Musharax Maxamed Axmed Cali: Waxaa Loo Baahanyahay In Jaaniska La siiyo Dhalinyarada (SAWIRO)
Muqdisho (RBC Radio) Musharax Maxamed Axmed Cali oo ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimo ee Soomaaliya oo waraysi gaar ah siiyay shabakada Wararka ee RAXANREEB.COM ayaa wuxuu ka hadlay xaalada wadanka iyo waxyaabaha uu ka filayo.
Wuxuu sheegay musharaxa u taagan xilka madaxtinimo ee wadanka Soomaaliya, in xaalada wadanka ay tahay mid wanaagsan isla markaan ka soo raynaysa wadanka sida uu ahaan jiray.
Maxamed Axmed Cali oo ah musharaxa ugu da’da yar musharixiinta u taagan xilka madaxtinimo ee wadanka Soomaaliya sidoo kalana ka mid ah musharixiintii la tartamay madaxweynaha xiligaan Shariif Sheekh Axmed, ayaa wuxuu sheegay in loo baahanyahay in jaaniska lasiiyo dhalinyarada.
Wuxuu sheegay Maxamed Axmed in dhalinyarada Soomaaliyeed ay dadaal badan ugu jiraan dub u dhiskaa wadanka isla markaana ay doonayaan in ay jaaniskooda helaan.
Mar aan way diinay Musharaxa inta ay la egtahay rajada uu qabo maadaama uu ka mid ahaa musharixiintii sanadii 2009, haatan uu mar kale yahay musharax u taagan xilka madaxweynenimo.
Wuxuu ku jawaabay in uu leeyahay rajo wanaagsan uuna rajaynayo dadka Soomaaliyeed in ay doortaan,hadii aanan asaga la dooranaya loo baahanyahay in la doorto qof Soomaaliya xaaladeeda wax ka qaban karta.
Ugu danbayntii wuxuu sheegay musharax Maxamed Axmed Cali in uu dadka Soomaaliyeed u rajaynayo in ay ka baxaan xaalada ay haatan ku sugan yihiin isla markaana ay helaan nabad iyo hormar, sidoo kalana wuxuu ugu baaqay dadka soomaaliyeed eek u maqan wadanka dibadiisa in ay ku soo laabtaan wadanka.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho














[...] Read More: Musharax Maxamed Axmed Cali: Waxaa Loo Baahanyahay In Jaaniska La siiyo Dhalinyarada (SAWIRO) [...]
koofiyad bacle kastaa ha yidhaa madax wayne ha la iigu yeedho.waar ha is wareerin
kkkkkkkkk……… war kan waa mid walan
Kan waa soo taagan yahay
ARI KAN MASAASADA WAX KU CABAYA, BEESHUU CEEBAYNAYAA: MAALIN DHAWAYDNA WAA ARKAYAYA USAGA OO BOSASO KASOO DEGAYA