Obama Oo Sheegay Qatar Weyn In Soomaaliya Ay Ka Soo Socoto


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in Soomaaliya, ay qatar weyn adduunyada uga soo socdo, haddii aan laga hortagin.

Madaxweynaha oo warqad u diray 20kii bishaan Luulyo Kongreeska dalkiisa, ayaa ku sheegay Soomaaliya in ay ku sugan yihiin dagaalyano ka tagay dalalka Afghanistan iyo Pakistan, kuwaasoo qataro gobalka iyo aduunka intiisa kale ku leh.

Madaxweyne Obama ayaa sidoo kale, sheegay in laga maarmaan ay tahay, in dhibaatadaas ka soo socoto Soomaaliya, laga hortago, haddii kale adduunka oo dhann ay saamen u yeelan doonto.

Wuxuu sheegay , in arrintaas ah siddii wax loogu qaban lahaa ay kala kaashan doonaan dalalka dariska iyo kuwa caalamka ee sida dhow ula socda xaaladda Soomaaliya.

Hadalka madaxweynaha Mareykanka, ayaa ku soo adaayaa iyadoo , dhawaan magaalada Afgooye oo laga qabsaday Al-Shabaab lagu arkay ciidan British ah oo la bisan dharka ciidamada, oo la socda ciidanka AMISOM ee Soomaaliya.

Sidoo kale, waxa horey loo sheegay in saraakiil Mareykanka oo ka socda hey’adda mukhaabaraadka dalkaas ee CIA-da ay ku sugan yihiin Muqdisho, isla markaana ay xabsi qarsoodi ay ka dhisteyn meel ku dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho.

RBC Radio

—————————

Xafiiska Wararka Nairobi

Share

Tags:

4 Responses for “Obama Oo Sheegay Qatar Weyn In Soomaaliya Ay Ka Soo Socoto”

  1. Sayid cumar says:

    Ascw wa wax magarad aan diin iyo caqli toona lahayn dal bur bursan oo dhib ku jira bu shido kale ku sii shidaya

  2. FARATELO says:

    ASCaleykum Qofka hadlaya asaga maaha waa laga hoos hadlayaa Yuhuuda ayuu u hadlaa ninkaanu aad ayeeyna u bahdilaan asaga. Maraykankuna ma rabo in Somaliya ka dhalato dawlad wuxuuna weligiis iloobayn sidii loogu jiidjiidey Somaliya meel kasta uu ka hadlayana waa la soo xusuusiyaa sidii Somliya loogu galay 1991 marka Allaah SWT wuxuu uqoray Somaliya seegi mayso rag ka saara dhibaatadana waa soo baxayaan insha’allaah. Aloow dal nabada iyo dad caafimaad qaba sc.

  3. Ismahan says:

    Kkkkkk somaliya mamantay yuhuud utalisay adunyo xalka ba marku leyahay somaliya dhib ayaa kasosocota ya ushegay galka somaliyay nabad ayan urajaynaya lkn waxan sugaya marka ay madaxda dowlada ay dhahan obama aya shegay in dhb sosocoto lkkkk wuxuraba in uu diyarado ku duqeqyo kismayo iyo melakale ookamida somaliya

  4. M Isse says:

    asc hadal waxuu ku eg yahay dadkayga soomalii ma midoobi karaan , haday midoobaan anaa balan qaday in aad wax walboo idinku dhaca iska dhicisaan, horena aad utalaabsataan, dhibaato idiinka daran majirtaa tafaraaruq,,, waa xanuun aan dadkayga kadaaweyn waayey,, nasiib daro waxay kasheeganayan waxii ku dhacay shalay, ama maanta, waxay hadalhayaan ama layaban yihin waxa lala damacsan yahay, waa yaabe maa layaaaaabtaan waxii sababay dhibkaan nahaysta ,

Leave a Reply