QM Oo Halsanno Oo Dheeri Ah Ugu Dartay Kooxda UN Monitoring Group
New York (RBC) Golaha ammaanka QM ayaa halsano oo dheeri ah ugu daray shaqadooda Guddiga QM ee dabagalka cunaqateynta Soomaaliya iyo Eritrea, kaddib fadhi ay shaley ku yeesheen magaalada New York ee dalka Mareekanka.
Goluhu waxa u sheegay in shaqada kooxdan ay ku egtahay 25-ka August 2013-ka, si loo dar-dar galiyo howsha kooxdan ay ka heyso Soomaaliya iyo dalka kale ee ku yaala bariga Africa Eritrea oo hadda gobalka intiisa ka go’doonsan.
Kooxdan UN Monitoring Group, waxa isha ku heysaa oo baaritaan ku sameesaa dhaqdhaqaaqyada ka socda labadan dal, sida wax yaabaha laga dhoofiyo, waxa la soo galiyo ee badda iyo garoomada diyaaradaha ka soo dega, kuwaas oo loo isticmaalo wax yaabo caqabad ku ah cunaqabateynta hubke ee saaran labadan wadan.
Sidoo kale kooxdan iyagoo la kaashanaya kooxda kale ee la yiraahdo Joint Financial Management Board oo hormarisa lana socota dhaqaalaha Soomaaliya iyo sida loo maareeyo.
Si kastaba, kooxdan UN Monitoring Group,ayaa shaley ugudbiyay warbixinta ay soo diyaariyeen, oo ay kaga hadlayaan dhaqaale badan oo ay lunsadeen madaxda dowaldda KMG ah ee hadda jirta iyo shaqsiyaasad ay bahwadaag yihiin ama ka tirsan dowladda.
Warbixintu waxay sheegtay in ay jiraan lacago ay lunsadeen madaxda dowaldda sida Madaxweynaha ,laakin madaxweyne Shariif Sheekh Axmed waa uu beeniyay eedaha lagu shaaciyay warbixinta ka soo baxday guddiga QM ee dabagalka cunaqateynta Somalia iyo Eritrea ee sheegaysa in isaga iyo madax ka tirsan dowladiisa ay lunsadeen hantida dadweynaha.
Sidoo kale waxa ku jira warbixinta in madaxweynaha uu gabaad siiyay hoggaamiye sare oo ka tirsan burcad-badeed, iyo dhaqaalaha laga helo howlaha burcad-badeeda iyo afduubka laga fuliyo gudaha Soomaaliya, sidoo kale warbixinta kooxdan waxa ay kaga hadashay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadnaha iyo ishortaag lagu sameeyay howlaha gargaaka.
Warbixtaas oo ay ka qeylo dhaamiyeen madaxda dowladda iyo shaqsiyaadka kale ee ku xusan, ayaa golaha ammaanka QM ay ka doodin doonaan, haddii ay xaqiiqo noqotana, waxa hubaal ah in cunaqabateen lagu soo rogi doono xubanayha ku soo baxay liiska kama dambeesta ee golaha ammaanka QM, kaddib maxkamad la saari doono siddii loola xisaabtasmi lahaa kooxahaas.
Madaxda dowladda waxa hadda ay doonayaan in markale in ay ku soo laabtaan xilka madaxweynaha dalka iyadoo ay hortaalo warbixinta la horgeeyay golaha ammaanka QM oo laga doodi doono.
RBC Radio
————————
Xafiiska Wararka Nairobi











allow umada ka qabo labadan shariif alshabaab
ayaaba ka roon weli xil danbe ayay rajo ka sii
qabaan iimanka alle idinka qaad il adakaa
maxkamad ha lasoo taago
[...] Continued here: QM Oo Halsanno Oo Dheeri Ah Ugu Dartay Kooxda UN Monitoring Group [...]
WAXAAN AHAA SHAQSI AAD ULADHACSANAA SHAQADII IYO HUFNAANTII UU DALKA KUSOO KORDHIYEY ALE HA UNAXARIISTEE MARXUUN CABDULAAHI YUUSUF OO AAN MAANTA MIDHEHEEDII GURANAYNO WAXAA KALOO XUSUUS WADNIYEED MUDAN IYO KARAAMO SHAQSIYADEED MUDANE RAYSAL WASAARE HII HORE WAA FARMAAJO E MAS FARMAAJO WAA HALYEY SOOMAALIYEED OO DAACAD IYO HAWLKARINIMO BILAA MUNAAFAQADA KUSOOMAAMULAY DAWLADIISII WAXAANA HUBAA INAY UHESHIIYEEN WARAABE YAAL IIMAANLAAWEYAAL QABYAALEDLEEY QIYAAMEHOODKACAY OO ILAAH MAANTA UUSAN KASAARIN MUNAAFAQADII IYI UMIDOOWGII MUDANE FARMAAJO OO MAANTA QOFKASTOO MUWAADINA OO XALAALA OO DAACADA OO IIMAANLEH MUSLINIMO OO UU KAREEBAN YAHAY QABYAALAD IYO DACIIFNIMO AMA NIN JECLAYSI ILAAHAY AMARKII WAXAANA TAAGEERAA QOFKASTA OO MUWAADINA OO MASUULA OO HAWSHIISA SI XALAALA UGUTA ANOOKAFOGAADA NIN JECLAYSI AMA QABIILAYSI ILAAH HANAGA DHEEREEYEE EEX IYO DULMI AMA XASAD WAA DAMBIILE DHIB SHAQYSTAY ILAAHAYNA INTA WANAAGA IYO WADNIYADA JECEL HAGUULEEYO OO KOR ALE HAKAYEELO KUWA XASADKA IYO REER NACAYBKA QABANA QALBIGOOGA ILAAH HAKANADIIFIYO VIVA SOOMAALIYA
LABASHARIIF IYO SAAXIIBADOOD WAA KUCADAAN INSHA ALAAH MASAAKIINTA WAXOODA AMA XAQOODA HADAY QABAAN INSHA ALAAH?
ACWW:Waa wax wanaagsan in la ciqaabo qofki umadan baabasan wax ka xadaa shaqo kuma lihin qofkuu yahay,waa hubaal in Mr Farmaajo dabin Abdiwali uu horboodayo loo dhigay waa inuu iska saaraa dabinkaas,Somali ayaa hore u tiri sabeso ninkii koriyaa isagaa u aayi,Abdiwali abeeso reer galgaduudeed qabiil dilooday ayuu ahaa, anigoo jecel in aan dhexdhexaad ka ahaado 2 nin haddana Farmajo waa khasab in uu iska leexiyaa ninkii uu siyaasadda soo galiyay(Abdiwali)isagoo Abdiwali addeerkii AU Marxuum Abdullahi ankee meel waa uu ka waayay ayuu sida igu maqalka ah reer galgauddunimo kusoo dhawaysatay sidaa darteed ama abdiwali ha ahaado ama farmajo ama 2 shariife qofki wax xadaa waa in laga matajiyaa insha allah YAAN NALAGU BEER-XALAWASAN WAA MASUULIYIIN SOMALIYEED OO LA XARIYA EE SOO DAYNTOODA AAN U MUDAHARAADNO HADDII ALLE IDMO