Musharax Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi Oo ka Hadlay Waxa ku Dhaliyey in uu Tartamo & Waxyaabaha uu Qabaddoono Hadii Uu Ku Guuleesto Xilka Madaxtinimo Ee Soomaaliya (Dhageyso)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Minneapolis (RBC Radio) Magaalada Minneapolis ee Gobolka ay Soomaalida ku Badan Tahay ee Minnesota ayaa waxaa lagu qabtay Xaflad uu kasooo qaybgalay Musharax Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi oo ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxtinimo ee Soomaaliya.

Xafladaan oo si heersaro ah loo soo agaasimay ayaa waxaa khudbad dheer aad u wacan oo yididiilana galisay kasoo qeybgalayaasha kajeediyay Musharaxa Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi, wuxuuna ka hadlay arimo badan oo ay qayb ka tahay wax qabadkiisa.

Marxalada Wadanka Uu Marayo.

Musharaxa ayaa wuxuu sheegay in wadanka haatan uu marayo xaalad adag isla markaan uu u baahanyahay in la helo cid wax ka qabata oo wax ka badasha xaalada uu haatan ku jiro.

HALKAAN GUJI KANA DHAGEYSO KHUDBADII MUSHARAXA OO DHAMEYSTIRAN

“Mudo dhowr iyo toban cisho ah ayaan hada soo moogahay xamar, bishii June ee la soo dhaafay ayaan Xamar kaga dhawaaqay in aan ahay Musharax u taagan xilka madaxtinimo, wanaag iyo soo dhoweyn ayaan kala kulmay Muqdisho”ayuu yiri Dr. Cabdiraxmaan.

“waxaan arkay magaaladii Xamar oo aad u dhisan dadkii oo ganacsi ku mashquulsan iyo dhisme magaaladii ka socda, taasina yididiilo wanaagsan ayay nasoo galisay.”ayuu hadalkiisa ku sii daray musharaxa.

Waa Maxay sababta keentay in uu isi soo Sharaxo Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi.

Wuxuu faah faahin ka bixiyay sababta keentay in uu isku soo sharaxo xilka ugu sareeya ee ah xilka madaxtinimo ee Soomaaliya wuxuuna sheegay in ay jiraan sababo dhowr ah oo ay ka mid yihiin.

  1. Wuxuu sheegay in uu u heelanyahay dhowristii shariftii iyo karaamadii shacabka Soomaaliyeed.

“Sida aad ogtihiin hogaamiye kasta waxaa looga baahanyahay Tayo , waxaana Tayooyinka looga baahanyahay hogaamiyaha wanaagsan ay tahay, inuu haybad yeesho, Daacadnimo, iyo inuu tusaalo hufan la yimaado, “Ayuu yiri Musharaxa.

“Hadii Eebo idmo waxaan balan qaadayaa in aan noqdo kii ku sifooba in uu yeesho tayada lagu yaqaano hogaamiyaha wanaagsan ee hufan” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

  1. Wuxuu sheegay inuu ugu tartamayo hogaanka ugu saraysa Qaranka Soomaaliyeed inuu dib u soo celiyo dowlad wanaagii Soomaaliya, oo leh dhamaanba wixii lagu yaqaanay.

“Waxaa nasiib daro noqotay in wadankeena dunida inteeda kale looga yaqaano, wadanka ugu musuqmaasuqa badan, waxaan halkaan hortiina ah iyo meel kasta oo ay joogto umada Soomaaliyeed in aan u balan qaadayaa hadii aan ku guuleesto jagada madaxweyne nimo ee Soomaaliya in aan awoodayda aad u saari doono sidii looga hortagi lahaa ama loola dagaalami lahaa musuq maasuqa”Ayuu sheegay Dr. Cabdiraxmaan.

