Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye, Daarood iyo Dir oo Isku Aragti ka Noqday Dastuurka Qabyada ah Iyo Muran Adag oo Soo Kala Dhexgalay DKMG ah iyo Odayaasha (Warbixin)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Odayaasha dhaqanka ee beelaha Hawiye, Daarood iyo Dir oo maanta kulan loo kala kicin ku lahaa xarunta ay ku shiraan ee magaalada Muqdisho ayaa go’aan mideysan oo ay soo saareen waxay ku cadeeyeen inaysan raali ka noqon doonin in habdeg deg ku jiro lagu meel mariyo dastuurka qabyada ah.

Odayaasha saddexda beelood waxay sheegeen inaysan suurtagali doonin ion ergada ansixinta dastuurka ee 825 la soo xulo iyadoo uu weli madmadsow ku jiro dastuurka qabyada ah oo ay ku dhaliileen inuu khatar gelinayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Shabakada Raxanreeb oo la hadashay qaar ka mid ah odayaasha saddexda beelood ee kulanka lahaa ayaa ogaatay in odayaasha ay soo saareen illaa 11 qodob oo ka mid ah dastuurka cusub oo ay sheegeen in laga soo bedelo dastuurka ama gebi ahaanba laga saaro.  Qodobadaasi waxaa ku jira;-

1- Qodobka jinsiyada oo ay sheegeen inuusan u qalmin Soomaalida

2- Qodobka xuduudaha dalka oo markale isbedel lagu soo sameeyey isla markaaba sheegaya in xuduudaha dalka laga gorgortami karo haddii loo baahdo.

3- Qodobka shuruudaha madaxda dalka oo aad loo fududeeyey lagana saaray arimaha sheegaya diinta iyo muwaadinimada.

4- Qodobka xoriyada diimaha oo dib looga soo daray dastuurka qabyada ah.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah odayaasha saddexda beelood ee maanta kulanka ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu shaki badan ku jiro in waraaqaha loo keenay uu yahay dastuurkii rasmiga ah iyo in wax kale odayaasha loo dhiibay.

Odayaashu waxay dalbanayaan in 11 qodob ee ay u calaamadiyeen laga saaro dastuurka ama laga soo bedelo inta horeysana aan loo gudbi karin ansixin dastuur.

Xarunta shirka odayaasha uu ka socdo ee magaalada Muqdisho ayaa maanta duhurkii waxaa soo gaaray xubno ka mid ah golaha wasiirada DKMG ah, kuwaasoo markii dambe iyagoo careysan isaga baxay xariunta, waxaana warar ku dhow ay noo xaqiijiyeen in odayaasha iyo wasiirada ay isku afgaran waayeen dalab odayaasha ka soo baxay oo ah inaan loo gudbi karin ansixinta dastuurka iyadoo madmadow iyo wax aan bisleyn ay ku jiraan dastuurka.

Waxaa jira hadalheyn ah in odayaasha saddexda beelood ee ka horjeestay ansixinta dastuurka ay wada hadal kula jiraan odayaasha beelaha Digil iyo Mirifle si ay uga dhaadhiciyaan diidmada dastuurka cusub kaasoo odayaashu shuruudo adag hordhigeen.

Dhanka kale waxaa aad u yar waqtiga u haray mudada loo qabtay ansixinta dastuurka oo klu beegan 12-ka bishaan July xilligaasoo ay tahay inay diyaar yihiin golaha dastuuriga ee ka kooban 825 xubnood oo ka wada kooban dhamaan beelaha Soomaalida, sida ku qoran qorshihii Addis Ababa ee 23-kii May, taasoo u muuqata inaysan ku diyaar garoobi karin.

Dawlada KMG ah ayaa dhankeeda ka cabaneysa inaysan heyn dhaqaale iyo tasiilaad ay ku socodsiiso shirka golaha dastuuriga ah ee dhacaya 12-ka July iyadoo la sheegayo in Qaramada Midoobay iyo hayadaha kale ee taageera aysan weli bisin lacagihii ay u balanqaadeen meelmarinta dastuurka.

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags: ,

46 Responses for “Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye, Daarood iyo Dir oo Isku Aragti ka Noqday Dastuurka Qabyada ah Iyo Muran Adag oo Soo Kala Dhexgalay DKMG ah iyo Odayaasha (Warbixin)”

  1. Puntland4Ever says:

    Marka hore waxaan fahmi waayay in odayaal caado qaatayaal ahaa ka qarni ka qarni oo lawada ogyahay in loo dhiibo masiirka soomaaliyeed. Qalad waxaa aheyd in marki horeba xushmada heerkaas gaarsiisan la siiyo niman lagu yaqaan hiillo, isku dir, calooshood u shaqeeysi, caado qaad iyo wax ka sii xun.
    Walaahi maalintii heerkaas la gaarsiiyay oo laga dhigay niman wax u qaban kara umada ayaan ka quustay Soomalinimo. War nimanku miyaaneey aheeyn kuwi colaada qabiilada horseedka u ahaa?

