Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Puntland Iyo Maamulka Faroole oo Si Kala Gooni ah u Gudbiyey Liiska Ergada Dastuurka
Garowe (RBC) Sida uu xaqiijiyey wasiirka dastuurka ee xukuumadda KMG Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil waxaa soo baxay labo liis oo iska soo horjeeda oo ka kala yimid odayaasha dhaqanka ee deegaanada Puntland ka soo jeeda ee ku sugan Muqdisho iyo madaxweynaha Puntland.
Ilo wareedyo u xog waramay Shabakada Raxanreeb ayaa sheegay in madaxweyne Faroole uu xukuumadda KMG ah iyo guddiga qabanqaabada shirka u soo gudbiyey liis uu sheegay inay yihiin wakiilada Puntland ee ergada uga qeybgaleysa shirka ansixinta dastuurka ee la filayo inuu ka dhaco magaalada Muqdisho.
Hase yeeshee waxaa jiray liis ka horeeyay kan madaxweyne Faroole uu soo gudbiyey oo ay soo qoreen odayaasha beelaha ka soo jeeda deegaanada Puntland, waxaana Raxanreeb ay ogaatay in odayaasha ergada gudbiyey ka mid ah kuwa gobolada Mudug, Bari iyo Sanaag.
Wasiirka dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil oo galabta wareysi siiyey idaacadda VOA ayaa xaqiijiyey in ay jiraan labada liis ee ergooyinka ah ee soo gudbiyeen odayaasha iyo madaxweyne Faroole.
“Arintaasi waa jirtaa, caqabado ayaana ka taagan laakiin waxaa noo socda wadahadal madaxweyne Faroole, mana rabo inaan ka hordhaco” ayuu yiri wasiirka oo la hadlayay VOA.
Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Faroole uu dacwooday liiska ay keeneen odayaasha isagoo ku tilmaamay inaysan metelin maamulkiisa iyo beelaha ku nool.
Dhanka kale xubno ka mid ah nabadoonada reer Puntland ee ku sugan madasha shirka ee Muqdisho ayaa Raxanreeb u sheegay inay dawlada u sheegeen inay iyaga ka wakiil yihiin beelaha ku nool deegaanada ay ka yimaadeen ayna xaq u leeyihiin inay beelahooda u hadlaan.
Odayaasha waxay ku doodayaan, in sida ku qoran heshiisyadii Garowe 1 iyo Garowe 2 ee dhexmaray lixda saxiixayaasha ah xulitaanka ergooyinka ay tahay waajibaadka odayaasha dhaqanka ayna tahay in saxiixayaasha oo uu ku jiro madaxweyne Faroole ay faraha kala baxaan.
RBC Radio











faroole wax uu rabo lama yaqaan odayaal marabo afkiisa iyo dhagihiisa isma maqlaan
hadal iyo dhamaan tiis waxaan leyahay maamulka puntland waxaa ugaas iyo garaad iyo islaan ka ah mudane faroole odayaasha dhaqanka waxaan leyahay shacabka puntland waxeey dor teen mudane faroole odayaasha dhaqanka waxaan idin leyahay meel fadhista
War farolow hays cebayn wabalba cebowdaye ooku cebowday puntland faraha kalabax odayashadhaqanka wa igtalo
faroole gacantisa buu kusaxiixay sxbyaal heshiiskii garowe balse galkacyo baa lagu badaly in lixdan nin ay iska tiiriyaan sooxulida ergada what is the matter of this man mida kale faroole madaxwaynaha puntland iyo odayaasha beelaha mudug daga ba ciyaar dhextaalaa reer mudug ha ismuujiyaan hadii kale faroole baa liqaya kkkkkkk bye
Raxan-reeb adinku Faroole waxna kama qaadaan kamana hartaan, laakiin waxaan idin sheegayaa waxaydan ogeyn dadkaha u soo qorin, wax badan oo aad sheegtaan waa laydinka xog ogaalsanyahay, hadda warkaan wax ka jira ma laha, malaha mid iska caraysan oo boggiina ka tirsan baa intuu meel hul ah Laptop la fariistay isagoon cidna wax weydiin iska doo qoray.
