Nabadoon Si Weyn Looga Yaqaano Puntland Iyo Walaalkiis Oo Lagu Toogtay Magaalada Gaalkacyo


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Wararka aan ka helayno Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in kooxo hubaysan ay caawa magaalada Gaalkacyo ay ku dileen Nabadoon si weyn looga yaqaan magaaladaasi oo lagu magacaabi jiray Nabadoon C/laahi Maxamed Xasan (C/laahi Farey).

Wararka ayaa sheegaya Nabadoonkaan xili uu salaadii Maqrib ka soo baxay asaga iyo nin ay walaalo yihiin oo lagu magacaabo Cismaan Maxamed Xasan iyo ninkale in ay weerareen kooxo Hubaysan.

Kooxaha Weerarka ku qaaday nabadoonka ayaa diley Allah ha u naxariistee Nabadoon C/laahi Farey iyo walaalkii Cismaan Maxamed Xasan oo isku goob ku wada geeriyooday.

Sidoo kale waxay halkaasi ku dhaawaceen nin kale oo la sheegay in uu la socday nabadoonka oo ay qaraabo isku dhow ahaayeen.

Wararka ayaa sheegaya in nabadoonka xiliga dilka loo geysanayay in uu ku sii jeeday gurigiisa si uu u soo afuro maadaama uu soo tukaday salaada maqrib.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Dhanka Puntland Jaamac Maxamed Axmed ayaa sheegay inay ku raadjoogaan dadkii dilkaasi ka dambeeya.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka dhaca dilal qorsheesan oo aanan la ogayn cida ka danbaysa, waxaana horay loo dilay nabadoono badan oo caan ka ahaa Puntland.

 RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

28 Responses for “Nabadoon Si Weyn Looga Yaqaano Puntland Iyo Walaalkiis Oo Lagu Toogtay Magaalada Gaalkacyo”

  1. [...] View original post here: Nabadoon Siweyn Looga Yaqaanay Puntland Oo Lagu Toogtay Magaalada Gaalkacyo Asaga iyo Walaalkiis [...]

  2. [...] View article: Nabadoon Si Weyn Looga Yaqaano Puntland Iyo Walaalkiis Oo Lagu Toogtay Magaalada Gaalkacyo [...]

  3. Siciid says:

    Galmudug dadkii waa dhamaysay

  4. Galmudug says:

    Faroole ayaa ka danbeeyey nabadoonkan dilkiisa rabshadaha gobolka mudug na isagaa soo abaabula. Viva Galmudug

  5. Inaa Lilaahi wa inaa Ilaahi Raajicuun; Alle waa sareeye Nabadoonka ha u naxariisto. waxaase calool xumo ah in Nabadoon Ehlu salaad ah oo Afur u socda la dilo oo dhiigooda dadka waxtarka ah saas loo sakhiro. Gaalkacyo iyo Guud ahaanba Soomaaliya dadkeeda Alle xaqa ha tuso, hana ka qabto fitmo wadayaasha muslimiinta dhibka ku haya. Aaamiin Ilaahooow.

  6. Axmed yare says:

    Cabdulahi faray miyaa caawana yaala galkacyo. Walee idinkuna dhib Kama baxdaan. Inta Aad malin walba nin aan wax galabsan dilaysaan.

  7. daljire says:

    INAALILAAHI WA INAA ILAAHI RAAJICUUN, ilaahay haw naxariisto 2 da nin ee dhimatay , kuwii ka xaq daraa ee dilayna ilaahay umada haka soo qabto, dadka ruuxa sooman dilaya masiiba ala haku rido waxa dadka laynaya.

  8. Wanku daba joognaa ayeex ku balamen maamulka puntland halkasna uga haraan war waxan yaa dadka iyo dalka ka qabta dadkii dhamaye

  9. ALLE ha u naxariisto run ahaantii waa musiibo u soo hoyatay guud ahaan ummadda soomaaliyeed nabadoonka aadbaan u aqaaney waxuuna ahaa nin soomaali oo dhan u dhexeeya dadka waxma garatada ah oo dadkaas oo kale laynayana mar,umbaa maxkamad la soo taagi doonaa ALLAAAH samir iyo iimaan hanaga siiyo ehelkiisa caruurtiisa iyo qaraabadiisaba ALLE samir hanaga siiyo asaga iyo walaalkiis cismaan ba waa geeri aad u fool xun alleelehe gaalkacyo dadbaa barakicin ku wada markay inta damiirkaleh ka dhameeyaanna meesha waxii la rabo laga fushan karo ay noqoto

