Raysul Wasaare Gaas Iyo Xubno AU Iyo UN ka Socda oo Maanta Khudbado u Jeediyey Odayaasha Dhaqanka (Faahfaahin)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Raysul wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali Gaas iyo xubno ka socda Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta ku booqday odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed xaruntooda magaalada Muqdisho iyagoo khudbado u jeediyey.

Raysul wasaare C/weli Gaas ayaa odayaasha kulanka ku leh Muqdisho u sheegay in waqtigii loogu talagalay in odayaasha ku soo xulaan ergada ansixinta dastuurka ay dhamaatay loona baahan yahay in deg deg ay odayaasha u keenaan liiska ergada si shirka uu u furmo maalinta Sabtida ee ku beegan 21-ka July.

Raysul wasaaruhu wuxuu amaanay odayaasha dhaqanka isagoo sheegay in waqtigooda ay geliyeen inay dadka u shaqeeyaan, wuxuuna odayaasha xusuusiyey in masuuliyad ay saaran tahay maanta.

“Maanta adinka ayaa la idinka fadhiyaa taladii dalka, adinka ayaa go’aanka iska leh waxaana idinka rabnaa in ergada aad noo xushaan oo shirkii uu furmo” ayuu yiri raysul wasaare C/weli Gaas.

Ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo isaguna la hadlay odayaasha ayaa sheegay in odayaasha waajibkooda uu yahay inay soo magacabaan ergada lana sugayo inay ku keenaan 24-ka saac ee soo socda.

Sidoo kale sarkaal ka tirsan xafiiska Midowga Afrika oo isaguna ka qeybgalay kulanka ayaa waqtigan ku tilmaamay mid muhim u ah Soomaalida ayna u taalo Soomaalida inay ka faa’ideystaan.

Waqtiga kama dambeysta ee Shirka

Warar soo gaaray Shabakada Raxanreeb ayaa sheegaya in shirka laga yaabo in mar labaad uu dib u dhaco iyadoo maalinta Sabtida oo ku beegan 21-ka July oo hadda ay ka harsan tahay hal maalin oo kaliya.

Waxaa socda dadaal weyn oo ay wado dawlada si shirku u dhaco laakiin xubnaha gacanta ku haya arimaha dhanka farsamada ayaa xaqiijinaya inay adag tahay in shirku dhaco maalinta Sabtida iyadoo inka badan 60% ergadii aysan diyaar ahayn isla markaana arimo badan oo dhanka tasiilaadka ah aan weli la heyn.

Waxaa arinta lafteeda maanta ka hadlay raysul wasaaraha oo sheegay in cabsi weyn ay ka qabaan in shirku uu markale dib u dhaco iyadoo 12-ka bishan la baajiyey shirka ergooyinka dastuurka.

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

1 Response for “Raysul Wasaare Gaas Iyo Xubno AU Iyo UN ka Socda oo Maanta Khudbado u Jeediyey Odayaasha Dhaqanka (Faahfaahin)”

  1. khadija says:

    odayaasha maxaa loogu keenayaa ragan ajinebiga ah ma cabsiin baa si wixii larabo loo marsado alloow umadaan ugargaar adaa uuntaye caada qaate kursi doona ayaa raba iney dalkii iibiyaan diintana wax udhimaan dhaqankiina laga tago waxaas waa kursi aan helo alla idima aqabalo waaya oo meel daran kabaxa soon baanu joognaa bil kheyra illahay sadexda xaaraanta nagu kor cunayry naguma soo cesho aamiin aamiin

Leave a Reply