Muqdisho: Nabadsugida DKMG ah oo Shaaca Ka Qaaday Hub Ka Dhigis Markii Ugu Sareysay Laga Bilaabayo Caasimada
Muqdisho (RBC) Taliyaha Nabadsugida DKMG Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in bisha soo socota magaalada Muqdisho laga bilaabi doono qorshe hubka looga dhigayo beelaha iyo shakhsiyaadka hubeysan ee ku nool caasimada dalka iyo deegaanada ku hareereysan.
Taliyaha nabadsugida ayaa sheegay in mudo dheer uu socday qorshe ay damacsanaayeen si hubka sharci darrada ah looga qaado shakhsiyaadka iyo maleeshiyaadka hase yeeshee ay la sugayeen waqti ku haboon oo hawshaasi la bilaabi karo, isagoo sheegay in hadda la joogo waqtigii arintaasi la fulin lahaa.
“Waxaan mar hore diyaarinay in hubka dhigis ballaaran laga hirgaliyo Muqdisho laakiin waxaan la sugaynay bal in la gaaro waqti qof kasta uu dareemi karo inuu amaan yahay ooo cidna aysa u baahneyn inay ilaalo gaar ah yeelato, hadase waxaan u aragnaa inuu ku habiin yahay” ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.
Taliyaha nabadsiugida oo ka hadlay goorta uu si rasmi ah u bilaanayo hawlgalka hubka dhigista ayaa sheegay in bil kadib hawlgal hubka dhigis uu kabilaabayo Muqdisho, isagoo ugu baaqay maleeshiyaadka gaarka ah inay hubka ku wareejiyaan ciidamada dawlada.
Sidoo kale wuxuu taliyaha nabadsugida ugu baaqay xildhibaanada, saraakiisha dawlada iyo ganacsatada inay soo diiwaangeliyaan hubkooda marka la gaaro dhamaadka hawlgaladana ganacsatada iyo shakhsiyaadka gaarka ah laga qaadi doono hubka.
Waadhawaaqii ugu horeeyay ee ka soo baxa DKMG ah Soomaaliya in kabadan labaatan sano oo magalada Muqdisho ay ka jireen kooxo qabiil ku saleysan iyo dad madax bannaan oo hub heysta. Waxaana dhawaaqa taliyaha nabadsugida uu ku soo beegmayaa iyadoo DKMG ah ay gacanta ku wada heyso degmooyinka caasimada.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho











Waa arrin aad u fiican haddii ay dawladdu ku dhiiratay inay dadka hubka ka dhigto, maxaa yeelay si kale oo ay dawlad ku noqon karto majirto, hadday san dadka hubka ka dhigin. Marka dadka shacabka ah hubka laga dhigo unbaa dawladu shayn kartaa, ammaanna la heli karaa. Dadkana waxaan kula talin lahaa inay wadashaqayn wanaagsan ka muujiyaan inta arrintu socoto, sidoo kalena dhaga nugayl muujiyaan.
Aniga waxaan qabaa inaan wali lagaarin waqtigii hub kadhigis lasameyn lahaa. Marka hore waan in dagaalka ey dowlada dalka ka wado soo gabo gabeysaa.
Kuwa madaxa dadka ka tooganaya sidee la iskaga celinyaa oo dadka luuqa u taagan, dawladu waa inay marka hore sugtaa amniga magaalada kuwa madaxa dadka ka toogtana qorshe lagu qabanaayo loo dejiyaa Sheekh Xassan daahir awees ayaa shaqadaas yaqaanee halala heshiiyo
Waan arin aad loogu farxo in dadka hubka laga uruursho….Masha’allah weeyi kol haday muqdisho soo noqotay. Dadka hadii hubka laga dhigo dagaladu way yaraan sababtoo ah ninkii qori sitaaba waa danbiile wixii imaka ka danbeeya…si fudud baana loo ogan karaa ka danbiilaha ah ee dadka laynaya waayo waa ninka hub haysta aan sharciyaysnayn.