Odayaal Uu Hoggaaminaayo Xaad Oo Shirkii Muqdisho Ka Baxay
Muqdisho (RBC) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in shirkii odayaasha dhaqanka Muqdisho uga socday ay isaga baxeen xubno uu ka mid yahay Maxamed Xasan Xaad oo aha guddoomiyaha odayaasha dhaqanka Muqdisho.
Maxamed Xasan oo la hadlay goordhow mid ka mid ah Idaacaddaha maxaliga ee ku yaala Muqdisho ayaa sheegay in dad weynaha dalka iyo dibedda ku sugan uu u sheegayo in ay isaga baxeen isaga iyo odayaal kale shirkii Muqdisho.
“Adeer shirka waxa aan uga baxay sida aad la socotaan shirka waxa la fadhiyay 80-cisho, wax uu hadda ummada Soomaaliyeed u faa’ideyna waan garanweynay, haddana sidaas oo ay tahay waxa la keenay dastuur uu wax badan ka qaldan yahay, Odayaasha waxa ay sidaas oo ay tahay rabeen in ay saxaan wax yaabaha qaldan, laakin waa noqon weysay oo waxa nala dhahay idinka ma lihdiin Mandate ama go’aan ee waxa aad lee dihiin in aad soo xushaan ergada ansixineysa, marka taas kuma qancin, guddio 15-ayaan u xilsaarnay xaaladda oo ay odayaasha ku jiraan, waxa ay noo diyaariyeen qodobo 17- ah oo wada qaldan oo masiirka ummada u adeegeynin, iska daa in la badale xitaa waxa la diiday in laga baahiyo warbaahinta,” ayuu yiri Xaad.
Waxa la weydiiyay Xaad waxa hadda keenay in uu ka baxo shirka haddii uu ku sugnaa muddo 80-cisho waxana uu yiri
“Adeer waxa aan rabnay in aan wax badan ka badalno dastuurka oo qalad ay ka buuxeen maadama uu yahay masiirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, laakin arrintaas ma dhicin, oo waxa nala dhahay waxa idinka ku ekaataan soo xulida ergada, waxa aan u fahanay odayaasha in laga doonayo uun masawir maadama aysan lahayn awood kale iyo in ay wax badallaan, marka anniga waa ay ila muuqan weysay in aan meesha iska sii joogo oo ka sii mid ahaado”
Waxa ugu dambeen Maxamed Xasan Xaad uu sheegay in ummada Soomaaliyeed uu u sheegayo in wixii halkaas ka yimaada aan shaqo ku lahayn odayaasha uu ka mid yahay ee maanta isaga baxay shirka, isagoo intaas daba dhigay, joogitaankiisa in uu ka tacsiyeenayo oo uu ku tilmaamay qalad kolba iga dhacay, laakin uu illaah daba qabtay”
Waxa uu yiri ma ahan dastuur dalka iyo dadka lagu aamini karo”
Si kastaba, hadalkan ka soo yeeray Xaad maanta, waxa uu saameyn ku yeelan doono shirka odayaasha Muqdisho, oo wali aan dhameestirin ergada ansixineysa dastuurka Soomaaliya.
Waxa hadda la sheegayaa in uu kulamo la leeyahay odayaasha dhaqanka ra’iisal wasaaraha XKMG ah Soomaaliya Cabdi Wali Cali Gaas, mana jiro wax -faah faahin oo aann ka hayno.
RBC Radio
————————
Xafiiska Wararka Muqdisho











MAXAMED Xassan xaad sida la’ogson yahay ma’aha Oday dhaqamed,waa kox taliye asaga iyo ururka ushegto,waxayna so bexen waqti aan sidas usi fogen,waxaa ila habon in belaha Hawiye sameystan Suldamo ugasyo dubab,inta aay horbodayan qabqableyal aan sharciyenan.
Way adag tahay in sahal heshiis lagu gaaro.Waayo dadka shirka fadhiya qaar badan oo ka midu maba fahamsana soomaalinimada iyo waxa la raadinayo.Waxaa kaliya oo u muuqda hab qabiil iyo ka yeeli mayno.
