Midkee Wayn Magaca Camuud iyo Xaqiiqda Waxbarasho ee Jaamacada taala?
Midkee wayn magaca camuud iyo xaqiiqda waxbarasho ee jaamacada taala? maxayse ku mudatay inay noqoto jaamacada ugu tayada liidata ?
Maxamed Abiib Yuusuf.
Bulaawecade98@hotmail.com
Luulyo 08 2012
Akhriste, waxaan maanta qalinka ku nasinayaa kuliyadaha iyo hanaanka waxbarasho ee jaamacada camuud iyo sababta keentay inay noqoto mid lagu soo hungoobo oo qof walba oo soo dhex joogsadaa uu is waydiiyo camuudii aan maqli jiray ee magaca waynayd ma tanaa mise waa tu kale?
Guud ahaan jaamacada camuud sida aynu hore usoo sheegnay waxa aasaasay bulshada iyo aqoonyahanka reer awdal, waxayna ka jawaabeen oo kaliya jaamacad ma la furi karaa mise lama furi karo, laakiin kamay jawaabin muxuu yahay sharciga iyo siyaasada lagu hagayaa taasina waa ta camuud dhaxalsiisay inay gasho gacan arxan daran oo aan habeen kaliya iswaydiinayn maxay inoo qabsoomay maxaase inoo qabsoomin.akhriste aan kuu sheegee jaamacada camuud ee aad maqasheen ama aad aragteen malaha gudi sare (board committee) oo ka madax banaan maamulka jaamacada haday tahay mid dawladeed iyo mid bulshoba, taasina waxay camuud dhaxalsiisay inuu majaraha u hayo Prof. saleebaan ahmed guuleed oo siduu doono ugu tagri fala guud ahaan maamulka jaamacada.
Sidaan ka war qabno waxa jira gudi sare oo ka kooban odayaal oo haba yaraadee uuna ku jirin hal qof oo aqoonyahanii, nasiib daro gudigaasna waxa maamula prof. saleebaan oo ciduu doono ka erya ciduu doonana ku soo kordhiya, halkii ay ka ahaan lahayd inuu boodhku isaga maamulo oo uu hago hiigsiga iyo himilooyinka ay jaamacadu leedahay. Sidoo kale jaamacada camuud malaha xeer hoosaad uu dajiyay gudi sare oo awood lihi haday tahay mid dawladeed iyo mid bulshoba taasina waxay keentay in la garan waayo xagee loo socdaa.
Maanta jaamacada camuud waxay maraysaa 11 kuliyadood oo dhamaantood lagu diyaariyo shahaadada degreega ee afarta sano ah, waxaana dhigta arday tiradoodu dhan tahay ku dhawaad afar kun (4000) oo ka kala imid guud ahaan gobolada somaliland iyo soomaliya oo aan haysan macalimiin ka haqab tira waxbarashadii ay filayeen ee ay camuud ku tuhmayeen, taas oo uu sabab u yahay maamulka jaamacada camuud oo ka cayriyay jaamacada cid kastoo aqoon la bido oo aan qaar kamidana ku soo sheegnay maqaladii hore, taasoo badalkeeda uu ka dhigay inay jaamacada wax ka dhigaan qaar ka mida ardayda ka baxda jaamacada oo iyagna lagu qaato dhabar taabasho qabiil ku dhisan oo dhamaantood haysta shahaadada afarta sano ee (degree) marka laga reebo tiro kooban oo shahaadada masterka ku soo qaatay Uganda oo iyagna ku milmay maamul xumada ka jirta jaamacada camuud, sidaana wuxuu Prof. saleebaan u yeelay laba sababood:
1- Inaanuu camuud joogin nin la darajo ah oo la aqoon ah isaga oo ka hor yimaada ku tagri falka awoodeed, maamul xumada, iyo musuqmaasuqa ku tiirsan reernimada ee horumar diidka ah.
2- Inuu hoos u dhigo mushaharka iyo kharashaadka ku baxaya barayaasha aqoonta sare leh sida masterka iyo PHDda oo uu ka fikiro ninka PHDda ama MA ah ee aqoonta sare lihi uu halkii course ku bixinayo $150 halka uu ka degreega ah uu ka siiyo $100 ama $80.
