Qaybtii 3aad Hayaanka Puntland iyo Habraaca Beelaha. W/Q Xaamud Dala-aan


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

HAYAANKA PUNTLAND IYO HABRAACA BEELAHA
XAMUD MAXAMED DALA-AAN
Karzay3@hotmail.com
Luulyo 04 2012

Hogaankii DR C/RAXMAN FAROOLLE iyo hab maamulkii sadexaad ee puntland

Sanadkii 2009 waxaa doorasho xasaasi ah oo lagu tartamay ku guulayastay dr C/raxman Farolle

Doorashadaas ayaa muhiim u ahayd marka la eego xaalada dalku marayay iyo isbadal dhanka hogaankaa oo hamuun badan shacabku u qabay maadaama dhamaan maamuladii dalka soo maray oo aan gaarsiin qaybo muhiim u ahaa jiritaaanaka puntland oo ku qotomay hadafkii shacabku ka filayeen arintaas oo jirta ayaa waxaa hogaanka cusub lagu soo dhaweeyay gacma furan madax wayne faroolle ayaa khudbadiisii ugu horaysay ku balan qaaday isbadal dhinacyo badan.

Guulaha siyaasadeed ee la gaaray doorashadaas ayaa ahay in mid kamid ah madaxda sadexda gole loo doortay nin aan kasoo jeedin sadexdii beelood ee awal heli jiray sadexda jago ee ugu sareeya hogaanka dalka arintaas oo lagu qoondeeyay saami qaybsigii beelah as aaskii puntland looguna tala galay in looga gudbo sadexda sanno ee u horaysa wallow aan wali lagu guulaysan.

isbadalkan cusub ee ka fayow habraacii beelaha ayaa muujiyaya rajo riyaaq dimuquraadiyadeed waan gudoomiyaha golaha wakiilada puntland oo loo dooratay Dr C/rishiid Maxamaed Xirsi.

maamulka dr c/raxman farolle ayaa ku bilaabay dardar siyaasadeed iyo mid dhaqaale isagoo soo magacaabay gole wasiiro oo u muuqday inay yihiin badankooda qurba joog dalka dibadiisa ku maqnaa mudadii burburka iyo ka hor kuwaas oo dhanka aqoonta maamulka xafiisyada ku dhaamay golayaashii ka horeeyey oo u badanaa jamhadihii ssdf usp iyo haraagii dowladii kacaanka oo lagu tiring jiray inay musuq maasuq joogtaa badeen dhaqaalaha dalka

Wallow arintu noqotay KUD KA GUUR OO QANJO U GUUR ayaa hadana horaantii hogaanka dr faroolle waxaa la dareemay hab maamul dhaama kuwii ka horeeyay dhanka siyaasada dhaqaalaha waxbarashada hab maamulka dowlada iyo nidaamka xafiisyada dowlada oo awal u badnaa guryo gaboobay oo ay yaalan qalab wada gaboobay ayna jogaan dad gaboobay dhaqaalah oo ah halkii ugu darnayd xiligaas gaar ahaan sixir bararka suuqyada mushahaaraadka shaqaalah guud ee dowlad ciidamad iyo dhamaan laamaha dowlad ayaa mushahaaradkii loo kordhiyay wallow ay arintu ahayd ninkii wax boobay u barartaa puntland hadana koror ayaa lagu sameeyay mushahaarooyinka shaqaalah dowlada

Waxaan suuqa laga saaray lacagihii faalsda ahaa oo khalkhaliyay dhalaaha puntland kuwaas oo lagu daabici jiray inta badan magaalooyinka puntland 100$ doolar ayaa ahaa markii uu hogaanka qabtay dr faroolle 2009 in ka kabadan 3800 000 oo shilin soomaali ah iyadoo uu gaaray markuu muda gaaban jiray maamulka cusub sadex Malayan oo shilin soomali ah arintaas oo keentay daganaan dhaqaale oo dhanka suuqyada ah waxaan caadi kusoo noqday sarifka lacagaha

Dhanka siyaasada gudaha oo ay ugu muhiimsanay xiligaas

1 amaanka habaynta ciidamada midaynta beelaha soo celinta gobolada maqan

2 hagaajinta habka canshuuraha miisaniyada iyo kor u qaadida dhaqaalah guud ee dalka

3 dib u habaynta xafiisyada dowlada dar dar galinta ilaha wax soo saarka dalka hagid waxbarshada dalka iyo dibu qaabaynteed dhankasta

4 dhiira galinta dhalinta ganacsatada beeralayda xoola dhaqatada hagaajinta xiriirka gobolada la dagaalanka burcadbadeed iyo argagixisada musuq maasuqa.

