Muqdisho ma Hiilweynadii ugaandhaa
Muqdisho ma Hiilweynadii ugaandhaa
wardoon@journalist.com
Luulyo 29 2012
Waa nasiib daro usoo hoyatey jamhuuriyada somaliya 52 sano kadib midowgii ama is raacii gobolada koonfur iyo waqooyi ee xoriyadooda ka qaatay gumaystayaashii cadaa ee ingiriiska iyo talyaaniga in markale caasimada dalka ee muqdiho ku dhacdo gacanta kooxo africanka madow ah, waxaa ay nasiib darada labaad tahay in caasimada somaliya ee muqdisho oo mar ahaan jirtey caasimada ugu nabdoon ugu bilicda wanaagsan caasimadaha ay ku dhaqan yihiin dadka madow inay maanta ahaato xero ay ciidamada africanka gaar ahaan kuwa ugandha ay uga baxaan dhibowga ama kuruudka, muqdisho waxaa ay muuqaal ahaan xiligan u muuqaata xabaalo ama dhul qarni hore laga guurey.
Sida ay wararku qeexayaan waxaa bilowga todobaadka soo aadan muqdisho kusoo fool leh in kabadan 3200 oo jabhadahii ugandha ku kacsanaa ah kuwaas oo duurjoog la ciidameeyey ah, dafcadan hada soo fool leh waxaa at ku xaraysnaayeen mudo 4 bilood ah xerada Singo kuna taalo deegaanka Nakaseke, taasi bedlkeedana dalka ugandha dib ugu noqonaya cutubka 8aad oo ah kuwo dhibowga ama kuruudka uga baxay caasimada dalka ee muqdisho kuwaas oo gabood falo iyo tacadiyo kadhan ah aadanaha ka geystey somaliya gaar ahaana caasimada dalka, kuwaasi oo aan wax raadraaca kala kulmi doonin wixii xad guduba oo halkaasi ka geysteen.
Cutubyadan hada soo fool leh oo ah qaar kamida jabhadihii maamulka muzaveni ku kacsanaa,ma laha sida caadiga ah wax tabaro ciidan ama khibrado dhaafsiisan 4 bilood oo ay kunasanayeen xerada singo maadaama ay ahaayeen mudo dheer kuwo duurka habsan ku ahaa, 4 bilood ma gaarsiisna inta duurjoogta lagu fahamsiiyo dhaqanka aadmiga maadama loosoo wado dad iyo dal aanay dhaqan aqoon, inta badan ciidamada afrikaanka ah ee jooga somaliya ayaa waxaa lagu tilmaamaa kuwo ka maran anshaxa isla markaasna aan tix gelin dhaqanka iyo caadooyinka gaar looleeyahay,marmarka qaar waxa hubanti ah inay gawaaridooda oo ku socda xawli sareeyaa ay si ulakaca u dulmaraan dad somaliya oo salaad ku jira taasi oo aan wax xisaabihi kadaba tegin.
Gunaanadkii hadii aanay somalidu wax ku qaadan wacyiga iyo xiliga dheeraaday ee soomaray waxay ku waari doontaa kuwo wadamo kale oo hada maqani ay ka dhigtaan sida xerooyinkii luglow, mandheera iyo laanta buuro oo kale
========================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM











[...] More: Muqdisho ma Hiilweynadii ugaandhaa [...]