Waxaan annagu ognahay in hawshaas si wanaagsan u dhammaatay, oo xataa waxaan ognahay in Madax-weynaha iyo max-weyne ku-xigeenka isku af garteen inay saami u gooyaan qolyihii dhanka kale ahaa ee gobollada SOOL, CAYN, iyo BUUHOODLE taasna laga heshiiyay iyadoo dhinacyo badan wax layskala fiiriyay, marka adinku isku-dirka iyo beenta waxba idin tari maayaan kuwaan iyagoo aan laysku dirin bay isku diranyihiin, ee xataa bisha barakaysan xurmadeeda adinkoo dhawriya dadka beenta ka dhaafa.
faroole asagaa ah boqor oo asagaa ah suldan ugaas garaad madaxwayne siyaasi waxla wixii ladoono
kkkkkkk war kan caqli may ugaliyaan sidii ay c/laahi yuusuf ba ugu galiyeen beerka
nin walba meesha uu la.yahay ayaa lagacaawiyaaye
walee nin waashay iga dheh , odayaashi ka yimi wadankooda oo dadkooda matlayay haduu ku kalsoonan waayay yuu ku kalsoon yahay ?
ASCaleykum, Ugu horayn Ramadaan kariim marka xigana waxaa lagu jiraa bisha barakeysnayd ee Ramadaan mana wanaagsana in lays xanto dhabcan waa mamnuuc goor walba in xanta,benta i.w.m la sheego marka illaah swt halaga baqo goor walba iyo meel walba intaas ka dib waxaan ka oran lahaa wax yar arintaan shacabka somaliyeed waa ogyahay meelkasta oo aay joogaanba in arintaan aay u taal odayaasha dhaqanka ee soo jireenkaa mana wanaagsana in dhib iyo mushkilad la sii abuuro dadka walaalahaana cuqdad iyo rabsho la dhex dhigo marka shacabka ayaan waxaan weydiinayaa yaa khaladka arintaan leh ma odayashaa leh mise Mudane Faroole kolaytaba aniga waxaan eeda saarayaa Mudane Faroole maxaa yeeley meshaas in arinta la garsiiyo waxaa ka dhalan kara nacayb iyo burbur hor leh marka arintaan Odayaasha =========== ee jooga madasha shirka Muqdisho haloo daayo sidaasey ku jirtaa sharafta midnimada ========= illaahow dal nabada iyo dad caafimaad qaba sc
Wallee dhaglaa salagleh faroole mawuxuu had
Marayaa inuu salaadiinta beelaha puntland
Oo dhan yiraahdo was qayrumasuul oo
Cidna ma matalaan,ha ogaado cidda uu
Qadfay inaysan ahayn salaadiinta oo Quran
Balse qabaa’ilka ay matalaan oo dhan
Inuu u gafay,isagaana laga rabaa siduu
Uga dabaalan lahaa.
Maxishoode faroole isimada faraha kala bax odeygaagana soo dir si uu wixii adiga iyo qaskiina wax ugu saxiiso istaxyiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiii
faroole xaalkiisu waa neef lagowracay geedo kma waabto, miyuuna ogayn in ninkii dadka uu ugu bootayn jirey kansar dilay oo nolol iyo geeri lagu murmayo, haadaa hilibkaaga feenanaysa hadaadan cagaha dhulka dhigin, somalidu waxay tiraahdaa I ARKOOY I ARKOOY I QARSHOOY I QARSHOOY AYAA KA DAMBAYSA hada ogow wiilal dhaarsana gaalkacyay keeb la yuurur kuula yihiin lafahaaga u tur odaayaashii kugu hagoogan lahaa markii gabanada mudug lagu celcelinayo xariga soo goostaan ha isku dirin kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
FAROOLE ISGAA ISKA LEH MEESHA ODAYAASHA REER PUNTLAND IYO SIYAASIYIINTOODA MIDNA KAMA HOR IMAAN KARAAN,WAXAAN IS WEYDIIYAA NINKAN SIDEE MARKA RABAA IN UU SOOMAALI KU MAAMULO HADDUUBA DAMCO?CAJIIB
war mudane faroole asaagaa ah abaaha puntland waxay cayaar wada cayaarayaan shikh shariif iyo xukumadiisa ee idinku fahmi maysan allow cadowgaga jabi intaa nooshahay sidaa ugu ciyaar madaxweeyne umada ka soo hor jeda nin melahaa ka cabadaya waxba kama galin dameer aad saran tahayna dhusadiisu wax kaa tari mayso noloow mudane faroole
qabyaalad qaawan somali dawladnimo uma keenayso.
faroole dadku may door an,
odayaashuna meesha dhaxal bay ku yimaadeen.
ilaa inta qaab dawladeed oo aqooni ku dheehantahay aad la imanaysaan shicib yohow puntland ha sugina dawladnimo iyo kala dambayn.