  1. Sidoo kale wuxuu sheegay in uu haatan isku soo sharaxayo in gacanta umada Soomaaliyeed uu ku soo celiyo maamulka wadanka, wuxuuna sheegay in ay nasiib daro tahay in muwaadiniintii iyo shacabkii Soomaaliyeed haatan la bar bar mariyay taladii wadanka.
  1. Wuxuu sheegay in uu balan qaadayo hadii uu soo dhiso xukuumad cusub in aysan jiri doonin wax is qab qabsi ah isla markaana aysana dhici doonin midi midi ku tag.

Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi wuxuu yiri” Waxan idiin balan qaadayaa in marnababa aanan laygu arki doonin wax dan gaar ah marka laga reebo in aan ka shaqeeyo danta guud, iyo sidii umada Soomaaliyeed loogu adeegi lahaa.

Baaqa Dhalinyarada.

Musharaxa u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Maxamed ayaa wuxuu fariin u diray dhalinyarada Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in loo baahanyahay in dhalinyarada ay ka shaqeeyaan horumarka wadanka.

Wuxuu ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed eek u sugan gudaha wadanka Soomaaliya iyo wadanka dibadiisa in aysan jirin maanta maalin aanan ahayn oo wadanka uu kaga baahi badanyahay dhalinyarada.

“waxaan ku boorinayaa dhalinyarada Soomaaliyeed in ay wadanka dib ugu soo laabtaan oo ay dib u dhiskiisa ka shaqeeyaan, waxaan leeyahay waxyaabo badan ayaad qaban kartaan, siyaabo badan ayaadna dalka gacan kaga geesan kartaan” Ayuu yiri musharaxa.

Midnimada Umada Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in ay mar waliba jirto midnimada iyo isku duubnimada umada Soomaaliyeed, wuxuuna carabka ku dhuftay hadii ay jirto midnimada in aysan waxba halaabayn.

Wuxuu sheegay hadii la waayo mid nimada umada Soomaaliyeed in aanan laga shaqayn ka jirin wadanka isla markaana aanan la maamuli Karin.

Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi, wuxuu sheegay in loo baahanyahay in si gaar ah loo eego qodobadaan.

1.Amniga iyo Xoojinta Garsoorka.

“waxa kaliya ee aan aaminsanahay waxay tahay in amaanka wadanka ay sugi karaan ciidamo Soomaaliyeed, inkastoo ciidamadaan ajnabiga ah ee AMISOM ay gacan siinayaan, hadana waxaan aaminsanahay gurigaada adiga uunbaa dhisi kara” Ayuu Yiri musharaxaan u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in uu balan qaadayo hadii la doorto oo uu ku guuleesto xilka madaxtinimo ee Soomaaliya in ugu yaraan mudo labo sano ah uu ku soo dhisi doono ciidankii Soomaaliya.

2.Dib U heshiisiin Dhab Ah.

Wuxuu sheegay in midnimada umada Soomaaliyeed laga soo shaqeeyay xili dheer isla markaana ay dadaal badan ku soo bixiyeen waalidiinteena.

Wuxuu sheegay in uu aaminsayahay hadii la helo dib u heshiisin dhab ah in laga gudbi karo dhibaatooyinka hada taagan.

3. Arimo Siyaasadeed Oo u baahan in wax laga qabto

Wuxuu sheegay in xiligaan loo baahanyahay in wax laga qabto arimo badan oo aysan waxba ka qaban dowladihii hore oo ay ka mid yihiin in la qabto doorsho rasmi ah, iyo dhidaamka dowladeed ee umada Soomaaliyeed u baahantahay.

“waxaan aaminsanahay in umada Soomaaliyeed ay nodayso in ay ka baxaan dhibaatada isla markaana ay wadankooda dhistaan” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

4. Dhaqaalaha Wadanka.

Wuxuu sheegay in loo baahanyahay si wanaagsan looga shaqeeyo dib u dhiska dhaqaalaha Soomaaliya, maadaama haatan wadanka ay ku yaalaan shirkado iyo xawaalado badan, oo ka mid ah kuwa dunida ugu wanaagsan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in loo baahanyahay in shaqooyin loo abuuro dhalinyarada Soomaaliyeed eek u sugan gudaha wadanka maadaama aysan garanaynin wax aanan dagaal ahayn.

