Muqdisho: Booliska AMISOM oo La Wareegaya Saldhigyada Booliska Iyo Booliskii DKMG ah oo “Magac u Yaal” Noqday
Muqdisho (RBC) Ku xigeenka wakiilka Midowga Afrika ee arimaha Soomaaliya Wafulu Wmunyinyi ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay in cioidanka booliska ee AMISOM ay si rasmi ah ula wareegi doonaan 16-ka saldhig boolis ee caasimada Soomaaliya usbuuca soo socda.
Wmunyiyi wuxuu sheegay in 1,500 askari oo ka socda AMISOM oo haddaba qaarkood joogaan Muqdisho dhowaan la geyn doono saldhigyada 16-ka degmo ee caasimada halkaasina ay ka hawlgeli doonaan si ay amaanka u sugaan una ilaaliyaan shacabka.
“Waxay hawshooda noqon doontaa ka hortagida dembiilayaasha, waxay sidoo kale caawin doonaan dadka barakacayaasha ee u baahan in la ilaaliyo” ayuu yiri Wmunyinyi oo wariyaasha kula hadlay xarunta AMISOM ee Xalane.
Sarkaal ka tirsan xafiiska qeybta booliska ee AMISOM ayaa Raxanreeb u sheegay in ciidamada booliska qalab loogu talagalay oo soo gaaray dekeda Mombassa laguna wado in isla toddobaadka dambe uu ka soo dego dekeda Muqdisho kaaasoo ay ku hawlgeli doonaan ciidamada AMISOM ee booliska ah.
AMISOM waxay horey u lahayd militari waxaana kaliya ay ku koobnaayeen ilaalinta xafiisyada dawlada iyo garoonka iyo dekeda iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, waana markii ugu horeysay oo boolis iyaga kasocda ay sheegaan inay geynayaan saldhigyada Muqdisho.
Shaqada booliska Soomaalida
Waxaa muuqata in su’aal ay ka taagan tahay waxa ay noqoneyso shaqada booliska dawlada Soomaaliya ee hadda sida gaabiska ah uga hawlgala saldhigyada booliska ee Muqdisho halkaasoo ay yar tahay inaad aragto ciidan rigli ah oo har iyo habeen shaqada ku jira. Askarta Soomaalida ayaa lagu dhaliilaa uu dilooday muqaadaraadka QAADKA oo ay isticmaalaan isla markaana aaney awood iyo tayo u lahayn inay amaanka sugaan, waana taasi mida keentay in boolis ajnabi ah ay ka hawlgalaan saldhigyada booliska ee caasimada dalka..
Booliska cusub ee AMISOM keeneyso saldhigyada ayaa qaban doona shaqadii booliska, waxayna noqon doonaan kuwa qoraya dacwadaha iyadoo u kala garqaadi doona dadka isdacweynaya. Waxay kaloo ciidankan booliskaa ah ilaalo siin doonaan qoysaska barakacayaasha ee la sheegay in gargaarka laga boobo dumarkana laga kufsado.
Sidoo kale warar ayaa sheegaya in booliska cusub ee AMISOM waajibkooda ay ku jirto inay u gurmadaan haddii qof uu deg deg ugu baahdo in la badbaadiyo sida wariyaasha haddii la soo weeraro xafiisyadooda ama goobaha ay ku shaqeynayaan, maadaama inta badan wariyaal lagu dilo magaalada.
Waxaa jiri doona saraakiil Soomaali ah oo caawin doona booliska AMISOM, iyadoo askar boolis ah oo cusubna tababaro la siin doono, sida ay Raxanreeb u sheegeen saraakiisha AMISOM.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












kkkkkkk dalku gumaysi ayuu ku jira hadana gumaysigu kala roone africaan bantuu ah haku gumaysato kkk
Heeheey war “Faanoole weli fara kama qodno” waxaa kaliya dhiman in hubka iyo dareeska laga dhigo Askarta soomaalida shacabka meel haku hagaagee waa la wareerey
Waa runtaa saaxiib maxaa yeelay waxaa la arkay dadnimo xumaadooda iyo wax tarid la’aantooda iyo dhacooda iyo dhibka ay shacabka ku hayaaan marka waxaan aragnay AMISOn inay shacab dhicin oona dhibaatayn sxb
Adduunka waxaan ugu nibcahay amxaaro iyo waxa raaca laakiin marka aan wadankaan arko iyo sida uu ku socdo iyo dadla’aantiisa baan is iraahdaa amxaaro ha dhaxasho intii dhulkeena uu asagu is dhaxlilahaa. wadankaas lurtiisa baa hadba laqanyo cusub igu kicisaa……..Allow maslaxada na tus!
