Qaybtii 4aad Hayaanka Puntland iyo Habraaca Beelaha. W/Q Xaamud Dala-aan


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Qaybtii 4aad Hayaanka Puntland iyo Habraaca Beelaha
XAMUD MAXAMED DALA-AAN
Karzay3@hotmail.com
Luulyo 10 2012

Hayaanka dimuquraadiyada iyo hagardaamada iska horimaadka beelaha Puntland.

Habka isxulafaysiga beelaha iyo hardanka qabiilada ayaa ah darbi markasta hortaagan horkaca shacabka puntland iyo hayaanka baahinta isxukunka ku salaysan dimuquraadiyada am maamul wadaaga.

Dagaalada beelaha iyo aanooyinka qabiilada ayaa noqday caqabad ka mid ah caqabadaha hoos u dhigay horukaca puntland waxaana marar badan ka dhacay qaybo kamid ah deegaanada puntland dagaalo beeleedyo ku salaysan aanooyin qabiil iyo hardan deegaan daaqsineed ama ceel biyood taas oo mararka qaar ku bilaabatay shaqsiyaad waxyar kadibna isku badasha dagaalo beeleed lagu hoobto oo saameeya dhaqaalah amaanka daganaasha iyo siyaasada gudaha ee puntland maamulka hada jira waxyaalihii ka hor istaagay inuu fuliyo qaybo badan oo ka mid ah baayiha shacabka iyo baalaarinta ismaamulka gudaha waxaa ka mid ah dagaalo beleedyo soo noqnoqday oo ka dhacay gobolada bari karkaar sool mudug iyo cayn kuwaas oo ay ugu darnaayeen dagaaladii deegaanka rako iyo igdhayso oo dowladu galiysay wakhti dhaqaale iyo cudud ciidan oo lafteedu ahay arin la orankaro maamulka hada jiraa waxuu mudanyahay in lagu amaano waayo colaada beeluhu waa wixii burburiyayay dowlidii soomaliya ilaa mantana baday shacabka soomaliyeed inay ahaadan dowlada la aan waana muhiim in waxkasta laga hormariyaa heshiisiinta beelaha taas oo ay dowlada ka muujisay door shariif ah.

Degaanada ka fog laamiga ayaa laga dareemay gaaritaan dhanka laamaha dowlada siiba dagmooyinka xeebaha oo mudo dheer ahaa kuwa aaysan gaarin adeegyada dowlada iyo hayadaha caalamigaa sida jariibana, garacada, eyl, banderbayla, xaafuun iyo ugu danbayn baargaala mashariic horumarineed oo dhinacayda caafimaadka waxbarshada jidadka iyo jahaynta dhalinyarada ayaa kasocda degaanada qaar wallow aysan gaarin heerkii laga filaayay dhanka ka faaiidaysiga siiba warshadaha kaluunka iyo qabuuyiyaal laga dhisay dagmooyinka qaar ayaa ah kuwo aan laga faaiidaysan sababo badan owgood kuwaas oo ah qaar la xiriir deegaanka iyo qaybo ku xiran dowlada lafteeda siiba laamaha ku shaqada leh awoodaha maamulada dagmooyinka qaar oo aan ahayn kuwa leh tayadii iyo tabartii ay ku hagi lahaayeen hab maamulka dagmadooda ayaa ah ciladaha ugu daran waxaase iyana jira bisayl la aanta shacabka iyo hanka qabyaalada huwan qabiilka oo mararka qaar keenta amaandaro kalifta in ay joogsadaan mashaariic haday fulaan waxtar muuqda u keeni lahaa dadka degaanka. 

Koobnaanta awoodaha xukuumada ee dhamaan degaanada ayaa lafteedu ah dhaliil la orankaro waa muhiim in xukuumadu buuxisaa si looga gudbo marnaanta maamulka oo meelo badan oo puntland ah laga dareemayo siiba deeganada xuduudaha xiga qaarkood.