Maamulka putland waxaa ku midoobay qabiilo badan waxaayna matalaan dhamaan , president Faroole waa madax weynaha dhamaan puntland , Odhaqameedka Puntland ee ka qaybgalay shirka Xamar waa ku mahad san yihiin kaqayb galka shirka , Faroole nina kabar yimaayo in Puntland uu masuul kayahay dowlada federalakana waa ineey dhageeysataa isaga, Dadkinaan meesha ka qalaadaya waa laba mid ama kuma qanacsanid maamulkaa kamid tihiin oo markaa waxaa fican inaad si cad oo raga nimo kujirto uga baxdaan, Kuwina kali waxaa idin hayaa waa In faction aan laheeyn daawadiisa marka Puntland kuma noolidin mr Faroolana madax weeyne idinma aha marka shut up
war hooy balo anagaa aragnay war faroole dawco sumaysan baa qaniintay wax uu rabo la garanayo
Faroole iyo labadiisa wiil ee uday iyo xusey iyo kooxda yar ee ku wareegsan ee sida mafiyada u dhaqanta waa ey iska cadeeyd in mar uun madaxa isla gali doonaan wax garadka ku nool Puntland sababtoo ah hab dhaqanka reer faroole wuxuu shaabahaa kii reer sadaam xuseen ee ahaa cidii iga hor tomaad qudha ayaan ka jarayaa kolka adayaasha ka hor yimid doonista reer Faroole Ma Muqdisho ayey joogi doonaan mise awood ayey u yeelan doonaan in ey dib ugu soo laabtaan degaamadii ey ka yimaadeen?mida kale Faroole madaxweyne ilaa kan dhulka xaaqo in uu isagu noqdo jeclaa:-P
Ninkani waxaa ka Cawaansan Kuwa sida Indha la’aanta ah u taageeraya…….hadii wax yar aad ka sheektana meel lagaaga yimaaday ma garaneeys…… balaayo kugu soo duuli……nimanyohow qabiil aan ka harno oo fikir qofka ku dooro iyo rayigaada shaqsi waxa uu ka qabo qofka siyaasiga ah ee aad xiiseeyneeyso….laakin qabyaalad waa cudur dilaa ah oo aan daawo leheeyn….waana sabata ugu weeyn ee keenay dib u dhaca, gaajada, wadan la’aanta iyo anagoo nalaga nacay aduunka oo aan ku calaamadeeysanaha Qoxooti, Dagaal sokeeya, Buracad badee iyo Argagaxiso…..Kuwa qurbaha joogana waxaa loo yaqaanaa Cajizloowyaal ma shaqeeystayaal ah oo ceedha ku nool…Inkasto oo eey jiraan Wiilal iyo gabdho lagu faani karo uu ku aduunka daafihiisa
ac walaalayaal isimadu xageey kumaqnaayeen markii uu daalaa dhacayey oo hadba dhuwaaga
uu neef ka soo ridayey mamarkii maandeeq foosha qabatay bay odayaashu diidma bilaabeen meeshii ay ugu xamdi naqilahaayeen ilaah kasakoow sheekh cabdiraxmaan eedhe hadaan nahay reer puntland waxaan ku qowracanahay wadaadka ninkii diidoow adaa cirka roob ku og wax qof shaqeeystayna loogama dheelo waxeey doonayaan wax wada caada qaatayaal ah in ay noo soo xulaan ma oga in sheekadu mareeyso xiniiyo taabasho oo meesha loo socdo ay tahay muqdisho
hadhoow bay doonayaan in markeey xeero iyo fadhaan kala dhacaan af labadii yeeraan///
masulsare
