Qof Rayid Ah Ooo Xaley Lagu Dilay Xeradda IFO


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

IFO (RBC) Wararka naga soo gaaraya xerada qaxootiga IFO ee gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in kooxo hubeysan xaley halkaas ay ku dileen nin rayid ah,

Goobjoogayaal ku sugnaa xerada markii uu dilka dhacayay ayaa saxaafadda u sheegay in nin la dilay uu isku dayay in uu iska celiyo kooxda sidaasna ay keentay in ay xabad ku dhacdo ay soo rideenn kooxda, dabadeedna ay burcadii ay ka qaateen gurigiisa lacag iyo alaabo kale oo muhiim ah.

Sida ay sheegeen dadka ku dhaqan xerada qaxootiga ee IFO, ninka ayaa waxa uu ka tirsanaa dadka ku dhaqan xerada kaasoo dhawaan ka yimid Soomaaliya, waxana da’diisa lagu qiyaasay dhowr iyo afartan jir, wuxuuna ka mid ahaa xoogsatada Xarqaanka ku tola gudaha suuqa bacaadlaha ee xerada IFO.

Dilkan xaley ka dhacay xerada IFO ayaa ku soo beegmaya iyadoo habeen ka hor labo weerar oo ka dhacay magaalada Wajeer ee gobalka waqooyi bari dalka Kenya ayaa waxa ku dhaawacmay ugu yaraan shan qof.

Kenya kuma cusba dilalka iyo weerarada,waxana dowladda Kenya ay shaacisay maanta oo  Jimco ah in ay ka digeyso weerar Al-Shabaab ay ka geesato magaalada Nairobi.

Safaaradda Israel ee Nairobi ayaa dhawaan sheegtay in la weerari karo magaalada Nairobi inta lagu gudajiro bisha barakeesan ee Ramadaan.

Kenya waxa ay ka mid tahay dalalka hadda ciidamo ay ka joogaan howgalka AMISOM ee Soomaaliya.

RBC Radio
=============
Xafiiska Wararka Nairobi

Share

Tags:

1 Response for “Qof Rayid Ah Ooo Xaley Lagu Dilay Xeradda IFO”

  1. [...] Continue Reading: Qof Rayid Ah Ooo Xaley Lagu Dilay Xeradda IFO [...]

Leave a Reply