Midowga Afrika Oo Cambaareeyay Isku-dayga Lagu Carqaladeynayo Nabadda Soomaaliya [WAR SAXAAFADEED]
Muqdisho(RB ) Wakiilka midowga afrika u qaabilsan Soomaaliya Boubacar Diarra ayaa cambaareeyay dilkii loo geystay wasiirkii hore ee ganacsiga. Wasiirka ayaa lala beegsaday qarax isagoo Muqdisho jooga.
Wasiirkii hore Mohamed Abdinur Garweyne ayaa lagu dilay qarax ka dhacay Muqdisho ee agagaarka Hotel Bin Ali ee Xamarweyne waxaana lala dhaawacay lix qof oo ay wada socdeen.
“Waxaa arin laga naxo ah in bisha Ramadhan ka hor ay mucaaradka weeraro qaadaan iyagoo carqaladeyn rabo geedi socodka nabadda isla markanaa an wax naxariis ah u heyn dadka shacabka”, ayuu yiri Diarra.
“Xiligan xasaasiga ah iyadoo Soomaalida ay isu diyaarinayaan inay ka baxaan marxaladda kumeel gaarka ah, AMISOM way sii wadeysaa intii karaankeeda ah inay garab gasho ciidamada booliska Soomaaliyeed si ay u yareeyaan khatarta weerarada”, ayuu raaciyay.
“Waxan tacsi u direynaa ehelada marxuumka allena uga baryeynaa caafimaad deg deg ah kuwa dhaawacmay”,
Wakiilka wuxuu ka digay inkastoo Muqdisho ay xasiloontahay, balse khatarta weerarada ismiidaaminta ah ay weli sii jiraan. Wuxuu ku booriyay shacabka iyo madaxda dowladda inay taxadar sameeyaan.
Waxaa kaloo uu sheegay in AMISOM ay sare u qaadeysay tayada booliska Soomaaliyeed iyagoo awood u helay inay fashiliyaan weeraro badan oo ay mucaaradka qorsheeyeen inay ku soo qaadaan caasimadda.











maxay u difaacayaan midowga africa nimankaan tuugada ah,waxaan rabaa inaan u sheego ruux kasta oo damiir leh oo somaliyeed maxay lacag ku qaataan amisom,laba somali ah ayaan kala celineeynaa
hadii somali heshiiso oo la waayo wax la kala celiyo shaqadoodii meeshaas ayey ku dhamaatey marka
waxay heli karaan kuwa ay waardiyeeyaan una sheegaan waxa ay rabaan,
NIMANKAAN QANDARAASKOODA INUU DHAMAADO MA RABAAN SIDAAS AYEY U DIFAACAYAAN TUGADA TFG.
ALI,qof dhintay wax xun lagama sheego,dad bay tacsidisa utaal oo u ooyaya marka ka dhaaf afxumada pls.