Ra’iisal Wasaare Gaas Oo Qaabilay Wafdi Uu Hoggaaminaayo Ra’iisal Wasaare Xigeenka Ireland (War Saxaafaddeed)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka Ireland Mr Eamonn Gilmore ayaa maanta booqasho ku yimid magaalada Muqidsho, waxana uu kulan kula qaatay xafiiskiisa ra’isal wasaaraha XKMG ah Soomaliya Cabdi Wali Cali Gaas, waxa ay ka hadleen arrimo badan oo quseeya Soomaaliya.

War Saxaafadeed la soo gaarsiiyay xafiiska RBC Radio ee Muqdisho, ayaa lagu sheegay in kulanka labada mas’uul ay jogeyn xubno katirsan golaha wasiirada Soomaaliya.

Mudane C/wali Maxamed Cali ayaa ra’isul wasaare kuxigenka Ireland waxa uu uga waramay xaaladaha siyaasada, caafimadka, gargaarka bina’adanimo ,waxbarashada iyo arimo kale oo dalkan ku saabsan iyadoo masuuliyiinti Ireland oo uu hogaaminayay ra’isul wasaare kuxigeenka dalkaasina ay raisul wasaraha Soomaaliya iyo xubnihi golaha wasiirada uu lakulmayna uga waramay siyaasada airland iyo waxyaabaha ay rabaan inay Soomaaliya ka qabtaan.

Kulankooda marki uu soo gaba gaboobay ayey warfidiyeenka si wada jir ah ula hadleen labada masuul ugu horeyna mudane C/wali Max’ed Cali Gaas wasiirka koowaad ee dalka ayaa ka warbixiyay wada hadalki dhex maray isaga iyo Mr Eamonn ra’isul was are kuxigenka Ireland

Mr Eamonn Gilmore kuxigeenka raisul wasaraha Ireland ayaa sheegay in lacag kor u dhaafeysa 2 milyan oo doolarka mareykanka ah ay ugu talagaleen gargaarka bin aadanimo ee Soomaaliya ayna marsiin doonaan hay’adaha gargaarka QM.

Dowlada airland oo katirsan midowga yurub ayaan horay uga dhex muuqan xaaladaha wadanka Soomaaliya iyo u soo gurmashada dadki dhibaateysnaa ee abaartu saameysay iyadoo imaanshaha Eamonn Gilmer ee maanta ay masuuliyinta uu la kulmay ku macneeyay in ay tahay mid kor u qaaddeyso xiriirka Soomaaliya oo aysan aheyn mid siyaasadeed wax ayna balan qaadeen masuuliyinta maanta Muqdisho timid ee ra’isul wasaraha uu lakulmay ay ku dhawaaqeen inay Soomaaliya uga deeqeen 3-milyan oo dolarka mareykanka taas oo ay marsiin doonaan hay’adaha gargarka ee QM.

Share

Tags:

2 Responses for “Ra’iisal Wasaare Gaas Oo Qaabilay Wafdi Uu Hoggaaminaayo Ra’iisal Wasaare Xigeenka Ireland (War Saxaafaddeed)”

  1. khaatumo says:

    RAGAN CIDINA MA AAMINI KARTO GAAS HORTA HA ISKA SOO CADEEYE MUSUQMAASUQA LAGU EEDEEYAY IYO 13 MILLYAN EE KU MAQAN XAGUU MARIYAY IYO LACAGIHII DEEQA SOMALIYA LOO SIIYAY XAGUU GEEYAY MA PUNLAND BUU KU SHUBTAY

  2. [...] ku macneeyay in ay tahay mid kor u qaaddeyso xiriirka Soomaaliya oo aysan aheyn mid siyaasadeed wax ayna balan qaadeen masuuliyinta maanta Muqdisho timid ee ra’isul wasaraha uu lakulmay ay ku [...]

Leave a Reply