Musharax Maxamed Axmad Saalax oo Ka Hadlay Sababta Ku Kaliftay Inuu Xilka Madaxtinimada Soomaaliya Isu Taago & Waxuu Dalka ka Qaban Doono Hadii uu ku Guuleysto (DHAGEYSI+DAAWASHO+SAWIRO)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin


Halkaan Hoose Ka Dhageyso Khudbadii Musharaxa
 

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Minneapolis (RBC Radio) Musharax Maxamed Axmed Saalax oo ka mid ah musharixiinta u taagan tartanka madaxtinimada dalka Soomaaliya oo xalay xaflad afur ah loogu sameeyay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee wadanka Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday sababihii ku kalifay inuu u tartamo xilka madaxweynaha wadanka isagoo sheegay in sababo badan ay jiraan.

Musharax Maxamed Axmed Saalax wuxuu sheegay in haddii Soomaaliya ay weyso dad damiir leh oo u kaca ay qabsan doonaan madaxna u noqon doonaan kuwo, sida uu sheegay midabka iyo Afka Soomaali ka ah hase yeeshee u adeega cadaw shisheeye ah.

“Waana sababtaas mida igu kalliftay in markii aan tagay Boosaaso aan ku dhawaaqo inaan ahay u tartamaha xilka madaxtinimo ee Soomaaliya” ayuu yiri Musharax Maxamed Axmed Saalax.

Mudane Maxamed Axmed Saalax ayaa si geesinimo leh carrabka ugu bayaamiyey in dalka Soomaaliya aan maanta la dhihi karin waa xor, isagoo cadeeyay in dawlada hadda jirta ee ku-meelgaarka ah ay ku hoos jirto UNPOS iyo Midowga Afrika oo xukuma iyadoo ay ciidan u yihiin AMISOM halka wadamada deriska ahna markay rabaan ay iska soo galaan dalka cidii ay rabaana xiraan. Wuxuuna sheegay in dadka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin dalkii oo xor ah oo leh dawlad madax bannaan.

Waxqabadka Maxamed Axmed Saalax

“Wax kasta ILLAAHAY gacantiisay ku jiraan, haddii uu Illahay qadaro inaan noqdo madaxweynaha Soomaaliya waxaan dhisi doonaa dawlad marka koowaad hanata nabadgelyada, nabadgelyada dadka Soomaaliyeed oo aan noo xilsaaran noona wakiilan cid aan Soomaaliya ahayn.” Ayuu yiri isagoo hoosta ka xariiqay in dhismaha ciidamada XOOG Dalka ay tahay mida koowaad ee nabadgelyada aas aaska u ah.

Wuxuuna musharaxu si weyn ugu taagtaagsaday in sidan uu u kala qodobeyn doono waxqabadka dawladiisa, haddii uu noqdo madaxweynaha dalka.

-      DHISMAHA CIIDANKA XOOGA DALKA

-      DHISMAHA DAWLAD ISLAANIMADEEDU TAHAY AF IYO ADIN

-      NABADGELYADA WAA MUDNAANTA KOOWAAD

-      KA HORTAGA ABAARAHA IYO MACLUUSHA

-      WAXBARASHADA IYO CAAFIMAADKA

-      WAXSOO SAARKA DALKA SI LOOGA KAAFTOOMO KAALMADA AJNABIGA

-      SOO CELINTA CAQLIGII SOOMAALIDA

-      DHISIDA KAABAYAASHA DHAQAALAHA IYO DHIIRIGELINTA MAALGASHIGA

Halkaan Guji kana daawo Sawirada Xaflada oo Dhameystiran

Mudane Maxamed Axmed Saalax ayaa ugu dambeyntii soo xusuusiyey dadkii uu xalay kula hadlay Minneapolis in Soomaalida ay leedahay caqli, karti, aqoon iyo dhaqaale ay wax kasta ku qabsan karto laakiin ay u baahan tahay dad mideeya oo isu keena si ay isugu filnaato, taasoo uu sheegay in isaga uu jecel yahay inuu ka dhabeeyo.