waa la yaab Camasiirta meel waliba joogta ma naga ayaa miino baar noola ka dhigayaa war ilaah kuwaa nama soo gaarsiiyo ku wankalena allaha ha naga raro awood iyo isfahan ilaah somali ha ku beero Amin *Amin
Muqdisho sida maanta ey tahay somali ayaa ka dhigtay laga soo bilaabo dagaalkii lala galay kaligiis taliyihii Maxamed Siyaad iyo kii ka dambeeyey ee lala galay Kaligiis Taliye doonihii ceydiid iyo kuwii ka dambeeyey ee horarka ahaa ee shaararka badan u soo gashtay dadka isir ahaan caasimada ka soo jeeday maantana u gashan shaar argagaxiso, laakiin Muqdisho waa magaalo xadaarad dheer ku leh aduunka weyna ka soo kaceysaa dhibaato kasto oo loo geysto.Mida kale ciidamada midawga afrika ee maanta muqdisho joogo waxaa abaal weyn u hayo dadka muqdisho oo ey ka dul qaadeen soo duulayaashii al qaacida iyo kuwa somalida ahaa ee u socday boobka hantida dadka muqdisho
laakiin mahad alle , ilaah baa meel dhaw nabadii dadka muqdisho u keenay cidii ka xumaan laheed iyo cidii ku farxi laheedba Muqdisho is back cid laga xigo ma jirto laakiin cidii diidan laguma qasbi doono.Muqdisho 3 miljan baa ku nool maanta mana dhici doonto magalo kale oo somali dagto ey dagi doonaan dad intaa la’eg.Amison abaal baan u heynaa kol hadii iyagoon dan gooni ah somalia ka laheen in ey nabadeynta somaliya nagala qeyb qaataan.Muqdisho waa lama huraan cowski jiilaal:-D
Waxaan somali oo idil u sheegayaa waxa lakala celinayo waa soomaali,cida mushaarka ku
qaadaneeysana waa africaan shaqo waayey ,ma kula tahay ineey rabaan in shaqadoodu dhamaat?
wa in la helaa mar kasta,labo somali oo lakal celiyo si shaqada u dhamaan,,,,,,,,
Aaan ooye albaabka ii xira ,abdulaahi timacadae allaha u naxariisto,dugsi malaha qabyaaladu
waxay dumisa mooyane,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,
waxaan la yaabanhay qoraaga qorayga mawduucan ,ma is weydiiyay dhibtu xagey ka socotaa ,ma ilowday dulmigii ka dhacay muqdisho iyo gawricii kufsigii ay sameeyeen dadka ku dhaqan xamar? adeer waxaan sameenay ayaa na haysta ,dadkii xooga lagu guursaday xanuunkii soo gaaray war uma haysaa ,dadkii guryahoodii la degay lana dirtay war ma uhaysaa ,tii jawaabteeda ayaa ilah keenay weli laysma gaarin dulmi ilaahay ma iloobo .
taa halaga gudbo anaga cafis iyo musaamax ayay nagayihiin dadka waxaa geestay ,laakiin ha fogeysan wixii ku dhaca xamar inagaa isu keenay taa la soco
Somalidu qaar baa wax walba ka eega dhinaca caadifadda (negativity),uganda waa dalkii ugu horeeyey ee usoo gurmaday Somali markay ku habsatay bilaayo Alshaydaan la yiraahdo, waxay difaaceen nidaamkii dowliga ahaa ee somalidu raadineysey, waxay u hureen difaacidda dowladnimada somalida wiilashoodii oo in badan ay ku geeriyoodeen xamar, haddanay Uganda talaabadaas geesinimo ayan qaadan lahayn maanta xamar waxaa dadka u qalqali lahaa muryaanta shabaab, ciidamada ugandha waxay naga mudan yihiin inaan niraahno WAAD MAHADSANTIHIIN, ee ma mudna inaan jaa’ifeyno, wax kastoo na mutana anagaa isu keenay, haddii aanay shabaab iyo bilaayo dalka ka kici laheyn ciidan shisheye uma baahan lahayn anagaa is-xasilain lahayn, oonka waxaa keenay qorraxda.
Daa Daa sxp nimankaaaa cawaankaa ee ugaadhiiskaaa waxay dhuunta ka lisi doonaan qoladan cawaankaa xarakada labaxdaye , inaga waxba inama yelayane, cawaan soomaaliyaa na dhibaye calooshiis ushaqayste Africaana haloo keenee.
