Nabadoon Xaad: Raysal Wasaare Gaas Waxaan U Sheegnay In Dastuurka Laga Reebo Qodobada Dhibaya Dalka Iyo Diinta


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah odoyaasha dhaqanka ee ku jira shirka odoyaasha dhaqanka ee ka socda magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay in Raysal wasaaraha Soomaaliya kulankii  ay la qaateen ay u dheegeen in loo baahanyahay in labadalo qodobo dhowr ah oo ku qoran dastuurka cusub ee Soomaaliya.

Nabadoonka ayaa wuxuu sheegay hadii dastuurkaan uu yahay mid ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed in ay haboontahay in laga reebo waxyaabaha aanan anfacayn in shacabka.

“wadan kasta wuxuu leeyahay caasimad waa in dastuurka lagu cadeeyaa caasimada wadanka, oo waliba lagu cadeeyaa in ay tahay Muqdisho” ayuu yiri Nabadoon Maxamed Xasan Xaad.

Sidoo kale wuxuu sheegay qodobka ku saabsan Dhulka Jahuuriyada iyo Soohdimaha wadanka, in uu yahay gabi ahaanba mid qaldan loona baahanyahay in aanan marnababa aanan gor girtan laga galin Dhulka iyo Soodimaha wadanka.

“Anagu waxaanahay dad islaam ah, waxaana diinteenu ay qabtaa in lagu qaan gaaro 15-sano dastuurkaan waxaa ku qoran in 18-sano ay tahay da’da qaangaarka”ayuu hadalkiisa uu ku sii daray nabadoon xaad.

Hadalka ka soo yeeray nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa wuxuu ku soo adayaa xili Raysal wasaaraha Soomaaliya uu shalay kulan la qaatay odoyaasha odoyaasha dhaqanka isla markaana uu kala hadlay in ay soo dadajiyaan soo xulida ergada ansixinaysa dastuurka cusub ee Soomaaliya.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

17 Responses for “Nabadoon Xaad: Raysal Wasaare Gaas Waxaan U Sheegnay In Dastuurka Laga Reebo Qodobada Dhibaya Dalka Iyo Diinta”

  1. keerow says:

    XALLINTA SIYAASADDA MURUGEYSAN EE SOMALIA WAXAAD MOODAA IN LAGA BILAABEY MEEL AAN XAL IYO DHAMAAD YEELAN KARIN TOONA MAXAA YEELEY WAXEY AHAYD IN HORTA DALKA OO DHAN GACANTA LAGU QABTO , LA SUGO AMNIGA IYO KALA DAMBEYNTA, KA DIBNA LA MAAMULADA LAGA SOO DHISO MIN TUULO ILAA GOBOL ILAA CAASIMADDA, MARKAAS KA DIB AYAA LAGA GUDBI KAREY KU MEEL GAARNIMADA.
    HADDASE WAXAAN ARKEYNAA IN LA LEEYAHAY WAXAAN KA GUDBEYNAA KU MEEL GAARKA UNA GUDBEYNAA DAWLAD RASMI AH, WAA ARRIN AAN IS-WAAFAQI KARIN QEYNUUN AHAAN IYO SHARCI AHAAN MAXAA YEELEY MADAXDII KU MEEL GAAR AYAA SAMEYSANAAYA BAARLAMAAN IYAGA SOO MAGACAWDEY, RABAAN INEY DHISAAN DAWLAD IYAGA SOO MAGACAABAN DOONO UNA BIXIYAAN MAGACA AY RABAAN OO AH DAWLAD RASMI AH, TAASNA MA NOQON KARTO MID SHARCIGA WAAFAQSAN.
    DAWLAD RASMI AH WAA INEY KU TIMAADO DOORASHO XOR AY U YIHIIN SHACABKA, AYNA U SOO WAKIISHAAN XUKUNKA DALKA IYO DADKABA SI WAAFAQSAN QAWAANIINTA DIMOQRAADIYADDA IYO MABAADII’IDA GUUD EE SHARCIGA DASTUURIGA AH IYO KAN CAALAMIGA AH, HADDII KALE WAXAA LA ORAN KARAA WAA KU MEEL GAAR LAGA GUURAAYO OO LOO GUURAAYO KU MEEL GAAR KALE OO QASAB LOOGU MAGAC DARAAYO DAWLAD RASMI AH.

