XOG: Abaanduulihii Ciidamadda Xoogga Soomaaliyeed C/ kariin Dhega-badan Oo Is-Casilay


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Dhagabadan- oo is-casilay

Dhagabadan- oo is-casilay

Muqdisho (RBC) Warar la isku haleen karo oo ay heshay shabakadda RBC Radio ayaa sheegaya in uu is-casilay Abaanduulaha Ciidamada xoogga Soomaaliya Gen. Cabdi-kariin Yuusuf Aadan Dhega-badan.

Warka waxa uu intaas ku darayaa in uu is-casilaadiisa ku wareejiyay madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, ma jiro faah-faahin kale oo intaa dhaafsiisan oo la helay, isla markaana majirto wax war ah oo uu siiyay dhagabadan saxafadda.

Dad ku dhow Gen. Cabdi-kariin Dhega-badan ayaa u sheegay RBC Radio in sababta ugu weyn iscasilaladiisa ay tahay isagoo ku qanacsaneen sida ay hadda wax u wado dowladda KMG ah oo waqtigeeda uu ku egyahay 20-ka bisha August ee sannadkan.

Ilaa hadda wax-war ah kama soo bixin madaxda dowladda KMG ah Soomaaliya oo ku aadan warkan suuqa soo galay saaka oo Sabti ah oo ku saabsan in uu abaanduulihii ciidamadda Soomaaliya is-casilay.

Haddii warkan uu dhab noqdo waxa hubaal ah in ay dowladda weysay shaqsi muhiim ah, marka laga hadlaayo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Gen. Cabdi-kariin Dhega-badan waxa uu ka mid ahaa saraakiisha safka hore ugu jira dagaalka lagula jiro al-shabaab, waa nin lagu yaqaano in uu ciidanka dhiiri gariyo, mararka qaar ahana Al-Shabaab afka ayuu kala dagaalami jiray, waxa uu hormuud u ahaa in Muqdisho laga saaro Al-Shabaab.

Waxa loo dhiibay xilkan markii uu ra’iisal wasaaraha ahaa Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxa uu ka badbaadiyay qorshayaal badan oo lagu doonayay in lagu dilo, waxa ka mid ahaa markii darawalkiisa ay xiriir la soo sameeyeen Al-Shabaab, kuwaas oo sheegay haddii lagu guuleesto in la dilo dhaga-badan in la siin doono darawalka Mallaayin doollarka Mareekanka, laakin ninkii watay jaakad ay ka buuxan walxa-qaraxa ayaa lagu qabtay isgooska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Wixii ku soo kordha warkan kala socda Raxanreeb.com

 

Share

Tags:

13 Responses for “XOG: Abaanduulihii Ciidamadda Xoogga Soomaaliyeed C/ kariin Dhega-badan Oo Is-Casilay”

  1. daljirka says:

    sorry the worest news

  2. Hiray says:

    Waa warlord kusoo canbaxay dagaaladii sokeeye sargaal magac iyo muuqal wanaagsan kulahaa XDS ma,aahayn wuxuu kusoo canbaxay dagaal beleedyadii Cabudwaaq iyo Xeraale marka iskadaaya dhoodhobka aad dhoodhobaysan qof aydin aqoon

  3. ahmedpunt---------------- says:

    hadday runtahay jenneraal dhaga badan iscasiliddiisa waxay tahay jawaab mawaadinnimaa geesiya oo adduunka iyo aakhiraba magac billad sharaf huwan kaga tagay waayo waxaan u iri laba arimood ,1-lacagta faraha badan oo lalunsaday haddii nimanka tuugtaa aay kufangareenlahaayeen dhaga badan iyo ciidamadiisa waa hore baa waddanka dhammaantii xoroobi lahaa ciidamada qaranku wada qaban lahaayeen soomaaliya oo dhan , oo dhaba ,2-arrinta kale nimankii tuugada lagu eedeeyay oo adduunka ku eedeeyay musuqa ayadoo waddankoodii shacabkiisii gaajo iyo cuduro iyo colaad ku habsatay deeqdii yarayd jeebka kushubtay oo haddana islaquman oo kaambeen iyo xukun raadis damac kaqaba oo labo shariif iyo gaas aay weli siirabaan hogaamin meeshii aay garbixi lahaayeen runtii waa nasiib darro , jenneraal dhaga badannah waa kusaxanyahay …..sc

  4. [...] Original post: XOG: Abaanduulihii Ciidamadda Xoogga Soomaaliyeed C/ kariin Dhega-badan Oo Is-Casilay [...]