  2. Puntland4Ever says:

    Meesha Timajare sare Maxamed Xaad uu oday ka yahay, oday igama jiree oday ku sheega meesha jooga hala soo xaqiijiyo waxeey yahiin. Soomaali waa ba’day hadeey moryaa Xaad ka sugaayaan inuu hogaan u qabto.
    Halagu kala tago meeshii Soomaali la dhihi jiray.
    Codsi ku socda umada Soomaaliyeed:

    Soomaaliya baaxadeedu waa 637,657km2, waxaana lagu qiyaasaa ineey yahiin 10,000,000 oo qof.
    Waxa dhul ahaan aan ku leeyahay waa 0.06 km2. Intaad isu tagtaan intaan ku leeyahay meeshaad doontaan iga siiya, waxaana dhigaaya ebay si aan u iibsado qeybteeda. Inta soo harta saad doontaan ugu heshiiya.

  3. asad yare says:

    saasaa la idinkaa rabaa somali elders mustaqbalkii somalia gacantiina ayuu ku jiraa ee haka yeelina sida ay rabaan lixda (halaage) saxeexe ee road mapka waayo somali uma danaynayaan ee dantooda ayey wataan

  4. Sama_Kataliye says:

    Habartii ratigu la buubay waxay tiri waa sidaan rabay oo si lagu daray……………..waa sayaabe beelaha Digil iyo Mirifle ma Shariif Sakiin bay jeebka ugu jiraan mise miskax iyo talo baa sida ka noqotay.

    Allow Alle.

  5. FARATELO says:

    ASCaleykum, Sidaas kuwada waxaana kasii fiican inaad dhahdaan Kitaabka Qur’aanka nagu xukuma wixii kasoo horjeedana waa waxaan jirin sidaas ku adkeysta illaah swt ka baqa oo ha ogolaanina Dastuur ku sheeg caloosha gaal ka ah waana warqado Somaliya lagu kala goynayo waqtigiina ka faayideysta meesha ka muuqda ama ka maqnaada sc.

  6. Oday Galmudug says:

    aaadbay u mahadsanyihiin waxgarka soomaaliyeed ee hadiideen waxaan u qalmin ummadda aymatalayaan.

  7. samatar says:

    asc marka waad salamnatahiin marka xigta waxaa wacan in kitaabka la isku xukumo sida alle na faray, ninka qortay puntlnad 4 evar hadii odayasha ay caado qaatayaal ku tilmaamtay oo jago aysan mudnen la siyay ma waxaa fiican 6 tuug oo saxiixayaal loo baxshay in arinta somaliya looga danbeyo tan kale caqligaga 135 oday ayaa waxa ka sheegatay ra yigooda oo waxaa amaantay sida magacaga ka muuqato lix tuugo oo wadanka dagi layahay oo aan diin iyo mabda midna aan laheen

  8. C/rashiid says:

    SCW, Walaala yaal waan idin salaamay salaan ka dib ilaahay towfiiqda hana waafajiyo, intaas kadib waxaan la yaabay oo aan layaabanahay qofka qoray warkaan oo aan ka war qabin waxa xaqiiqda ay tahay odayaasha maanta ku shiray muqdisho ma ahayn odayaal kala soocnaa ee waxay ahaayeen odayaasha soomaaliyeed marka waxa uu ukala qeybiyay odayaasha ayaan la yaabanahay. gudoomiyaha odayaasha maanta shira waa nin digil iyo mirifle ah Suldaan Warsame isla raxabreeb ayaana soo qortay akhbaartaa,. hadii wax diinta rabi lidi ku ah laga soo horjeesanayo waxaa ugu horeeya qowmiyada digil iyo mirifle maxaa yeelay waa qowmiyad ehel u ah ku dhaqanka shareecada islaamka, jecelna midnimada soomaaliyeed, inta kalese waan ognahay waa dad dembi weyn ka galay dalka iyo dadka soomaaliyeed, marka waxaan idin leeyahay ha layska daayo neceebka iyo kala qaybinta umada soomaaliyeed.

  9. ahmedpunt---------- says:

    wax talaa iyo wax caqliya meesha kumahayaane odayaashu haka noqdeen talaxumada oo dawladda kummeelgaaka yaan dabarka lagu siihaynewaqtiga ciriirigaana kadhammaan tastuurka ha’meelmarsheen waayo maahan tastuurku aayad quraana oo aanan labadali karin marka waxaa habboon in isbaarada lajoojiyo oo xilliga kalaguurkaa ladhameeyo oo dawladda saxdaa marakay dawladda saxdaa timaado oo la helo dawlad aan ahayn gmt
    in tastuurka saxdaa lasameeyo waxii khaldanna laga saaro waxii kamaqana lagu daro ,waxaa ummadda soomaaliyeed lagadboon inay kadhiidhiyaan tala xumada oo loogudbo dawlad saxa oo lajaanqaadi karta dawladaha adduunka kana baxda kummeelgaarka luga kaxirkaa marka odayaashu ha’ansixiyeen tastuurka kumeelgaarkaa dawlad wanaagna halloogudbo barlamaan cusub iyo madaxweeyne cusub iyo dawlad saxa -sc

