Ra’iisal Wasaare Gaas Oo Maanta Kulan La Yeelanaya Odayaasha Muqdisho Ku Shiraya
Muqdisho (RBC) Warar ay heshay Shabakadda Raxanreeb ayaa sheegaya in saacadaha soo socda waxa lagu wadaa in uu ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Wali Cali Gaas kulan la qaato odayaasha dhaqanka ee ku shiraya Muqdisho, kuwaasoo la doonayay in ay soo dhameestiraan xubaha ansixinaya dastuurka cusub ee Soomaaliya.
Ma cadda wax yaabaha uu ra’iisal wasaaraha kala hadli doono odayaasha dhaqanka, laakin waxa ay u badnaan doontaa in uu kala hadlo sabbabaha ka dambeya dib u dhacyo waaweyn oo soo wajahay shirka la doonayo in lagu asixiyo dastuurka, oo ilaa hadda ergadii la rabay aan la soo dhameestirin.
Mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ku shiriya Muqdisho ayaa RBC Radio u sheegay in ay jiraan wax yaabo badan oo ay saluugsan yihiin odayaasha, taasna ay keentay in tira ka seddax jeer uu baaqdo shirka lagu ansixinaayo dastuurka.
Odayaasha waxa ay lee yihiin waxa jira culeyso ballaaran oo ka immaanaya dhinaca xubnaha dowladda, kuwaasoo odayaasha wax yaabo aysan ku qanacsaneen hor geeyay, taas oo la ogeyn waxa ay tahay.
Warar lagu kal soon yahay ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka ee ku shiraya Muqdisho, ay ku jiraan odayaal ay wataan madaxda sare ee dowladda kuwaas oo u muuqda kuwa daaqada ka soo galay shirka odayaasha ama meelo kale laga soo waariday.
Si kastaba, dowladda KMG ah ee hadda jirta waqtigeeda waxa ka haray biyo iyo bar, waxana hadda muuqata shaqada u taallo marka lo eego iyo waqtiga ay heesato uu yahay mid kaaf iyo kala dheeri ah.
Wixii ku soo kordha warkan kala soco Raxanreeb.com











[...] Read More: Ra’iisal Wasaare Gaas Oo Maanta Kulan La Yeelanaya Odayaasha Muqdisho Ku Shiraya [...]
weershe