Muqdisho: Dilalka Rayidka Loo Geysanayo oo Dib Ugu Soo Laabtay Caasimada
Muqdisho (RBC) Dilalka macna darada ah ee ay askarta ku lebisan dharka ciidamada DKMG ah ay u geysanayaan dadka rayidka ayaa u muuqda inay markale ku soo laabteen magaalada Muqdisho iyadoo bilo ka hor ay yaraadeen dilalkaasi.
Illaa 2-kii saac ee lasoo dhaafay saddex ruux oo rayid ah ayaasiyaabo kala duwan loogu dilay degmooyinka Dharkenley, Waaberi iyo wadada Afgooye iyo Muqdisho u dhexeysa iyadoo dhamaan dilalkaasi xaq darrada ah ay geysteen askar ku lebisan dharka tuutaha ee militariga dawlada.
Maalintii shalay ayaa labo dhacdo oo kala duwan waxaa lagu dilay nin dhalinyaro ah oo ku ganacsanayey suuqa degmada Waaberi kadib markii sida la sheegay ay haleeshayrasaas ay isku tuurayeen labo kooxood oo askarta ka wadatirsan oo ismaandhaafay, halka dilka labaadna haweeney uu askari ku toogtay xaafada Suuqliif ee degmada Dharkeenley goob suuq ah.
Abaare 7:00 subaxnimo ee saaka ayaa sidoo kale askar ka tirsan ciidamadadawlada waxay nin Injirineer dhulka ah ku toogteen deegaanka Lafoole oo ku yaalla wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo Afgooye. Ujeedada dilkan ayaa lagu micneeyey in kooxda dilka geysatay ay rabeen inay dhacaan baabuur yar oo uu watay ninka Injineerka ah oo lagu magacaabi jiray Eng Xalane.
Illaa hadda saraakiisha ciidamada iyo kuwa maxkamada kama hadlin dilalkan macna darada ah ee ay geysteen dadka ku lebisan dharka ciidamada, walow la sheegay in ugu yaraan hal askari oo kaliya uu u xiran yahay dilalkan.
Muqdisho iyo Maleeshiyaadka
Suuqyada magaalada Muqdisho meel kasta oo aad ka marto waxaa caadi ka ah inaad ku aragto maleeshiyaad ku lebisan dharka tuutaha oo iyagoo hubeysan dhex socda suuqyada, halka qaar kalana aad ku arkeyso baabuurta shacabka ee BL-ka taasoo mararka qaar sababta inay dad dilaan.
Waxaa kaloo aan waxba laga qaban isbaarooyinka (jid gooyooyinka) sharci darrada ah ee lacagta baada looga qaato gaadiidka dadweynaha, kuwaasoo iyaguna mararkaqaar dad shacab ah toogta.
Talisyada kala duwan ee ciidamada dawlada illaa hadda mahayaan qorshe isbaarooyinka iyo maleeshiyaadka hubeysan wax looga qabanayo, waxaana dhowr jeer arintan ka qeylo dhaamiyey dadweynaha iyo ururuada bulshada rayidka oo shirar kala duwan ka hadlay.
RBC Radio











Walaa Sheekh Shariif, walaa Tarsan indho cad-cade iyo Madaxda ugu sareeysa ciidmada ayaan joojin karin dadkaas ku abtirsada beelaha Sheekh Shariif, waa la wada ogyahay Askeri qori wata oo maggaaladaa ka dhex qaraabanaya yuu kaloo noqonkaraa maba