Hagardaamada cadowga iyo hardanka siyaasdeed ayaa ah arin lafteedu ka qayb ah habacsanaanta maamulka iyo hiyi kaca shacabka wallow xukuumadu buuxisay siyaadaha xalraadinta soomaliya iyo ku dhaganaanta masiirka shacabka ee habka federaaligaa oo aan orankaro waa qodobka ugu xasaasisan dhanka jiritaanka puntland oo ah arin mudan in wakhti iyo dhaqaale loo huru si looga mira dhaliyo riyada in badan oo shacabka puntland ama guud ahaanba maamulka dr faroolle ayaa gaarsiiyay siyaasada iyo  gorgortanka wax qaybsiga soomaliya meel mudan amaan iyo bogaadin una keentay puntland ciso iyo sharaf.  

Wallow ay jiraan canaasiir markasta hortaagan nidaamka kaliya ee iminka u muuqda midka soomaliya dib u midayn kara oo ah federaalka.

Hayaanka axsaabta iyo doorashooyinka ayaa ah mid laga dareemay horusocod wallow ay jiraan dhaliilo dhanka dadaalka iyo wacyigalinta shacabkaa oo keenay in hayaanka dimuquraadiyad iyo doorashooyinku ay hab yara gaabsi ah ku socdaan sababo badan oo ay ugu horayso nidaamka laftiisa oo ku cusub puntland xukuumada oo ay haystaan culaysyo siyaasadeed oo dhanka xal uraadinta somaliya ah dhaqaalah oo hoosaye iyo warbaahinta oo ah mid aan gaarin dhamaan deeganada dowlada oo aan lahay wax warbaahin ah sida tv radio ama joornaal.

Taas oo keentay gaaritaala aanta wararka dowlada ee shacabka iyo kor u qaadista wacyiga dad waynaha oo hooseeya. 

Siyaasada dhalinta abuurida shaqooyinka iyo shaqaalaynta xirfadlayaasha dalka oo meesha ka maqan haday jirta aan u shaqayn sidii la rabay ayaa lafteedu keentay hoos u dhaca rajada dhalinta taas oo keentay in kuwo badani ay ka haajiraan dalka shaqaale badan oo ajaaniib ah oo qabta shaqooyin ay karaan muwaadiniinta iyo siiba kuwa hayada caalamigaa ama NGO kuwa loo yaqaan ayaa ciriir ka dhigay suuqa shaqada gudaha puntland.

Wadaniyada iyo hab iskaa wax u qabso oo ku yar am aan jrin dhanka shacabka u tirinta dhamaan dhaliilaha cid gaar ah ama qabiil ayaa ah sabab dhaxalsiiyay puntland in la waayo isku tashi dhankastaa oo aan orankarno waa u muhiim horumarkeen guud ahaan ka sugitaanka dowlada waxkasta iyo dhiiranaan la aanta ganacsatada qurba joogta iyo dhamaan shacabka guud ayaa ah arin lafteedu ah caqbada.

U  hanqal taaga koonfur iyo kalsooni la aanta qaarbadan oo kamid ah ganacsatada siyaasiyiinta madaxda dhaqanka iyo xubnaha dowlada ayaa ah dhibaato dhanka isku kalsoonaanta dhankasta ee puntland haysata dareenka wadajirka iyo ka digtoonaata qabyaalada iyo qolaysiga oo meesha ka maqan iyo danta guud oo laga hormariyo danta gaarkaa  oo ku badan dadka ayaa inaka hortaagan  inaan gaarno hadafkeena oo ah isku filaan dhankastaa.

 Habka shaqaalaynta oo aan hufnayna una diiday aqoonayahno badan inay aaminaan inay dalkooda shaqo ka heli karaan waayo waxaa ka jira qaar badan oo ka mid ah xarumaha shaqada bixiya sida xarumaha dowlada shirkadaha ganacsiga iyo hayadaha caalamigaa ee dalka jooga sinaan la aan dhanka shaqaalayntaa iyadoo ay adagtahay inaad xirfadaad si cadaalad ah shaqo ugu heshaa adaan haysan garab hayb ahaan kaaga caawiya arintaas oo kalsooni la aan baday xirfadlayaal badan oo reer puntland ah.

