Puntland Oo Diyaargaw Xoggan ugu jirta 1-da August


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Garoowe (RBC) Waxa magaalooyinka waaweyn ee deegannada Puntland ka socota diyaar-garow ballaaran, oo looga gun leeyahay munaasabada kowda August, oo ah markii la aasaasay maamulka Puntland.

Ammaanka magaalooyinka, Garoowe, Boosaaso, Gaalkacyo iyo kuwa kale oo badan ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo halkaas la geeyay ciidamo badan oo ka qeybqaata ammaanka.

Waxa la filayaa in dabaal dagyada lagu xusaayo aasaasida maamulka Puntland, ay ka qeybgalaan mas’uuliyiin iyo marti sharaf kale, oo lagu casuumay in ay ka qeybgalaan xafladaha lagu xusayo Puntland.

Puntland oo la dhisay kowdii bisha August ee sannadkii 1998-dii, waxa soo maray madaxweynayaan ilaa seddax, oo ah ugu dambeeyo Madaxweynaha hadda C/Raxmaan Maxamuud Faroole.

Dhisitaanka Puntland waxa laga jogaa muddo 14-sano, waxa la filayaa xaflada koobaad oo caawa bilaabi doona, lagu soo bandhiyo waxqabadka maamulka hadda jira, iyo wax yaabo kale, sida ay lee yihiin qaban qaabayaasha xaflada.

RBC Radio
—————————
Xafiiska Wararka Garoowe

Share

Tags:

10 Responses for “Puntland Oo Diyaargaw Xoggan ugu jirta 1-da August”

  1. [...] See more here: Puntland Oo Diyaargaw Xoggan ugu jirta 1-da August [...]

  2. daljire says:

    puntland bari ayay puntland ahayd , waana xilgii ay hoaaminayeen dadkii wax garadka ahaa manta hadii mantaa la bar bardhigo, waxan orankaraa , there is no what is called puntland rathar there is garowe ADMIN, mamulkan hada jiraana waa kii ugu liitay abid uguna hoganka xumaa , inkastoo rag wanaag sani ku jiran lkn 3 da ugu saraysa ayaa garabka lagu dhigay, dadki dhistay inay mar labaad ukacan ayay u bahantahay .

  3. xasan says:

    Puntland miyaa wali Jirta? Soo tii Lagu kala tagay? Garowe iyo Qardho miyaa loo dabbaal degayaa?

  4. puntland waa hooyada somaaliya waxayna gaaratay horumar ku flan maashaa Allaah xaasidku ha jabo puntland iyada ayaa loobahanyahay ragga habaarayana malaha waanay dareensanayn in markii soomaliya lagu kalacaray ee muqdisho gubanaysay soo tii soomali isu keentay maaha ? haddane weli doonaysa in ay soomaaliay cageheeda marlabaad isku taagto . marka sxb yaal puntland halu daydo intaad iska dhaaftaan hadal maalaa yacniga ah

  5. Mudug 1 says:

    Puntland waa jirtaa nin maseyrsanoow hada soo laabo
    Waa lagu xaalmarinayaaa 2 diina ma tihidin reer puntland ee
    Isku dir ayAad wadaan faroole ha noolaado

  6. muuse says:

    wali waa Puntland waana meel dhisan oo wanaag yaalo.Guul Puntland.

  7. haashim says:

    viva puntland kanaxoo nafta waa adeer kan madaxda ugu sareytsa habaarayow adigu madax sameyso anagu waanku qanacsanahy nadaxdeena hanoolaadeen madaxweynaha kuxigeenkiisa iyo gudoomiyaha baarlamanka iyo dhamaan wasiirada iyo balmanka iyo shacabka xaalasha ah ee reer puntland meelkanta ayjoogaan dal iyo dibadba min raas casayrilaa min galdogob dhamaan waxan idiin leeyahay hambalyo sanadguura wacan cadawgiina alle hajabiyo dawladiina ilaashada horumarka aad haystaan cid haystaa melah alle haydiin siyaadiyo isha,allah viva puntland wana wajirtaa weyna joreysaa ogaada kuwa habaaramayow caalosha ka ooyaa kkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  8. ahmedpunt---------- says:

    waxaan u hambalyeeynayaa sanad guurada 14aad eed ee dawlad goboleedka puntland waxaana leeyahay ciid wanaagsan kuciida ciid farxad leh dhammaan shacab weynaha reer puntland waxaan kaloo leeyahay kaguura nidaamka qabiilka oo u guura nidaam dimuqraadiya oo cadaalad iyo diin iyo barwaaqo ku salaysan –ramadaan kariim

  9. Axmed says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    oo Punland ma jirtaa wali?…miyaanan meesha lagu kala kicin?….Maanta, SSC waa Khaatumo State, MUDUG waa MUDUG oo lagumaba tilmaami karo Punland….Bari waynu wada ognahay.

    MARKAA MA GAROOWE IYO QARDHO uun ayaa wax sheegaya kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    Adeer PUNLAND way burburtay runtii, anigana ha igu eedayn burburkeeda, MJ ayaa burburiyaye.

  10. ahmedpunt---------- says:

    waxaan halkaan kasalaamayaa iyo hambalyaba masuuliyiinta uu uugu horreeyo madxweyne faroole iyo madaxweeyne kuxigeenkiisa geesigaa iyo ra’isulbaarlamaanka puntland waxaana leeyahay hambalyo ilaahay garabkiina hagalo aamiin waana dadaasheen –sc

Leave a Reply