Reer Banaadir & Soo Dhaweynta Sanad Dhaqameedka. W/Q Cismaan Amiin Axmed
Reer Banaadir & Soo Dhaweynta Sanad Dhaqameedka
Cismaan Amiin Axmed
Osmanamin2004@yahoo.com
Luulyo 18 2012
Gobollada Koonfureed ee Dalka waxaa toddobaadkan si rasmi ah ugu bilowday dabaaldegga iyo fantasiyaha lagu soo dhoweynayo sanad dhaqameedka Soomaaliyeed ee loo yaqaan “DABSHIDKA” ama ciidda NAYRUUS oo Goblka Banaadir si weyn looga xuso.
Ereyga Nayruus micnihiisu waxa ay tahay “ WEBI” inkastoo meelaha qaarkood looga yaqaan “sanadka cusub”.
Kalandaariyaha (Calender) dunida laga isticmaalo waxay u kala baxaan laba: “Solar Calender” iyo kan lagu magacaabo “Lunar Calender”.
Solar Calender, waxaa loo yaqaan” GREGORY” kaasoo ay isticmaalaan reer Galbeedka iyo dunida inteeda kale iyo kan kale oo loo yaqaan “Lunar Calender” oo asigana ay isticmaalaan dunida Islaamka iyo dalal kale , sida Soomaaliya, India, Israeal, Shiinaha, Jabaanka Masaarida (KOBTIGGa) iyo Itoobiyaanku.
Sidaas darted,Waa dhab haddii aan iraahdo dadka reer Banaadir, waxay wax la qaybsan jireen ummadaha dunida ugu facweyn, ama ugu xadaarad ballaaran. Taasi waxaa ka markhaati kacaya, caadooyinka, dhaqanka iyo hiddaha iyo taariikhda reer Banaadir oo qaarkood isaga mid yihiin waddamadaasi sida: Masaarida, Bershiya (Iiraan), Yaman iwm.
Sida ku xusan sheeko dhaqameedyada iyo suugaanta reer Banaadir, waxaa laga akhrisan karaa, haddii si fiican loo darso fac-weynida iyo xadaaradda reer Banaadir ay ku tilaabsadeen.
Ciyaaraha sida gaarka ah loogu xuso munaasabadaha qaarkood sida : Istunka, Shiribka, Maanyo-galaka, iyo Gudniinka (wiilasha iyo gabdhaha). Iyo sidoo kale adeegsiga farsamada dhismooyinka, kalluumaysiga iyo gaadiidka badda iyo farsamada dharka (allindiga), farsamaynta iyo farshaxanka dahabka, karinta iyo diyaarinta cunnada, waxay si cad u tilmaamayaan in uu jiray xiriir ka dhaxeeyay reer Banaadir iyo dalalkaasi.
Ma doonayo in aan ku dheeraado raad raaca taariikheed ee wax ka sheegayo xiriirka qotada dheer ee dhaqan, diin, iyo ganacsiba ka dhaxeeyay reer Banaadir iyo dalalkaasi. Hase yeeshee waxaan doonaya in qoraalkan aan ku eego ciyaaraha iyo fantasiyaha reer Banaadir ay ku soo dhoweeyaaan bilowga sanad-dhaqameedooda.
Ciyaaraha iyo damaashaadka reer Banaaadir ay ugu dabaaldegaan soo dhoweynta sanad=dhaqameedka Soomaalida sida: Istunka, Dabshidka, Maanyo galka iyo Shiribka, ilaa iyo imminka, waxay ka jiraan dalalka Masar, Iiraan, Afqanistaan iyo meelo kale oo ka mid ah Yamani wm.
Gidaarka loo yaqaan DAAR el-BAXAR ee dalka Masar oo la dhisay xilligii Boqarraddii reer Masar XATSHABSUUD ay booqtay Soomaaliya dhinaceeda BARI ama Woqooyi Bari, waxaa ku xusan in ciyaaraha ISTUNKA ay ciyaari jireen beeralayda Masar, kaasoo ay ugu dabaaldegayeen biyo-keenka Webiga NIIL ee dalka Masar, sida reer Afgooyaba ay ugu dabaaldegaan sanad dhaqameedkooda oo ku aaddan biyo-keenka webi Shabeel.
Ciyaaraha lagu soo dhoweeyo sanad dhaqameedka Soomaaliyeed ee loo yaqaan ciidda NAYRUUS, waxaa ka mid ah ciyaarta DABSHIDKA oo guri kasta oo ku yaala Gobolka Banadir ee Soomaaliya dab laga shido marka Salaadda Casir laga soo baxo, kaasoo qof kasta oo qaan gaar ah iyo wixii ka weyn ay ka boodaan dabkaasi saddex jeer(03), carruurtana inta gu’ ay jiraan.