Habartii Soomaaliyeed waxay tiri lugtaanay ninba marku qaad. well, nin ragay dardaraan u tahee doqoni waa moog e…..erayaddii…Sayid Maxamed.
maaanta eyeey somali u dhamaatwy markii ey shaqadii poliska soomaliya la siiyey ugaanda iyo burundi oo marka waxa xiga waa wasaaradaha in la keeno dad ajnabi ah
waaaaaw waaw waan soo dhawayneynaaa…………Dadkaan waxey ubaahan yihiin Kala danbeyn in la baro………Amisom……waligiiiin Muqdisho joogo…….
WALEE WAAYAAB MANA YARA WAR ADOON GAALO AH HAKU GUMAYSATO MAXAA KAXUN? AAYAR AAYAR AYAA LAYNOO QABSADAY ANAGANA WAXAA NALAKUDURAY IRBAD XANUUNKA GUMAYSIGA NA ILOWSIISA AFRIKAN AYAA NAGU BASHAALAYA WALAAHI WAANAGU DAADSANTAHAY !DHAKAFAAR BAL MEESHAY KUDANBAYSO AAN DHAWRO
waxaan rabaa inaan ogaado away poliskii la qoray xmar waxaa ay leedahay poliska ugu badan ee wadanka intisa kale mise waxa waa dhoolatus,away kuwii lageyay Turkish ma wadanka Turkish ayey ka tahriben,war soomaaliyeey xishooda oo wax kasta caawi maad ha kadoonina poliska xamar haday run katahay inay xamar nabad ka dhigaan way awodaan ee xamar waxay baratay sida loo tuugsado oo waxay qabankaran ay isku diciifiyaan aduunkana waxay tuseen in aysan waxba qabsan karin,Dowlada Uganda waa u faan inay saldhigyada xamar la wareegaan.
Waa yaab jareertani tartiib tartiib bay raban inay gumaysi na galeyaan…waxan waa inayno ka hortagno,atleast mar hadi gumaysi Somalia la galenyo,iyno codsano in Turkey na maamosho wa seda kalaya ann bantuga africanka ah kaga badbadi karno.
sxb waa lagu gumaysana 21 sanno ayaa wadanka dhulka ku darteen wax add bur birisan mahe wax ad dhisteen lama arag sxb xoog iyo san duli iyo isticmar ayaa somaliya la galinaya
LAGA SOO BILAABO TALIYAHOODA IYO SARAAKIISHABA WAA KUWII LAALUUSHKA JIDEYSAN JIREY WAQTII SIYAAD BARRE, SI FIICAN AYAA LOOGA YAQAAN SOMALIA.
TAASAANA KEENTEY INUU SHACABKA KU KALSOONAAN WAAYO, LANA GO’AAMIYEY IN BOLIS AMISOM AH LA GEEYO HAY’ADAHA DEMBI BAARISTA IYO SALDHIGYADA BOLISKA OO DHAN, MAXAA YEELEY CIIDAN KULLIGIISA MOORAYAAN AH, MAANDOORIYE DULLEYSTEY IYO MADAXDIISA OO AH TUUGO LAALUUSH IYO MUSUQ MAASUQ KU CAYILEY YAA AAMINI KARA ?
Somali waa umad si kasta u dullowday waxan Amisom ee boolis iyo mileteri lagu sheegayo waa Janhado dowladahooda dagaalo kula jiray oo meesha mushaar loo keenay Tusaale:Askariga Amisom waxaa bishii la siiyaa 1000$ oo ay u dheertahay cuntadii iyo caafimadkii hadday daacad ka tahay waxaa la heli lahaa kumaan kun ciidan soomaaliyeed oo la tababaro oo qaata ugu badnaan 300$ midkiiba.
Runtu waxay tahay in somalia sida ay ku socoto ay tahay meel madow oo tii hore ka xun Turkey wuxuu awoodaa in uu hal mar 50,000 oo ciidan ah uu bad iyo berri kasoo dejiyo iyagaana inoo fiican oo horumar keenaya dadkana is fahmayaan laakiin gaalo ma ogola
Allah ayaa inoo maqan akhyaareey
askarta somalida waxba maqabankaraan waayo kamatagayaan qabyaalad iyo in ay is xaasidaan oo ay dhahayaan cidii laqarxiyo iyo cidii ladilo waxba nagamagalin iyo dadka la soo xiro oo hayb hayb la gu siidaynaayo soomalida dambi maqabto hadii lahelo cadaalad wey shaqayn lahaa yeen oo dad ka dabiyo lagu helo lamari yo ciqaab tooda kawax lagu waayana la siidaayo laakiin inta la leeyahay maxaa wiila sha reer hebal u xiran yihiin ma wa xay arkeen dad nima xumadeen walee cirka ayay idiin jirtaa in
aad hanataan dalkiina hadii amisom millatari iyo polis noqotay waa inaad is ka holee shaan ood gan beesataan si dii dumarkii ileen masool baa la idin ka yahay kkkkkkkkkkkkkkkk