Muqdisho: Muran Gacan-Ka Hadal ku Sigtay oo Galabta ka Dhacay Xarunta Odayaasha Dhaqanka ay Ku Shiraan
Muqdisho (RBC) Muran, buuq iyo qeylo ayaa hareysay kulan ay maanta isugu yimaadeen odayaasha dhaqanka ee ku shiraya magaalada Muqdisho kadib markii ay ismaanshaafeen galabta guddiga khilaafaadka ee dhowaan xukuumadu sameysay iyo xubno ka mid ah odayaasha dhaqanka.
Muranka iyo dooda ayaa bilaabatay kadib markii xubno ka tirsan guddiga khilaafaadka ay isku dayeen inay joojiyaan bayaan ka soo baxay odayaasha dhaqanka oo ku saabsanaa soo jeedin ahayd in 10-qodob oo ku jira dastuurka qabyada ah laga saaro taasoo ay soo diyaariyeen odayaasha dhaqanka.
Qaar ka mid ah salaadiinta kulanka ka qeybgaleysay ayaa isku dayey inay saxaafadda u soo bandhigaan 10-ka qodob ee ku jira dastuurka kuwaasoo a soo diyaariyeen, hase yeeshee wariyaashii goobta joogay ayaa ooga digay inay duubaan bayaanka odayaasha, waxayna arintaasi keentay in qaar ka mid ah odayaasha iyo xubno guddiga khilaafaadka ka tiraan oo goobta joogay ay isu baxsadaan isla markaana ay ku sigteen inay is garaacaan walow markii dambe ciidamada amaanka ay kala dhexgaleen.
Odayaasha oo qodobo soo bandhigay
Ku dhow saacad markii uu buuq iyo qeylo ay hareysay hoolka, xaaladuna jahwareer isku rogtay ayaa waxa markii dambe odayaasha ay soo bandhigeen qodobada ku jira dastuurka ee ay diidan yihiin, waxaana saxaafadda u akhriyey Caaqil Maxamed Aadan C/laahi.
Qodobada Caaqilku akhriyey ee ku jira nuqulka cusub dastuurka ee ay soo qoreen guddigii saxiixayaasha ku sameeyeen Addis Ababa ayaa waxaa ka mid ah:-
1- Qodobka xuduudaha oo sheegaya in murankii ka yimaada xuduudaha dalka wadahadal laga geli karo.
2- Qodobka guurka
3- Qodobka gudniinka gabdhaha
4- Qodobka xuquuqda haweenka (Waxay odayaashu sheegeen inuu simayo ragga iyo dumarka)
5- Qodobka qaangaarnimada carruurta (Waxaa ku xusan in 18 ilmuhu ku qaangaari karo oo kaliya)
6- Qodobka caasimada Muqdisho (oo laga saaray nuqulka cusub ee qabyo qoraalka).
Odayaasha waxay soo jeediyeen in qodobadaasi loo bandhigo shareecada Islaamka isla markaana ay dib u soo baaraan culimo Soomaaliyeed oo aqoon u leh i meesha looga saaro looguna bedelo kuwo u qalma shacabka Soomaaliyeed.
Klanka maanta ayaa ku soo dhamaaday dooda maantya hareysay, waxaana doodan ay dhacaysaa iyadoo wasiirka dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil oo maanta wareysi siiyey Raxanreeb uu shaaca ka qaaday in la dhameeyey khilaafaadkii ka taagnaa dastuurka iyo ergooyinka.
Xukuumadda ayaa ku talajirta in 21-ka bishan July uu Muqdisho ka furmo shirka ansixinta dastuurka kaasoo sida xukuumaddu sheegtay ergooyinkii ka qeybgali lahaa ay soo xulayaan odayaasha dhaqanka.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho











Anigu waxay ila tahay qodobada ay odayaasha soo jeediyeen wa muhim mana loo baahna in dastuurkaas la waafajiyo ka soomaali ahaan waxaan nahay ee looma baahnaa in la yiraahdo waa la hormariyay mujtamaca soomaalliyeed ayaadoo laga tagaayo runteena oo ah Islaanimo , soomaalinimo iyo afrikaanimo
Qodobka sida Caasimada waxaa ka haboon in meel la isla dhigo si wixii caasimada taariikh ahaan ka dhacay si ay u soo noqon, Arintaana caasimada waxaa moodaa in ay la mid tahay gooni u istaga Somaliland, dhanka kale caasimadaha aduunka shardi ma aha inaay tahay magaalada dalka ugu weyn.
