RAMADAN KARIIM: Muqdisho iyo Burco oo Laga Xaqiijiyey Aragtida Bisha Ramadaan
Muqdisho (RBC) Sida goordhow uu ku dhawaaqay wasiirka diinta iyo awqaafta ee DKMG Soomaaliya Axmed Xasan Gaboobe (Ugaas Bile) waxaa la xaqiijiyey aragtida bisha Ramadaan sidaasi darteedna ay tahay maalin Soon berito oo ah Jimce kuna beegan 20/07/2012.
Wasaarada waxay ku dhawaaqday in nin ganacsade ah oo degan degmada Kaaraan laguna magacaabo C/raxiin Xasan Garabey iyo saddex ruux oo kale ay ishooda ka qaadeen aragtida bisha Ramadaan salaadii maqrib kadib.
Sidoo kale culimada Burco ayaa goordhow xaqiijiyey in labo ruux oo ku sugan degmada Burco ee gobolka Togdheer laga xaqiijiyey aragtida bisha Ramadaan oo caawa 1-da Ramadaan 1433 Hijriga ah.
Wariya ka tiran Shabakada Raxanreeb ayaa soo sheegaya in sidoo kale magaalada Jeddah ee wadanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya looga dhawaaqay aragtida bisha Ramadan oo berito kow ah.
Shabakada Raxanreeb waxay akhristayaasha ugu bishaareyneysaa dhalashada bisha Ramadan… RAMADAN KARIIM
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho











????? ????