Raysul Wasaare Gaas oo Ka Digay In Dalka uu Geli Doono ‘Jahwareer Dastuuri ah’


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Raysul wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya Dr C/weli Maxamed Cali Gaas oo maanta hadal u jeediyey odayaasha dhaqanka ee shirka uga socdo magaalada Muqdisho ayaa ka digay in Soomaaliya ay geli doonto ‘jahwareer dastuuri ah’ haddii 20-ka Agoosto la heli waayo dastuur cusub.

Raysul wasaare Gaas ayaa sheegay in waqtiga dawlada KMG ah uu ka harsan yahay 26-maalmood oo kaliya, isla markaana haddii la gaaro bisha Agoosto 20-keeda oo aan la helin dastuur cusub ay dhici doonto xaalad adag oo dalka soo wajihi doonta.

“Illaa hadda shirkii dastuuriga lama furin, wax ka yar 30 cisho ayaana u haray dawladii oo dhan marka waxaana na soo wajihi doona jahwareer dastuuri ah haddii aan la ansixin dastuurka cusub, taasi ayaana anagu marwalba ka digeynaa” ayuu yiri raysul wasaare Gaas.

C/weli Gaas wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in illaa hadda shirkii dastuuriga uu furmi la’ yahay isla markaana masuuliyada ay saaran tahay odayaasha dhaqanka.

Raysul wasaaruhu wuxuu codsaday in odayaasha dhaqanka ee beelaha ay iskla soo gudbiyaan liiska ergooyinka ee ay diyaariyeen si buu yiri shirki loo furo maalinta Arbacada ee 25-ka bisha July.

C/weli Gaas ayaa xusay in dastuurka cusub ee qabyada uu yahay mid shuruud u ah ka bixida waqtiga kumeel gaarka haddii la waayana aan la heli doonin dawlad rasmi ah oo dalku yeesho.

Dhanka kale wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga oo maanta hadal ka jeediyey kulanka odayaasha ayaa dhaliilo kulul u jeediyey odayaasha dhaqanka isagoo sheegay in odayaashu ku fashilmeen hawshii loo xilsaaray.

“Waxaan odayaasha isugu yeernay labo bilood iyo bar ka hor si ay noo siiyaan liiska 135 xubnood ee odayaasha dhaqanka iyo liiska ergada shirka dastuuriga, si DAACADNIMO ah haddii aan idinla hadlo odayaashu way ku fashilmeen hawshii loo xilsaaray.” ayuu yiri Mahiga.

Hadalada maanta raysul wasaaraha iyo wakiilka Qaramada Midoobay ay u jeediyeen odayaasha dhaqanka ayaa yimid kadib markii shirkii ansixinta dastuurka uu dib u dhacay markii saddexaad maanta.

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

4 Responses for “Raysul Wasaare Gaas oo Ka Digay In Dalka uu Geli Doono ‘Jahwareer Dastuuri ah’”

  1. Puntland boy says:

    Qalad beyba markii hore aheyd in Xaad & Qashinkaloo lamida wax la weeydiiyo, Banaan ineey joogaan ba maahan waxay aheyd iney Xabsi kujiraan maanta, Hadey Odayaal xalaala yihiin Wadanku 20 sano & Kabadan saan ma ahaadeen, Waxaan odayaal maahane hala kala eryo They are criminals & thugs

  2. Sama_Kataliye says:

    War Soomaaliyeey dastuurku sheegaan naloogu cagajugleeynayo ma akhrisateen mana akhirisateen gaar ahaan 17 qodob oo odayaashu ka biyo diidsan yihiin? waa badda kenya ha qaadato hana qodato sida ay u qodanayso dhukiina sidoo kale………………waxaa cajiib ah waxaas oo dhan in nin prof. iyo Dr. sheeganayaa uu rabo in uu wadankii gift u siiyo Kenyan iyo Ethiopian…….Allow Alle.

    Waan ognahay in ninkaan iyo labadda shariif in aysan wadanka xukumin laakiinse maxay u ogaladeen in magacooda wadanka lagu burburiyo haddii anay timir laf ku jirin!!

  3. RUN SHEEG says:

    PINTLAND BOY
    WAXA UU RABAA IN WADANKA LAGA IIBIYO IYO KENYA ILEEN ISIR AYUU U LEEYAHAY GAALO RAACNIMO.
    XAAD KAA SHARAF BADAN YAA DULI YAHOOW GAALO JECEL

  4. DALKA BOY says:

    RUN SHEEG
    QAAL JECEL WAA KAA SHARAF BADAN YIHIIN EE WARYAA AFKAAGA ILAASHO!

Leave a Reply