Qaybi oo Xukun. W/Q Maxamed Cabdullaahi Saciid (Caaqil)
Qaybi oo xukun, Qaybi oo badbaad, ‘divide and rule, divide and survive’.
Maxamed Cabdullaahi Saciid (Caaqil)
Caaqilka100@gmail.com
Luulyo 01 2012
Mahad oo dhan Alle ayay u sugnaatay allaha (SW) leh Aduunka iyo Akhiradda ba, Wanaagsanaan iyo hufnaan bini,aadam waxaa leh Nabbi Muxamed (NNKH)
Waxan isku deyayaa in aan bal uun wax ka fahansiiyo umada Islaamka ah ee Somaliyeed ee aad moodo in tobbanaan sano lagu shaxaayay maskaxdooda taas oo xaqiiqdii aan waayay cid ka hadashay waaqiciga xaqiiqda ah ay inaku hayaa dhamaan wadamada caalamka haba ugu qalafsanaadeen kuwa aan deriskanahay.
Akhristow maxaa laysu dilayaa, laysu dibin daabyaynayaa, Dagaalad sokeeya ma cidbay dani ugu jirtaa?….
Waa su’aal doorbadan noloshayda ku yeelatay , isku dayn in aad ka jawaabto intaadan u gelin qormadayda fadlan.
Soomaali waxay ku maahmaahday ( Hadal badani Haan ma buuxsho), aan u gudbo ciwaanka kor ku qoran.
Divide and rule, Divide and survive, waa ereyo qalaad oo lamicna ah ( Qaybi oo xukun, Qaybi oo badbaad), Byzantine ama Eastern Roman hadba sida aad u taqaan waa Dawladii ama boqortooyadii ugu horaysay ee adeegsata habkaan ku salaysan qaybi oo xukun hadaad awoodo, hadii kalena qaybi oo ka badbaad, waa laba takhdiid ama nidaam oo loo adaagsado labo waji oo kala ah
1.Lahaansho awood maamul (Strong potentiates), iyo
2. Awood la’aan maamul, tabar dari (Weak potentiates)
In kastoo aanu hadafku ahayn in aan ka sheekayno boqotooyadaas jirtay qarniyo ka hor lakiin waxa hadafku yahay in aan bal is barbar dhigno hagardaamada ay berigaas waday boqortooyadii Byzantine iyo mida maanta wadankeena & umadeena lagu hayo, oo ay ku hayaan cida ay hogaamiyaashii badanaa dawladiihii soo maray somaliya burburkii kadib u yaqaaneen Dowlado walaalo ama deris ah.
Qaybi oo xukun ‘divide and rule’ Byzantine kolkii ay awooda lahayd Qabaa’iladii la deriska ahaa ama dawladihii ay ood wadaaga ahaayeen waxay u isticmaali jireen qaybi oo xukun waxay u kala saari jireen kooxa kooxaysi waxay isugu dhiibi jireen hubka marka ay dantooda ka gaaraana waa ridi jireen bilaahi calayk adiga oon indhaha is qaban halkaas somaliya am u galeen hogaamiye kooxeedyadii & qandaraas qaatayaashii oo sidaas & si ka liidata qaar ka mid ah deris isku sheega ma u soo daldaleen hub akhristow miyaadan markhaanti ka ahayn inta mawaadin Somali ah oo aan wax galabsan inta qoorta la qabtay loo iib geeyay sayladaha caalamka, imisa shacab bay xasuuqeen iyaga oo amar ka haysta cidii soo dirtay oo hubka ku soo dhiibtay imisa dowladood oo umada loo soo dhisay fashiliyeen ayagoo ku andocoonaaya in aan loo dhamayn, bal ila eeg akhristow sida ay ukala dheer yihiin labada wakhti boqortooyadii Byzantine waxay jirtay 395 ilaa 1453 waa taariikhda miilaadiga, somaliyana xiliga ay hogaamiye baaseedku majaraha u qabteen waxay ahayd 1991 iyo wixii ka dambeeyay, bal is waydii akhristow sow maahan dad diin qura wada haysta , sow maahan dad dal keliya wada leh , sow maahan dad isku diir & dhaqan ah, sow maahan dad wadadhashay, sow maahan dad hal luqad leh , hadaba Maxaa laysu dilayaa? maxaa laysu dabar jarayaa? Aan kaa jaahil bixiyo ha doon doonin jawaabta daa’inkaan ku dhaartay helimaysid jawaab waafi ah, somaliyey maan garowsan in qabiilku duli yahay , in dagaal uu wiil ku dhinto aanu ku dhalan , in qabqabluhu uusan umada dan u wadin, shacabku uu maalinkasta u dhiig baxaayo hagardaamada ay u gaystaan diriska isku bahaystay qoqobid & qaybinta umada somaliyeed, Ma ilownay in ay somalidu tahay dad karti & fahmad ilaahay ku manaystay, akhristow ma la socotaa in eryaggii gaarka hore ee xoghayaha guud ee qaramada mibooday u soo magacawday Somalia, Ahmed walad abdalla oo ku hadaaqay birigii uu jagadaas hayay in hadii Somalia ay shan sano ay cageheeda isku taagto ay noqon karto Singapore ta Africa oo uu ula jeeda dadka somaliyeed in ay yihiin dad aad u firfircoon wadankoodana ilaahay uu ku manaystay nimcooyin aan la soo koobi Karin.
