Orodyahanada Soomaliya u Matalaya Ciyaaraha Olombikada ee London oo Lagu Dhawaaqay (DAAWO SAWIRO)
Muqdisho (RBC) Labada ciyaaryahan ee Soomaaliya uga qeybgali doono ciyaaraha Olombikada ee bishan July ka dhacaya magaalada London ayaa shaaca laga qaaday, sida ay shaaciyeen Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ‘GOS’.
Tababar mudo ay ku qaadanayeen magaalada Muqdisho ayaa ugu dambeyntii waxay GOS ku dhawaaqeen in labada ciyaaryahan ee kala ah Samsam Maxamed Faarax iyo Maxamed Xasan Maxamed ay uga qeybgali doonaan tartanka ciyaaraha Olombikada ee London iyagoo ku tartami doona magaca Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Samsam Maxamed Faarax oo ah gabar aad u da’ yar ayaa sanadkan ka qeybgaleysa tartanka Olombikada adduunka ku oroda magaca Soomaaliya. Waxaana caadi ahaan ciyaaraha Olombikada wadan kasta oo aan u soo gudbin ciyaaraha kale sida Kubbada Cagta iyo Laliska u matala labo ciyaaryahan oo wiil iyo gabar kala ah.
Samsam Maxamed Faarax iyo Maxamed Xasan Maxamed waxay labaduba Raxanreeb u sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin in laga soo dhex xulay illaa afar ciyaaryahan oo mudo ka badan labo bilood tababar ku sameynayay magaalada Muqdisho, waxayna labaduba tilmaameen inay jecel yihiin inay guul u soo hoyaan magaca ummadda Soomaaliyeed ee ay ku ordi doonaan.
Orodyahanadan waxaa hogaamin doona macalinkooda Axmed Cali Abiikar iyadoo wafdi ka socda dawlada Soomaaliya ay ku wehlin doonaan safarka London oo toddobaadkan ay u ambabixi doonaan.
Labada ciyaaryahan waxay kala ordi doonaan orodka dhexe iyo orodka dheer ee ciyaaraha Olombikada adduunka.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho















[...] Continued here: Orodyahanada Soomaliya u Matalaya Ciyaaraha Olombikada ee London oo Lagu Dhawaaqay (DAAWO SAWIRO) [...]
Maasha Allah. We are slowly rising from the ashes! Having Somalia stand on its feet will take time but patience and hard work will pay off in the end.
Wareega koowaad ma dhaafaayaan kuwan. Waxeey hor tagaayaan dad tababar soo qaatay sanado iyagoo laba bilood gym macmal ah la soo marsiiyay. Waxa laga soo dhex doortay afar qof, taas xulasho lama dhaho ee waa magacaabid. Mashaakil ma leh, London imaada chicken iyo chips Stratford u soo doonta maalinta ugu horeeysa ee ciyaarta banaanka la idinka dhigo. Anaa qaba waxii idinku baxa. £2 ka badan yuusan cunin kiiba.
TO PINTLAND 4 NEVER
EY XAASID AH OO AAN DADNA WAX U QUURIN AWALBA XAASIDNIMADA ISIR AYAA U LEEDAHAY, DAANYEER XAASIDNIMO BADAN…
Kkkk waa runtii waxaas xulasho lamadhoho 4 qof baa laga soosaray midakale maxaa loo ordinsiin wayay maxaa loosarayaa jiimka illayn dadaku way ordayaane waayo jiimka loogeey maad ordisaaan dadka hadaad wax baraysaan please hanaceebaynina dadkaan yayku harin meeshe u horaysa aduun waaynaha laga daawanayaaye hana ceebaynina una soogada kabaha & dharka loogu talakalay oradka oo ugu sooqora istaata dolada & magaca somalia oo aad sadex magac kasooqadatee sida SML (Somalia) oo kale sida aduunka laga isticmaalo midakale u sheega 2da qof oo yaysan iska dhiibin England.