Dad baa meesha u jooga yuusan inaga badin reer Hebel.
odagu mahaduu fahmey khaladka uu sheegay oo uu 80 bari dhex fadhiyey muu iska sii wato (nin qoyan biyo iskama dhowree)
Kkkk Markii horaba anigu waan yaabanaa maxaa yeeley yaa sugaayey in uu xaad wax saxaho ee waa shaqadiisa wax qaska kkkkkkkk;kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
Xaad alle haku nabad yeelo daacad ayaad tahay danbi dhaafna rabi haku siiyay wadaniyadu waa kaa muuqataa xaqa ayaana soo daahiraya odayaasha meesha ku harayna shalaay ayagaa kaaga danbayn doona waayo mididi madaxa looga jari lahaa ayaga iyo caruurtooda ayey soo faynayaan
Asc sln ka dib hadan ka hadlo fikrateyda aad iyo aad ayan ula dhacsanahay go’aanka taariikhiga ah ee uu qaaday XAAD oo ah gudomiyaha odayasha muqdisho wana soo dhaweynaya midna wan ka codanaya in uusan diidin dastuurka oo dhan ee uu ka hadlo wixi qaldan saas aya lagu yaqan qofka wadaniga ah si uusan cadowga umada somaiyed fursad nooga helin oo dalkena qabsado odayasha kale na sidaasoo kale ayan ugu baaqaya waa in ey diidaan wixii dalka dadka iyo diinta ku qaldan manta aya la idiin baahanyahay taariikhda meel ka gala QABYAALAD yeysan ni qaadin hana ka cabsanina MAHIGA iyo 6da SAXIIXAYAAL. Byyy
Awalba =========== qabqable ayuu ahaa ee kaas haduu ka baxay shirka asagoo la saarin waa arin wanaagsan
asc dhaman umada somaliyed ramadan kariim ayan lee yahay waxan iswaydinleh xaad hada mala orankaraa waa nabadoon waxuu lee yahay waxan ka xumahay intan fadhiyay gogoshii odayada somaliyed fadhiyen maha ayan oranan karanaa maskax nadiif ah waxa uu ku hadlayo maha af nabadon maha qof matali kara magaca oday somaliyed hadadba aragto waan diidnay waan kabaxnay waa noocii labatanka sano dalka iyo dadka haystay
Asc waligii wax aan iska daba wareeg ahayn kama shaqayn wuxuu leeyahay umada Somaliyeed. war umada Somaliyeed soo adiga bililiqaysanaya oo difacaya guri qof maskiin ah laga haysto ama dawlad leedahay waxaan idiin sheegayaa cidaan ma rabaan in wax dawlad ah ay ka dhalato Somaliya waxay rabaan in ay waligood ku dul noolaadaan dadka masakiinta ah ee koofur dagan wxayna ka tageen gobolada dhexe oo ah meel dhagax ah marka dawlad in ay dhalto dan uguma jirto
Horaaloo yiri somaliyi ma heshiin karto, waxaad doontaan sheega ineynu heshiino lagama yaabo ee inta goorigoortahey een waqtibadani inaga lumin aynu isu dhiibno wadamada deriska ah hayna gumeystaane xalkale inaga inooma muuqdo
marka hore wan idin salamay bahda sxfda raxanreeb
salam kadib aad ayan ugu tageraya in ay odayashu hadi ay wayen ixtiramki ay lahan jiren in ay mesha isaga tagaan inta ku hartayna waxan leyahay mantana wa adun berina wa aakhiro marke kheyr hormarsada.
ummadana wado wanagsan o sharecada waafaqsan waxan ahayn ha u horseedina.
tankale mantay wa malinjdti ama ad umada somaliyed kasban lahayden ama ad kalsoonida waayi lahayden ogaada.
Kan waa dastuur ku sheeg oo mahiga iyo afarta tuug e adeegaa ay soo malmaluuqeen, adeer meesha yaan waxba wakhtiga la idinkaga lumin ee isksga dareera wa billaahi towfiiq.
Waxaan kula talin lahaa dadka Comment-iga soo qoraya Soonkiina u naxa walaalayaal hebel iyo hebel adinka midna wax idin tari maayo qof walba waxa uuu shaqaysto ayuu leeyahay aduun iyo aakhiro.
Bahada Raxanreebna waxaa dhihi lahaa walaalayaal dadka Muslimiinta ah Ilaaheeey uga baqo oo dadka ha u fududaynina in walaalaha Muslimaantaa is caayaan ee walaalayaaloow dad xun idin kuma aqaan e waxaa idinka codsanayaa in aan Comments xirtaan gabi ahaanba sababtoo ah wax faa’iida ma lahan hadana kuma sii jirto oo waxaa lagu jiraa Birshii Ramdaanka.
war waa ramadaan ee allah ka baqa
walee timir lafbaa ku jirta – bahalkan odayasha layiri kama hadli kartan wax wayn ayaa ka xun. Lkn nabadon xaad inuu shirka qaso waa laga roonaa.
Xaad waligiba wuxu qaso mahi wax ma hagaajiyo… Marki horaba wuxu sugayey last minute ka bacdina fashiliyo shirka… warlordimadi isbaaradi baa u hilaaceysa, qaran ma rabu xaad.
