Raysal Wasaare Gaas Oo Ugu Baaqay Odoyaasha Dhaqanka In Ay ka Fiirsadaan Xubanaha Baarlamaanka Cusub Oo Ay Soo Xulayaan


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Raysal Wasaaraha Soomaaliya C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed in ay si deg deg ah ku soo xulaan baarlamaan cusub ee badalaya baarlamaanka Hada jira.

Raysal wasaare gaas ayaa wuxuu sheegay in ay jiraan dadaalo ay haatan wadaan odoyaash adhaqanka Soomaaliyeed laakiin loo baahanyahay in la sii dadaalo.

Sidoo kale wuxuu Sheegaay C/wali Maxamed Cali gaas in la soo xulo dad tayo leh oo ka soo bixi kara shuruudaha lagu xulanayo dadka Soogali kara baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Raysal Wasaaraha si aysan u dhicin xubanaha ay soo xulaan odoyaasha dhaqanka in markale dib loogu celiyo oo layiraada ma galai karaan baarlamaanka in ay ka roontahay in marka horaba laga soo fikiro qof ka bixi karta howshaan.

Odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa haatan waxaa laga sugayaa in soo xulaan xubnaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya oo badaya baarlamaanka hada jira.

Waxaa jira shaqsiyaad badan oo ka tirsan baarlamaanka hada jira iyo dad kale oo siyaasiyiin ah oo dadaal adag ugu jira in ay soo baxaan oo ay ku guuleestaan in ay ka soo midnoqdaan baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

2 Responses for “Raysal Wasaare Gaas Oo Ugu Baaqay Odoyaasha Dhaqanka In Ay ka Fiirsadaan Xubanaha Baarlamaanka Cusub Oo Ay Soo Xulayaan”

  1. [...] More here: Raysal Wasaare Gaas Oo Ugu Baaqay Odoyaasha Dhaqanka In Ay ka Fiirsadaan Xubanaha Baarlamaanka Cusub… [...]

  2. Mowliid dalagan says:

    Kuwo roadmapka ansixiyo oo dalkana u horseeda kala qeybin iyo cadow gacan ugalin.

Leave a Reply