Hoosaynta kaabayaasha dhaqaalah sida dakadaha garoomada diyaaradah iyo jidadka oo liita ayaa ah caqabad hortaagan koritaanka dhaqaalaha puntland.

Dadka ayaa aaminay habraaca beelaha waxayna u arkaan sida kaliya ee ay shaqo ku heli karaan inay tahay iyadoo garabeeshin lagu geeyo shaqo iyaga oo kugu oranaya markaad tiraaho shaqo ayaan rabaa inaan u raadsado xarun hebla oo ma nin ama gabar aad qaraabo tihiin ayaa halkaas joogta oo kaa caawinaysa arintaas markaad ku tiraahdo maya ayay kugu oranayaan war ha isku lugayn saas shaqo laguma helee taas oo ay keeneen madaxada haydaha wax shaqaaleeya oo tusay dad waynaha arimahaas foosha xun waxay dhagahaagu maqlayaan maalin kasta ka cabashad garabeeshinka oo ah arin siwayn loogu wareersanyahay.

Arintaas oo dhaxal siisay haydaha dowlada iyo xarumaha ganacsiga horusocod la aan waayo qof lagu shaqaaleeyay biil haka helo waxaa iska yar heerka ujeedo ee u horseedi karo hurumarka xurumaha dowlada ama ganacsiga iyo dhamaan xarumaha adeega bulshada.

Odayaasha dhaqanka ayaa qayb wayn ka qaatay noolayta habraaca beelaha iyagoo ka faaiidaysay awood xad dhaaf ah oo la siiyay kuna cadaadiyaya madaxda dowlada sida wasiirada ama madax waynaha inuu nin aan u qalmin masiirka shacabka u qolo ahaan ku geeyo iyagoo ka eegaya dan shaqsiyadeed iyo maxaad adigu habel ka helaysaa .

Xukuumada dr faroole ayaa muujisay horaantii ka hufaan nin hangool oday afkiisa ku jira iyadoo magacowday xubno badankoodu u muuqday in lagu xushay aqoon iyo waaya aragnimo maamul wallow lafteedu ay keentay xarig jiid soo kala dhex galay odayaasha dhaqanka qaar iyo xukuumda waayo nin u bartay qaaday laga dhig ma garowsado oday u bartay nin uu keenay in loo magacaabo way adagtahay mid aano wadan laakiin beeshiisaa inuu aqbalo waana dhaqan aan u wacnayn dowladnimada una baahan in loo bislaado puntland hayaankeeda dimuquraadiyadana caqabad muuqata ku ah dhaliil ku salaysan hunguri siyaasadeed iyo hanqal taag beeleed ayaa ku qaada shacab u nugul hayb ku sabashada qabyaladeed in ay si fudud u qaataan dhagarta siyaasiyiinta qaar ee ka fakara jeebkood iyo jeeskood taas oo aan oran karo puntland waa inay ka tashataa una midowdaa danteena guud intaad qola qola ku qaribmilahayn.

Dulqaadka shacabka ee dhacdooyinka iyo Ka jawaabida xukuumada oo mararka qaar gaabis ah sida xoranta sool ayaa noqtay caqabad taagan kuna ah lafdhuun gashay siyaasiyiinta hogaanka u haya dalka.

FILO QAYBTII 5AAD

W/Q XAMUD MAXAMED DALA-AAN

Karzay3@gmail.com

PUNTLAND SOMALIA

=================================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Share

2 Responses for “Qaybtii 4aad Hayaanka Puntland iyo Habraaca Beelaha. W/Q Xaamud Dala-aan”

  1. mudug says:

    sxb maad iska tiraahdid adeerkay faroole wa nin wanagsan intaaso dhib ah intaad marayso

  2. farole nidamkisa ninki yirahda waa maamul suuban kkkkk waa hadal lagu qoslo oo aan meshuu lahaa oo fadlan markad wax qorasan ahada kuwa runta abaa ninkan pirate kaa ha u amanin dadka e meeday puntland ta ad kahadashay ? Meye belihi p/l ee mudug iyo galbedka deganaa

Leave a Reply