  10. Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajucuun.
    Dhamaan umadda soomalieed, Puntland, Gobolka Mudug iyo Khasatan Caa’iladdii Marxuuminta Geeridu ku timidba waxaan uga tacsiyeeynayaa Geerida Cabdilaahi iyo Cismaan oo ahaa walaalo wada dhashay sida xogta kore ku xusan.
    Walaalayaal Bulshada somalidu mudo dheer waxay deris la ahayd mashaakil la mid ah mikaan dhacay oo kale, waxaana layaab ah in maalin kasta qofka inoogu mudan Masaajid lagu toogto.
    Alle waxaan ka baryeynaa inuu dhibkaan umadda ka saaro oo wax ka khayr badan ugu bedelo, bulshadana waxaan xasuusinayaa inay si dhac ah isaga kaashadaan qaswadayaaasha qarandumiska ah,.
    JANADII ALLE HA KA WARAABIYO

  11. profoser says:

    HORTA ILAAHAY
    HA NAXRISTOW
    MID KALKE AAWAY CIIDAMADII AMNIGA QABILSAANAA MAAALIN KASTA WAXAA MAQALAYNA NABADOON BA LADILAY SARKAAL
    BAA LADILAY
    DE GAALKAYO XAMAR BAY NOQOTAY
    ILAAHOW NABAD KA DHIG

  12. iftiimiye says:

    rer galkacyow wax atgasheen maxay tahay war miyeesan idiin muqan wax idun ku dhacaayo war malin walba ma nin ba nin ka uu kaqiima badan yahay miyaat asaysaan meshaas waxa idin dhigay waa rer hebel ee wiilka hala daayo qoom markii larogaayo culumadooda iyo caaqil koda ayaa laga dhamee ya marka waxat u ektihiin qoom larogayo.afka waxat kabarateen wa galmudug iyo waa kidhiish .ilmahiina weye oo caqiidada laga qalday ee hoos isku fiiriya oo xisaab tama.

  13. FARATELO says:

    ASCaleykum, Itoobiya ragii 1977 dhulka ku jiidey waa dhameysey waxa dadka anfaca leh laynaya waa laba guroob 1. Itoobiya 2. iyo dad la shaqeeya cadowgaas soo jireenkaa ee Yuhuudda madow itoobiya.
    Waxaana kaaga sii daran dadka og oo ka aamusan iyo kuwa oranaya maxaa iga galay sheekadu waa sadexdii dibi ee midba mar la cunayey,hada dibiyadii ayaa batey waana 18 dibi marka aanu ka war sugno mesha ay ku nagaato . Aloow dal nabada iyo dad caafimaad qaba sc.

  14. cabdisalaam says:

    Walaahi anugu ma aqaan wax dilay laakiin koley waxaa jira balaayo dadka wax garadka ah ugaarsanaysa Ilaahaw muslimka balada ka qabo, ninyohow waxaa layaab leh waagii hore markii nin ladilo waa laheli jiray cidda dishay 24 saac gudohood hadda ciddii wax dhisha lama yaqaan uum bay ku dhamaanaysaa koleey waxaa la’ii sheegay in uu ahaan ninkaas raggii faro ku tiriska ahaa ee wax garadkii hore ee cumar maxamud ka dambeeyay, marka soomaali waa loo soo dhigtay koley gaalana kamasaan la’a waayo waxaan gaalo ahayni sidaas shiddada muslimka uma laasimi karaan dee hadii ay gaalo shaqaysanaysana waxay uun ku shaqaysanaysaa caadaqaate aan waxba garanayn oo lacag sii sanaya dilka kan wax tarka ah.

  15. xoghaye says:

    ujeedo fahan hadal xanaaqu mareebana waayo dhacdadani waa midjoogtaah ugu yaraan mar iyo lababa waa ay dhaaftay bacdo arar qeexid hadal dadkeena meesha wax ku qora alow unaxariiso maxuma waxase dhamaanaya waa dadkeenii wax ku oolka ahaaa wax qabad baanalakarabaah iyo qofkasta in uu is xilsaaro waxaana laga hortago puntland puntland waa lagu dabajiraah waa lagoobayaah miyay noqotay wax qabadkeedii ilaahay horti taasi ma karunbaa puntland aayaha gaalkacyo ninkii udhashow ukac tani waa dabar goon nagusocota hadalna waxba nootarimayo isku duubni iyo midnimo baa lagu badbaadaa