  10. murad says:

    odayaashu taladii way heleen alle haydinku garab galo noolaada ha inagu fasixin lixda tuug ee saxeexayaasha la magac baxay ee doonaaya in ay masiirka ummada afduubaan oo shisheeye u gacan geliyaan noolaada ummada oo dhan baa idin garab taagan inaga qabta tuugta iyo budhcada saxeexayaasha isku magcaabay

  11. daaacad says:

    waa sax diiiida oo diida waxa eey wataaan 2 shariif faroole iyo abdi wali odayaashii somaliyeed baad tihiin

  12. wadani says:

    waayaab beesha digil iyo mirifle mar ay yidhaahdaan shariif sakiin ayaa la caayay oo qaranka ka muhiimsan iyo in ay sugaan fikirka shariif sakiin ma aha ee iyagu go,aan ma laha miyaa? walee naar aa kooyday ayay ku fiican yihiin. haley kaalmeeyo iyo tuugsigii hada shariif sakiin ayay tuugsadaan .

  13. ahmed says:

    Hadaan odayaasha somaliyed aan masiirka loo dhiibin ma waxaa rabtay in mahiga loo dhiibo mar puntland4ever ninka timaha jiraha aad ku sheegtayna ogow inuu mudan yahay in taalo somali u dhisto waa ninkii gumeystaha diidey lana dagaalamey ethiopia dalka ka saaarey maalinta ay amusnaayeen odayaasha kale ee somaliyed aad baan uga xumahay in jirada ku heysa ee la dhaho qabyaalada xididada raacdey sxb halyey nabadoon maxamed xasan xaad waa nabadoonka guud ee somalida xorta ah ee ka xorowdey gumeysiga qablada

  14. Kalafoge says:

    Asw waxan la yaabanahay kuwaan magaca puntland
    Dusha saartay(ahmedpunt&puntland4ever)
    Marka hore waxaan idin leeyahay puntland anagaa
    Ah ee hanaga wasakhaynina,Marka xiga maxay tahay
    Belada idin haysa oo idinka faquuqaysa ummadda
    Hadaad isimadii soomaaliyeed caydeen malaha
    Waxaad ka baqdeen in lixda tuug oo mindhaa qaar
    Aad isku Hayb tihiin inay wax waayaan,duf ku baxa
    Ee sida dhaanta odayaashana Waxaan leeyahay
    Well done

    Kabaqdeen in lixda tuug oo mindhaa qaar aad isku
    Hayb tihiin

  15. rigeeye says:

    hadaan odayaasha war kooda loo hogaasamin mawaxaa la raacaya (6 da arijire+miles) intooda badani ay waali kusugan yihiin , to p/land4ever qolof sidaas ma faroole jicli baa kuu galaysa ,

  16. QIYAAS says:

    qodobadan ay diideen oa yaashu aniguba waan ku raac sanahay waanan ku amaanayaa .waxaan lee yahay ku ad keeysta

  17. somali ha israacdo says:

    Ku puntland4ever adeerow marka hore odayaashu waa rag soomaaliyeed oo hadana ka dhiidhiyay wax aan ku haboonayn umada soomaaliyeed maxaa yeeley hadii sheekadu alifka kahalowdo albaqra kama toosto mida kale oday soomaaliyeed ayaad aflagaadeysay waliba heer aad jaahilnimo kagaartay shaqadiisa ku ceebeynaysaa aniga hada waxaan joogaa mareykanka oo ah wadamada aduunka u hormarsan asagana college waa inaad shahaado kasoo qaadato hadaa rabto inaa timajare noqoto waxaana dastuurka iyo wadankaba laga ilaalinayaa adoo kale oo intaas jaahil ah soomaali muwaadiniin ah ayay odoyaashuna horseedayaan insha allah

  18. John says:

    Waxa aan Ognahay in Caade Qaatuhu uu kasta ay aad uga Yar yahay in Muwaadiniinta ah, uusan Wadanka iyo Shacabka sida uu doono ugu Tagri fali karin … Sidaasi darteed Damiir laaweyaasha iyo Daba dhilifyadda ayaa waxa aan marnaba u Suurta gali karin, sida iyo Qaabka ay u wada Adeegi haayaan !!! W. T.

  19. XAQ-SHEEG says:

    TO:Puntland4ever waxaan cajiib ah in odayaasha aad caydo waxaa ku jira kuwa puntland ka yimid sida ay ila tahay.Tan kale ma waxaan marka wax ka weydiinaa somaliya kuwo ay caddahay in ay waalan yihiin ama qabiil uu dilay sida kuwa maskaxdaada ka dhex qaylinaya,odayaashu qodobo ayay soo jeediyeen in la bedelo haday dan tahayna waa in la bedelaa maxaa loogu yeeray?ma waxaad rabtay sidaan ayaan rabnaa ee yeelan magacaooda la isticmaalo barina iyaga la eedeeyo?Tuugo ayaa wax qabiil kuugu sheegay haddii dalkan dad laga qabanayo ka qabo kuwa adiga heleka kuu ah ee itobiya maalin kastaa u ordaaya la hadal oo wax u sheeg kuwa maamulkii dadku dhistay halka uu joogo gee waqtigii far-dheeraatay la noqon lahaa wuu dhamaaday is-aruur oo odayaasha ha aflagaadayn.Ninka yiri odayaasha dastuurka ha ansaxiyaan aayad ma ahan waa la bedeli karaa waad saxan tahay hadda waa waqtiga ugu dhaw ee la bedli karo marka cidii waqti uu ka dhamaanayo ma ahan shacabka somaliyeed ee kuwa khiyaanad ummadda u soo wada marka wax bedel waqtiga ugu fiican waa hadda