Sidoo kale, intay jaamacada camuudi jirtay waxay fursado waxbarasho oo ay dibada ka heshay u dirtay tiro dhan 18 arday, fursadana waxay ahayd inay ka faa’idaystaan ardayda ugu sareeya kuliyadaha kala duwan sida ay afka ka sheegaan, balse taasi may dhicin oo waxa lagu xulaa reernimo, walina may dhicin maamulka camuud oo diray arday aan reer awdal ahayn, iyadoo ay jiraan arday soo maray ilaa maantana dhigta oo kuliyada ay ka tirsanyihiin qaar kood hogaamiya xaga kala saraynta dhibcaha (GP) oo xaq u lahaa inay ka faa’idaystaan fursadahaa waana nasiibdaro aan ka xumahay ee haloo gurmado camuud. Iskadaa arday ka timid gobolo kale oo fursadaa la siiyee waxa aan usinayn reer awdal, oo sided iyo tobonkaa arday ee aynu kor ku soo xusnay ayaa afar iyo toban ka mid ahi ay ka soo jeedaan haybta Prof. saleebaan afartaa raacayna waxay ka tirsanayeen labadii difcadood ee ugu horeeyay waana rag aan laqarin Karin oo wax ka cadcad, Waxana kamida Prof: Omar Ali Abdilaahi(vice- president of academic) iyo Prof: Radwan Maxamed Cisman( oo hada shahaadada PHD ku diyaarinaya jaamacada Cambridge university ee magaalada london).
Lacagta la kordhiyay iyo macalimiinta degreega ah waxa ardayda u dheer, ma jiraan buug ay wax ka akhriyaan ama ka diyaariyaan marka laga reebo buug tiro yar oo duuga oo bilawgii hoolka akhriska la dhigay oo ay ardaydu ku wareeraan markay wax uga baahdaan taasina ay ku kalifto inay galaan shabakada internetka marka wax soo baadha la yidhaa (assignments) oo ay kaga baxdo semester kasta lacag u dhiganta amaba ka badan ta laga qaado (tuition fee) ee hooyo iyo aabo taasina mayna ahayn culays kale oo ku saran?.
Hadaba markay ardaydu waydiiso maamulka jaamacada buugtay u baahanyihiin, waxay ku jawaabaan waxay yaalaan istoodhada lamana fiqi karayo!!!, qolka akhriska noosoo dhiga markay ardaydu yidhaahdaana, waxay ku jawaabaan lama hayo hool iyo khaanado ku filan buugta, ( oo waxaan xasuustaa sanadkii hore in maamulka kuliyada waxbarashadu u soo jeediyay ardayda dhigata kuliyadaa inay bixiyaan lacag lagu sameeyo khaanado buugta la dhigo ayna buugta ka soo foqaan istoodhada ay ku jiraan) waa nasiib daree hagaajinta iyo salixida wixii buug loo baahanyahay iyo goobaha lagu akhrisanayo ma ardaygaa xaq loogu leeyahay mise jaamacada?.
Sidoo kale, jaamacada camuud ee afar iyo toban jirsatay wali lama hayo wax cilmi baadhis ah oo ay samaysay iyadoo ay jiraan dhacdooyin togan ama taban oo ka dhacay Somaliland iyo deegaanka ay ku taalaba waxaana ka mida beeralayda oo mar walba ay ka horyimaadaan dhibaatooyin sida kuwa caafimaad iyo dhibaatooyin kaloo ka mida arrimaha bulshada oo u baahan cilmi baadhis iyadoona ay jirto kuliyadii lagu baranayay culuumtaas, balse nasiib daro maamulka jaamacadu maba hadal hayo oo waxaad moodaa inay wali ku jirto sanadihii ugu horeeyay ee bilawgeeda oo wali wax horumar ah may samayn, Bulshadana waxa qanciyay magaca iyo xaflado qurux badan oo la sameeyo.
Akhriste, waxaad ogtihiin in jaamacada EELO kuliyadaheeda ITga iyo Engineeringka ardaydii ka baxday ay bulshada ku soo kordhiyeen faa’idooyin ku saabsan wixii ay barteen sida: ardayda kuliyada ITgu waxay dhiseen barnaamuj (database) ay isticmaalaan shirkadaha iyo xafiisyada dawlada sida barnaamuj software ah oo ay u sameeyeen dekada berbera, dhakhtarka dhexe ee boorame, iyo saldhiga dhexe ee borame kuwaasoo ku kaydsada macluumaadka iyo xogoha hawlmaalmeedkooda. Halkaa inay gaarana waxa u fududeeyay macalimiinta tayada leh ee ka keeneen gudo iyo dibadba,sidoo kale waa macquul inay jiraana jaamacado kale oo iyagna heerkan gaaray, ee camuud maxaa u diiday inay qaadato macalimiin tayo leh?
