Road-map ku ma sidaan baa? W/Q Ahmed abdi macallin


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Road-map ku ma sidaan baa?
Ahmed abdi macallin
tirokoob@gmail.com
Luulyo 29 2012

Dariiqa dowladnimo lagu gaarayo ee la soo qeexay ma ahan mid soomalia oo kaliye lagu qasbay iney maraan wadiiqadaas ee waa mid horey u soo jirtay waxaana lagu bilaabay dalka midowgii sofeetiga ee ruushka markii uu burburay  . Baarlamaanka ruushka waxaa lagu qasbay in dimuquraadiyada aaney taam aheyn ilaa la fasaxo xoriyadda diimaha. Waxaa arrinkaas looga jeeday in la fasaxo diimaha kale ee aan ruushka looga dhaqmin balse waxaa diiday baarlamaarlka dalkaasi ruushka  ee “Aqalka hoose DUMA” oo aqlibiyad badan ku diiday inaan waxaan aheyn sedex diimood ka badan lagu fidin Karin isla markaasna dastuurka dalkana uusan aqoonsaneyn wax ka baxsan sedexdaasi diin  sida  Muslim , Orthodox  ,iyo budhistaha oo dalka ruushka looga dhaqmo.

Madaxweynihii dalka ruusha Boris Yelsin oo arrintaa ka biyo diiday isla markaana la dhacsan siyaasada reer galbeedka iyo wadiiqadda  dimuquraayidadda lagu gaarayo ayaa ka  daadigi weyday diidmada ka timid  kuwii maryo calasta ahaay ee ay shuuciyadda dilootay , maxaa yeelay  waxey cod aqlibiyad ku diideeyn  Road-mapka lagu gaarayo Dimuquraadiyadda dalka ruushka ee uu boris yelsin hor kacayo. Defender’s Democracy.

Shuuciyiintii jidbeysneey waxay dib ugu celsheen xeerkii diimaha lagu fasaxayay xafiiska madaxweynaha boris yelsan balse mar labaad ayuu madaxweynaha isagana dib ugu soo celshay in la ansixiyo xeerka diimaha lagu ogolaanayo, kolkii lagu soo celshay baarlamaankii ayuu arrinkii cirka isku shareeray. shuuciyiinta oo qiireysan isla markaana xasuustii hogaamiyihii shuuciyadda Lenin iyo joseph starlin aan hilmaamin ayaa markale qiiro wadaniyad iyo waa lama taabtaan afka labdiis la yeeray oo MAYA  ku codeyay.

Wuxuuse arrinku is bedelay markuu madaxweyne Boris yelsin tab iyo xeelad kale la soo baxay kuna yiri “haddii aad xeerkan markale maya ugu codeysaan baarlamaanka waan kale dirayaa” qof welibana doorasha hor leh ayuu soo gelayaa , taasi waxay keentay cabsi laga qabo waayo waxaa lagu yaqaan baarlamaan amarka ka u hogaansami waayo waxa uu la kulmayo sida duqeyntii baarlamaanka 1992.

Nin weliba kusrsigiisa ayuu u baqay waayo waxaa hubaal ah in doorasho danbe uusan qof weliba ku soo bixidoono sidaas darteed waxaa la meel marsiiyay xeerkii xorriyadda diimaha.

Waxaa is weydiin mudan maxaa dhacay kolkii la ansixay Xeerka Diimaha ee dalka ruushka? subaxdii xeerkaas la ansixiyay duhurnimadiiba waxaa albaab kasta soo gaaray xayaysiinta iyo suuq geynta diin cusub oo aan horey loo aqoon dalka ruushka waa diinta ugu oradka badan ee albaab kasta taagan ee la yiraa “Jehovah witness “shan foraad iyo calaacal ayay durbadiiba dadka saboolka ah ee aan waxba heysan ku dhigtay.  xarumo fuudka laga siiyo dadka waayeelka ah iyo dadka saboolka ah ee aan waxba heysan ayaa xaafad weliba laga furay,waxaana durba soo baxay dad aaminsan Jehovah witness oo isbedel weyn ku dhacay oo berigii hore shuuciyadda ku adkaa balse daruufo dhaqaale iyo ogolaanshihii xeer beegta ay ogolaadeyn xeerka cusub ee baarlamaankaasi ay ku qasbeen iney ka tanaasulaan waxay hore u aaminsnayeen.