  16. ALI JEBEYE says:

    waxaan ilaahay uga baryayaa in ilaah naxariistii jano siiyo marxuumyada ladilay kuwii galay dambiga iyo dhiiga xaaraanta in ilaah uusan qarin oo ilaah kashifo aamiin waana in loo guntadaa sidii iimaanlaawe yaasha loosoo qaban lahaa insha allh ilaahayna soomaali oodhan hakadulqaado masaaibta iyo dhiigan iska qubanaya ee ay qubayaan mujrimiin ilaahay naga sooqabtay aamiin

  17. abdul says:

    ilaa magaalada uu dagaal weyn ka dhaco, oo mudo dheer qaata dadka intiisa badana ka qaxaan, qolo walbana meeshii ay katimid ku noqoto, maqabo in ay nabad noqon karto gaalkacyo, sababtoo ah, marka dhalinyarada magaalada jooga waxaa lagudboon in ay amaanka gacantooda kula wareegaan, iska ilaawaan sheekadan raqiiska , bilaabaan in ay dadka ugaarsadaan, xaafadahooda ugu galaan, istaajiyaan qoka magaalada aan deganayn qaybtan waqooyi loo gudbiyo asagoo karfan ku jira dhinaca uu kayimid, haday ku cadaato sheekooyinka meesha uu layimid.

  18. cali qalif says:

    asc sxbyal dadka markasta hadilayo waxa ka danbeya faroole

  19. EID says:

    ASC INAA LILAAH WA INAA ILAAHI RAAJICUUN GEERIDA KU TIMID ABDULLAHI IYO OSMAN WAAN KA TACSIYAYNAYAA OO WAXAAN ILAAH OGA BARYANA U NAXARIISTO WAXAANA U RAJAYNAA IN AY KHAYR LA KULMI DOONAAN SABTOO AH QOF ILAAH DARTII USOOMANAA ASAGOO SALAAD SOO TUKADAYNA LAGU DILAY GURIGII ALLE OO MASJIDKA AYNA DISHAY GACAN DAALIMAD AH WAA WAX LOO RAJEEYO KHAYR .MIDA KALE REER MUDUG WAXAAN LEEYAHAY WAR WAXA LARABO IN LA DHAMEEYO WAA DAD KII DAD KA CAQLIGA U AHAA OOO ADANKA DHEXDIINA IDIN KALA CELIN JIRAY HADA IN IIDAN NOOLAAN BAA LA IDIN KU TALAGAYA EE TASHA OO WAX IS KA DHICIYA

  20. Liibaan says:

    KU.Doqonka la baxay Galmudug.Doqon yahoow waa adiga ku farxay wadaadada ay dileen Gaalda madoow taadii baa adigaba kuu soo socota ee ku talo gal.Nacays wax matare ah oo liita baa ku farxa qof dhintay.Waayo waxaad mid tahay kuwa an bareeraha wax u sheegan karin,laakin meelahaas ka Nuu-nuu yiraahda.

  21. caraseedo says:

    Inaa lillaahi wa inaa ilayhi Raajicuun
    Ilaahay marxuumiintaas ha ugu deeqo janadiisa Fardowsa ah
    kuwii dilayna cadaabkiisa Alle wayne ha ku fogeeyo,waa bil RAMADAANE oo barakaysane
    waana soomanahaye Ilaahoow codsigayaga aqbal,soona iftiimi kuwii dilay ragaas adigaa garanayee [aamiin],
    Gaalkacyo waxay iskugu dhuratay Warta dhiigga,laakiin Alle wayne waxaan ka rajaynaynaa in ay noqoto Warta nabadda Insha Allaah,Ramadaan dhiig jooga ninkii ku farxaaya isagaa ku madluumin,xaqu mar buu iftiimin Insha Allaahu,reer Galkacyoow caqliga dheer,cilmiga Ilaahay idin siiyay baa la’idinkala dirirayaa,ee mar uun baa Alle Casaawajalle iftiimin xaqa,ileen isagaan waxba ka dahsoonayne.

    cadowga idin laynayoon caafimaadka qabin
    inaad tarxiishaan ayay taladii ahyd.
    Maamullada jira ayaa hawshan idinku furay
    Derbigii Baarliin ayay dawadiis ahayd.

