayo
Madaxweynaha ayaa sheegay in maanta meel fiican ay marayso Soomaaliya waxana uu yiri “Waxa aan shaki ku jirin marxalada aan ku jiro in ay tahay marxalad aan ka gudbeyno KMG ah, waxa aan u gudbeenaa marxalad caadi ah, taas waxa aan aamisanahay in shacabka soomaaliyeed ay tahay munaasabad cusub, oo la mid munaabsada 1-da luuliyo oo kale”
Wuxu yiri annaga ayaa aqoon u leh Soomaaliya marka waa in marlabaad fursad lana siiyo, Waxa uu sheegay in uu doonayo in la sii ambaqaado waxa hada socda in markale fursad la siiyo.
Wuxuu uu sheegay dadkii ka soo qeybgalay munaasabada olalihiisa in dalka aan lagu tijaabin dad aan aqoon badan u lahayn, isagoo sheegay in wax badan dalka ka ogyahay xaalada uu maanta marayo.
” Waqtigii nabadda ayaan joogna waxa aan u baahanahay in fursad nala siiyo”
Wax aan doonayaa kaliye. “Waan ka tagi doonaa annaga halkan, mustaqbalkana waxa aan u diyaarineynaa kuwa naga yeryer iyo carruurteena ayaan u diyaarineynaa, meesha ma sii joogi doono
Odayaasha dar-daaran uu siiyay
“Odayaasha waxa laga yaabaa in ay ku soo noolaayeen daruufo aad u fiican, annaga waxa aan la kulanay bush iyo bac marka waxa aan u diyaarsanahay in aan wax sameeno” ayuu yiri
waxa aan rabnaa in aan ka faa’ideesano godadkii dadkii naga horeeyay ay ku dhaceen si aan qaranka markale nooga dumin
Muxuu ka yiri wax yaabaha u qabsoomay
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladiisa ay xoogga isugu geesay siddii dalka looga xoreen lahaa kooxaha xiriirka la leh Al-Qaacida iyo Al-Shabaab, waxa uu sheegay in dowladiisa loo dhigay dibin-daabyo ballaaran laakin ay ka gudubtay oo ay ka tallaabsatay.
Wuxu yiri waxa aan dalka imid iyadoo xabadda ay ka socoto aqalka madaxtooyadda Villa Somalila. laakin maanta magaalada Muqdisho waxa ay matigalineysa doorashadii ugu horeysay ee xor ah oo dhacday 42-sanno kaddib, waxa sido kale in ka badan 21-sano ku shiraya odayaal iyo cuqaal doonaya in ay ka arrinsadaan aayaha Dalka.
“Waxaa farxad ii ah anniga iyo shacabk Soomaaliyeed in magaalada Muqdisho ay isku diyaarineyso in ay doorashooyin ka dhacaan 42-sano doorashooyin xor ah 20 sano iyo wax k abadan in odayaasha iyo wax-garadka ay halkan ku shiraan.”
Waa uu sii hadlay “Taas waxa aan ammisanahay in ay shacabka Soomaaliyeed u tahay munaasabad cusub, sida ay munaasabad noogu tahay 1-da luuliyo waxa munaasabad noo ah 20-sanno kaddib ama 20-sanso wax ka badan in aan ka gudubno KMG ah una gudubno dowlad caadi ah.