5 samayta dastuurka dalka qaadid tira koobka dadka samayta ururada siyaasada qabashada doorashooyinka dowladaha hoose baarlamaanka iyo ugu danbayna madax waynaha

6 iyo kuwa kaloo badan

Hadaba muxuu ka qabtay arimahaas maamulka dr faroolle ?

Amaanka oo ahaa qodobka kowaad waayo nabad la aan cidina ma noolaan karto ayuu xooga saaray horaantii isgoo dagaalo joogtaa la galay kooxo kala duwan oo ay ugu waynayd kooxda buuralayda galgala ee gobolka bari

Qaybta labaad ee isla qodobkaas amaanka oo ahayd habaynta ciidanka waayo ciidan la aan dal ma jiri karo ayaa iyana wax wayn laga badalay wallow dadka arintaas darsaa lafteed ay sheegeen in loo adeegsaday hab ciidan dhimis ah oo la ruqseeyay kala bar intii kalena mushahaarada la siiyay si kastaba ha u dhacdee arintaa ayaa iyana wax laga qabtay iyadoo mushahaaraad joogtaa ay helaan

Arinta aad looga dhursugayay oo isla qodobka amaanka ahay waxay ahayd soo celinta gobolada maqan arintaas oo laga sugayay maamulka c/raxman farolle

Taas oo aan orankaro waa uu ku fashilmay ilaa hada iyadoo xiligii afarta sano ahaa ee loo doortay ay ka hartay mudo shan bilood ah aysana muuqan ifa faalo arintaas la xiriirta iyadoo ayba sii fogaatay waayo waxaa maamul looga dhawaaqay degaanadaas qaarkood maamulkaas oo laftiisu u muuqda midaan ahayn sida loo malaynayay horaantii shirkii taleex kaas oo ah shirqool ay ka danbayso maamulka hargaysa looguna tala galay qabsiga dagmooyinka aan gacanta ugu jirin maamulkaas hargaysa ee wali xortaa oo ay taleex iyo buuhoodle ugu horeeyaan laguna jaah wareeriyo beelaha goboladaas u badan ee harti

Canshuuraha ayaa la siyaadiyay iyadoo la kordhiyay miisaaniyada dalka dhanka dhaqaalah oo horaantii u muuqday mid koraaya ayaa laga dareemay hoos udhac suuqyada sarifka doolarka ayaa hoos u dhacay isagoo gaaray meel aad u hoosaysa oo ah boqolkiiba sodon 30% arintaas oo abuuratay walaac dhaqaale iyo walbahaar bulsho shaqa la aan ayaa gaartay halkii ugu saraysay safarka dhalintaa iyo haajiraada yaa kordhay dad badan ayaa dalka ka tagay haba ugu badnaadeen dhalinyaradii jaamacada iyo ganacsatada yar yar wallow siyaadad lafteed ay saamayn ku leedahay ayaa arintaas ay tahay arin u baahan waxqabad dhaqsaa oo

dhanka maamulkaa siiba arinta hoos udhaca doolarka oo haday sii socoto sababi karta masiibo dhaqaale

Dardar galinta canshuuraha ayaan oran karnaa maamulkaani waa uu ku guulaysatay isgoo abuuray ilo canshuuro oo aan horay u jirin am baaqan jiray wallow iyada lafteeda cabasho badan oo dhanka shacabkaa ay haraysay

Waxbarashada oo ah tiir muhiim u ah jiritaanka dal ayaan orankarnaa waxbadan ayaa laga qabtay wallow wili ay jiran baahiyo fara badan hadana wasaarada waxbarshada ayaa muujisay dadaal aan horay loo arag arintaas oo amaanteed ay leeyihiin maamulayaasha waxbarashada oo ay wasaaradu ugu horayso

Dhiiragalinta dhalinta iyo ganacsatada ayaan wax muuqda laga qaban la dagaalanka burcada ayaa guula laga gaaray wallow aysan dhamastirnayn wali la dagaalanka kooxa argagixisada ayaa wali taagan wallow dagaalo muuqda uu la galay maamulka hada jiraa hadan bisayl la aanta shacabka iyo tabshooyinka beelaha ayaa noqday caqabada taagan

Arinta kale ee xusid mudan waa musuq maasuqa oo hareeyay dhaqaalaha puntland ayaan wax sidaas u wayn laga qaban iyada oo ay muuqdaan la xisaabtan la aanta laamaha maaliyada iyo baa bi in la aanta laaluushaka iyo reer hebel hanti ku boobka.