Qaybi oo ka badbaad “Divide and survive” Byzantine markii ay soo wajahday awood la’aan ayey waxay la soo baxeen takhdiidka ah qaybi oo badbaad, waxana uu ku salaysnaa in ay u qaybiyaan dawladihii ama qabaa’iladii ay markaas u arkaayeen in ay ladagaalami karaa ama ay kala haayeen dano siyaasi ah waxayna u qaybiyeen qaybo yaryar oo aan awood ay wax haaka ku dhahaan aysan lahayn waxayna ka dhex shideen khilaaf aan harin ileen cadow kaa caqli badan ciidan kuuma noqdo, akhritow ma doonayo in aan ku dheeraado taariikh hore oo laga yaabo in aad ku caajisto, lkn ii fur fahankaaga waxan rabaa in aan wax yar kaa tusu sida ay isugu eg yihiin hagardaamada ay boqortooyadii Byzantine waday waagaas iyo hagardaamada ay wadaan dawladaha deris isku sheega ah, ila xasuuso qaybtii hore waxay ku salaysnayd qaybi oo xukun laakiin qaybtaan saas maahan waa ayaga isku jeedi kana dhig kuwo aan tabar lahayn kadibna badbaad, taariikhdu been maleh lama baano meel maran abwaan horaa yiri, waxay ahayd 2006 markii halmar indhaha caalamku soo wada jaleeceen Somalia taas oo ay sabab u ahayd mawjado dagaalo ah oo ka dhex qarxay Dagaal oogayaal isku magacaabay LA DAGAALANKA ARGAGAXISADA iyo MAXAAKIIMTII ISLAAMIGA oo markaas aan wax awood ah oo saas u balaaran lahayn lakiin markii dambe sidii hirr oo kale u qaaday nimankii qanadaraaska ku haystay sanooyinka umada masaakiinta ayaga oo taageero hiil & hooy leh ka helay shacabkii dhibanaha ahaa taasi waxay dhashay kabtaydii ma aragtay in ay ka dhacdo waxay keentay qaarkood in aan ilaa iminka hadal laga maqal jac & ceeb ku dhacday awgeed.
Ilaahay subxaanahuu watacaalaa wuxu quraankiisa inoo ku sheegay
ALAM NUHLIKIL AWALIIN.
THUMMA NUTBICIHULM AAKHARIIN.
KADAALIKA NAFCALU BILMUJRIMIIN.
WAYLUN YAWMA IDIN LIL MUKADIBIIN.
Qabsashadii inbadan oo ka mid ah koonfur ilaa bartamaha Somalia waxay dhalisay in Somalidii joogtay dal & dibad way ku farxeen waxay la noqotay riyo raqiis ahayd oo rumawday, waxa guux iyo sawaxan is qabsaday labadii maamul ee markaas ka jiray wadanka sida Somaliland iyo Puntland oo u ekayd in shacabku doorbiday maxaakiimta islaamiga ah, dhanka kale dawladii kumeel gaarka ahayd ee Somalia waxay wadanka ka joogtaa magaalada baydhabo oo markaas xarun u ahayd, Dhinaca kale waxay hanfariir iyo amakaag ku noqotay dawladihii deriska ahaa oo tobbannan sano naas nuujinaayay kuwo u fulin jiray danahooda hase ahaatee ilaahay awoodii maalin cad laga sifeeyay dhulkii ay ku kibri jireen taas oo bedelkeeda ay qabsadeen dadkii ay dhibka & rafaadka marin jireen, Talo waa ku cadaadatay cadowgii deriska wuxu sameeyo garan waayo u ciidami bahwadaagoodii yurub & ameerika joogay ceebi waxay dhacday kolkay qali ku duugeen in maxkamadihii oo lagu nastay mudo lix bilood ah ayna shacabkuu ku tilmaameen lixdan sano ay u dhiganto in la burburiyo oo dagaal qaawan oo aan gambasho lahayn lala galo taas oo cuq & jugwayn ku noqotay dhamaan ummadii somaliyeed meel kasta oo ay joogeen, wixii dhacay baa dhacay taariikh baa qoran, xisaab baase ka dambeyn hadii ilaahay idmo,