Ereyga NAYNUUS, waa erey Faarisi oo ka soo jeedda afka Bershiya, isla ereyga Nayruus iyo fantasiyaheeda waxaa laga sameeyaa dalal ka mid ah Bariga Fog ( Far Easia), sida dalka Afqanistaan, Iiraan, Masar, Yaman, India Suuriya Ciraaq Turkiya IWM.
Galabta Banaan baxa shiribka Xamar Weyne dhacayo, subaxnimadeeda, waxaa caado ah in la qabto ciyaaraha Maanyo-galka. Dadka reer Banaadir, gaar ahaan Haweenka, waxay ku qubaysanayaan xeebta ku aaddan Degmada Xamar Weyne. Ciyaaraha Maanyo-galka wuxuu gaar u yahay Haweenka.
Isla subaxa Maanyo-galka la ciyaarayo, waxaa meelo gaar ah lagu akhriyaa Quraan fara badan, iyadoo Alle laga baryayo in uu ka hayo sanadka soo socda hertideeda tii tagtayna haraantigeeda. Galabnimadiina waxaa Xamar Weyne ka dhacayaa Banan-bixii weynaa ee Shiribka oo xamar la isigu soo baxo, waxaa ka soo qayb gala madaxda Dowladda, waxaa ka faaloodaa Warbaahinta Qaranka oo dhan.
Maalinta labaad ee Xamar ka jirto ciyaarta Shiribka, waxaa Degmada Afgooye ka bilaabanaya ciyaarta caanka ah ee ISTUNKA, kaasoo soconaayasaddex maalmood. Sidoo kale Degmooyinka Marka iyo Daafeed ayaa laga ciyaara maalmahaasi ciyaaraha Shiribka.
Dadka reer Banaadir, waxay maalmaha sanadka oo ah 365 maalmood u qaybiyaan afar(4) qaybood. Saddexda qaybood ee hore oo midkiiba ka kooban boqol (100)
Maalmood ay ku kala magacaabaan Gu’, Dayr, iyo jiilaal. Lixdan iyo shanta (65) maalmood soo hartayna, waxay ugu magacdaraan XAGAA…Hase yeeshee 65kaa maalmood ee XAGAA, waxay u kala qaybiyaan saddex (3) qaybood: 22ka maalmood ee hore waa Xagaa, 22kamaalmood ee xigana waxay ku magacaabaan SUHAYL, 21ka maalmood soo harayna waxaa lagu magacaabaa SAQAY. Maalinta ugu dambaysa ee 21ka SAQAY oo ku began maanta oo Arbaco ah, baa Gobolka laga bilaabaa goor ay tahay gabbal dhaca Miqribnimo, caadooyinka iyo fantasiyaha lagu soo dhoweeyo sanad-dhaqameedka Soomaaliyeed ee loo yaqaan Ciid Nayruus.
Xamar waxaa ka jiray, sida uu Xusay Ibnu Batuuta, maamul iyo Golle odoyaal la oran jiray (Mukhadumiin) oo awood leh, ilaa maantana wey jiraan.
Magaalada waxay lahayd ciidan xoog leh oo habeenkii gaaf-wareegayay oo la oran jiray (ULA WEYN). Waxaa kaloo degaanada Banaadir soo maray saldanado kala duwan, tii AJUURAAN. Degmada Afgooye waxaa isaga dambeeyay maamulkii SILCIS iyo Saldanadii GELEDI
Cisman Amiin Axmed
========================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM











MID KA SOO QOREY IYO KAN SOO GUDBIYEY BA WAA ISKU CAQLI.
AWAL BAAN YAABAYEY FARUUREY BAA FIQI DHASHAY.
Osman AMIIN cizak, afkaaga caano lagu qabey, waa qormo taariikheed Reer Banaadir , wxay miaddas daliil cad u tahay In reerahan Banaadirigu yihiin kuwa facweyn,ilbax ah,magaali ah, leehna dhaqan u dhigma kan ay leeyihiin wadamada horumarey, masaarida, faarisiintaba xiriir ganacsiyeed fogna lalahaayeen qolyahaas,,,…… waa taas midda keentay inaysan ku milmin, qeybna ka qadaan dagaaladii ahliga ahaa Qabaa’illada kale isku baaba’sheen kuna burburiyeen dadkeenii barwaaqa sooranka ahaa SOMALIA la oran jiray……. waxay astaahilaan in BILLAD WADANIMIMO in lasiiyo laguna amaalmariyo Hogaaminta Dalka iyo Dadka… Ee xaq umalaha habka 4.5 ka xaaranta ah ayadoo la raacayo in hoos lamariyo laguna bahdilo. ALLOW ADAA TALO KU FILAN.