Samayta dastuur iyo calan u gaar ah markii ugu horaysay ayaa uu ku guulaystay waana arin mudan in lagu amaano maamulka hada jira.

Tira koobka dadka qabashada doorashooyinka iyo nidaamka axsaabta badan ayaa wali ah arin taagan iydoo la magacaabay gudiga doorashada lana meel mariyay xeerka ururada siyaasad arimahan oo ah arimo aad u culus una baahan dhaqaale badan ayaan oran karnaa waan gaari karnaa hadaan isku raacno inaan ka guurno habraaca beelaha ee hortaagan yahaanka puntland.

Xilku doonka beelaha ayaa arinta ugu daran ee wali taagan anaga reer hebel ah ayaa leh iyo idinka yeeli mayno ayaa haleeyay masiirka shacabka mudan midnimada iyo maamul wanaagsan.

Sinaanta hogaanka ayaan ahayn sidii la rabay.

Madaxda la doorto ayaan marna fulin waxay balan qaadan waxaana jirin awood iyaga ka sarayso oo haday khalad galaan qaban karta arintaa oo muujisay marnaanta maxkamad sare oo dalku yeesho taas oo aan la garanayn sababta loo samayn la ayahay taasi oo loo macneeyo madaxda oo aan jecelayn cid ka saraysa iyaga oo awod la xisaabatanka qaranka gaf am guul sidoo kale golaha baarlamaanka ayaan ka marnay halkay awalba ka yimaadeen oo ah qabiil iyo qolo qolo taas oo dhaafisay waajibaadkii qaranka iyo wajahaadii wacyiga.

W/Q XAAMID MAXAMED DALA-AAN Karzay3@hotmail.com
GAROWE PUNTLAND SOMALIA

FILO QAYBTII 4AAD

==============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

 

Share

8 Responses for “Qaybtii 3aad Hayaanka Puntland iyo Habraaca Beelaha. W/Q Xaamud Dala-aan”

  1. wise-man says:

    qoraaga waxan kuu sheegaya abti qabyallada kala tag meesha aad dadka gaar ah ku beegsanayso wiliba aan mid ku xasuusiyee dadka aad leedahay gudoomiyaha parlamanka maysan heli jirin yaa uga badan puntland? miyaysan ahayn dadka dega bander-bayla miyaysan ahayn dadka dega nugaal qaybo ka mid ah miyaysan ahayn dadka sida baaxada-wayn u dega galkacyo iyo wixi galbeedka ka xiga sida galdogob waxan ku oran laha aqoon la’aantu ma fiicna ee wax baro intadan siyasad falan-qayn waa iga talo

  2. godir-wahis says:

    qoraaga waxan xasuusin laha markii puntland la dhisayay waxa lagu dhisay qaab jabhadeed kuwii ugu tunka wayna-na waxa ka mid aha SNDU iyo SSDF iyo kuwo kale sida mid reer makhir iyo tii reer sool marka madaxwaynaha dalka inay helaan ayadoo laga cabsi qabay xiligaas jabhadii SNDU oo ayadu guulo kasoo hoysay galkacyo owgeed aya SSDF qadatay madaxwaynaha malintaas ka dibna wa laga riixay inay helaan sadexda kursi oo sar-sare ayadoo looga cabsi qabay kursiga madaxnimada marka sasay ku timi kursigan inay wayaan beeshu ee saa u dhigaysid maha waayo waa beel baaxad wayn illah ba wayne wiliba dhaqaalaha puntland laf dhabar u ah balse maha dad xukun ka daba qayliya ama u baroorta hada maanta intay xil hayaan hadii ay wayaan waxa u dhaanta ayagoo hal wado ama hal aiport dhulkoda looga dhiso inkastoo ay maanta isku filaadeen oo dhulkoda dhistaan marka walale hadallada hoos galiska ka daa iyo qaloocinta taariikhda, wax wayna ha ka dhigin gudoomiye barlamaan wayo dadkani madaxwaynaha dalka inay helaaan ayay u qalmeen waadna mahadsan tahay