  22. Tutankhaamuun. says:

    Labada marxuum Alle baan naxariis uga bariney. kan dhaawacaana isna Alle ayaan daryeel deg-deg ah
    uga duraamanay. Intaas ka-gadaal. Waxba yaan lagula galgalan meel aysan eeddu jirin. Galmudug iyo
    Itoobiya iyo Gaalo ayaa na dilaysa yaan la oran, Allow qabana ha ku karaamo seegin, say dhicimaysee.

    Xukun jaa’ir ah inaad Qabiil iyo heyb ku taageyrto oo Xaakim xun markii la soo hadal qaado aad tiraahdaan (Faroole Xafiddulaahi) markii tanoo kale dhacdna aad tiraahdaan Allow naga qabo wax na
    dilaya, labadaas Alle kama wada heli-kartid ee gadaal isugu laabta.

    Waxaad na tiraahdaan Dawlad gaamurtay ayaa Buntilaan ka jirta oo aad looga maseyrsan yahay.

    Dawlad waxa ugu muhiimsan oo looga fadhiyo waa in ay AMMAANKA sugto, haddii taas ay ku guuldaraysato waa in la bedelaa weeye, waxkale oo lagu saluugo waa loogu dulqaadan karaa, Ammaankase waa maya. Dawladii Ammaanka hanan weydaa waa fashilantay waa in la tuuro, say waxii
    loo igmaday dib bay uga dhacdaye.

    Waxa meesha ka socda waa aanno QABIIL haddeynaan isyeeyeeleyn, dadku haddey Dawlad wanaag
    iyo cadaalad arkaan kuma deg-degaan aanno qabiil oo cadaalada ayey ka dhursugaan, haddeyse u muuqato in aan taasi suurto-gal-ahayn gacmahooda ayey ku aarsadaan.

    Waxa loo waayo sakhsiyaad wax dilay aan kuu bidhaamiyo, (matalan) qolo ayaa nin laga dilay si qarsoodi
    qiraal-na ma ay helin magna warkeedaba daah. Waa iska aamusayaan oo ma rabaan in laga digniin helo
    mudey iska dhigayaan in ninkaas ay ka samreen, siddii waraabe ka cunay, ha illoobin inkastoo aan wax
    bareer loo dilin, haddana waa layska tuhun qabaa oo dad meel wada yaal.

    Jeer ay ku haboon tahay ayey nin ama labo dilin, haddaad is leedahay see magaalo dhan looga waayaa
    qof ama laba nin oo wax dilay oo rooraya qof qori haysta oo toogta gacan-ku-dhiiglaha ordaya.

    Dhankay u cararaanba waa lagu dili karaa, oo meel kasta waa la joogaa, laakiin, laba jifo oo kala aargoosanaysa haddaad dhex gasho, ruuxaaga iyo jifadaadaba hawl ka fog ayaad u soo jiidey.

    Malahaygu wuxuu i siiyey in aad is leedahay meeyey CIIDANKII-AMMAANKU, waa “Fiqi bahdiis kama
    janno tago” oo dadkey la kala safan yihiin. Maxaayeeley,waxay ogyihiin in ay maamul-faashil ah BOOLIS u yihiin DAWLAD-XUN iyo bahdiis, bahdi ayuu dooran

    Waa ku raad-joognaa iyo waa baareynaa bay ku af jaraan. Baroortiina waa xaq, balse, ” Qeylo warmo kama tunmaan”. Maamul qaloocani Ammni iyo Garsoor midna ma keeno, baroordiiqda Nabadoonka iyo
    walaalki haddey kaa dhab tahay, Xukun ragaadey u istaag in aad casisho oo la xisaabtanto.

    Ama markii laba la dilaba ba’ayey ha ku waalan, Xukun-toosan oo la helo ayuunbaa afjari kara. Ammaankana sugi -kara.