Soomaaliya dhaqankeedu wuxuu la halmaalaa dhaqannada dunida ugu faca weyn, hase ahaatee waxaa dhaqan soojireenkii Soomaaliyeed burburiyey Carabtii la timid diinta Islaamka oo u aragtay in teedu ka muhiimsan tahay kana hagaagsan tahay dhammaan dhaqannada ummadaha kale ee dunida ku nool oo dhan.
Haddii Soomaalidu dib u jalleecdo sooyaallkeedii waxaa soo baxaya dhammaanba wixii Soomaalidu ahaan jirtay, in qoloba diin u gaar ah lahayd, in diimuhu isku mid yihiin oo ku kala duwan yihiin keliya sida wax loo caabudo iyo dhaqanka meesha diintaas laga soo faafshay. Aragtisaas dhiirran waxay meesha ka saaraysaa beentii iyo huuhaadii shisheeyuhu dalka la yimid oo waxay Soomaali ka dhigi kartaa dad tooda u riyaaqa oo midda shisheeyaha oo la rumeeyey oo lagu dheggan yahay iyo dhibaatooyinkeeda meel lagu gawraco. Arrintaasu waxay u baahan tahay Soomaali garasho iyo geesinnimo wax ku indho indheeya.
Qoraaga soojireenka ammaan iyo bogaagin ayuu mudan yahay.
Great Aricle, laakiin waxaan yaraha tilmaami lahaa Soomaalida oo dhan walaal Dab-shidka waa taqaanay, ilaa iyo hadana meelo badan baa wali laga isticmaalaa, laakiin wixii is-tumid ah, waa runtaa waa dhaqan reer Benadir u gaar ah, laakiin Dab-shidka Sanadka oo inta dabka la shido laga boodayo “SHuush Bax!…” waa caado qadiim ah Soomaaliyana adigoon waxba fogaysan waxay ka soo gashay walina si aad loogaga dhaqmaa dalka Yemen, runtiina ma aha dhaqan lagu faano, laakiin adigu waxaad doonto ku sheeg Waase dhaqan Soomaaliya oo dhan ka jira.
acw somalidu in ay taariikh fac weyn leedahay ,shaki kuma jiro, wax se dhibtu tahay in aan dad ka soomalidu aysan taariikhdooda aqoon, istunka iyo gudniinka fircooniga ah ,waa dhaqankii laga soo minguurshey fraacintii ,laakiin waxaa la is weydiinayaa ,seebuu ahaa xiriirkaas, waxaan ogsoonahay in aysan arintu ku ekeyn intaas kaliya eeay jiraan waxyaalo kale sida labiska dumarka garaarka iyo dhaaclaha sida uu ka dhawaajiyey nin horay uga hadlay, afka somaliga kalimaad badan oo ah afka masaaridii hore baa ku jira sida uu horey u sheegay DR . Sharif oo fartii fraaciinta aqoon u leh.
baaddiyaha waxaa ka buuxa taalo-tiiriyaad oo u eg sida ahraaamta , reer baaddiyuhu ku sheegaan ummadihii hore baa saas wax u xabaali jirey. Bari buuraha dhaadheer waxaa qof ku korey qandala ii sheegay in ay ku xardhanyihiin sawiro iyo qoraalo u eg kuwa uu ku arkay MASAR matxafkeeda,ma garanaayo inta ay runtahay marka ay dheheen gabadhii lagu magacaabi jirey AMAN in uu wajigeedu u egyahay (profile) kii xabkatshuud .Waa arin u baahan in sifiican loo baaro ,waana shey kamid ah taariikhda ummadda .DABSHIDKANA waa waa dhaqankii diiniga ahaa ee persians kaas kaliyana mahee waxyaale kalena waa jiraan.
Diinta islaamka waa nicmo Rabbi ugu deeqay ummadda somalida ,waana hadiyadda ugu weyn oo naga soo gaartey carabta uu ka hadlay ninka isku magacaabey Garyaqaan . laakiin waxaan ku sheegayaa in afka somaliga oo aan ku hadallo inta ugu badan ay carabi tahay, oo somalidu xataa ay ku hadasho kalimaad aad u tirobadan oo carabi ah ,maantana carabtu aysan ku hadlin, haddii qof dhaho carabiga ha laga saaro afka somaliga meel bannaan baaan soo istaageynaa , taasi tusaal bay u tahay dhaqanka iyo xiriika soo jireenka ah.Waxxad aad ugu khaldantay in aad tiraahdid diimuhu waa iskumid waana gaf weyn oo aan qof muslima ka dhicin , haddey kaa tahay aqoon darrana wax baro ceeb mahee, kana toobad keen dambi kasta Rabbi waa dhaafaaye , haddaadan rumeysneyn in islamku yahay diinta kali ah oo xaqa ah, waa arin kuu gaar ah laakiin waan in aad ixtiraamtaa dadka somalida ah oo aad la hadleysid. marka aan saas kuu la hadlayo waxaan ahay student of comparison religions oo waan ka dharagsanahay waxa diimaha kale ee caanka ah ay aaminsanyhiin
Haddii diin kale imaan lahayd Soomaaliya waa hubaal in diintaas sida midda Carabta loogu daadan lahaa maadaama diin aan loo dhalan ee lagu barbaariyo qofka intuu yar yahay. Taas shaki kuma jiro. Waanse ka hadli karnaa aragtideenna diineed annaga oo aan ciil cirka kula shareerin. Aqoon isweydaarsi ma xuma oo qofba aragti ayuu dhiibtaa. Anigu Muslim ma ihi, dhibna kuma jiro.
