Mindidii Nalagu Gawraci Lahaa Gacantiiney Ku Jirtaa W/Q Cabdullaahi Siyaasi


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Fariin deg deg ah oo ku socoto– Odayaasha Dhaqanka Somaliyeed Mindidii Nalagu Gawraci Lahaa Gacantiiney Ku Jirtaa
Abdallah Moallim Mahamud
Moallem10@hotmail.com
Luulyo 12 2012

Fariintan ma ahan in aan idin tilmaameyno hawshiina balsa waxay tahay in aan idinku wargelineyno la socoshada in shacabkiina idin ku garab-taagan yahay hawsha aad u joogtaan magaalada Muqadisho haddeer. ummaddan aad hogaanka u tihiin ma diidano dastuur ,ma diidano in ay dowlada Somaliyeed ka baxdo ku meel-gaarnimada ,ummaddan ma diidano tilaabo walba oo ummaddeena u horseedayso horumar iyo in laga baxo dowlad la’aanta mudda dheer ku habsatay ummaddeena.

Cabdulaahi Siyaasi

Hawsha la idiinkugu yeeray waxaa lagu sheegay saddex shay ,1- in aad kullankiina uu ka soo baxo ergadi ansixin lahayd dastuurka qabyo qoraal , 2 – in aad soo xushaan barlamaanki fadhi u noqon lahaa dowlada la rabo in ay dalka kaga baxo ku meel gaarnimada iyo beryahan mid saddaxad oo lagu soo daray hadalkaas oo iyada ah 3- in taladiina la dhegaysanayo keddib kolkaad la soo baxdeen indha wax arko iyo adeegsiga masu’uuliyadi aad ummadiina u heysaan oo iyada aanan ahayn mid aad uga baahan tihiin in ay idiin tilmaanto cid kale.

Dastuurkan ruuxi doono ha soo daabaco ,haddeer waa idin horyaalaa ,waxaana lagu sheegay in uu yahay ku meel gaar iyo in uu yahay dastuurki lagu dhaqi lahaa umadda Somaliyeed oo aad idinka caqli ,hormood iyo fadhiba u tihiin.

Isxasuusin waxaa haddeer ka jirto waddanka dowlad ku meel gaar ah ,xaqiiqada dhabta ahsa hadalkaas ma sugno ,waddanka dowlad awood leh ama si hufan u shaqeyn karto kama jirto ,waayo dowlad waxay dal ka jiri kartaa oo kaliya kolki uu waddanka leeyahay hay’ad sharci dejin oo isla markaas ilaaliso habsami u socodka hawlaha dowlada ,dowlada Cabdiweli Gaas madaxda ka yahay haddeer ma-jirto cid xisaabisay tan iyo marki lagu hor-dhaariyay barlamaanki ku meel gaarka ahaa ee burburay ,ileen barlamaanki waa la kale diray kolkuu ku gacan seyray sii ahaanshaha Sharif Xasan afhayeenka barlamaanka ,taasna waxay sababtay in si aanan toos ahayn loo kale diro barlamaanka.

Haddaba haddii uunan waddanka ka jirin barlamaan ilaaliyo dowlada dalka maamusho ,mid kalana la rabo la soo dhiso oo weliba aanan ahayn ku meel gaar ,meshaas waxaa muuqdo In uu jiro firaaq maamul sharci dejin , firaaq maamul marku waddan ka dhaco ,lana haayo odayaasha dhaqanka oo ku kulansan gogol kaliya ,odayaasha dhaqanka ayaga ayaa ah hay’ada u sareyso waddanka tan iyo inta laga helayo dowlad si toos ah iyada ula wareegto maamulka dalka oo si sharci ah ku timaado.

Odayaasha dhaqanka waxaan ka codsaneynaa in aynan soo xulin ergadi looga codsaday ansixinta dastuurka ilaa iyo inti laga saarayo dastuurka waxyaabaha ay iyaga iyo shacabkooda u arkaan waxyaabo ka hor’imaanayo diinta islaamka iyo dhaqankeenaba. Cidi aan taa ogolayn ma ahan cid si dhab ah ugu istaagtay in ay naga kaalmeyneyso sidi ummadda Somaliyeed uga bixi lahayd dowlad la’aanta ku raagtay waddankeena.