5. Dib u Dajinta Qaxootiga.

Wuxuu sheegay in ay taahan si lac iyo saxariir ay ku jiraan qaxootiga Soomaaliyeed, waxa uu sheegay in maalin kasta la maqlo haweyn Soomaaliyeed oo l kufsaday.

Wuxuu balan qaaday hadii la doorto in uu ka shaqayn doono sidii dadkaasi qaxootiga ah dalka dib loogu soo celin lahaa, oo dib u dajin loogu samayn lahaa.

6. Wanaajinta Siyaasada Dibada.

Wuxuu sheegay in loo baahanyahay in dib loo soo celiyo sharaftii iyo cisigiiwadanka Soomaaliya ee dibada looga haayay, wuxuuna sidoo kale sheegay inuu ixtiraami doono heshiisyadii horay ay u galeen dowladii ka horeeyay hadii uu guuleesto.

Ugu danbayntii wuxuu sheegay in dadka aduunka ku nool iyo wadamada dariska ah ay diyaar u yihiin in ay kula dhaqmaan, si wanaagsan, wuxuuna carabka ku adkeeyay in wax kasta oo horay u dhacay loo baahanyahay in lagu xaliyo wada hadal.

HALKAAN GUJI KANA DHAGEYSO KHUDBADII MUSHARAXA OO DHAMEYSTIRAN

Xafiiska Wararka
Raxanreeb.com
Tell [612] 615 9556

Share

15 Responses for “Musharax Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi Oo ka Hadlay Waxa ku Dhaliyey in uu Tartamo & Waxyaabaha uu Qabaddoono Hadii Uu Ku Guuleesto Xilka Madaxtinimo Ee Soomaaliya (Dhageyso)”

  1. duniyo says:

    maasha alaah waa ereyo wanaagsan oo i farxad galiyey koley badan baa ka sokeysa oo wado aad dhiiqo iyo wax kasii xun ka horeyso waxaan ku odhanayaa musharaxoow hadii wanaag u tahay soomaaliya musharaxnimadaada rabi guusha haku siiyo.

  2. fuaad says:

    waan wada dhageystay khudbadiisa wali ma aan maqlin ka khudbad wanaagsan waxaan kasii helay sida uu xamar uga runta sheegay walaahi waa nin wanaagsan thanks raxanreeb waa sidii aan idiin kaga baranay wararka soomaaliya waxaan idinka rabnaa miinaasoota in wixii kla dhaca deg deg ah noo soo gaarsiisaan

  3. ilkhaas says:

    marka loo fiirsho marxalada dalka uu galayo 20 agosto kadib waxaan is oran lahaa ninkaan waxbarashadiisa dalka iyo dadkaba waa uu uga faaiideyn karaa haduu helo waa guul aad u weyn haduu waayo booska uu u tartamayo waxaan ku talin lahaa halaga faaiideysto ni kaan khibradiisa

  4. GUULEED says:

    RAXANREEB WAA KA DABAALATEEN WAAD NOO DADAJISEEN GUULEYSO INA MAXAMED CABDI XAASHI

  5. hanad ciise says:

    nin sharaf leh baa dhalay isagana waa hadal wanaagsan yahay erayada uu adeegsadey waan ka helay iyo daganaanta uu u hadlay

  6. kaamulidiin y says:

    raxan reeb thanks u maleyn maayo in uu helayo waa uu dhowrsoon yahay musharaxa xilkaas waxaa kasokeeya bulaacad u maleyn maayo in uu bulaacadaas inta uu surweel laablaabto uu dhexjiirayo hadaladiisa hadii la dhageysto waxaad ka dareemi kartaa in uu dhowrsoon yahay