Gabagabadii waxan umalaynayaa inay akhristayaashu ka jawaabi karaan sobobta camuudi ku noqotay jamacada ugu tayada liidata iygoo ka duulaya sobobaha aynu xusnay iyo qaar aynaan xusinba, soomaliduna waxay tiraahdaa (arrin daro abaar ka daran) ee waxaan ugu baaqayaa dhamaan shacabka Somaliland inta horumarka iyo wanaaga jecel in la ii markhaati kaco hadaan sax sanahay, hadii aan khaldanahayna la iqabto.
La soco Qaybaha danbe…………………..
Qalinkii: maxamed abiib yuusuf.
Tell: 4454230.
Email: bulaawecade98@hotmail.com
========================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM











run ahaantii jaamacadaas somalida dhex-deeda subcad magac ayeey ku leedahay lakin waxan oran laha dadka mamulla jamacadaas habeeya oo tayeeya yaysan idinka hormarin jamacadaha kale dalka sida east africa university ama hargaysa university ama muqdisho university oo lately magac wayn usoo jiiday ummada somaliyeed wayo muqdisho university waxay gashay jamacada 30aad ee africa ayadoo ka hor martay nairobi university iyo kuwa kaloo badan marka aqoonta ha lagu tartamo
indr waad khaldan tahay ….ceeb teena maxaad ========== ugu sheegaysaa maba ogola somaliland oo aad website koda u soo galisey
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk war hprumar ayaa laka fakarayaa amoudna wuxuu ka fakarayaa soomaliland iyo waxaan loo joogin ,wuu saxanyahay maxamed abib in wax la saxo ayuu rabaa ,teeda kale sxb ninkan la baxay amoud waxii ku qarsada way ku qarsadaan ,in hada halkab laga sheego oo daawo loo helo waxaaay ka fiicantahay inaad wariso oooo waan la ogaan bro iska saar cuqdada soomali waa soomali ama soomaliland , puntland ,muqdisho intuba waa soomalia ……… wcs
meelaan doowlad sharciya kajirin waxa kasoobaxa waa halbacaad lagu lisay ,jaamacadda layiri nayroobi jaamacaddeedeey kasaraysaa oo waxay gashay nambarka 30 aad waa been waligood wadamada horumaray astaatiko aan jirin bay sheegaan, oo burburka iyo baahida iyo cudurada iyo dagaalka kajira xamar baa lagusii muraalgalinayaa, haddaba soomaalaay waxaad wax kunoqon kartaa waa qaran doowliya oo aad hesho maahan reer hebel haddaba hadaad rabto aqoon iyo nolol aayatiin leh waxaad raadisaa dawlad saxa….wabillaahi toowfiiq
waxaa ii muqata wixii somali daashatay oo aheyd cadaawonimo pro saleban wax qabadkiisa waan aragnaye qoraagow umada maxaa ku kordhisay mise qolyihii wanaaga diiddey ayaa tahay wixii wanaagsanba ka soo horjeesta
wabsite tabloid ah in uu raxanreeb yahay haday cadaatay oo u badheedhay in uu naga dhaadhiciyo war aan jirin,ceebay tacaal
Prof. Sulaymaan Guuleed wuxuu ahaa macallinkayga maaddada Waxbarashada iyo Saykoolojiga.
Kadib waxaa loo magcaabey hormuudka Kulliyaddii Lafoole 1981kii.
Waxaana lagu yiqiin oo uu ahaa aqoonyahan asluub wanaagsanoo haybad gaar ah leh. Maamuulwanaagna waan ku ogaa.
Soomaaliduse waxaa lagu yaqaan inay cambaareyso ruuxii mas’uuliyad ama maamul u qabtaa.
Prof. Sulaymaan wuxuu ka soo billaabey Jaamacaddan meel eber ah isagoo kaashanaya aqoonyahanno kale iyo dadweynaha reer Awdal. Dadku maalqabeeno ma aha, gayigu hodan ma aha, dawlad saaciddaa maleh. Duruufaha jira iyadoon la koobi karin haddana heerka ay Camuud mareyso maanta waa wax lagu faani karo.
Waxaa isweydiin mudan xaggee laga keenayaa dhaqaale ku filan Jaamacadda oo ka haqab tirayaa wax walba oo loo baahanyahay si ay u noqoto tayo ahaan mid la siman jaamacadaha horumarey ee caalamka.
Sidii loo jabaa loo dhutiyaaye, haku eedeyn Prof. Sulaymaan, muxuu Camuud ula simi waayey Oxford iyo Harvard Universities?.
Salaan iyo Bogaadin waxaan u dirayaa Prof. Suleymaan Axmed Guuleed.
Thanks.