Ma waxaan isku diriraynaa diinteena, dalkeena, iyo dadkeen aan Ethiopia iyo Kenya siino? Ninbaa laga sheegay Xasanow soco meesha aad dhimasho ka gasho baan ana ka galayaaye. Hadda maalin walba waxaan ku xiiqnay diinta, dalka, iyo dadka yaan Ethiopia iyo Kenya la siin. Maxaan samaynaa waa meel qiyaamihii ka socodee?
ilaah hanaga qabto kuwa xoogagii lacagta ahayd ummada ka dhacay diintii, dalkii, iyo dadkiina u saxiixaya Ethiopia iyo Kenya.
ARINTA CAASIMADA WAA IN LAGA WADA HADLAA SIDA HADA AY TAHAY XAMAR CAASIMAD SOOMAALIYEED KUMA NOQON KARTO.. XADUUDADAHA WADANKA WAA KUWII JAMHURIYADII SOOMALIYA, GUDNIINKA GABDHAHA WAA IN LAJOOJIYO,, GUURKA WAA IN LA ADKEEYAA OO NINKII AWOODA UU GURASAN KARO 4 GABDHOOOD, OO SHEKADU WAA INAYSAN NOQON DIINTENA AA 4 GABDHOOD II OGOL OO ARINTAA DIINTA SHARUUD AYAY KU XIRTAY, 15SANO WAA IN LAGU QAAN GAARAA XAQUUQ GAAR AHNA LASIIYAA ILAA WAXII KAYAR 20JIR SIDA DHINACA WAXBARASHADA, CAAFIMAADKA, SHAQADA, GUURKA IWM.
maanta waxay ciidamada gaalada ee cadowgavsoomaaliyeed xasuuq ka gaysteen magaalada.beledweyne dowlad ku sheegtuna kama aysan hadlin arinkaasi wuxuu caddaynayaa in aysan nimankaasi(DKMG) xor ahayn oo ay dano.shisheeye meesha u joogaan odayaashu waa rajada keliya ee soomaali eegayso maanta waa in ay meesha ka saaraan wuxuushtan isla markaana ummada usoo xulaan dad wadaninimo iyo diin leh oo alshabab,amisom,itoobiya iyo kiwan madaxda sheeganaya intaba meesha ka saara waayo dhamaan waa cadow umaada soomaaliyeed
Malaa waxaa roonaan laheyd inagoo ku biirna ethiopia iyo kenya, marhadeynaan qof-qof dhaamaba laheyn dhankastood ka eegtaba qof-qof dhaama ma lihin waana arin laga naxo
Assc.
Waa say Odayaashu u garteen.Shanta qodob ee kore shantuba way khilaafsan yahiin diinteena iyo dhaqakeenabana.Maxaa muran galinaya xuduudaha sooomaaliweeyn?Qodobka shanaad waa biininta hadalkii Nabi Muxammad (sdw).
illahayow somalia uhiili QURAANKA AYAA KU FILAN
odayaasha diidan dastuurka waa layaqaanaa …waa mooryaan xaaraan ku naax ah qarkoodna dhiig horey ugu faraxashey una baahan in maxkamad lasoo taago mustaqbalka..oo ah nabd diid..dowlad diid…sharci diid …aan aqoon howshoodu waxa eey tahay xittaa..
wax diina islaamka wax u dhimahayana kuma jiraan dastuurka sida aan hadda ku heyno gacanta nuqulkii ugu danbeeyey…laakiin kii hore haa waxbaase laga badaley….xooshna waa sharci yaqaan fahmi kara anshaxa diinta ..iyo qaran-nimada waxa eey tahay…waana nin lagu haleyn karo howshiisa.
