Musharax Maxamed Axmed Cali: Haddii Aysan Midnimo Jirin Labo Isdishay isma Daaweyn Karto (Dhageyso+Sawiro)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Muqdisho (RBC Radio) Musharax Maxamed Axmed Cali oo ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimo ee Soomaaliya oo waraysi gaar ah siiyay shabakada Wararka ee RAXANREEB.COM ayaa wuxuu ka hadlay arimo badan.

Musharaxa ayaa ugu horayn wuxuu ka hadlay sababta haatan keentay inuu xilkaan isku soo sharaxo, wuxuuna sheegay in markii uu arkay xaalada dalka iyo in loo baahanyahay qof wax ka qaban kara ay keentay inuu isi soo sharaxo.

Maxamed Axmed Cali oo ah musharaxa ugu da’da yar musharixiinta u taagan xilka madaxtinimo ee wadanka Soomaaliya sidoo kalana ka mid ah musharixiintii la tartamay madaxweynaha xiligaan Shariif Sheekh Axmed, ayaa wuxuu sheegay in loo baahanyahay in jaaniska lasiiyo dhalinyarada.

“Musharixiinta kale waxaan kaga duwanay waxaan ahay nin dhalinyaro ah oo wax u soo bartay wadanka isla markaana jecel wadanka.”ayuu yiri musharaxa madaxweynaha.

Sidoo kale wuxuu sheegay hadii uu ku guuleesto xilka madaxtinimada Soomaaliya in uu ka shaqayn doono midnimada umada Soomaaliyeed, asagoona sheegay hadii aanan midnimo la helin in aanan wax horumar ah aanan la gaari Karin.

Wuxuu sheegay Maxamed Axmed in dhalinyarada Soomaaliyeed ay dadaal badan ugu jiraan dub u dhiskaa wadanka isla markaana ay doonayaan in ay jaaniskooda helaan.

Mar aan way diinay Musharaxa inta ay la egtahay rajada uu qabo maadaama uu ka mid ahaa musharixiintii sanadii 2009, haatan uu mar kale yahay musharax u taagan xilka madaxweynenimo.

Wuxuu ku jawaabay in uu leeyahay rajo wanaagsan uuna rajaynayo dadka Soomaaliyeed in ay doortaan,hadii aanan asaga la dooranaya loo baahanyahay in la doorto qof Soomaaliya xaaladeeda wax ka qaban karta.

DHAGEYSO WAREYSIGA

Ugu danbayntii wuxuu sheegay musharax Maxamed Axmed Cali in uu dadka Soomaaliyeed u rajaynayo in ay ka baxaan xaalada ay haatan ku sugan yihiin isla markaana ay helaan nabad iyo hormar, sidoo kalana wuxuu ugu baaqay dadka soomaaliyeed eek u maqan wadanka dibadiisa in ay ku soo laabtaan wadanka.

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

5 Responses for “Musharax Maxamed Axmed Cali: Haddii Aysan Midnimo Jirin Labo Isdishay isma Daaweyn Karto (Dhageyso+Sawiro)”

  1. Ali says:

    Ninwalbaaba wuxu u ordayaa inuu fursad uu wax ku xado helo,laakiin waxaa jira cadaalad aan cidina ka fakaneyn la inkiri karin, waxlaysdaba marin karin waa cadalada ilaahey

  2. Jawaabe says:

    Itaqulaah waa ramadaan yuu wax kaa noqon ramadaanka walaal waxaad iska ilaalisaa dhamaan wixii kaa burin kar ramadaanka

  3. Shandile says:

    Inanka nin dacad weyaan , hadin la rabo Dacad iyo sinaan wa inanka .

    Hoorta yu U dashay gooloma weyan?

  4. Bashi says:

    Walala yaal dhaman somalida melkasta o aad jogtan waa idin salamay. salan kadib Maxamed Cali waa nin dhalin yaro ah o educator ah. please give his chance to be a somalian president.
    waxadna ogatan o kale inuu shaqsi kasta o somali ah dudan yahay inuu qabto xilka madax nimo ee somaliya markii laga reebo dad gar ah.

    Waxanahay ardayda somaliyed ee waxka barata dulka maraynkanka. our candidate waa Maxamed Cali let him to be a presdident this time of difficulties.
    we support cabdi shakur but where our waters? Sea. he has to prove it.

  5. Osoble says:

    First of all waxan halkan ka salaamayaa umada Somaliyeed intaa ka dib anigu waan ku taageersanahy mudane Mohamed Ali in dhalin yarada somaliyeed lasiiyo Chance sababtoo ah udayaashi 22 sano ayaan aragnay sidi ay wax yeeleen marka i believe in dhalinyaradu matan wax ka badali karto xaalada wadanku taganyahy somaliduna waxay ku maahmaahdaa ….Madax madow ayaa maan ku danbeeyaa…

Leave a Reply