Muxuu ka yiri dowladnimada
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in baahida dowladnimo ay garanayaan waxana uu yiri: Baahida dowladnimo loo qabo annaga ayaan fahansan marka waa in annaga markale fursad nala siiyo”
Mar uu ka hadlaayay waxa uu ka rabo Soomaaliya wuxuu yiri: “Waxa aan rabaa in aan katago dalka oo nabad ah, iyo in aan annigoo baakoorteyda wada aan aadi karo meesha aan oo la idhaho waa madaxweynihi hore Soomaaliya intaas kaliye ayaan doonayaa
labada Xaaji ee xaasaskeyga waxa aan u sheegaa hadda in dhaqaale badan la heynin hadda laakin kaliye ay ku koobnaadaan lacagta biilka, sidaas ayaan u sheegay, waa kuwan garabkeyga taagan”
“Dowladnimo lagu mushaaxo maanan arikin waqtigeeda hadda ayaa la joogaa” ayu yiri madaxweyne Shariif Sheekh Axmed
RBC Radio
———————————
Xasfiiska Wararka Muqdisho












sharaflaaweyaal waamaxay naagahaan sida salamka meesha ku qalalaley ma waardiyaal baa naagahaan wax la latiyo ma waayeen mise sharaf bay u maleeyeen
horta madaxda dalka inay wax dheceen shaki kuma jiro balse anigu siyaasada kooxda monitoring group ayan aad uga shakisanahay waayo ninka madaxda u ah waa nin qaba gabar somaliland u dhalatay wuxuna geed-dheer iyo mid gabanba u fuulay suu somalia ukala jar-jari laha taas waxa kasii daran sheekadu waxay u muuqata tii maxkamaha oo kale oo markay guulaysteen lugaha loo bixiyay dadaalkodina laga dhigay hal bacad lagu lisay marka UN ka yeelo mayno in wixi qabsoomay oo somali u qabsoomay oo dhiig ku daatay ay noqdaan hal bacad lagu lisay oo maanta iyo kow la yiraahdo balse aad ayan usoo dhawaynaya inay meesha baneeyaan madaxwayne sharif iyo raysal wasaare gaas ba oo la helo dad cusub oo nadiif ah hadayse taas suutgali wayso yaan labadalin shariif ayan oran laha hadii la dono raysal wasaaraha hala badallo balse yaan lataban madaxwaynaha
Waxan shaki ku jirin Madaxweyne Shariif iyo Raisulwasarihiisa in ay somaliya ka qabteen howl ama horumar baaxadiisa aanan halkan lagu soo kobi karin, laakiin hadii mid iyo laba aan ka soo qaato, 21 sano kadib waxa uu ku gulaystay Madaxweynaha in dib loosoo celiya 4 ka mid ah 5tii nooc ee ciidamadda somalia ka koobnaayeen sida Bolis, Military, Nabadsugid, iyo kuwii asluubta marka laga reebo ciidankii Gulwadeyaasha. Tan labaad marka laga reebo amaanka dib u dhiska iyo horumarka ka socda dalka dowladani waa tii ugu horaysay ee ku guulaysata in wasaradihi dowladda dib ugu shaqeeyaan wasaaaradahoodii oo dib looga saaray dadkii degaanka ka dhigtay 21 sano ka dib, waa dowladii ugu horaysay Mohamed Siad Barre ka dib ee yeelata Telefishin iyo Radio intaa in ka baddan Magaladda Muqdisho gaari aan licence haysan amaba taargo kama shaqayn karo 21 sano ka dib. Isku soo wada duuboo Sheikh Shariif waxa uu astaan u noqday in uu yahay qof wax bedeli kara dadaka qaar waxa ay lahaayeen hadii uu Muqdisho nabad ka dhigay isagoo hogaaminaya maxkamadihii waxba kama qaban karo arinta somalia isagoo madaxweyna ah waayo dowladnimadu waxa ay u bahan tahay dadaal dheeri ah laakiin nasiib wanaag waxa uu mar kale ku guulaystay in uu dib u soo celiyo 21 sano ka dib Haykalkii Dowladnimo xaqiiqaduna waxa ay tahay in uu baal dahab ah ka galay taariikhda Somalia waayo waxa aan ka hadlayo ma, ahan iska hadal laakiin waa wax muuqda ee ruux walbaahi uu arki karo marka laga reebo ruux xaasidnimadu qalbiga ka dilootay laakiin waxa aan mararka qaar naftayda weydiiyaa ruuxa ka soo horjeeda qofka hormuudka u ah hurumarka iyo nabadda soo ifaysaahi muxuu doonayaa oo kale????? ma doqon reerkiisa ah ayuu u rabaa in uu soomaliya hogaamiyo haday doonto yeysan hagaagine mise cid walba oo wax wanaagsan qabata ayaa laga soo horjeedaa oo hadaan wax la qaban sidee xaalku noqonayaa? waxan ku soo gaba gabaynayaa xaaladda Somalia oo 21 sano ka dib, dib u hagaagtaahi waa arin aad iyo aad u farxad badan xaqiiqdiina waxa galay dadaal iyo karti hadan dowladda Sheikh Shariif dib u soo noqo waxan qabaa Shaki ah in dib loogu noqdo kala shaki iyo qabiil, is aaminid la,aan, dadki guryaha laga saaray oo dib ugu laabta iyo waxayaabo kale oo qarsoon.