War lamafahmin wali dowlad nimo nabad iyo waliba somalinimo odayasha waxa kujiri kuwo siyasad wata dastuurkuna waxakujira wax khaldan dowladu eedbay ledahay waydiden in ay wax saxan oo hadaysaxan qaramada midowba furaysa odayashuna sidi in ay aroosku jiran bay iska jogaon 80 marka waxa mesha kamuqata in larabin dowladnimo lkn ninmlasta kutashnayo jeebka in uu buxsado oo gato umada somaliyed maxano dan hadanahay somali aan ilahy isku xirno waxba mawaynano in sh alah
Markii horeba meel ayaa looga dhacay golaha dhaqanka “Xaad iyo qaswadiyaal kale laga dhigaya Oddayaal” oddayow xaal qaado haddii xaad oo kale la yiri waa Odday reer.
Maxamed Xaad waa qabqable qarsoon ma ahan oday soomaaliyeed, hadaad u eegatao waxa uu dhaqamayaa sidii cilaal Banooni isku foodaynaya oo kaliaya maxuu ku hadalay “Waan iska fadhiyi waayaya” waa niayad jab kii udarnaaa.
odayaashu waxay waa ianay la gorgortamaan Dowlada soo xulaan xubnaha ansxinta dastuurka maxay la warwareegayaaan xaad oo kale marabo dowlada iyo qaranimo Umada hantideed buu iska haysataa in laga qaado ayuu ka baqayaa!
Dadkan wax soo qorayow war aan Ilaah ka baqno waa Bishii barakaysnayde oo denbiyada la dhaafayey aan cibaatada badino,dadkaas aad tilmaamaysaan yeysan ajarkiina qaadan idina denbigooda la wareegin,R/REEB,PLZ comments ka off ka dhiga Bishan barakaysan aawadeed ha u fududaynina dadka Allah haynoo wada denbi dhaafee.
Dadka meesha wax ku qorayo miyay waalan yihiin, mise qabiil baa madax-maray. Xaad waxa uu diiddan yahay waxaa ka mid ah qodobka dhigaya ‘In xuduudaha Soomaaliya waanwaan laga gelayo haddii ay dalalka deriska ahi sheegtaan’.
Doqon uun baa qodobkaas taageera, dhulkaagana haddii uu Xaad u hiiliyay qabiil ha ku diidin.
Khalad ayaa alshabaab loola dagaalamayey kuwaan alshabaab waxaan ahayn shaqadooda ma taqaan, odagaan alshabaab haduu arko ama maqlo edeb ayuu yeelanayaa iyo akhlaaq wuxuu diidana iska daaye haa eray aan aheen lagama maqleen.
kkkkkkk walee waa yaab soottii lalahaa maaha ismadi arginalka ahaa hala keeno oo abka ab soo jirey kkk xaad maxaa meesha keenay waa yaab war ============= ismo soo jireen ah maleh miyaaa suldaan ugaas duub ama garaad waxay qabqablhaan xaad awalba cidii ku dhahday wax sax ayaa qaldanayd walee
War kuwiinan Odayaasha dhaliilaya maad wax ka sheegtaan xaarantan DKMG lagu sheegayo odayaashu iyagaa saxan weliba waxaan rajaynayaa in maalamaha soo socda kuwo kale isaga baxaan meesha mahiiga maamulayo ee odayaasha aflagaadeynayo dasturkan xaaraanta ah ee marba nin wax ku darsanayo xaggee lagu arkay waddan 50 sano ka badan xor ahaa oo haddana dastuurkiisa lagu qorayo xuduudaha dalka ee badda iyo berriga haddii muran ka yimaaddo waa in laga doodaa oo waayo cidda xuduudda somalia lagala doodayo waa Itoobiya iyo Kenya oo awelba dhul somaliyeed xoog ku haystay
Ha isaga laabteen degaamadoodii intii ay dhulka iyo dadka saxeexooda ku halaagi lahaayeen
ACWW SOmliyeey fahma ragga laga saaray shirka ma ahayn ugaasyo ee rag iskood u yimid meesha Xaad ma ahan ugaas beeshiisa waxaana la weydiiyay sideedba cidda uu matalo?markuu yiri beelaha muqdisho waxaa lagu yiri beel kastaa ugaaskeedii iyo imaamkeedii wuu fadhiyaa ee halkaad ka socoto sheeg ayaa laga soo saaray meesha,kama uusan soo bixin waa laga soo saaray wixii nabadoon ahaa ee anay ugaasyadu soo xulin sidaa ula socda waxaana loo arkay qas wadayaal.