  23. Cabbire Fegradaha says:

    Faratello iyo kuwa kale ee Gaalada madow sheegaya, waa ragga waxka og arrinta dilkaan. Waa xaqiiqa in shabaab ka shaqaysanayo Gallkacayo. Waxaase yaab leh haddoo Faroole dhaco shabaab ma ka faa’iideysan karaan Puntland. Maya. Macna darri iyo Illaah lagaga dheeraado uum baa dadka loo laynayaa waana karaama seeg oo keliya. Haddii wax la xumeeyo xukun lagu gaari lahaa ummado badan oo naga horeeyey ayaa tijaabadaas ku guuleysan waayey. Baqa gelin dad laguma qasbi karo lagumana kasban karo. Annagu Galkaco ma aqaan, oo waa meel isku cakiran lakiin waxaan ogahay in sahal u tahay Shabaabku ineey danahooda ka fushan karaan isla markaana ay ku leeyihiin qabaa’il aan badnayn oo taageersan una oggol ineey danahooda ka dhex fushadaan. Laakiin ha ogaadaan qabaa’ilkaasi fekerka shabaab waxku doonayo oo aan sinna horumar u smamaneyn ayey iyaguna ku dambeynayaan oo carada ay maanta qabaan waa xaqiiqa inaaney sidaan uga baxay. Ninkii dhinta rabbi baa u qoray, kuwa ka shaqeeyeyna ALLAAH waa og yahay inaaney khayr iyo janno adduun iyo aakhiro midna heleyn. Waan ku dhaaranayaa Arrintaas diin waa u leeyahay.

  24. cinasir says:

    inaalilaahi wainaa ilayhi raajacuun. laa xawla walaaquwata ilaabilaahi caliyul cadiim ilaahey hawnaxariisto cabdulaahi faray iyo walaalkiis gacan ka xaqdaranbaa dishee. kuwii dilayna ilaahay ha soo qabto si degdeg ah

  25. sofia says:

    rabi hawnaxariisto

  26. ali says:

    @Tutankhamun kan la baxay ma faraaciintii baad ka hartay, waa ramadaane ilaahay maad ka yaabtid sida muuqata reer Gaalkacayo baad tahay amaba beesha nimanka laga dilay. Nin dhagool ah baa wuxuu yiri inaan gardarrahay waxaan ku garan dadkoo dhan baa isoo wada eegaya waa run reer Gaalkacayo dadkoo dhan baa soo wada eegaya oo leh ma wixii lagasoo gudbay bay dib ugu laabteen. Teeda kale wiilashoodii ay ayagu dhaleen cidaan ahayn ma dilayso ayagaana raalli ka ah waana sheeko horay u fashilantay in goortaa ka dib maamulka Pland lagu eedeeyo. Hadaydaan adinku raalli ka ahayn amnixumada maxay Garoowe, Qardhi, Boosaaso uga dhici weyday sidaanoo kale. KKKKKKKK. meesheeda kasii wada bal ciddii ay u darraato hala arkee. VIVO FAROOLE

  27. gaasira says:

    waa dilal qorshaysan waxa gaalkacyo ka dhacayaa oo bara kicin iyo dhul fidsi ku salaysan reer gaalkacyoow iska ogaada taa

  28. caraseedo says:

    Ilaahay hawnaxariisto marxuumiintaas iyo kuwii ka horeeyayba gacan ka xaqdaran baadishaye[[aamiin]].

    TO:Tutankhamun:midka watoow reer Gaalkacyo waxaa loo keenin ciidamada Amison ee iyagu aan lahayn qabiilka ee simaya dadkii ay u tagaan shar iyo kayrba kkkkkkkk,maxaa yeelay haddii ninkii wax dilaba aan la toogan karin markuu wax dilo oo la wada fiirsanaayo,oo sheekadu qabiil isubadalayso,haddii la toogto,maxaa Faroole lagu eedayn??? !!!!!!!!!!!hadduu Boosaaso,Garoowe kakeeno askarigu waa reer hebel oo xor uma aha hawshiisa?????????.

    Mr Faroole:waxaan kula talin lahaa arinkaas Amison wax ay kudhanto malaha Gaalkacyo,sababtoo ah somaliya magaalooyinkee waxaa ugu ammaan xun Xamar iyo Galkacyo,labaduba waa gole cadow,Allaha naga najeeyo,labaduba dad kale bay dusha ka saaraan waxii ka dhaca,inkastoo Gaalkacyo ay ku furan tahay masiibada koonfur ka jirta haddana,wali maanaan maqal ninkii hebel dilay goobtii baa lagu toogtay,ama markiiba waa laqabtay,marka su’aashu waxay tahay maxay qabtaan ciidanka magalada ilaaliya???????,halkaas waxaa ka cad in askarigu ka baqanayo hadhoow aano qabiil haddu dilo gacankudhiiglaha ama dhaawaco!!!!!!!!!!!!!!!.

    Amisoon halagu shubo haysla’wada wareertee
    Askari daacadoo jira oo aan hawshiisa gudan karin
    soo layaabka aduunka maaha [[ee Gaalkacyooy ka warkeen]]

Leave a Reply