    BEESHA CAALAMKA IYO HA’ADAHA U DOODA XUQUUQDA AADANAHA GUUD AHAAN, GAAR AHAAN XAQQA KA QEYGALKA SIYAASADDA IYO XORRIYADDA AAYA KA TALINTA EE AY LEEYIHIIN DADKA INAAN LAGU TUMANIN, LAGUNA XAD GUDBIN MABAADII’IDA GUUD EE DIMOQRAADIYADDA SI LOO YAQAAN, HADDII KALE WAXAA MEESHA GEBI AHAANBA KA BIXI DOONAA WAXA LA YIRAAHDO DIMOQRAADIYAD

  2. Goldogob says:

    dont accept

    Odayasha iiska qaabta Ragaan bobaaya dhuulka

  3. GAALKACYO says:

    xaad xaaraan ku naax, intuu dastuur iyo qaanqaarka dadka ka hadlayo hadii uu oday soomaaliyeed yahay muu ka hadlo hantida ummada soomaaliyeed leedahay oo reerkiisu xaaraanta ku boobay kuna haysto mudada 22 ka sano ah , oo ninkii lahaa uu u baahan yahay, marnaba ma dhacayso in muqdisho somali intay ku soo noqoto aa ay dhisato ay hadan xaad iyo af qadhmuunayaasha uu ka dhashay ay dib u boobaan ,

  4. Puntland4Ever says:

    Jaahil fooqal jaahil!!! Wadan kasta waa leeyahay caasimad, laakiin dastuur iyo caasimad wax isaga kala xiran ma jiraan. Dhowr sano ka dib ayaa loo arki karaa ineeysan ku habooneyn caasimad oo laga badali karaa. Mida kale Muqdihso caasimadnimadeedi waxuu meesha ka baxay 1991, adigaana ka saartay, maanta sidii nin la xaqiray ha ku kor barooran magaaladaad dubatay.

  5. saeed yare says:

    Xaad ma lowyer baa maxaa geliyay hawshaas mise waa laga dhexhadlayaa ,reerkan dawladnimo iyo qaranimo ma rabaan iney xoolaha dadka iska haystaan bay rabaan ,maalinba meel uun bay kasoo wareegan ay carqalad ku wadaan .

  6. runle says:

    asww
    marqofku waxa uu ka cabanayo aqoon u leeyahay waa loo garaabi karaa ee xaadaw maxaad dustuur ka tagaanaa hormarka hore meel iska soo mari qanyare ayaa leh waa bug magaca uu sheegayaaa xaadaw waqtigii aad dadaka gadanjirteen waa la dhaafay adiga iyo noocaaga oo kalana waxaba laga weydiinmayo masiirka siyaasadae ileen waxaba kama taqaanida

  7. Ali Soomali says:

    wax badan ayaad dowlad soomaaliyeed isbaaro u dhigatay maantana dastuurka u dhigo, ceebtaada ma aha ee waa caadadaa..

  8. Falaago says:

    Xasuuqi iyo Boobobki Shacabki Muqdisho Wada Deganaan Qaar Ka Mid ah Gooni Loogu Bartilamaameedsaday Meeqa Qarni baa Laga Joogaa???? Odayaasha Madasha Dastuurka Fadhiyah Qaarkood Hanti Dad gaar u Leyahay iyo Mid Ay Somalidu Wadaagtay bay Gaar u Haystaan Martabad Somalieed bay Misana ka Hadlayaan waa wax Aad iyo Aad Loola Yaaboh. Dhaqan ku Sheega Qaarkoodna Dano Siyasadeed bay u Joogaan Xamar oo Rag Damac U Kursiga Kaga Jiroh bay u Gogol Xarayaan Kuwaas oo Aan Cid Hubta Jirin Hadi Ay Talada Qabtaan Meeshi Ay la Aadayaan.