  20. libaax says:

    Aduunyadii baa layaabtay soomaalida in dalkooda aydawlad ka dhistaan oo isnabad galiyaan waxay ka doorbideen in ay helaan xoogaa lacag ah helaan dalkuna fowdo iska ahaado waligii. waxay kuleeyihiin dastuurka aan aqbalo ee xaan beeso helaa!!! beeso beeso beessssssssssso!!!!! qaarkood hadii lasiiyo beesada xataa mayaqaanaan sharaftii loogu noolaan lahaa oo ay uga muuqan lahayd iimaan lawayaashaas dawlad diidka ah.

  21. jama says:

    ASC, WAXAAD IS WAYDIISAA IMISA JEER BUU SHARIIF AFGUDUUD ARKAY ODAYAASHA, MAXAYNA AHAYD ULA JEEDADU WAA CADAHAY OO WAXAY AHAYD IN DIBIN DAABYO LAGU SAMEEYO SI KASTA OO LOOGU SAMAYN KARO ROAD MAPKA WAANA KU GUULAYSTAY SHARIIF AFGADUUD MARKUU KU GUULAYSAN WAYAY WAX KALE,, LACAG BAA SHAQAYSAY WALEE WAX KALE MA SHAQAYN,,,,IIMANA SHEEGI KARTID…..WALIGEED ISMA RAACINE MA SOOMALI NIMAA IS RAACISAY….BAL ADBA OO CAAD U HADLO BAL ADBA..

  22. FARXAN says:

    ASC, WAXAAD IS WAYDIISAA IMISA JEER BUU SHARIIF AFGUDUUD ARKAY ODAYAASHA, MAXAYNA AHAYD ULA JEEDADU WAA CADAHAY OO WAXAY AHAYD IN DIBIN DAABYO LAGU SAMEEYO SI KASTA OO LOOGU SAMAYN KARO ROAD MAPKA WAANA KU GUULAYSTAY SHARIIF AFGADUUD MARKUU KU GUULAYSAN WAYAY WAX KALE,, LACAG BAA SHAQAYSAY WALEE WAX KALE MA SHAQAYN,,,,IIMANA SHEEGI KARTID…..WALIGEED ISMA RAACINE MA SOOMALI NIMAA IS RAACISAY….BAL ADBA OO CAAD U HADLO BAL ADBA..

  23. dALABAY says:

    ASC, WAXAAD IS WAYDIISAA IMISA JEER BUU SHARIIF AFGUDUUD ARKAY ODAYAASHA, MAXAYNA AHAYD ULA JEEDADU WAA CADAHAY OO WAXAY AHAYD IN DIBIN DAABYO LAGU SAMEEYO SI KASTA OO LOOGU SAMAYN KARO ROAD MAPKA WAANA KU GUULAYSTAY SHARIIF AFGADUUD MARKUU KU GUULAYSAN WAYAY WAX KALE,, LACAG BAA SHAQAYSAY WALEE WAX KALE MA SHAQAYN,,,,IIMANA SHEEGI KARTID…..WALIGEED ISMA RAACINE MA SOOMALI NIMAA IS RAACISAY….BAL ADBA OO CAAD U HADLO BAL ADBA..

  24. rooraaye says:

    waxaad moodaa raga qaar inay wadaan iska soco maya sxb waxaa naga wakiil ah odayaashaa diid ama caytan waxay xaq u leeyihiin inay wax diidan anagaa dirsanay waxaa la yiri wadar waaxid kee waalan lixdaan nin iyo aabahood mahiiga anaga yay na ajalin waxay wataan qorshe ayaga u gaar ah markaa qofkii doonayoow u sacaba tum anagu waxaan ku kalsoonahay oday dhaqameedka

  25. adem says:

    walaahi waxaan horta la,yaabanahay, nin caqligiisaba meeshaan arkaayo uu fadhiyo in uu faalo kusoo qoro web waa ceeb iyo tacajab, ninka puntland forever qortayoow koleey waxaad tahay nin u fakaraayo si raqiis ah, qabiilka aad kasoojeedana sidaas un buu u fakaraa, soomaali nimada hadaay tahay mid ============= un iskaleeyahay haba lawaayo, daciif nimo, jaajuus nimo, fulay nimo, yuftucul qaadasho, hunguri weeynin, iyo gaala u daba dhaqii =============== lagu yaqiinay unbaa kaamuuqdee soomali kuuma baahno, ina xassan xaad waa geesi soomaaliyeed, adeerkaa faroole afbiijana waa ================= malizanawi jilbaha ku dhagan ilaa qiyaamaha, =============== tolkaa ============ horuu kuu nacay soomalina ku nacday dhuuniqaatoow, dalku malihidee amxaaro u carar. ============

  26. afbile says:

    Odday dhaqameed waa dulin ku nool dhiigga dadka sida injirta. Khalad weyn ayey dawladda samaysay markii dawladdu kuwaas siyaasad iyo arrimaha distoorka wax ka weydiisey.