“Mahi nin hadal badan yaqaana, laakiin waxaan ahay nin hawl badan yaqaana” ayuu yiri Musharaxa Maxamed Axmed Saalax.

Halkaan Hoose ka Daawo Khudbadii Musharaxa

Mar uu ka hadlay warbixintii eedeynta musuqmaasuqa ee ka soo baxday dhowaan guddiga Qaramada Midoobay ee Monitoring Group ayuu sheegay in haddii warbixinta ay run tahay lagu sameeyo baaris kadibna madaxda DKMG ah ee la eedeeyay la geeyo maxkamad hase yeeshee haddii ay been noqoto sheekadaasi dadkii soo qoray [kooxda Monitoring Group] iyaga la geeyo maxkamad.

“Taariikhda ayaa sheegi doonta ninkii Soomaaliya wax u qabtay iyo ninkii aan waxa u qabanin” ayuu yiri Musharax Maxamed Axmed  Saalax.

Wuxuu dadka reer Minnesota u soo jeediyey inay tagaan dalka ayna ka qeybqaataan hanaanka siyaasadda ee dalka si ay qeyb uga noqdaan masiirka dalkooda, isagoo dhanka baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqay inay noqdaan dad iimaan iyo damiir leh oo dalkooda badbaadiya.

Cabdullaahi Xaaji Kheyr

Khudbadii Cabdullaahi Xaaji Kheyr Halkaan hoose ka Dhageyso

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Xuseen Samatar

Khudbadii Xusseen Samatar Halkaan hoose ka Dhageyso

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Halkaan Hoose ka Dhageyso Buraanbur aad Loogu Riyaaqay oo Halkaas laga qaaday

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Muuse Xaaji Abees

Khudbadii Muuse Xaaji Abeees Halkaan hoose ka Dhageyso

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Liibaan X Cabdullaahi Beeldaaje

Khudbadii Liibaan X Cabdulaahi Beeldaaje Halkaan hoose ka Dhageyso 

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

RBC Radio
Xafiiska Wararka Minneapolis
Tell (612) 615-9556

Share

Tags:

10 Responses for “Musharax Maxamed Axmad Saalax oo Ka Hadlay Sababta Ku Kaliftay Inuu Xilka Madaxtinimada Soomaaliya Isu Taago & Waxuu Dalka ka Qaban Doono Hadii uu ku Guuleysto (DHAGEYSI+DAAWASHO+SAWIRO)”

  1. [...] See more here: Musharax Maxamed Axmad Saalax oo Ka Hadlay Sababta Ku Kaliftay Inuu Xilka Madaxtinimada Soomaaliya I… [...]

  2. Shariif says:

    Masha Allah murashaxa waa soo dhowaynaynaa hadaan reer bari nahay. Guulayso ayaan kuleenahay kii dalkiisa kasaaro xaalka uu ku jiro ilaahay hakaa dhigo.

  3. Bosaso gril says:

    soo dhowoow ayaan ku leenahay musharaxa waana nin da.yar oo aqoonyahan ah waxaan leenahay waa raga loo bahanyahay maadama dalku oo yahay mid burbursan waxaa wax ka qaban karaa waa aqoonyahanada da,da yar sida musharax maxamed ahmed salax oo kale

  4. Waaberi says:

    Horta waan soo dhoweyneyna runti waxaaad tahay nin Niyad wanaagsan leh oo Damiirkisu u diiday in wadanka saas uu kusi jiro Laakin anigu waxaaan qabaa Qof sida musharaxan oo kale danta guud wada yaa dooranaya Ileyn wadanka waxuu ku jira Gumeysi maldahan .Qaladna ha ii fahmina

  5. shigshigoow says:

    WAA YAABAY Raxan reeb ma jin miyaa la shaqeeya xalay bay aheyd markii aanu joognay xafladaan aanu joognay 11pm local time baanu kasoo dareernay saxuur time 4am local time na waa ay wada saarnaayeen fiidiyoow sawiro iyo khudbado wlaahay waa horumar ay ku talaabsadeen raxanta minneapolis na waa ay u baahan tahay saxaafad sidaan u shaqeysa maanta laga bilaabo waxaan kamid ahay taageero rasmi ah. musharax xalay aad baan uga helay sida aayadaha, axadiista aad khudbadaada uga buuxeen walina ma aan arag qofkaan minnasota noogu yimid oo sidaas oo kale wax noogu sheega thanks

  6. waxaan aad u soo dhaweenayaa ninkaan dhalinyarada ah oo isu soo taagay xilka madaxnimada soomaaliya waxaan oran lahaa ilaahay ha kugu guuleeyo , lana soo bax raganimo dheeri ,kana fogow musuqmaasuqa kuna faan Taariikhda gobolka bari maamul isir ayaad u leedahay waad mahadsantihiin raxanreeb web.com

  7. Omar Hussein Islan says:

    Musharaha Mohamed Ahmed Salah, Aqoon hore uma lahayn, si niyad ahna waan u taageerayaa. Maadaama uu yahay aqoonyahan han leh, oo go’aansaday in uu isu sharaxo xilka samatabixinta Somaliya oo aynu ognahay marxaladda ay ku sugantahay Maanta. waana ku taageerayaa Hankiisa. tan labaad, markaan dhegeystay khudbadiisii fikrad kalaa iiga koroday. oo wuxu iigu muuqday, masuul aqoon iyo aaminba lagu taageeri karo, nin Ilaah ku xiran, Daacad ah, oo waliba Degen. halna ogaada, oo Godintu Afkastoo ay leedahay hadaysan Daab lahayn Laan ma goyso. Waxaana umadda somaliyeed ee Qabiilka ku waalatay, kula talinayaa mar haday arkeen meesha uu gaarsiiyey Qabiilku ay Ehel Siyaasaddooda uga dhigtaan kan wax tari kara oo aqoon iyo karti Meel ku Gaarsiin kra. Waxaan Tusaale Somaliyeey idiinka dhigayaa, Su’aasha hoos ku qoran, oo ah:
    Qabaa’il baynu wada naaye, yaa ii sheegi kara oo uu qabiilkiisu qabiilo wax ku taray. qabiilo meel ku gaarsiiyey ?. Ninka Maanta aad qabiil ku Taageertid, Markuu fariisto kursiga ogow albaabkiisu adiga waa kaa xiran yahay waayo, Adiga markaa kuuma baahna ee Aniguu ii baahan yahay. alabaabkiisuna ii furan yahay, sababtoo ah intii uu Adiga kaa rabay kaa hel, marakanna Soomaalidii kale oo dhan buu u Baahan yahay oo Albaabkiisu u farmayaa. Marka walaalayaal, aynu taageero kaynu u aragno,dhamaanteen in uu meel ina gaarsiin karo isagaa Ehel inoo ahe.
    Arimaha aan kor ku soo sheegay, qofkii wax ka qabaa. ha igala soo xiriio:
    Email-kayga, ah: oh8376@gmail.com Ama
    facebook-ga ah: Omar Hussein Islaam

  8. ahmad says:

    asc runti mudane maxamad ahmad saalax marki aan khudbadisa dhegaystay waxan dareemay qiira wadaninimo waana wiil dhalinyara ah hadana aqoonyahan ah runti somalida qabiil bay wax ku taageran laakin ani ninka waxan ku taageray kartidisa iyo aqoontisa ilaahay waxan uga baryaya in u xilkisa ku guuleyo

  9. Garmaqaate says:

    Maxaa caddayn u ah in uu waxyaalahaas uu soo sheegay uu yahy nin qaban kara? Weli ma arag hadda ka hor isagoo meel ka hadlaya ama ‘waxaas buu qabtay’ la leeyahay.

    Waxaan la yaabaa madaxnimo-doonayaasha Soomaalida; mid baa kolkuu 20+ sano dibedda ku maqan yahay subaxa dambe iska soo kallahaya isagoo madaxweyne doon ah!

Leave a Reply