Puntland Oo Gacanta Ku Dhigtay Doon Hub Sidday
Boosaaso (RBC) Ciidamadda ammaanka Puntland ayaa ku qabtay dekadda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari , doono hub sidday oo la sheegay in ay ku sii jeedday degmada Caluula ee gobalkaas.
Shir jaraa’id oo uu shaley galab saxaafadda ugu qabtay gudaha dekadda Boosaaso Gaashaanle sare Maxamed Cali Xaashi oo ah Taliyaha dekedda Boosaaso ayaa waxa uu sheegay in doonida la qabtay ay siday hub badan oo ka yimi dalka Yemen, waxana uu sheegay in ay lahaayeen kooxo uu ku sheegay argixiso gaar ahaan Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sheegay Gaashaanle sare Xaashi in gacan weyn ay ka heleen dadka ku dhaqan degmada Caluula, kuwaas oo ku soo wargaliyay ciidanka, dabadeena ay ciidanka si fudud ay gacanta ugu dhigeen sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sheegay Taliyaha dekedda Boosaaso in doonida ay saarnaayeen qoryaha fudud sida AK 47, bambaanooyin casri ah iyo kiimikada laga farsameeyo walxaha qarxa ee dunida ku cusub, kuwaas oo laga sameeyo waxyaabo kala duwan oo la isku geeyay.
Wuxuu sheegay in doonida ay la socdeen labo nin oo uusan sheegin dalalka ay u dhasheen, laakin waxa la sheegaya in ay u kala dhasheen dalka Soomaaliya iyo Yemen, waxaana haatan gacanta ciidanka amniga ku jira ninka dalka Yemen u dhashay, iyadoo kii Soomaaliga uu baxsaday.
Si kastaba, waxa ay arrintan ku soo beegmeysaa iyadoo dhawaanahan ay soo baxeen warar sheegaya in Al-Shabaab xooggeeda ay soo aadeen dhinaca iyo gobalka Bari gaar ahaan buuraha Golis.
Puntland dhowr jeer ayay sheegtay in Al-Shabaab oo laga qabsaday dhul badan oo ku yaala koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay u soo guureen buuraha Gal-gala oo ay horrey u joogeen kooxo kale oo uu madax u yahay Maxamed Saciid Atam, kuwaas oo hadda la midoobay Al-Shabaab.
RBC Radio
———————-
Xafiiska Wararka Boosaaso











Kkkkkkk donti wad qabatene sebu ufakaday ninki somaliga aha kkkk wa sheko walan