  27. murad says:

    soomaali haysraacdo inteenuba waxaan isku raacnay in ay odayadu nametelaan waa guul nin uun baa inagu dhex jira magac beel ama maamul aanu metelin soo qaatay dhowrna goorna magacyo kale ku soo galay marka anuba puntland baanu nahay lamana qabno fikirkiisa xun ee yaan lagu mashquulin lana aflagaadayn dad kale oo aan dembi lahayn odayadii puntland waa goob joog oo waxay ka mid yihiin kuwaa xumaanta diidaaya

  28. Mudane says:

    Waxaan aad u hubaa dhaarna kumari lahaa haddii lay weydiiyo, in ninka Puntland4ever, la baxay aannu ahayn reer puntland ee uu yahay /////// u daagalamaya in xuduudaha grgortan la geliyo oo meesha Somali lagu kala jarjaro.

    Odayaasha ayaa xaq ah, Xaadna maanta arrintaas waan ku taageersanahay, inakstoo aan ogahay inuu qabiili yahay ujeedkiisuna dhaafsiisnayn sidii ///// mooyee dadka kale ayan waxba u noqdeen.

  29. Mudane says:

    Dadka\ hadalka wiilasha /////// ee iskudirka uun ku shaqaywsta marka u qaadanaya ineey reer Puntlad yihiin ama dadka Xamar ihiin, wax iska hubsada. Majiro nin reer Pntland ah oo qodobada la sheegay ay dan u yihiin. Balse cidda kowaad ee ay lidiga ku yihiin waa Reer Puntland. Marka ninkaan Puntland4ever la baxay waa isku dire /////. Wax halla boodina ee sida hadalka loo qoray iyo waxa uu tixraacayo ayaa la dersaa, emailka ayaa sax ah isaguna webka ayuu sir u yahay. Markaad wara hubio oo jumladaha isku xirto markaas jawaab ka bixi.

  30. caaqil says:

    to.puntlander4ever waxaan kuleeyahay anaaga reer puntland ah ee sxbow magacayaga haku aqdaaman oo akhyaarta iyo salaadiinta hakucaynin waxaan joogaa maraykanka timahajara aad kucayday xasan xaad sow ma ogid in college loogasoobaxo oo qofaan shahaado kawadan uusan timo jarikarin , xirfadu waa sharafe caymahan teedakale odayadu waxay diideen wax diinta islaamka iyo caqliga saliimkuba uusan yeelin oo way kusaxan yihiin inay diidaan dastuurkaan sidii gabar garac wada lala dagdagaayo oo larabo in dhaqso iyo indho iskuhaysasho lagusaxiixo ogaadana waxaawata waa gaalada caalamka oo iskusheega beesha caalamka ,lixdaan doqona waaloosoo dhiibay waxaana dabad kariixaaya ethopia iyo kenya, DALKAYAGA NINKII DOONAAYAYOOW INUU DUUDSIYO RABOW ANAGU DIIDNAYE OGO!

  31. muna says:

    Adem ninka wataa adaaba ka daraye walaalayal Allah ka xishooda bishii shacbaanka ayaa lagu jiraaye…nabiga Csw wuxu yiri Allah sareeye bisha shacbaan 15 keeda Allaah dadka wuu soo eegaa wuuna u dambi dhaafaa dhamaantood ilaa mid mushrik ah iyo laba Islaam ah oo dhexdooda colaad taalo mooyee (Dabaraani ayaa wariyey) …ee bal is cafinta badiya bishii barakeysneedna waa noogu xigtaaye waxan idinkugula dardaraamaa nafteyda iyo tiinaba in aan cibaadada badino maalayacnigana ka tagno

  32. Puntland4Ever says:

    Nimankiinaan igu maagaaya odayaal jaahiliin oo 80% aan waxna qorin waxna aqrin, waad dhinac marteen waxaan ka hadlay.
    Odayaashaan kuma hadal maskax eey iyagu la yimaadeen ee waxaa ka dhex qeylinaaya niman siyaasiyiin ah, marki horeenyna aheyd in siyaasiyiinta la isa soo hor fariisiyo si loogu kala baxo arinta dastuuska. Nimanka hoos ka soo quraaminaaya odayaasha waa niman qaswada yaal ah oo aan haba yaraate wax daliil ah u heyn waxeey odayaasha ku soo aqriyeeen.

    To Dowlada Soomalia
    Waan in si degdeg ah looga qaado imtixaan odayaashaan, lana ogaadaa heerka uu gaarsiisan yahay wax aqriskooda iyo fahanka luqada Soomaaliga dhinaca sharciyada maadiga ah.
    Geed hoostiis reero laguma xalinayee waa in raga aad wax noogu dhiibteen naga hubisaan ineey horta wax fahmayaan.

  33. Ahmed says:

    Re: Samakataliye iyo Wadani …. Magacyo wanaagsan waad wadataan malaayiin aha an ahan waad aflagaadeysen isma keenayan ee illaah ba baqa.

