Obama Oo Amaray In La Mamnuuco Dhoofinta Dhuxusha Soomaaliya
Washington (RBC) Madaxweynaha dalka Mareekanka Barack Obama ayaa sheegay in la mamnuuco dhoofinta dhuxusha ka immaaneysa dalka ay dagaalada la hareen ee Soomaaliya, waxana uu sheegay in ka ganacsiga dhuxusha ay caawiso uun oo ay dhaqaale ballaaran ka helanaan kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Qaeda, sidaas waxa lagu sheegay war shaley ka soo baxay waaxda arrimaha dibedda Mareekanka.
Arrintan in la mamnuuco ka ganacsiga iyo dhoofinta dhuxusha wax horey go’aan looga gaaray, balse madaxsweyne Obama ayaa saxiixay qaraar horey uga soo baxsay golaha loo dhan yahay ee QM kuwaasoo horaantii sannadkan mamnuucay in dhuxusha Soomaaliya laga soo dhoofiyo.
Victoria Nuland waa afhayeen u hadashay waaxda arrimaha dibedda Mareekanka, waxa ay tiri ” Dhuxusho oo la mamnuuco waxa ay cadaadis xooggan saareysaa Al-Shabaab, oo dhaqaale badan uu ka soo galo dhoofinta dhuxusha,”
Waxa ay intaas sii raacisay in soo saarka dhuxusha dalka Soomaaliya ay sidoo kale wax yeelo xun ku reebto deeganka iyadoo hey’addaha u dooda arrimaha bini’aadinimada iyo deegankana ay ka qeyliyeen” ayey tiri Mrs Nuland.
Al-Shabaab, oo ka howlgasha koonfurta Soomaaliya, ayaa shaaciyay in ay daacad u yihiin hoggaamiyaha al Qaeda Ayman al-Zawahiri, iyadoona sannadkan horaantiisa sheegay in ay la midoobeen al Qaeda.
“Al-Shabaab waxa ay sii wadaan qataraha ay ku hayaan nabadda, ammaanka iyo xasiloonida Soomaaliya oo ay ku jiraan in la gaarsiiyo howlaha bini’aadinimada meelaha la doonayo in la geeyo,” ayey ku sheegtay Nuland oo saxaagadda u aqrisay war-murtiyeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Mareekanka.
Xoghayaha arrimaha dibedda Mareekanka Hillary Clinton oo ka qeybgashay shirkii London ee dhacay horaantii sannadkan oo beesha ay uga hadleen xaaladda Soomaaliya ayaa soo jeedisay in adduunyada ay ka soo horjeestaan kaganacsiga dhuxusha Soomaaliya.
Sarkaal sare oo ka tirsan waaxda arrimaha dibedda Mareekanka oo ku wehlinaayay safarkaas Mr.Clinton ay bishii February ku tagay UK ayaa saxaafadda u sheegay in dhuxusha ay dhaqaale badan uu ka soo galo Al-Shabaab, waxana uu sheegay inta badan in dhuxusha loo dhoofiyo dalalka Yemen, Saudi Arabia, iyo Immaaradka carabta kuwaas oo ku yaala khaliijka.
Dowladda KMG ah ee hadda jirta oo la soo dhisay 2004-tii itaalkeeda waa uu yeryahay, waxana ay dhaafi la’dahay in awoodeeda dalka ay ku fidiso, iyadoo waqtigeeda uu ku egyahay 20-ka August ee sannadkan.
Ugu dambeen Nuland waxa ay tiri ” Mareekanka waxa uu diirada saari doonaa cid kasta oo dooneysa in carqaladeeyaan nabadda, ammaanka iyo xasilinta dalka Soomaaliya, waxana la kaashan doonaa ayey tiri sidii cunaqabateen loo saari lahaa dalalka gobalka iyo kuwa caalamka.
RBC Radio
—————————
Xafiiska Wararka Nairobi













[...] Original post: Obama Oo Amaray In La Mamnuuco Dhoofinta Dhuxusha Soomaaliya [...]
?????? ????? ????? ???? ???????
Ilaahayoow Soomaalida xaqa tus…
Soomaalida oo kaliya ayaa wax ka qaban karta ama joojin karta dhoofiska Dhuxusha…waxaan dhihil lahaa aan isku dayno inaan badbaadina geedaha inoo harey oo aan dagaal aan naxriis laheyna aan ku qaadno kuwa nabaad guurka ku haya dhulka Soomaaliyeed.
??? ??? ???????
ADOONKAAN YAR EE MAREYKANKA QABAANKA U AH HADANA MA SOOMAALIYA AYUU SOO FARA GASHADAY MISE WUXUU U MALEEYEY INUU MAREYKAN KA TIRSAN TAHAY SOOMAALIAYA GAFUUREEY.. KHEYR LAAWE
[...] dekeda Kismaayo uga dhoofi jiray dhuxusha loo iibgeeyo wadamada Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga, inkastoo ay Qaramada Midoobay iyo dawlada Mareykanka ay mamnuucis ku soo rogeen dhoofinta dhuxusha [...]