Hadaba is barbardhigida amuuraha maanta dalkeena  ka jira oo ay ugu horeyso  mashaakilaadka dastuurka “ constitutional crisis” iyo dariiqii uu qaaday madaxweynihii dalkaasi ruushka ee Boris yelsin waxaan dhihi karnaa wax badan bay isaga mid yihiin.

Sida baarlamaanka ruushka oo la duqeyay misna lagu dilay 500 oo xildhibaan halka baarlamaanka soomliya 500 xildhibaan howshii loo igmaday laga cuuryaamiyay dabeedna hawadda lagu daray, balse waxaa isweydiin muday Maxaa sabab u ahaay duqeyntii baarlaamka ruushka? Maxeyse isaga mid yihiin xildhibaanada soomaliyeed ee laga taqalusay ee iyaga oo aan sharci lagu kala diro jir.

waxaa sabab u ahayd inaanan xildhibaan mabaadii shuuciyad xambaarsan laga dhaadhicin Karin road-mapka dimuqoradiyad lagu gaari karo sidaa darteed waxay sababtay in ragaas laga duqeyo baarlamaanka lagana dilo 500 oo xildhibaan , arrinkaas waxaa la mid ah xildhibaanidii la marsiin waayay mooshinkii badda ee ay Kenya ku dooneysay iney ku boobto dhul badeed waxaa maalin cad hortooda lagu dhisay dastuur ku meel gaar ah oo qiyaano iyo xaq-duudsiin ummadda lagu soo asteeyay, laguna qasbayo iney afka ka xirtaan  ama ay noqdaan spoilers qaswadayaal la maxkamadeyn doona hadii aysan amarka u hogaansamin.

 Allahayoow na taageer aday taada noqotaaye
Tuugadan dadkii waashay ee noona tudhahaynin
Ee taajirnimo gaadhay ee lacagta loo toobsho
Iyo tuhun kan beenta ah ee dadkii wada tabaaleeyey

Inkastoo soomalidu ummad fac weyn ay yihiin oo aan dhaqankeeda lagu dhex milmi Karin balse waayadan danbe waxbaa iska bedelmay oo waxaa soo baxay rag iyo dumar la soo shir tagey waxaan ummadda soomaliyeed  aan hore u arag .Dhulkeyga waa la igu qabsan karaa.. Soomalinimada sidii hore ma ahan oo waa  loo siman yahay Dhulkeyga soohdin iyo xuduud midna ma laha “Nomansland” dadku miyaysan wax garneyn mise anniga ayaan wakhtiga la socon sidii Axzaabul kaaf.

Waxaase la yaab leh hogaanka maanta jira oo ku dhiciwaayay iney yiraahdaan Soomaali baan ahay halkaasna waa deganahay, isla markaana xuquudda ummadda soomaliyeed ku cadeyn waayay dastuurka cusub maxaa laga sugaa oo ay ummadda u hayaan?

Allahayoow na tageer aday taada noqotaaye
Allaw dawlad tabantaabo lootamaro xoog wayn leh
Ooy nabadu taam noo tahayoon cidina tuuraynin
Oo tacliinta loo beratamooy teedsan tahay diintu
Dhallinyaro tamuuxaa ka badan oon tirona koobaynin
Oo tababar loo furay aduun waa is takuliye
Iyo waxaan tabaynaa aduun taynu ku lahayn e
Gabdho tamashle fiidkii ku mara toobiyaha suuqa
Odayaal tiraabtiyo murtida talada noo raacsha
Iyo waxaanu kaa tuugaynaa tuul nimcoo badane
Allahayoow na tageer aday taada noqotaaye