Haddii ereyada Carabiga ah laga saaro af Soomaaliga waxaa booskooda buuxinaya ereyo af Soomaali ah maadaama af Soomaaligu ka irir dheer yahay af Carabiga. Ereyada Carabiga ah waxay booska ay ku jiraan ka saareen ereyo Soomaali ah.
bismilaahi war waxaanoo kale hala doodina iimaanka laga qaadey oo gaalka ah ‘@garyaqaan kulahaa gar hadaad taqaan allah ayaad sidhaba oo gara diintiisa xaqa ah uqaadan lahayde naga tag meeli ku go,day wadnahaa cad iga go.ay somali waataa haloowdey ee gaaloraacyo kabuuxaan lamiskax gadiyey kuwaasaa dalka nala sheegan doona oo noosoo noqon doona hala tiro koobo reer walboow inta idinka gaaloowdey magacoda inoo keydiya wedankay kolla iman doonaan aan iska qabano yeey wadanka inoo ku dhuumanin kola aniga ilaa dhawr waan aqaanaa waana gudbiyeey aqbaartooda hadey wadankii tagaan il dheer ayaanan ku eegaa siiba fasaxyada bal hadey wadankii tagaan iyo inkale waana in lala wada socdo oo indhaha lagu hayo ineey usafraan wadankeena iyo inkale balaayo dood kugu darsatey oo soomali kula sheegatey waaa wareeey war hala liis gareeyo gaalada magaca somali sidata oo loo soo wado wadankeena yaana loo nixine gudbiya warkoda iyo ina ayahooda .
kix kix walaal qof xadaarad leh tuuboouinka musqulaha xaarka qaada ma qoto, 2 jir lakufsadayna waa u soo taagnaa xamar ,naag 9keedii dhamaaday 20 nin fuushay waan u soo taagnaa xadaarad masidaasaa anigoo aan cidna maagayn …gaalada aad aragteen way xishoodaan ,waxyaalaha qaar .laakiin soomaalida qaar maxishoodaan , makhajilaan,tuugada , beenta iyo faanka xadaarad bay moodaan ..dadka muqdisha jooga waxaan ku meteley gibsanka romaniya ka yimaada ee tuugada iyo indha,adayga kunool nabadey
Ku: Garyaqaan
Waaryaahee, war maxaad tahayna? aad baad u akhlaaq xuntahay, Diinta Islaamka Carab ma laha, ee adeer waa diin dadka oo dhan Alle u soo dejiyay, haddii aadan rumaysnayn inay diin tahayna ku ekow caqli xummadaada ee diinta meel ha uga dhicin, mase af-soomaaliga sida kaa ah, aad u akhlaaq xuntahay adiga iyo warkaaga soo daynayaba (Raxareeb), waryaa Anshaxa soo barta.
Anigu waan garan karaa waxaad sidaas ugu hadlayso wax kale ma aha ee waa calooshaadana waad u dheregtaa, caafimaadna Alle waa ku siiyay, caqlina wuxuu kaaga soo haray diinta inaad af-lagaadayso, iska cadayso hadii aad ka mid tahay kuwo badan ladhuudhmanaayay gaalnimo ayaa la sheegayay ee hadaad ka mid tahay cadayso, Yaa xayawaan, diintana Carab ma lahee soo baro, waa diinn Eebbe u soo dejiyay dunidoo dhan.
Raxanreeb fadlan ka xira dadka dembiga iyo fawaaxishta soo qoraya Bishan Barakaysan.
Haddii kale idinkana waxbaad ku yeelanaysaan dembiga.
Allaah Caza Wjalla ha dhaafo dunuubta addoomaha muslinka ah oo idil.
Aaamiin
soomaalidu waa dad jiran
ninkaan aragti bee keensadaye aragtida ka dooda adinkoo aan caadifad ama xanaaq la dhimanin
waxaasaa dalkii burburiyaye tartiib u dooda waranka hala boodin