  34. QOFNA YAANAN EEDEYN DHIBKA WAA MADAX ISKU SHEEGA UU U HOREEYO FAROOLE OO ITOOBIYA U OOHIN TAGA MARKA WAX LOO DIIDO KA DIBNA MELES JILBAHA QABSADO NACASKAAS AF-KA DIOORSHAANA LEH IN SOOMAALIYA LAGA QABTO AYAA FIICAN WAA KALAB DABA-DHIF U AH MELES SANAAWI, MRKA UU WALAALIHIIS SOOMAALIDA LA HADLAAYANA ISKA DHIGA NIN GEESI AH XAARAAN AAN CAQLI LAHAYN.

  35. Digil mirifle says:

    Heshiis digil mirifle ka maqan yahay oo soomaali gasho waxuu la mid yahay
    *ilmo qaan gaaray oo gudniinka laga hilmaamay ama
    * hal bacaad lagu lisay ama
    * Sambuus laga adimay,
    See soomaali uheshiin kartaa anigoo kursigayga maran yahay?
    Mise waxaan heshiisba ma ahayn ee waalaga been sheegayaaa?
    Adeerayaal hala i xasuusto markii la
    La heshinaayo oo yaan uun lay xasuusanin marka laysdagaalaayo

  36. adan says:

    Akhas kuawan khaatumo seeg baan nacay ================= meelwalboo ay tagaan iyo ciddii soo dhaweysata bay sidii abeesadii ayagay cunid iyo hoog oo dhan ku billaabaan horey bay reer puntland isugu xumeeyeen haddana odayadaan iyo fidnadan muqdisho ka socota waxa shir guddoon u ah Garaadka khaatumo seegyada aabaha u ah mardhawna tan tu ka daran baad maqli doontaan. Walle ninkan haddaan laiska qaban in badan oo dhibaato hor leh ummadda wuu u horseedi.

  37. Birjeex. says:

    Waa su’aal: Soomaalidu waxa ay rabto ma taqaan?. Jawaabto waa maya. Ummad la rabbo in ceeriinka
    lagu cunno, oo illaawe iyo luglaawe xataa u miciyo-lisanayaan, oo weli iska moog oo siddii gabdho-foodley
    ah isku haya kanlay-keerlay. Waxay galabsadeen weynaa Macbuukow.

    Dad nabad haysta ayaa dastuur iyo qeynuun samaysta. Dawlad aan awood ay shacabkeeda ugu taliso-lahayni maxay KMG kaga bixi-kartaa. Dan ayaa laga leeyahay in KMG laga saaro, qawlaysatada (Caddaanka iyo Maddowga) leh ayaa raba in qolo kasta meel ilkaha kula gariirto.

    Muraadada lagaa leeyahay waa kuwaan.

    1- Shirkadaha Waa Weyn Saliidda ee Reer-Galbeedka, ayaa huguri ka hayaa, dhulka saliid ku jirta,
    balse, han weyn wuxuu kaga jiraa mid taa ka badan oo ku jirta baddaha gaar ahaan Badda-Hindiya.

    2- Badaada dhererkeeda in la dhimo ayaa la rabbaa, lagana dhigo meel aan la kala xigin oo cid walba ka
    qaraabato, dabcan ” Ninkii xoog leh ayaa xaq leh” oo ka u xoog roon ayaa kuwa kale uga adkaan doonna.

    3- Waa lagu kala qeyb-qeybin oo maryo badan ayaa laguu suntayaa. Meesha waxaa yaal “Qeybi oo boob”
    Si loo siiyo kii gobol-joogga oo maro sumad leh haystaba xoogaa sandareerto ah loona xalaashado.

    4- KMG waxaa dabada looga riixayaa, dan badan oo la rabbo ayaan ku fuli-karin. Sidda: Ammaahda,
    Gorgortanka Xuududaha, Dhulka, Badda iyo Hawada.

    Waxaa taas suurto gelinaya qolyo adiga kaa dhashay, waraabuha qawsaar u ah, waa sheekadii (Geedka iyo Guddinta). Ubadka iyo haweenka macaluulay ayey rabbaan in ay sii gogtaan. Waxbaan ka dhigaynaa ayaa la oran, suu waa soo haliilin.

    Odayaasha-Dhaqanku dhaaxay jiifeene oo dalkooda iyo dadkoodaba gabeene, waa in ay qaranka u kacaan. Awooda u sareysa ee dalka iyagaa leh, ee (Alle) awoodooda ha tuso.

    1- DKMG iyagaa soo dhisay kalana diri karra, oo Maamulka sare iyo midka Baarlamaankuba iyaga ayuu
    ka yimid oo qabyaalad ayaa lagu qeybsadey (4.5) miyey illaaween in madaxdu ku timid hanjabaysaa.

    2- Faroole , Caalin iyo Ahlu-Sunna soo waxa soo doortay oo imminkana ay ka rabbaan soo ma ahan Odayaasha-Dhaqanka iyo wakiilada ay soo diiran, iyaga weeye wax geesbiciidka u yeelay.