5 qodob oo kor ku xusan waa sax inay odayadu ka hadlaan,laakiin micna malaha hadii magaala madaxda laga dhigo magaala kale,wax alaaliyo waxaysan diinteenu waafaq sanayn maaha in dadka islaamka loo sharciyeeyo diinteenu waa hanuun,nasteexo iyo dhaqan bini’aadam ku dhaqmo kii ugu sareeyey Ilaaheena wuxuu inoo kala cadeeyey xaq iyo baadil.haday run tahay oo ay nimankani saxiixeen hadalada kur ku qoran waa dhaqankii gaalada ee yaan laga yeelin,waaba waxay diinteena ku aflagaadeeyaan gaaladu sida ay yiraahdaan dumarkay liidaan,gabdha yar yar bay guursadaan iyo waxyaabo badan oo ay diinteena macaan ku caayaan.
nimankaan dalka, diinta iyo dadkiiba waa iibsadeen waana laga saxiixay , baleega qodobadan , waar makitaabka ilahay bay kuqorantahay 18 kuqaangaadha , anagay tiikiristinka noogusoo qorteen meesha, shanta qodoba waa in diinta lawaafajiyaa odayaashuna waa ku saxanyihiin , SAXIIXAYAAL KULAHAA ,WAAAR WAA SAXAYAASHA BAYBALKA WHAT THE SAXIIXAYAAL!!
odayadu markan waxay noqdeen ninkii fuudka intuu kabaday afka ka gubtay ee hadhoow intuu caana fadhi (gadhoodh)is yidhi kabo horta afuufay qodobada khatarta gelinaya midnimada iyo xuduudaha biyaha iyo beriga iyo islaamnimada dalka waa in odayadu meel saaraan inta arimaha sahlan lagu warwareegayo iyadoon xudduda dalka la sugin maxaa gudniinka iyo odayada ku warwareejiyey
@ Amina. Caasimada. Xagee laga dhigaa hadii muqdisho laga badalo. Ma ku qanacsantahay in caasimada somaliya laga dhigo laaascanood ????!!!!!!!!
Mise garowe ayaad rabtaaa ?? Maalmahan reer pintiland waxay kaga dhegtay caasimada muqdisho ha laga badalo. War muqdisho inaaga leh oo dhisnay reer xamar waxba kama oga hantideenii ayaa wali taala. Sime advice. Guryo lagama dhiso kuwii aan hore u la heyn ayaan rinji marineynaaa kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk waaba hadii uu tarzan ka saaro guryaha reerkooda. Kkkkkkkkkkkkkk
[...] waxay soo jeediyeen in qodobadaasi loo bandhigo shareecada Islaamka isla markaana ay dib u soo baaraan culimo Soomaaliyeed oo aqoon u leh [...]
@ khaatumo state kkkk ina ader xamar danbe casumad kama sugeynee caasumada somalia meel kale oo wanaagsan oo dad somaliyeed deganyahiin ayaan ka dhiganeynaa maaha garoowe ama galkacayo ama bosaso balse taleex ayaa noqonkarta ama buuhoodle ama laasacano adigu raali ma katahay hantidaana waan haysanayaa magaladana aniga iska leh waaana casumada somalia caqliga faqiirka ah ============ xamar lasoo fadhiyaan .
magalada muqdisho dadkii dhisay waa layaqaan magalada muqdisho laba nin ayaa ugu hanti badana oo guryaha ugu quruxda badan ku lahaa xamar waana jirdi xuseen iyo mahamed ibarahim uunlaaye nin waxuu kasoo jeeday puntland nina somaliland balse waxay udhiseen magalada maadama ay tahay caasumda somalia no mr muqdisho caasumada somalia soo socda waa baydhabo kismaayo galkacayo garoowe bosaso laasacano badhan iyo waxii soo raaca
KU.Khaatuma State.
Jaalle Lascaanood waa magaalo soomaaliyeed.Haddii loo gartana in laga dhigo magaalo madaxda Soomaaliweeyn anigu waxba kama qabo,laakiin marka hore adigu ku soo heshii.Markaad dhan isu raacdaan noo yeer waan imaanaynaaye Insha Allaah.