  9. muna says:

    xaad waxaad ka soo jeedaa INDHO BOWD KU HAAYDO kkkkkkkkk warkaaga laguma jiro waxad ku waalateen caasimad somaliya since when kkkkkkkkk xaad dadka guryahooda reerkaga oo xamar u soo guuray ka saar xaad shalay xaad maanta ,,, diinta Islaamka waxay noqotay miyaa mid markaad waxraadineyso aad soo daliilsatid odoy weyn ayaa tahaye isku xishood diinta iyo xaqa hadad u hiilineyso umada Isaamka hantidooda usoo celi kana guur guryahooda

  10. bk says:

    Anigu yaabe-ye goormu noqday xaad Suldan ama Isim somaliyeed nin kani waligiis fidno iyo dhiig bulaacaya ayuu tufaya hadalkiisu wa colaad gurigiisu wa wada hub dharkiisu wa baaruud ninkan haduu isim sheegtay walee somalia u dhamatay.

  11. hanad says:

    Asc aqyarey waxan donayaya in an kala ogado in ad walan tihin iyo in ad u hadleysan afkeyga aya qoyan iyo in ad tihihin doqomo hadad hadleysan fadlan ama ad qoreysan so qora xikmad wa ceeb in ad caysan qof idin dhali kara ama oday somaliyed ah hadu xaad kahadlay dastuur umada somaliyed ledahay uu sheegay waxa uu u arko qalad xaq ayuu uleyayhay wayo waxa la donayo in lagu xakuma wa anaga somali ah iska daya mesha xun ee ad wax ka eegeysan somali wa is dishay qilo an dhib soo garin ma jirto alla ha laga cabsado ee an badbadino inta hartay ubadkenana an u abuurno geed wanagsan ay harsadan dasturkan hala saxo hana laga saro waxa xun ay ka midka yihin waxa diinta iyo dalka dhib ku ah hadii odayashu isku racen wa in an ku tagerna ee maha in anu kahadalno wax an lo jogin xududaha dalka in laga gurgor tamo ma ahan wax la qadan karo wana waxa odayashu didan yihun

  12. Haad says:

    Odeyga Xaad ma waxaad u xagxaganaysaan inuu qurunka jareertu (Mahiga) wadato diiday? Waan ogahay fikirka qoraalkiina hagaya.

    Waa sidan, “Nin aan isku hayb nahay baa dastuurka horboodaya, Xaadna wuxuu kasoo horjeedaa dastuurka, sidaas daraadeed Xaad wuxuu mucaarad ku yahay ninka aan isku haybta nahay, mar haduu shaqsi nala hayb ah Xaad mucaarad ku yahayna anagoo dhanbuu cadaw noo yahay”.

    Qaraabo, fikirka noocaas ah waa waxa na kharibay. Ma filayo intiinaas Xaad mucaaraday inay caqli xumo iyo cilmi darro idin hayso, laakiin waxay iila muuqataa in ay qabyaaladu ka xoog badatay xikmadiinii oo dhan.

    Tusaale ahaan, Xaad waxna wuu ku khaldanyahay waxna wuu ku saxanyahay. In dhulkeena soohdimihiisa la cadeeyo wuu ku saxanyahay. Sidoo kale in qaangaarku 15 sano yahay wuu ku saxanyahay. Halka uu ku khaldanyahay waa inuu si macangagnimaa u yiraahdo, caasimadu inay Xamar tahay dastuurka ha lagu qoro. Ma xuma, odegu fikirkiisa iyo wuxuu jecelyahay unbuu ka hadlay waxaana ku filan kaa yeeli mayno, laakiin maxaad samayseen?

