Murashax Xasan Sheekh oo la kulmay Qaar Ka Mid Ah Dhalinyaradda Soomaaliyeed


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Iyadoo  maalmahii ugu dambeeyey  Xisbiga Nadadda iyo Horumarka iyo Murashaxa  Xisbiga  Prof. Xasan Sheekh Maxamuud ay wadeen wadatashiyo ku aadan bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa  waxuu haddana murashaxa  la kulmay Dhalinyaradda Soomaaliyeed.

Kulanka Wadatashiga ah ayaa dhacay xarunta  Xisbiga, waxaana ugu horeeyn ka hadlay xoghayaha Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Xisbiga  Nabadda iyo Horumarka Prof. Cali Yaasiin Sheekh Cali oo mahad celin ka dib dhalinyaradda ka dalbaday in ay fekerkoodaiyo talooyinkooda u soo gudbiyaan Murashax Xisbiga oo madasha ku sugnaa, waxaana barbar socday talooyinka su’aalo si toos ah dhalinyaradda murashax Xasan Sheekh ay weydiinayeen.

Dhalinyarada ayaa ugu baaqay murashaxa haddii uu guuleeysto in uu ahmiyada ugu weyn siiyo dhalinyarada Soomaaliyeed iyagoona Xasan Sheekh ku tilmaamay in uu yahay ninka keliyah ee mudan in uu  dalkaan hogaamiyo islamarkaan ku dhow kana warhaya shacabka Soomaaliyeed.

Muna Saciid  Axmed oo ka mid ahayd  dhalinyaraddii kulanka ka qeyb gashay ayaa sheegay in dhibaato xoog leh dhalinyarada ay ku qabaan ammaanka iyadoona murashaxa ka dalbatay haddii uu noqdo Madaxweynaha dalka in uu xooga saaro ammaanka.

“Ammniga aad buu u xun yahay tan iyo markaan dhashay, waxaa dhacdo in mararka qaar aan jaamacadihii aadi weyno , marka  waxaan ka doonayaa Murashaxa haddii uu guuleeysto  in Dowladdiisa ay amniiga wax ka qabato” ayey tiri Muna.

Ka dib markii uu murashaxa dhageeystay talooyinka iyo aragtida dhalinyaradda ayaa waxa uu u balan qaaday in uu texgelin doono islamarkaana  haddii uu qabto  xilka Madaxtinimada Soomaaliya uu xooga saari doono  sidi loo hergelin lahaa talooyinka loo soo jeediyey isagoona dhalinyaradda ku tilmaamay in ay yihiin dadka ugu horeeya ee ay Dowladdnimadda taamaya.

“Haddii aan ku guuleeysto oo aan hogaanka qabto waxaa siyaasadda dowladda sal u noqon doona waxa aad  ka hadasheen iyo waxyaalahii ay ka hadleen bulshadii kale ee aan la tashanay  sida haweenka, Odayaasha iyo culumaa;udiinka” ayuu yiri Murashax Xasan Sheekh.

Murashaxa iyo Masuuliyiinta kale ee Xisbiga  Nabadda iyo Horumarka ee PDP  ee murashaxa ka soo dhigay Xasan Sheekh  ayaa waxa ay maalmahii ugu dambeeyey kulamo wada tashi ah la lahaayeen bulshada qeyb baheeda kala duwan.

 

 RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Leave a Reply