kkkk walee waa yaab odaygaan nasiib ayuu leeyahay haduu isagu kasoo baxay anigu waxaanba jeclaa mar hore in banaanka loosoo xooro wayo isin dhab ah maaha besha hawiyey isimo coppy ahmeesha yey neenin maw qifkeedna aha cadayso hadii ay dowlad diyaar uyihiin hana ogaadeen dhulka gumaysiga usaxiixan inuu yahay koonfur oo qura waqooyi galbeed iyo waqooyi bari midna kuma joro adinkay idiin taala isbaarona halaysa iloobo wakhtigedii wa dhmaaday
@ xasan, konfur hal beel ma daganto, mida kale konfur waa masha ee dhul bereedka wada ah iyo qeyraad kale oo kale duwan, waa mesha igu qeyraadka badan somalia oo dhan, marka hadi manta ee konfur tahay, beri melaha kale weyaan, ileen somalia waa somalia, mumuul gobaleed wax ma awoodan, hada bal mar kasto kulameeysiga laga daldalanaayo waqooyi ito bari, waax ma ka qaban kraan ? haanta suunta mar walbo lagu aasayaa dhulka ee mumulada ka taliyaan, waax malaga qaban karaa ? allah qabil soomaali ha ka qaado wallahi, wali dad wax fahmaayo ma’ahan, adunka wadanka ugu liita baa nahay, mumuulada xita wadan kale ma la tartami karaan hada. marka insha’allah dadka qabil ka badbaadsan wadanka ayuga bee sugeeysa.
Xasan xaad shaqadiisii ( warlordism) buu wataa eel wax cusub ma samayn.
ASCaleykum, Somalidu waxeey mashquul ku yihin Qabiil wax kasta oo la sheego waxaa lagu misaamayaa Qabiil marka taasu waxeey keentey halaag iyo burbur, gabadhaas @Hani waa qof caqli badan illaah swt ha’u siyaadiyo. Somalida waxaa ka luntey Diintii iyo Wadaniyadii taasna waxaa keeney in qabiilka si khaldan loogu dhaqmo, marka hadii sidaan lagu sii socdo oo Allaah SWT faraj furin shacabkuna aaysan isbedelin oo aysan samayn isbedel taam ah oo xoog leh waxaay ila tahay Somaliya si toos ah ayaa loola wareegayaa Allaah swt haka ilaaliyo cadowga Somalidana xaqa iyo midnimada Allaha fahansiiyo Aaamiin. Aloow dal nabada iyo dad caafimaad qaba sc.
Ramadaan kariim dhamaantiin kadib anigu xaad isku hayb maahin laakiin waan raacsanahay maxaad ku raacday waxaydiideen ayaandiiday aduun maanta kaliya maaha beri haday dowladi timaado waa halkee xuduuda soomaaliya waa suaale soomaaliyeey muxuu dastuur ku sheegu u qeexi waayey tan kale maxaa maalin walbaa laysku haystaa aynu qaadano keenii 1960 waa hadii waxaan daacad laga yahayhadii kale waa shimbirayahow heesa walaahi baan ku dhaartaye sidaa doonto u rog rog 1960 ayaa xaq ah oo 99% dadku raacsan yihiin
Amina waxay keentay talo aad iyo aad u fiican aniguna waan ku raacsanahay.Waayo waxaynuu ku jirnaa bishii cibaadada ee Ramadaan.Inkastoo uu markastaba reeban yahay wax ka sheega an raali laga ahayn way ka sii duwan tahay Bisha Ramadamaa (bisha Swam).
mohammed hassan haad is ……. leader divide and rule of ……….. is gone forever dont dream to live in mogadiscio again put your minds to stay garowe kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk and boooooooooooooooooooooooooooooooo
idiot inngomad if you are man published my comment
in wax la fahmo ayaa fiican meesha waxaa ka socdey in lakala saaro odaya dhaqameedada soo jireenka ah ee ka ab ahaa oday dhaqameed waxaa jooga goobta oday dhaqameedkii beesha muursade ugaaskii ay lahaayeen xaad maahan oday dhaqameed soo jireena ee waa odayadii abuurmay berigii Itobia soo gashey xamar kuwii meydadka gurayey ayuu ka mid ahaa ee xabaal wadareedka ku gurayey wuxuu kaluu ahaa kuwa udooda suuqa bakaaraha markii la duqeynayey sidaas ayaa looga saarey ee isga iskamuusaarin ee taa hala ogaado uusan nasirin soomaliyeey.
nin iyo naag is qabay ayaa naagtii soo istaagtay i fur ninkii wuxuu u soo yeeray 2 wiil oo beesaani ah war naagtii aya i fur igu leh kalaya igala hadla markay imaadeen ayeey naagtii ninkii qabay ka sheegatay meeshii laga sugaayey in ay reerkii kala maslaxaan waxay yiraahdeen macalinka gabarta waa dhibtaye iska fur nooh ninkii wuxuu dhahay anigaa u yeertay ciyaaka xaafada waxan mooday odoyaal dhaqankii la arki jiray reerka maslaxad iyo waano waxay igu noqdeen kuwa nakala diri rabay …hada xaad 21 sano somalidii jahawareerka ku jirtay hadii la yiri u odayee ma wuxuu ka doortay kala dirid