    Wixii wanaagsanaa oo laga yaabo inaad idinkuba rabteen, wixii xumaa, odeygii iyo koofiyadiisiiba waad isla tuurteen. Xitaa qaarkiin si kaley u xadgudbeen. Waxaasu ma xikmadbaa? Mise mar hadii uu nin reer tolka ah horkacayo Dastuur ku Sheega siduu doonaba ha u kharaaraadee duuduubaa loo liqayaa?

    Cadaalda yaan laga tagin dhalashana yaan wax lagu miizaamin. Kama soo horjeedo in shaqsiga wixii uu khalad galo lagula xisaabtamo, laakiin cadeynteeda la imoow.

    W.t

  13. muna says:

    Haad su’aalo kugu soo noqonaayo dadka hasoo dhex dhigin…Oday xaad yuu oday u yahay? dadka dhibatada xamar ka geysanayey ma la hadli jiray? dad ayaa hanti badan xamar looga haystaa maka hadalay? gabdhihii ayagoo qaan gaarin lagu kufsaday xamar ma ka hadlay? ayeeyo somaliyeed ayaa la kufsday maka hadlay? dadkii musaajidada lagala soo baxay hadana la dilay maka hadlay? dhibaatadii xamar ka dhacaday raali galin maka baxashay? odayga ma hada ayuu dhashay hadana oday dhaqameed durba noqday? cadaadlada yaan laga tagin ayaad warkaaga ku soo gabagabeeysay Odayga halkeebuu cadaalad ku sameyey sheeg? waxa tiri ninka aad isku haybta tihiin ayaa horboodaya dastuurka (nacam kaas ayaan difaacayaa koley aniga ahaan)…ogow ninka dastuurka horboodayo dagaalo ooge ma aha dhiigna ma galin hanti dadka kama hysto xaad haduu dadkiisa horbooday maxaad noogu diiday anagana in aanka hadalno waxa uu xaad yahay adiga laftaada ayaa xaad meel kuu xanuuntay anagana afka ayaad na qaban

  14. FARATELO says:

    ASCaleykum. Run ahaantii kuma hayb ihi Isimka Xaad waana qof muslima oo Somali ah laakiin kuwa wax ka sheegeya ma is weydiiyeen hantida lagu kala haysto PLand isugana jirta tii dawladii hore iyo mid dad shacab ah leeyahay ma is weydiiseen 13 sano 3walaala ah oo iska haysta PLand maya maya maya walama taabtaan taasu. Ninka layiraa @Haad ninkaasu waa nin fikirkiisu Saliim yahay waana ku raacsanahay in sidaas warka loo dhiraandhiriyo lana kala saaro Qabiilka iyo wadaniyadda, Ilaahow dalnabada iyo dal caafimaad qaba sc.

  15. hani says:

    @ muna “dhibaatadii xamar ka dhacaday raali galin maka baxashay?”

    walaalo dhibaatadii mogadishu ka dhaceen waxaa kow biloway waa dowladii dhexe oo qayaalada ku adeeysaneeysay dadka somaaliyeed ee walalaha ahaay, dadka mogadishu oo kow dhibka loo geystay raali galin iyaga ma la siiyay? why ee iyaga raali gaalin uu bixinayan marka dhibka loga horeyeey.. somali oo dhan dhib wee wada gartaay ee wax raali galiin ha cid gooni ah ma bixineeyso !!

  16. garfuul says:

    Xaad waa oday soomaliyeed oo wadani ah waana run in dastuurka xaraan yahay noolow xaad

  17. keyf says:

    haniyey dhibaatadii dhacday hadaan indhaha laska tirayn maaha mid dawladi ay lug kuleedahay ee waa mid qabiil ku luglahayd hase ahaatee waa mid soomaali oo dhan saamaysay meel kasta hajoogaan taasi waa mid tankale raaligalin waxaa leh kii lacayrsaday oo naf iyo maalba dhib loogaystay qolo kasta oo somali ah hanoqoto

Leave a Reply