War Xamar waxay noqotay Bahal galeen.Labo midkood haddii an la yeelin Xamar lama xukumi doono.Kan hore in madaxda laga wada guro inta dilaagaa iyo inta ku raacsan falkooda xun.Kan labaad in looga tago Xamar oo meel ka ammaan iyo dad fiican la geeyo caasumadda soomaaliya wax ka dhaxeeya anigu uma jeedo ee idinku maxaad ledahiin?War dadka haysta dadkii ay dileen maalkoodii wanaag iyo nabad waxba kuma leh.Waxayna wada gaareen qofkii inoogu yimaada Guri in ay dilaan si walba ha ahaatee.
Ninka Odayga ah ee sheegta in uu yahay Nabaddoon ee yiri (ar xaggee guriga looga baxaa gabadhii ku dhalatay baa hadda ku dhashaye?) maslaxad iyo wanaag wax kuma leh.
To WAAYEEL XOOLO IYO HERSI XAA-WEYNE
QABYAALAD AYAA IDINKA BUUXDO WAXA AAD TAAGEERAYSAAN IN DALKA LA IIBIYO DUF KU BAXA,
CAASIMADANA WAA XAMAR IMOW AMA HA IMAAN, NABAD KU JOOG HADII KALE MADAXA AYAA LAGAA GOYNAYAA ]]]
horta dadkaan dhayaayo xamar anaga ba dhisanay kkk
soomaaliweyn baa wada dhistay ee hadana alxamdulilah xamar wee so noqotay ee wee dhismoysaa, melo badan bee dhaafi heysaa hal sano dhaxdiis.. aniga waa ka so horjeeda mooryaantaan oo qurunka ah ee dadka dhibay lakin meel hada xamar dhaanto oo casimad lagu wareeji karo ma ujeedo malaha dad baden fikirkaas wee ila wada qabaan.. hadii la badalo ha la badalo ee meel ee dadka ku wada heshiyaan halaga dhigo insha;allah.
@Nina adiga iyo Khaatumo seeg hunguri un baad taqaaniin ee ordaya oo Xamar hunguri u doonta, wallee malakalmowt un baad tegeysaane hunguri baydaan ka soo helin. Axmed Diiriye buu ahaa kii yiri Shirkole ofishyaale gabadhii iigu dhalatay baa iigu qaan gaartay kana biximayo KKKKKKK, kaasaa odayo ku sheega aad rajada ka leedihiin madax ka ah. Xamar aniga caasimad iima mana yeelayo waa caasimad Somaliyeed waa bahala galeen waa meel u baahan in zero lagasoo bilaabo meelkale oo dadkeedu dhaamo kuwan haaweyda ah ee waddanka baaba’shay ummadda caasimad halooga dhigo yaana la maqlin hadalka Nina afxun iyo khaatumo seeg.
kkkkkkk baydhabo iyo marka iyo kismayo dadka dagan maku soo dhawaynayaan marka hore umalayn maayo ayagoo raali ah inay ku soo dhawaynayaan maxaa yelay sidad waxyeeshen ayeey ka dharag san yihiin marku faroole intuu boosaaso kasoo aruuriyey uu ku daadin jiray konfurta galcayo mahan wax la iloowi karo weli lama sheegin cid xamar laga soo tarxiilay labadii qole ee istirita qolo uun baa qaxda laakiin tarxiil soomaali dhexdeed waxeey ugaar tahay mj ee wellcome walaalke intaada dadka muqdisho waxka sheegin adiga hoos isu fiiri brother
ali
waar ma waxbaa kuu dhiman war intaad reer khaatumo budhka kula kor kufayso ood yaqaan dhibaha tahay orod akhri qoralkayga meel aan xamar kaga hadlay ma jirto adeer lkn what you know oday dhaqameedka khaatumo ee xamar jooga uun baa kuu muuqda ood la xintamaysaaye oday dhaqameedkiinuba adeer waa joogaa meesha hana i caayin adaa si nacasnimo ah oo liidata u hadalaya e khabar maafish waaxid
