Midowga Yurub Oo Markale Ugu Baaqay Madaxda Soomaalida In La Fuliyo Soo Afjarida KMG Ah


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (RBC) Wasiirada arrimaha dibedda Midowga Yurub ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Brussels ee dalka Belgium, waxa ay ugu baaqeen markale in madaxda dowladda KMG ah ay ka dhabeeyaan fulinta heshiisyada la xiriira soo afjaridda xiliga Kumeel gaarka oo ku eg 20-ka August ee sannadkan.

Kulanka wasiirada arrimaha dibedda ayaa sidoo kalewaxay isku raaceen inaan la qabali karin in xiliga kumeel gaarnimada la kordhiyo.

War-saxaafadeed ay soo saareen ayaa sidoo kale waxa ay baaq u direen odayaasha dhaqanka ee ku shiraya Muqdisho, iyagoona ku tartarsiiyay inay soo xulaan gudiiga ansixin lahaa destuurka la rabo in loo sameeyo Soomaaliya, iyo in sida ugu dhaqsiyada badan ay u kulmaan guddigaasi

Wasiirada ayaa hoosta ka xariiqay in dib-udhacyada soo wajaha howlaha hadda socda ay halis gelinayaan sharicyada hanaanka lagu soo gaba gabeynayo kumeel gaarnimada ee ka soo bilawdey heshiiskii Garowe 1 ee kal hore dhacay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland iyo kuwii kale ee ka dambeeyay.

Ugu dambeyn waxa Midowga Yurub ay tallaabo horrumar leh ku tilmaameen in dastuurka cuusub uu ku qornaan doono in dumarka hay’adaha dowladda laga siiyo 30 , laakin waxa ay lee yihiin waa in la fuliyaa ballan qaadkaas.

Hadalka midowga Yurub ayaa ku soo beegmayaa iyadoo uu tira ka seddax jeer uu baaqaday shirkii guddiga ansixinaya dastuurka Soomaaliya, taas oo ay dowladda KMG ah u sababeesay in uu dib ugu dhacay cilado farsamo, laakin ugu dambeen la qaban doono arbacada bari oo ay bisha ku beegan tahay 25-ka bisha July 2012.

Si kastaba, waxa hadda soo baxeysa in uu jiro khilaaf hore leh oo soo dhex-galay dowladda KMG ah iyo odayaasha dhaqanka, taas oo keentay in shaley shirka ay isaga baxaann labo oday dhaqameed, kuwaas oo sheegay inaysan ku qanacsaneen sida ay hadda wax u socdaan.

RBC Radio
—————————
Xafiiska Wararka Nairobi

Share

Tags:

1 Response for “Midowga Yurub Oo Markale Ugu Baaqay Madaxda Soomaalida In La Fuliyo Soo Afjarida KMG Ah”

  1. Bashir says:

    Caqli gal ma ahan in Midowga Yurub uu nagu dirqiyo in la ansixiyo Dastuur uu ku qoranyahay qodob lagu dhacayo dhul badeedka Soomaaliyeed ayadoo la iska indhatirayo oo la leeyahay KMG ayaa laga baxayaa. Dastuurka Soomaali baa iskaleh ee Shirkadaha batroolka oo raba in aay na boobaan
    Yaa la yeelin. Boobkani waxuu salka ku hayaa heshiiskii IS-AFGARARAD ee badda Soomaaliya oo loQoraallo La Xiriira
    Talyaaniga oo ku soo biiray Boobka Badda Soomaaliya (Blocks L21, L23, L24 oo ah Gudaha
    Soomaaliya oo Kenya heshiis shidaal baaris kula gashay shirkadda ENI)
    Dastuurkii Lagu Soo Saxiixay Nairobi oo Muran Gelinaya Dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya
    I AM NOT A SPOILER  –  (MA IHI  QASWADE)
    Kenya oo Xubin ka noqotay  Guddiga Xadaynta Badaha Adduunka ee Qaramada Midoobey
    QM oo Heshiiskii Is-Afgarad ee Badda (Somalia & Kenya) ka dhigay Waxba kama Jiraan….

Leave a Reply