    Isimada wax baan diidnay keliya loogama fadhiyo, ee waxay diideen wax beddela oo ka roon in ay keenaan ayaa looga fadhiya. Fursadda qaali ah ayey haystaan waana in aysan dhumin, shir-gudoon iyo
    guddiyo waa in ay iska qabtaan, xaajadana gorfeeyaan.

    Soomaaliya xaalkeedu waa: Diinkii aan qolofta lahaynee habardugaag u tashatay, oo (Illaahay) qolofta samada uga soo tuuray. Haddana Alle waxaan ka duraamanaynaa in uu Isimada qolof nooga dhigo oo
    nagu badbaadsho.

    F/G: Shirkad-Dawladeedka Reer Galbeedku: haddii ay (M.Siyaad) ka heli lahaayeen waxay rabbeen, iska
    daa dhicid uu dhacee ee wiilkiisa (Maslax) ayaa bedeli lahaa. Dhibka iyo dheeftuu lahaa ayey ku jirtay
    taasi.

  38. Fayood says:

    Waxaan jeclaan lehaa in marka hore aan iraahdo odayaashu waa amaanan yihiin 100% wixii afkooda soo maray iyo qodobaday soo bandhigeenba (uurkoodase ilaah baa og). Laakiin beenta naga daaya oo naloo sheegin beel baa Itoobiyaan la dagaalantay si ay u difaacdo danta ummada Soomaaliyeed. Niman ku habsaday hantidii ummada iyo hubkii qaranka oo jeclaystay inaan Muqdisho loogu imaan baa la dagaalamay iyo dhallinyaro ehlu diin ah oo aan ahayn raggii Muqdisho haystay. Qarannimo iyo Qabiilbaan had iyo jeer laysku khaldaa! Aan kala saarno danta Soomaaliya iyo danta hal beel leedahay! Soomaaliya waa ka wayn tahay dhulka walaalaheen Hawiyuhu dagaan.

  39. idman says:

    Kuwiinaan rag la moodkaa oo meesha wax caqli ah habayaraatee aan keenin horta iska aamusa. Waryaaya caqligiinii meeh. waar idinka iyo kuwa oday ku sheegaa oo shalayba qeyb ka ahaa burburkii soomaaliya wax kale ood sheegtaan ma haysaan. Nolol iyo naf waxaad ka dhigateen dhibaateynta soomaaliya!! Arigiinaan ragga is mooday mid idinka mid ah oo ka fekeraya ama ka hadlaya in inay SOMALIA MAXMIYAD galayso hadaysan dawlad rasmi ah helin ma la hayaa?? Waar shibirayahayow heesa ileyn intaas iyo wax uun carqadaldee baad ku fiican tihiine…kkk. kuligiin iyo kuwa qaylinayaba tuugo ku naaxday burburkii soomaaliyeed baa tihiin waa taas awgeed waxa aad dalkayaga iyo dadkayagaba la doonaysaan inaan MAXMIYAD galno. Ma markuu dalku maxmiyad galo inaad gaalada kabaha u qaadaan miyaad ka door bideen! Allaha weyn idinka dhibka aad Ummadda Soomaaliyeed ku ragaadiseen 22 sanno oo weli carqaladiisa iyo dhibateyntiisa markaad aragtaan in bidhaan yar oo dawladnimo ah soo iftiinto la dabo taagan tihiin idinku ku baxay oo illahay naga kiin badbaadi. 22 sanno maydin ku filaan weyday! Waar ummadda soomaliyeed nolosheed uga baxa: Ummadu nolol bay rabtaa, oo dawladnimay rabtaa, oo aduunka ay 22sanno ka hartay bay u baahan tahay inay la jaan qaado, oo Calankeeday rabtaa in aduunka laga qiimeeyo, oo xabbadda iyo dagaalka aafeeyey inay ka nasatey rabtaa. Qodkasta oo Ragaadiya umad horumarkeed inay wax noqotana hortaagan Illahay ileyn isagaa ka awaad badan aakhirka SALAD buu u keenaa. Salakiinu, waa burundi, ugaandheys, Ethopian, keyan iyo kuwa iminka insha Allah kuwa sharka wada Hal hal u guran doona! Soomaalina Akhirka waa idin ka raysan doontaa oo insha Allaah barwaaqo iyo dawladnimo iyo karaamadeedii oy soo ceshato baa u dambeyn, Insha Allah.

  40. NINA says:

    adan
    adeer khaatumo ayey kaaga dhegtay if iyo aakhiro seegow khaatumo waxay p/land ka tagtay markii siyaasada p/land si toos ah u taageertay maamulka hargaysa oday dhaqameedkana hadii uu ka muuqdo garaadka guud ee khaatumo waa guul u soo hoyatay soomaali oo dhan oo khaatumo waxay u taagan tahay midnimada iyo haybada iyo cisiga qaraka soomaaliyeed waana nin mutacalim ah isaga iyo oday dhaqameedyo kaloo badan oo ah dad kala soocaya waxa u danta ah shacabka soomaaliyeed iyo waxa u daran
    viva oday dhaqameedka soomaaliyeed iyo inta soomaalinimada xalaasha ah xeerisa