Muqdishona waa casimada jamhuriyada somalia , lkn waxmagarataa saas ugashay but there is
hope
hope
hope
Midka somali labaxay waa duli somali kama dhigin adigana somali matihin ee hansheegan, muqdisho waxa sidas ka dhigay waa ajnabi taasna waa cadhay ee maxad ugu doodaysaa doofaarada ku xaar xaaraya kutubteena.
Somalidu waxay tiraahdaa “Ilowsho dhawaa ma umul baa” maxaa xaqiiqda loo baal marayaaa muqdisho 20-ki sano oo lasoo dhaafay gabood faladi ka dhacay loogu gaystay shacabka somaliyeed. cida gaysateyna waa layaqaan oo waa beesha sheegatay caasumada oo tiri waa goofkeena.
Ciidamada ajinabiga ah intaysan dalka imaan maxaa ka horeeyay, hadaba yaan shacabka war baahinta lagu jahwareerinin, anaa qaar idinka taabanaayo, dagaal ooge, kufsi, dhac iyo boob, qarax ,afduub , qad cagaaran wax loo yaqaaney, wadaad diinti ku been abuurta iyo in kabadan oo kuli lagu hayay shacabka somaliyeed oo ay caasumada u aheyd. yaaa dhibkaas shacabka ku haayay ma ahayn ciidan ajinabi ah ee waa beel kamid ah beelaha somaliyeed oon kuligeen wada ognahay maxaa loo nabanayaa ciidanka ajinabiga ah oo madaxtooyadi somaliyeed ka ilaallinaayo dad kale oo somali ku abtirsado lakiin horor isku badalay. hadaad xasuusataan qarixi shacabka 100-ka qof dadki kor u dhaafaayay lagu gubay aakhirna Turki daawo loogu qaadey inti badbaadey ninki musiibadaas sheegtay iyo kii fuliyay kuli Somali ayay ahayeen.
ma is waydiiseen sababta aan ciidan ajinabi ah loo keenin qaybaha nabada ah dalka sida, galkacyo , bosaso , garowe , goldogob , hargeyso , iyo magaalooyin kale oo badan oo dalka ku yaal. hadaba meel kasta wixii ay shaqeysato ayay miriheeda gurataa.
Waxa iga talo ah in aan dalalka noo soo gurmaday aan cay loogu badalin waxay noo galeen, waxan qabaa in ay naga mudan yihiin in aan u mahad celino dad dantooda garto oo dalkooda u shaqeeyo oo wadaniyiin ah noqono, cid nagu haysato dalkeena maleh ee anaga ayaa meesha is dhignay yaan caalamka lagu rafan,
TO WADANI DIGDIGLE
WAR DIGDIGLE ADIGA MEESHA AABAHAA IYO AWOOWGAA KU DHASHEEN AYAA GOOF KUU AH, ANAGUNA MEESHA AAN AWOOWYADEEN KA SOO GAARNAY EE XAMAR NABAD KU JOOG AMA AAD MEESHAA AWOOWGAA KU NOOLAAN JIRAY..
DADKA XAMAR DEGAN EE AAD LEEDAHAY WAXAY LEEYIHIIN WAA GOOFKEENA ADIGU WAA KU QASBAN TAHAY IN AAD LA NOOLAATO AMA GURIGA AYEYDAA AADO… HADALKA HADII AAD SII BADASANA JAWAAB ADAG AYAAHELEYSAA…
KU: KHADRA, Somalidu waxay tiraahdaa af caytama qofkiisu ku yaal, anigu aflagaado iga ma mudnid, weli adoo gabar sii ah, qof walba ra’yigiisa ayuu cabirayaa, waxaa dambi uga ah inaad bashar ilaahay abuuray aad ku tilmaanto Doofaar, waa bil rammadaan afkaaga suubso, ilahayna u towbad keen.