Kadib hadii laga takhalusay oo la gabagabeeyay maxaakiimtii cadowgii intaas inoogamuu harin waxay qodeen boholo dhaadheer ilaahay idankiis ayaga ayaa ku dhici doona, way isu qayla dhaamiyeen kii Diin nugula coloobay, kii Dhul nugula coloobay, iyo kii ay u macaanaatay in uu khayraadkaaga xisaab la’aan ku daldasho, waxay isla hadal qaadeen waxa ka hagaagay shan iyo tobban sano oo burbur,halako & raaf ummada la daba dhigay oo ay sabab u ahaayeen cadowga deriska ah waxay jawaabtii ku noqotay fajac iyo amakaag waxay ogaadeen umadii Somaaliyeed meel kasta oo ay tageen in uu saldhig u noqday KITAABKII ILAHAY iyo SUNADII NEBI MOHAMMAD NNKH, taas oo aysan marna jeclaysan cadowgu in ay maqlaan waxay isku raaceen in aysan socon Karin qorshihii shan iyo tobban sano lagu soo socday waayo waxay cashar ka barteen sidii ay maxaakiimtu ku soo bexeen waxay miiska soo saaareen Divide and survive QAYBI OO BADBAAD, fikirkaan oo u muuqda mid aan umada somaliyeed badankeed fahamsanayn ayaa waxa uu ku salaysanyahay ayada oo lagu hoos qarinaayo nidaamka loo yaqaano FEDERAL taas oo la soo shaac saaray wixii ka dambeeyay 2007 oo halmar sidii tusbax afka laga furay wadankii looga maqlay maamulo isku sheegyo ku andocoonaya in ay kusalaysanyihiin nidaam federal ah oo aysan aqoon waxa ku hoos duugan akhristow ha u qaadan in aan ka soo horjeedo nidaamka Federal ka lakiin anigu waxan ku leeyahay ORGIGA BOROORTU KA WAYN waxay xaajo sii murugtay markii labadii maamul oo awooda sheegan jiray ee Puntland iyo Somaliland ay foosheen maamum goboleed isku sheegyo kale, waxaba yaanan hadalka kugu dheerayn akhristow hawshii waxay daalaa dhacdo waxay dhex maqiiratay qabiil waxay ku siqday jifi oo midkastaa uu ku andocoonaayo in uu maamul yahay is waydii akhristow qabiil ma siyaasad baa, qabiil dawlad ma noqdaa abwaan horaa u tiriyay gabaygaan hoos ku qoran
Qabiil ma la caabudaa
Ma camalkaa suuban iyo
Cisiga Allaa lagu mutayaa
Markii ciid lagugu rogo
Ciriiriga & qabriga
Miyuu kaa caawiyaa
Aboorkana kaa ceshaa
Mayee waa cudurka qaran
Dab weeyaan calanka guba
Ciduu galo waa rogaa
Rajiyo caaqibona maleh
Cabsida wehel buu u yahay
Caruurta wed buu u yahay
Gaajada xiidmaha cuntiyo
Jahliga waa caawiyaa
Carada eebuu dugsiyaa
Cadaabtana waa u gogol
Guntii & gunaandkii somaliyeey aan israacno wadankana inagaa leh ilaahay baa inaku beeray, khayraadka dhex ceegaaga waa ina kaafiyaa iimaanka aan isku sino, hadii aan sidaas aqbalo oo aan maamulo aan awood lahayn aan qaran ku sheegno cidna lama tartami karo cidawna haaka iska oran mayno waxaba qoorta laysu surin inaga maxaad ka malayn in aan ku fikiro in aan dad la tartano waxan ku soo gabagaybanayaa Gabay uu horay u tiriyay abwaan somaliyeed.
Hadaynan is taakulayn
tamar yeelayn maynee
ka tashada cadaawadahoo
aan isku tiirsanaanoo
WABILAAHI TAWFIIQ
MOHAMMED ABDULAH SEID (CAAQIL)
Caaqilka100@gmail.com
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM











[...] See more here: Qaybi oo Xukun. W/Q Maxamed Cabdullaahi Saciid (Caaqil) [...]
waa nin qormo wanaagsan
wll adoo mahad san waxaan kaa codsaday in aan gudbiyo qoraalkaan umada dhana aad u ogolaatan si sharafle wayo in aad isku koobtaa ma habooana markaawaxaad ogaataa in aan xaday ee iisaamax wll ilahay ayaan kugu dhaarshee lkn in aan kaa xigsaday waan cadayanaayaa sc
maasha allah muade caaqil allah ha kaa ajarsiiyo qormadaan xasuusta iyo xiska kicineysa waa qormo aad muhiim u ah ay fahmaan hokaanka iyo hormuudka somaaliyeed,
thanks agian caaqil