  41. NINA says:

    waar calaacalka inaga daaya siday u itaal la’dahay soomaaliya uma ALA la’a e 21 sano ayaynu qabri ku jirnay oo ganacsi aynu u noqonay hayado iyo NGO yo taasoo keentay in horgalayaal badani doorbideen in NGO systemku uu uga faaiido badan yahay soo noqoshadii qaranka soomaaliyeed oo ay ku rabaan in soomaaliya halaq mareenkaa weligeed ahaato lkn anigu ma qalbi jabin waayo kolay arinta kugu dhacda ee aan ku dilin waa ku adkaysaa anoo isku halaynaya dhalinyarada soomaaliyeed ee soomaalinimadu ku dheertahay oon qaarkood halkan ka akhriyo kuwaasoo awood wayn u leh inay dalkooda majaraha u qabtaan oo odayada qarbabooshka ah iyo inta ka amar qaata ay golaha siyaasada soomaaliya ka tuuraan believe mee dhalinyarada soomaaliyeed could do wonders for their country if they unite only

  42. NINA says:

    soomaalida dhibka ugu wayn ee ay u kala cararayaan waxaa weeye iyadoo ay dhaceen colaado lagu madhay iyo xad gudubyo badan oo layskula kacay waxyaabo biniaadnimada ka baxsan markaa weli dadku waa kala fiigsan yahay oo waa kala baqayaa oo kalsooni iyo isu qalbi furnaan dhab ahi dadka kama dhaxayso anigu waxaan odhan lahaa in oday dhaqameedku markay arintan ka dhamaadaan in ay soomaali si dhab ah u heshiisiiyaan oo laysa saamaxo oo cidii dad xaqood haysataa ay xaqaa asxaabtiisa siiso oo soomaaliyi si wadar ah u ducaysato oo ilaahay u barido waana wax suuroobi kara oo south africadii dadka la kala sooci jiray ee wax xunoo dhani ka dhaceen waa isa saamaxeen oo is cafiyeen si ay u awoodaan inay wada nooladaan

  43. Oday Galmudug says:

    Puntland4Ever ninkaanla baxay u daacadsanaa danta shisheeye waxan u malaynayaa inuu ka mid yahay wiilashii 1993 ee UNSOM askarta biljibku kismaayo ku farxumaysay!!

    tankale soomaaliyey 6 tuug wa isdhaamaan ee caddaalada yaanlaga tagin

  44. Ahmed says:

    Masaa’ibta ugu weyn waxay tahay dad aan heshiis ahayn baa la yiri dastuur samaysta. War islaantii casayga u saarneyd lama dhihin Sorry, wiilka agoonka aha lama dhihin hadaa likuli xaal waana kaa warqabeynaa, aqalkaaga waakanaa ee mukulaal madoow ha igu wicin. Marka iyadoo godobtaas jirto sidey ku suuro galeysaa in dastuur iska daayee dowlad aan ku heshiino? Gurigeyga, beerteyda iyo tuuladayda baad xoog la igaga heystaa, gormaan dastuur ka hadleyna ee dalka aan wada difaacaneynaa? Ma adaan iska kaa difaacayaa mise cadowga koraad?

    Waa naloogu talo galey inaanan status quo aanan marna ka bixin, umad aan dhexdeena heshiis ahayn abadan lagama yaabo in si ijmaaci ah wax ugu hagaagaan. Odoyaashan inta dastuur laga hadlin iyagu ha heshiiyaan, umada dhibka ku dhacay reconciliation ha u sameeyaan, markaas ka dib halaga hadlo A halaga saaro, B waxbaa ka maqan, C si wanaagsan uma qorna iwm.

    In dadka lagu guul guulo Maxmiyad baa la galayaa waxaas waa sheeko baraley, 22 sano baa barxadaas inagoo qaawan dhex fadhinaa cid wax inagu faleysa ma jirto, bahalo bada iyo beriga ceecaaga baan wada noqoney. Anaga uunbaa sidii Cali Beesteenkii meesha qoraxda inooga soo baxayso iyo inoogu dhacayso aqoon, ee dan iyo xaajo dheer la inagama laha, ee waxa la inaga kari la’yahay waa cawradiina asturta, canuga diifka ka socda ee kaba la’aanta ee Illaahey mas’uuliyadas ina wada saarey diifta ka qaada, odayga garka casaadey oo feerahiisa la tirin karo sidan u dhaama, Islaanta afarta jiideysa ee asaayga u saaran u gargaara, 18 jirka bad iyo saxaraha ku dhimananya dal iyo dowlad u dhisa.

    Marka Illaahey caqli shaqeeya ina wada siiyo.

  45. adan says:

    Garaad Pintiland baa ka dameeya sh. Shariifna waa inuu iska qabtaa.

  46. Puntland4Ever says:

    Oday Galmudug
    Walaahi inaan fahmin waxa laga hadlaayo iyo waxaad meesha ku soo qortay meesha eey iska soo galaan. Gadaal ugu laabo moowduuca, si fiican u aqri, markaad si fiican u fahanto jawaabteeda ka bixi.
    Waxaan u maleeynaa inaadan fahmin waxa laga hadlaayo oo aad u qaadatay in mowduucu yahay arimo kale. Markale ku laabo please!!!!

Leave a Reply