DAAWO SAWIRADA: Odoyaasha Dhaqanka Oo Dib U Dhigay Soo Xulida Ergada Ansixinaysa Dastuurka Iyo Xukuumada Oo Ka Soo Horjeesatay


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Maanta ayaa waxaa lagu waday in odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ku shiraya magaalada Muqdisho ay soo bandhigaan eryada ansixinaysa Dastuurka cusub ee Soomaaliya, laakiin waxaa la sheegay in arintaasi ay dib u dhacday.

Xarunta Odoyaasha dhaqanka ee magaalada Muqdisho ayaa ka dib ku lan ay maanta ku yeesheen wasiiro ka tirsan xukuumada KMG iyo odoyaasha dhaqanka ayaa gaba gabadii waxaa ka soo baxday in arintaasi dib loo dhigo.

Odayaasha dhaqanka ayaa u sheegay xubnaha golaha wasiirada in dib loogu dhigo soo gudbinta ergada ansixinaysa dastuurka Cusub islamarkaana muddo saddex cisho ah loogu daro oo la gaarsiiyo ilaa lixda bishaan.

Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in dastuurka uusan bislayn ama uusna hagaajisnayn iskabadaa in lasoo bandhigo eragadii ansixin lahayd dastuurka oo la doonayo in gabi ahaanba la ansixiyo 12 bishaan.

Ku Simaha Raysal Wasaaraha Soomaaliya ahana wasiirka ganacsiga C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa carabka ku dhuftay in Odoyaasha dhaqanka ay muhiim tahay in waqtigii loogu talagay aay ku soo xuleen ergada ansixinaysa dastuurka.

C/laahi Goodax Barre oo ah Wasiirka qorshaytna iyo xiriirka caalamiga ee xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay in odayaasha ay deg deg kusoo bandhigaan ergada ansixinaysa dastuurka isaga oo sheegay inu yar yahay waqtiga lana doonayo in 12-ka Bishan la bilaabo shirarka lagu ansixinayo dastuurka.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

4 Responses for “DAAWO SAWIRADA: Odoyaasha Dhaqanka Oo Dib U Dhigay Soo Xulida Ergada Ansixinaysa Dastuurka Iyo Xukuumada Oo Ka Soo Horjeesatay”

  1. [...] Read the original post: Odoyaasha Dhaqanka Oo Dib U Dhigay Soo Xulida Ergada Ansixinaysa Dastuurka Iyo Xukuumada Oo Ka Soo H… [...]

  2. Sama_Kataliye says:

    Caada qaata walba wuxuu rabaa in uu odayaasha Soomaaliyeed marsiiyo dastuurku sheegaan iyaga oo aan helin waqti ay ku indho indheeyaan. Midkasta wuxuu rabaa in uu odayaasha cameeyo ayna fahmina waxyaalaha ku hoos qarsoon dastuurku sheegaan.

    illaahow meesha dowlad nooma joogtee odayaasha taladda iyo towfiiqda noo waa faji, Insha Allah!!

  3. Faysal says:

    War gowrac ku jiida. Maxay u haystaan? Waxaisdhaafiya intaan haddii kale laydin kala dirin. Hadda fursad inaad senators noqotaan ayaad haystaan.

  4. xoghaye says:

    oday beeleed ama balo katalis iyo beensheeg ama burwaaqo iyo baraare

Leave a Reply