@xaawo abaayo abeeso intee guudka kusidi kartaa hadii saacadiiba ay mar ku ruddo[qaniinto] wax badan masidi kartid waa inaad iska dhigto oo fasaxdid iskana fogeeysid siayna markale kuu qaniinin .sidaa oo ay tahay dadka reer p/land waa dadkii somali oodhan kusoo dhaweeyey dhulkooda qofwalba oo somaliyana wali ilaa hada siduu rabo iyo meeshuu rabo kadagan yahay kana shaqaysto asagoon cidina wax dhiba ugeeysan .waxaad arkaysaa baadiyaha fog ee miyiga ah reer koofureed dadka xoolaha haysto ka shaqaysanaayo oo xoolo uhaya meel kastaba mana laga fadilo dadka kale .wixiise aan nabad ogoleeyn oo laga amaan waayo in layska tarxiilo weey wanaagsantahay waana lagu saxanyahay. hadaad leedahay maa ladaayo waxay rabaan haqaribaanna adigu marka hore marti gali dulqaadkeedana halagaa helo. dadka reer p/land mafilaayo dad kadulqad iyo samir badan oo waxa lagu sameeyey udulqaadan lahaa ineey jiraan. waa dad goba. dulqaad iyo deeqsinimo iyo wax laqaybsiba somali no one ka ah .hadaadan ilaawi karin adeey kuu taal .xammarna mafilaayoineey tahay meelsomaliyi isugu imaan karto ama matali karta magaalo madax dambe oo somali kulmisa, ciddii taa ku fakartaana meel dheer waxkama fiirin,ee waa hadreeysaa.ninkii dhoohanoow orod xamar udhoof.halagugu dhacee orod xamar udhoof, aad ku dhimatidee orod xamar udhoof,. ninkii wuxuu yiri mar idage allaha dage, mar labaad idagena anaa isu dagay. fadaraalku haynaga dhexeeyo iyo afsomaliga iyo diinta reerka xamar loo dhaafayoow cidi idiinkuma soo socoto waana laga badalayaa magaalo madaxsomaliyeed ineey sii ahaato hadii caqligiinu sida uu hadda ushaqaynayo sii ahaado lasocda.
@siham, walalo dad kasta waxa ee sameeyaan ma arkaan, dadka aa hada faanisan horta inta aad ku sheegtay wax badan ba ka qaldan, dadka oo dhib uu geeyo ha iska tarxiilaan lakiin, dadka ee tarxilaan mar walba wee dilaay oo xubin badan bee dhawacaan, xabsiyada wee ku jir dilaan. qabyaladu wax dadka wada dhawacday waaye, xamar waxa wada dagaan beelo badan ee population kisa waa 3 million, dadka ku yar xamar waa reer pl kaliya, dadka rabo in laga badalo magaalo madax na waa reer pl lee la arkaa ee hal maamul wuxuu rabo laga ma yelo, intee loo badalaa magalo madax bal sheeg ? hadaa gorowe tiri, ma waxaad u maleysaa inee maamulada iyo dadka kale ee haa dhahayaan ? meeshu waa meel 1 beel ee dagto oo ku wada filneen, galcayo hada tiri waa meel ee beelaha dagto ee ku heshiinin ee mar walbo is dilaan, marka waa halkee bal sheeg ?
@sihaam
horta xamar iska iloow, imow ama ha imaani, maxaa xamar kaa yalo horta ee mar walba reer pl u saran yihin, xamar cid idinku qasbeeyso malahan. hadad imaato welcome, hadadan imaanin bye,
marka labaad. pl dadka masaakinta wee jir dilaan oo dan yartaa ah, sida reer bay iyo bakool ee mar walbo dilaan waa la arkaa, ee odey dhaqameed kiina iyo wax garad kiina ba mar walbo canbareeyso waxa ee kula kacaan dadka iska ceelin kariin, marka kale xamar hadii laga badalo magaalo madax bal intee loo wareejiyaa, waxa kaliya oo ka so horjeedo waa pl kaliya waxee uga so horjeedan waa pl kaliya baa xamar ka maqan ee dadka kale wee buuxaan, wana meel ee 3 million population gaartay amaba ka badan, hal beel ka badana wee jogaan ee hadi xitaa uu vote imaado xamar lee qadeeyso, ee ogaw hal wax, dowladi dheexe ee soomaaliyeed baa dadka isku dirtay qabil markeey adeeysatay.