  7. Nabadoon says:

    Aalla tahay, waligaa il ma saaraysid villa soomaliya, rag ayaa kaadidooda u soo cabbay, sxb iska illow, ka joog adiga maahee, haku fududaan, leefoo ha liqin, dib u joogso, indhaha sacabka saar, ka bul dheh, geesoole geela yaa baray, ha igu soo dhicin, kkkkkk wallaahi gabdhahaa kugu qoslaayo haddii hadda aad maalintaas doorashada aad masraxa soo fuushooo aad tiraahdo waxaan rabaa madaxweyne kkkkkkkkkkkk looooooooooooooooooooooooooooool……….

  8. shigshigoow says:

    wey adag tahay siduu ku helayo kadib goortaan dhageystay hadalka uu jeediyey ee bogaan hada ku jira waan taageersan nahay codkeygana waan siiyey

  9. Masha allah hope full president of. s omalia mohamed abdi haashi. Waa darwiish. Waa gob waa dhuuxii ismacil. Maalinba maalinta ka denbaysa way soo badanayaan musharaxiinta ka soo jeeda khaatumo state ee u sharaxan madaxtinimada somalia

  10. darwiish yare says:

    waaa nin aqoonyahana oo aan orankarno anagoo aan qabiil u eegayn oo shaqsiyadiisa iyo aqoonta uu uleeyahay ee uu uhadlayo waa uu u qalmaa ilaahayna hakugu guulaysiiyo,
    ninka nabadoon laleeyahay saaxiibow waad bvugtaaye adaa hoga lagelaya walaahay , qadhmuunka kaasoobaxaya ,waar dadka hawasa khayn ,waad urasysaaye , #
    asxaabta gale ee halkaan kafeker dhiibtay aaad iyo aad baan idiinsalaamayaa ,caqli saliima ayaad leedihiin ,ilaahay ha idiin siyaadsho , maanta waa maalintii qaran aynu noqonlahay , oo aynu cagaheena isku taagilahayn ,webka raxan reeb aad ayaan idiinku hambalyaynayaa , web umada dhex dhexaadinteeda utaagan ayaad tihin thnks alot!!!

  11. Taleexi says:

    AMA sidaasaa loo hadlaa AMA waa la iska aamusaa.
    Ninkan waxaan qabaa hadii isaga ama kuwo lamid ah oo sidaas iskugu kalsoon la doorto qarankii soomaaliya soo noqoshadiisu rajo ayey leedahay.
    Hadii kale kuwa mahiga ka jecel qaranka Somalia ayaa la inoo keenayaa.

  12. Maashaa allaah musharaxu waa mahadsan yahay hadalkiisuna runtii waa qurux badan yahay balse somalidu makala yaqaaniin ninka wax uqabanaya iyo midka dibin daayaynaya jawaabtu wili waa maya

  13. khadija says:

    waan u baahanahay nin kanoo kale ah wax badan oo maanta dalku u baahan yahay buu keni karaa maskax iyo cilmiba marka soo mali waa kuu bahan tahay balse gacanta alle bey ku jirtaa allaha kuu fududeeyo koley wakhtiga maanta howl culus baa sugeysa ninka qabta ee allah kuu fududeeyo aamiin.

  14. Hadal ma daaye says:

    Runtii ninkani waa u qalmaa madaxweeyne markaa codkiisa dhegaystey laakiin soomalidii qaadan lahayd meeday.
    Ilaah ha kugu guuleeyo hana kuu fududeeyo ,waaba laga yaabaa inay dib dowlad u noqoto maruun.

  15. walaahi waa nin muwaadina sida hadalkiisa nooga dhadhantay ilaahay ha kuguuleeyo hana lagarabgalo xilkaas hana noqdo muwaadin soomaaliyeed

Leave a Reply