  3. Ikra says:

    Puntland magaceda sida laga garan garo waxaa ladhahaa ,,,bari gobolada kale kuma jiran hadana mamulka puntland wuxu ka taliya half bari+half mudug+half nugaal ….gobolada harti waqooyi min ceeri gaabo ilaa buhoodle kuma jirto inad ka talisana wad shekatan ,,puntland 15 ayey jirta lugta weli deganadaas maso dhigin awood la,aana maheyso micnahedu waxa weyan gor baan ka shekaneyna somalilanda ha maamushu ,, runta hala isku shego ilmaderayalow,, khatumo haku mashqulinina hargeyso shaqo kuma lahan dad xanaaqay oo xildoon ah wey adi garaan,, micnuhu ma ahan khatumo iney s0maliland tahay

  4. asc ugu horayn intaas kadib aad ayaan ugu mahadnaqayaa qoraaga oo iftiimayay xaalada puntland ee xiligan iyo kii la soo dhaafay muujiyayna dalka iyo duruufaha haysta inuu dimuquraadiyada buuxda gaaro waxaan kaa codsan lahaa inaad qeexdo deeganad puntland xaaladooda hada si bayaan ah

  5. puntlander boy says:

    aad ayaad u mahadsantahay sxb xaamud aad iyo aad qoraa sare waxaad iftiimisay arin aad nooga qarsoonayd

  6. shaxda says:

    kkkkkkkkkkk waa wax lagu qosla waxaa uu soo qoray inankani waxa uu yiri khatumo waxa wadata somaliland waa been aan geed loogu soo gaban

  7. aarka says:

    ASC
    runtii shabakadda raxanreeb si fiican bay u sooqortay hadalkan qurxoon ee ay soo qoreen lkn dadka harti ama daarood ee ka tirsan maamulka heebta ee puntland waa jiray laakiin waxa fcn in la sheego waa qica jira oo ah wax hartti la yidhaahdaa iyo wax puntland la yidhaahdaa in aysan jirin ee ay jiraan laba maamul gobaleed oo ah khaatumo state iyo waqooyibari state oo la badoodu ahaaa ex puntland markaa waxaa runta loo sheegayaaa dadka aaminsan ruwaayada hana ogaadaaa in haddiii maanta wiilka reer mudug ama garoowe uu u soo gudbo dhulka khaatumo in laga jarayo qoorta sida kuwa somaliland oo kale khaatumo waxay leedhy labo maamul oo cadowgeedda ah oo kala ah somaliland iyo puntland markaa reer khaatumo maba aaminsana fikirkan yar ee shaadhka huwan ee ina faroole iyo dadkiisu la wareegayaan banaanadda waataaas
    tankale khaatumo hargeysa iyo garoowe labada waxay u aragtaaa laba magaalo oo ay fadhiyaaan dad iyada cadow ku ah waxba yaanay dadka reer garoowe runta ka war wareegin oo ay odhan maxaa khaatumo hargeysa kama hadasho waxaan idiin sheegaynaaa in labadaaas adeer noo siman yihiin oo hadba tii nala dagaalamaysa ee khaladka nagu wada aan iska celinayo waxaanna caruurta yar yar ee aaminsan fikirka ah in ay beenta ku noolaadaaan ee ah wax la yidhaahdo hartinimo adeer waxaasi wax jira maaaha anaguna waxaaannu aaaminsanhy fikirka ah in khaatumo ay muqadas thy lamna taabtaan thy wax ka hadal ahna aan lalagalin cidii puntland ah iyo cidii somaliland ba ah markaaa dadku waa kala tagaaa waxaanna inaga dhaxaysa soomaaalinimada haddii aad taas aamin sanaantaan bay nu israaci karnaaaa haddii kale waxaaan labaddiinaba inaga dhaxeeya xabad

  8. Puntlander says:

    Kuwa sheeganaya khaatumo seeg war hoy jooga tariikhda waa taqaan colaadna inaydan meel gayn karayne iska raaca idoor iyagaa idiin danee dadkan reer puntland uma baahna laba shaatile shilindoon ah sharkeen moodad darood oo idil cid masiirkeeda iibsata shirshoore ayaa ka jira nagana daaya warka waaq qaaqdaa ee aad wadaan oromo ayaad awalba ahaydeene laascanood meel ku sheeg waa adiga dawarsanaya dariiqyada garoowe iyo xamar iyo hargaysee allow ha na dulayn aleyn afqoyani hadal ma daayo adoo saqiiraad wali khaatuma seegaysaa khaatiumo seegow

Leave a Reply