Ma jirto cid qasab iyo jajuub idinku leh ,waddanka annagaa leh ,gogasha la fadhiyana annagaa leh ,waa soo dhaweyneynaa dowladaha iyo hay’adaha diyaarka u ah in ay nagu garab-istaagaan dib u yagleelida dowlad Somaliyeed, laakin tan macnaheeda ma ahan in aan ka xishooneyno ama aan ka gaabsaneyno diidmada wixi ka hor’imaanayo maslaxada guud iyo mida gaar ee ummaddeena mustaqbalka dhow iyo midka fogba.

Odayaasha Dhaqanka waxaa idin soo xasuusinaynaa saddexda shay ee la idinkugu yeeray magaalada muqadisho in ay la jirto mid afaraad oo idinka xil gaar ah idinka saran shacabkiinana idinku garab taagan yahay in aad ka soo baxdaan xilkaas, iyadana 4- waa in aad leedihiin bedalaada wax walbo oo dastuurka ku jiro ee ka hor’imaanayo shareecada islaamka iyo dhaqankeenaba, cidi taa ka hortimaadana waxaan u aragnaa in ay ka hor’imaaneyso si cad oo aanan gambad lahayn dowlad quman oo dalkeena ka ambaqaado.

Beryahan waxaa jiro oo aanan qarsoonayn dowlada Kenya oo aan deriska nahay ,badanaana waxyaabaha dalkeena la rabo in laga hergeliyo waddankeeda lagu soo diyaariyo in ay ku hawlan tahay boobka baddeena iyo fargelinta maamul loo sameeyo goballada garabka ku haayo xuduudka ay la leedahay dalkeena si ay halkaa uga hesho dana gaar ah oo aanan dan ugu jirin ummaddeena , waxaa intaas u sii dheer in dastuurka waddankeena haddii haddeer sidiisa lagu ansixiyo uu ku jiro qodob fududeynayo in ay si sahal ah ula wareegto qeyba ka tirsan baddeena .

Waxaa kale oo dastuurka ka buuxo waxyaaba badan oo meel ka dhac ku ah diinteena iyo dhaqankeena ,Soomaliweyna aanan u qaadmin sidaas darteed masiirka ummadda maanta in la bilo iyo in hoos loo dhigo wuxuu ku jiraa gacantiina , haddii aan si kale u-dhigana mididi nalagu gawraci lahaa waxay ku jirtaa gacantiina . taariikhda Somalida baal dahab ayaad ka geli doontaan haddii aad ku dhegtaan wixi u dan ah ummaddiina haddii aad ka gaabisaan waxaad taariikhda ka geli doontaan baal madow, wallow ummaddiiina ay idinku qabto kalsooni balaaran maadaama ilaa haddeer wararka idinka soo yeerayo ay ka tarjumayaan in aad si qurux badan u daafacdeen danti ummadiina, waxaana idinka rajeynaynaa in aad ku dhegi doontaan taa.

Aduunka Carbata fasaadi ay ku jireen dowladahooda waxaa bedelay shabaabkooda iyo shucuubtooda guud ahaan balsa annaga haddii aan nahay Somaliweyn rajadeena waa idinika oo bedelo masiirka xun oo aan dhaxdabaalaneyno , maanta aqoonyahankeeni iyo dadki laga sugaayay in ay dalka u istaagaan waxay badankooda ku hawlan yihiin hanashada kursiga ama maamulka u sareeyo dalka, sidaas darteed waxaa aad u sahlan in uu cadawgeena aamusiya iyaga, laaluushna uga dhigo fulaan ama fulaan waa adiga ninka aan rabno in aan beri la shaqeyno.

Waxaa hubaal ah dadkiinana aad ugu kalsoonyahay in aynan jirin waxaad ku bedelanaysaan haybadi mustaqbalka ummadiina iyo wanaagooda.

Fariintan ruuxi aqriyo oo odayaasha gaarsiin-karo si degdeg ah ,aad ayey ugu mahadsan-tahay falkaas.10/07/2012

Abdallah Moallim Mahamud
Moallem10@hotmail.com

========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

 

Share

Tags: ,

Leave a Reply