Ramadaan kariim dhamaan muslimiinta aduunka gaar ahaan shacabka soomaaliyeed anigu waxaan u arkaa in odayaashu saxan yihiin maxaa yeelay dowladu wax shaqo ah kuma laha markii runta laysu yeesheego odayaasha xamar katagey putland waxaa weeye wakiilka boqorka ugaas xasan beeldaaje jaamac islaan beesha cumar maxamuud beeldaaje cali jibraaiyo kuwo faro badan markaa dadkaa waxay deegaan ahaan ka soo jeedaan gobolada putland oo dowladu wey la socotaa hadii aynu eegno taariikhda soomaaliya ayaa la magacweyn dowlada faroole putland ayagaa sameeyey hada waxa ceeb ah shaqadooda in loo gacan dhaafo hadii xaalku sidaa kusii socdo wax danbe oo putland ah waxaad mloodaa inaysan jiri doonin anagu waxaanu nahay soomaali waxaan u taaganahay soomaaliweyn
@Gundiid, Waa runtaa odaga ninkii afka ku taaga abaalkiisa ayaa lamarinayaa, tan labaad Puntland waxaa madaxweyne ka ah Faroole asaga ayaana ummaddu dooratay, reer Puntland haddaan nahay raalli kama nihin ciddaan dooranno cid isteerinka iyo hogaanka ku qabsata ciddii isku dayda issimo ha noqdaan ama ninkastoo kale oo wax ismooda wallee wuu ka shalaynayaa. Anaga haddaan nahay reer puntland dibad iyo gudaba joogta waxaa shirka noo matala maamulka Puntland ciddii ay u magacawdo oo keliya.
wabilaahi tawfiiq
Madaxweyne faroole ma la orankaraa wuxu ka mid yahay ”spoilers” ka somalia? sababta oo ah shaqdan waxaa leh HOGAAMIYAAL DHAQAMEEDKA shaqa uusan lahayn oo u faragashado waxay muujinaysaa sida faroole usan u ixtiramayn isimada puntland iyo guud ahaan danta guud ee somalia waana wax lagu qoslo in isaga oo wata titleka dr u udhaqmo hogaamiye kooxeed muuse suudi oo kale!
Faroole ma madaxweynaa mise isin? Jawaabtu waa madaxweyne faraha kala bad howsha isimada halugu yiraahdo haduu xanuunsanyahayna ha la gunk ileyn horaa loo yiiri (dab iyo cudur isku meel ma galaan). Farole reer puntland waa tashadeen isimadaa inoo matalaya howsha we ka joog adiga maahee
kkkkkkk, war belaayooy ,war heedhe odaygu aniga waxay ilatahay halagugu maadaysto weeye ujeedadiisu. This is really amazing drama… Kuwa soo qoray faroole waa wax walba sida garad,ugas, suldan, waxaan ugartay , waa familkisii iyo caruurtii ilma aaran jaaaan. V ..dhaqanka hadii lacayo belihi ayaa lacayay marka wax la aqbalikaro maha.
waxay soomalidu dhahdaa wan weyn ilaa la, gowraco indhihiisu cirka ma arkaan saaxiibka punt land na ilaa shabaq lagaga qaado garowe ma aqbalayo waa lagaa badiyee bedel halka aad kA baray, reer puntlandna ha la dhaho ( Allah kariim) indhaha furta waagii waa idinku beryee. Bye
odey dhaqameedka puntland oo dhan bari,nugaal,mudug,sool iyo sanaag xamar wey udhan yihiin iyaga ayaana beeshooda doorteen oo ka masuul ah faroole shuqul kumalahan, waxa kaliya xamar ka maqan beesha faroole oo dadka iska dhex saarey iyagana waxey matalaan oo ugaar ah dagaanka Dangorayo iyo agagaarkaas taasoo ah qeyb kamida gobalka nugaal ———— garoowe waa looga badan yahay oo beelo kala duwan ayaa degaan ahaan u dega marka hadey rabaan maamul gobaleed ———— layiraah Dangorayo ha uga dhawaaqaan hadey garoowe kaligood isku sheegtaan har cad ayaa laga ceyrinayaa.
Qaar ka mid ah oddayaasha Dhaqan ee Xamar joogga ma mateli karaan beelahooda waayo ma’aha kuwii soo jireenka ahaa, laakiin waa kuwo doonaya in ay wax u boobbaan jifidooda.