  5. mudug says:

    dhagabadan wuxu arkay in dalkii uu gumaysi toos ah galay wana gar inuu is casilo

  6. saadaq says:

    Soomaali af xumo Ayaan maaro looga helayn soomaali way dirartay, nin walibana beel buu ka soo jeedaa , ma waxaad leedahay maxaa reer hebel ugu dhalatay ,Waa khaldantahay , cidina ma buunbuuninayso Dhego-badan umana baahna in la buunbuuniyo , Waa shakhsiyad isku kalsoon , Caqiido fiican leh , wadaniyadi ku jirto ,mabdi’iyana ula dirirsan argagixisada iyo taageerayaashooda . Ninkii caytamayaa ha caytamo Waa nin la tabu doono

  7. Loolaal says:

    Waryade waata mar hore aan shhegay waxaa soo socda weli fara kama qodna ee wax ka daran waad maqli doontaaan

  8. hershi says:

    Xeeraale iyo Caabudwaaq dagaaladoodii nin k jiray soomaalinimo kuma jirto waa nin qqabiil

  9. buxshur says:

    ninkaan hirey la baxay ee dagaal 10sano ka hor dhex maray ———— iyo ———— qaas ahaan ———— hadad ku soo qadatay dhaga badan wale wax badan cuqdad waa ka buxdaa hadba aan ku saxee kama uusan qeyb qadan dagalkaas wuu diday makula tahay haduu dagaalkaas dhaga badan ka qeyb qadan lahaa inaad maantay deganaan laheed cabdudwaaq oo mesha keliya ee kaaga hartay centralka somaliya ama gobolka galgaduud ileen inti kale waa ka xaga baxday mar hore somalida cid kaa edeb daran ienysan jirin waa la ogyahay qaranki somaliyeedna adaa halkas dhigay dhaga badan kuwaan ku gumesanaayo buu ka dul kicinayaa eee ha noqon doqonka ninka laga celinaayey u hiiliyey ———— dhaga badan kuwa ka daran oo ka saray xeraale iyo balanbal waa u jogaan umana dhutinayan hal nin iyo labo nin ee aamsu ohintaada dadku yeysan maqlin

  10. DAACAD says:

    dawlada waa u dhaamatay hadii warkaas run noqdo. waayo afka iyo adinba waa nin macquula.

  11. Aw Malaaq says:

    War yaan la fududaane bal wax ha la hubsado.
    Dhagabadan isma casilin, hadduu iscasilayna la tashi iyo heshiis uu madaxda sare la galey ayuu isu casiley. Waxaa laga yaabaa in loo magcaabi doono jago middaas ka sarreysa.

    anigu aqoon hore uma lahayn laakiin waxaan hubaa inuu magac iyo maamuus ku yeeshey la dagaallanka Alshabaab.

    Cidduu u dhashey waxba igama galin, hayeeshee waxaan hubaa inuu yahay geesi ay Soomaalinimadu ku weyntahay.

  12. axmad says:

    waa hubaal in dowladu ay weysay shaqsi muhiim u ah rajo kusoo celinta soomaliya oo ay ka go’need in uu ka shaqeeyo dowladnimada soomaliya ninka hiray la baxayna waxaan leeyahay cuqdad ayaa ku heysee ilaah haku daweeyo caafimaad ayaa kaa maqan jeneral c/kariin dhegabadan markii dagaalada ka socdeen galgaduud ee qabaa’ilka is dilayeen mabajoogin galgaduud ee nairobi ayuu ku noolaa marka kama qaybqaadan dagaal sokeeyo waa halyeel u taagan difaacida dalkiisa

  13. xoghaye says:

    war kaan mayara waa war wayn tiiraanyo baan kamuujiyay dhagabadan waxa uu diiiday waa wax wayn yaase noosheeya sidii farmaajo kama dheera

Leave a Reply