Puntland Oo Ka Warbixisay Ajaaniib La Musaafuriyay


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Garoowe (RBC) Maamulka Puntland ayaa sheegay in deegannada ay ka arrimiyaan laga musaafuriyay saddex     qof oo u dhashay dala Kenya, kuwaasoo sheegtay in ay yihiin dhakhtiir heesta shahaadooyin, laakin markii la ogaaday ay soo baxday in uu warkaas yahay mid been ah, oo aan sal iyo baar toona lahayn.

Dhawaan ayaa wareegto ka soo baxday wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa lagu sheegay in shaqadii laga joojiyey seddaxdan qof,kaddib markii lagu eedeeyey inay si been abuur ah uga shaqeynayeen magaalooyin ka tirsan Puntland, iyagoo sheeganaya aqoon aysan laheyn.

Wasiirka caafimaadka Puntland Dr. Cali Cabdullaahi Warsame oo warbaahinta u akhriyey wareegtada ka soo baxday xafiiskiisa ayaa sheegay in baaritaan ay sameeyeen ay ku ogaadeen in aysan aqoon caafimaad iyo shahaado sax laheyn raggan oo ka howlgalayey xarumo gaar loo leeyahay.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay raggan in muddo ah ay ku dhuumaleysaneyeen deegaannada Puntland oo marba meel ay tagayeen, laakin markii dambe la soo qabtay, isagoo intaas ku daray in ay ku wareejiyeen saddexdan ruux hey’addaha Ammaanka iyo Garsoorka Puntlan si loo musaafuriyo.

Ugu dambeyn wasiirka caafimaadka ayaa shirkiisa jaraa’id waxa uu sheegay in la joojiyey ajaanibta ka howlgasha xarumaha caafimaadka ee Puntland, isagoo ka codsaday dadka shaqaaleysiinayo dhakhaatiirta ajinebiga ah inay fiiro gaar ah u yeeshaan  aqoontooda, wuxu yiri wixi ka yimaada iyaga ayaa ka masuul ah.

Waa tallaabadii ugu horeysay ee nooceeda oo kale uu qaado maamulka Puntland, waayahan dambe, maadama ay jireen cabashooyin ka immaanayay shacabka ku dhaqan deegannada Puntland.

RBC Radio
———————-
Xafiiska Wararka Garoowe

Share

Tags:

7 Responses for “Puntland Oo Ka Warbixisay Ajaaniib La Musaafuriyay”

  1. [...] More: Puntland Oo Ka Warbixisay Ajaaniib La Musaafuriyay [...]

  2. Waayeel says:

    Gartay in la dhoofiyey nimankii sheegtay waxa aysan ahayn.Laakiin yaa ka masuula dhaawacyadii ay u geeysteen dadka soomaaliyee?.Anigu nimankaas waxaan hayn lahaa illaa laga sugo ama laga ogaado inta ay dad dhibaateeyeen.

  3. Sama_Kataliye says:

    War heedhe faroole iyo wasiirkiisa hadda waxay naga dhowrayaan in aan niraahno thanks buddies. waa yaabe. maxay tahay dad danbi weyn dalka iyo dadkaba ka galay baan iska dhoofinay iyaga oo aan sharciga lamarsiinin—-musuqmaasuq arintaanka weyn maba jiro. Laakiiinse waxaad ogaataan oo taasi noo sheegaysaa in kenya siyaasad weyn iyo faragelin weyn wadanka ku leedahay. rag baa danbi galay waana la siidaayey flight baana wadankoodi loogu diray suurto gal mahan timir laf baa kujirta.

    Allah maxaa damiirkii iyo dadnimadii naga qaaday, waa yaabe?

  4. ahmed says:

    waan u mahadnaqayaa wasaarada cafimaadka puntland iyo wasirkeedaba waxaan leeyahay horay usocda waxaad qadeen talaabo wanaagsan

  5. Tutankhaamuun. says:

    Oyeh….. Wiilasha Faroole miyey u shaqayn jireen. Waasee xaalku.

  6. DR TAKAR says:

    ASC Dhamaan akhyaarta fikradaha isku dhaafsanaya meeshan iyo RAXANREEB.COM. Aad ayay ii faraxgelisay, wasaarada caafimaadka iyo wasiirkeedu in nimankaas ummada ka qabtaan. waana small step forward.
    Waxaan soo jeedin lahaa, in waxa ku xigana noqdaan, in kuwa Soomaalida ah ee iyaguna xirfad caafimaad oo aysan lahayn ku shaqaysanaya ummadda laga qabto, dhamaan wasaaradaha kalena waa inay ku daydaan wasaarada caafimaadka oo wax ka qabtaan dad ummadda ku lugaynaya xirfad aysan aqoon u lahayn. waxaa iyaduna in la xuso u baahan in wasaarada caafimaadku la xisaabtanto ama dabogasho dadka u shaqeeya NGO and International agancies oo xirfada caafimaad sheegta oo aad u badan. WSC

  7. Sirmaqabe says:

    Wax fican ma ayadan samayn hadad tihin madaxdi puntland raga layay shacabki o mindiyaha ku qalqalay kuwana indhaha katuray ayad sidaysan tasi waxayna tusaysa inad kibaki ad ka baqden shacabkinina ad u dharatena dhigodi ad wax uga qaban weyden lkn ale ayan idinku rebnay

Leave a Reply