Waxaanse ku kalsoonahay in bulshada soomaliyeed weli laga dhex heli karo rag iyo dumar u dhigma halgamayaashii lagu yiqiinay soomalinimadda ee u soo halgamay dalkaan , laguna yaqiinay dhaqanka suuban  kuna faro adeygi jiray karaamadda iyo sumcada ummadda soomaliyeed , waxaa intaa u sii dheer oo hubaal ah in bulshadda soomaaliyeed gebi ahaanteed ka dheregsan tahay gefka ay ku dhaceen dhagar qabayaasha na hor boodayo. Waxaa kale oo hubaal ah in 825 qof ee la isugu keenay iskool blisiya inaneyn ka wadda aradneyn kana faro marneyn dhaqanka suuban ee ay ummaddu ku caan baxday. Waxaan odayaasha maanta u fadhiiya arrinkaas laga sugayaa talaabo geesinimo leh ay ku talaabsadaan, si fiican u fahmaan qodob kasta oo dastuurka ka mid ah inta aysan HAA iyo MAYA midna oran maxaa yeelay waa maalin taariikhda ummadda wax ka badaleyso haa iyo maya mid key yiraahdaanba, taariikhdana laguma sheegin meel ay odeyaal soomaaliyeed tallo xumo isku raaceyn. Ayaga ayaana maanta laga dhawrayaa talaabo taariikh ah iney ummadan tabaaleysay ee lagu tacadiyay iney codkooda ku difaacaan.  

Ahmed abdi macallin

tirokoob@gmail.com

========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags: ,

5 Responses for “Road-map ku ma sidaan baa? W/Q Ahmed abdi macallin”

  1. [...] Follow this link: Road-map ku ma sidaan baa? W/Q Ahmed abdi macallin [...]

  2. dibusocod says:

    micnaha rood-mapka sharaxaad kooban
    1- hal xaas kabadan maya sharfiifka kasoo bilaaaba 3 ayuu qabaa micnaha kalana waa in la helaa rag somaliya oo is qaba waana meesha ay kabilaabato khaniisnimadu

    2- xoriyada diimaha, waa qodob daba socda somalida 100% muslim suni ma gadmayso waa in diinta islaamka ugu yaraataa waxa somalidu aaminsan tahay taasna ra’isul wasaare cabdi weli iyo sharif xassan ayaa kulankii talyaaniga ka dhacay lagu soo faray sacab ayayna la istaageen sida ay ula dhacsan yihiin labadoodaana larabaa inay kala qaataan 2 diimood oo islaamka aan ahayn.
    3 xuduudaha waa iska cadahay ninkii aad rabtid waxaad ka haysatid inuu kuu daayo wax kaloo uu haystaa lagu qabsadaa si uu wixii hore ood aad ka haysatey kuugu daayo waana damaca kenya iyo itoobiya dhul somaliya haysta si aan looga hadlina jubooyinka iyo gedo iyo dhul badeedka xeebah somaliya nagu haysta
    4 gabdhaha yaan lagudin waa sinadu ha faafto naag kastana marka sxb ay laseexato beri marka uu yiraaho ninkaagu sowdigii gabarnimada igu soo galay haku jawaabto sunaan u gudnahay waa uun sinadu ha faafto.
    5 18 jir kayar gabdhaha yaan laguursan waa 15 jir boy friend haku yeelato iyadoo cunug sxb ka dhay wata ha guursado asagoo banaanka cunug kaga soo dhalay

    qodobadaas iyo kuwa kalaba si baraatig ah ayaan u aragnaa maalin walba hadaan nahay dibad jooga waa uun intaas wax rod-mapka lagu sheegaa ee somaliyeed ama diid ama yeel inta 6 da sixrani idin hor joogaaan wey idinku socotaa

  3. real maakhiri says:

    Dastuurka wixii ka khaldan halaga badalo sida ” dhulkayga gorgortan baan galinaya.” Lakiin halawada tuuro maha talo caafimaad qabta sababta oo ah waxbadan oo fiican baa ku jira.

  4. daljire says:

    war aniga waxa iga yabiyay waxa weye, qofka soomaaligaa suu qof fican u yahay mar alaale markuu madax noqdo ayaad arkaysaa wax sumaysan oo aan kaad taqaanayba ahayn ,oo daba dhilifa wixii loo soo sheegana aan hadal galinayne dadka iyo dalka ku baa bi inaya ,anigu marka markaan fakaray waxaan is iri ‘walahay’ nimankan sir ayaa laga hayaa waliba mid xun ayaa laga hayaaa…
    Wayo markaliya ayay maya oran lahaaayeen hadan wax si ka ahayn.

  5. sshra shamow says:

    SHARCIYADA ADUUNYADA LOOGA DHAQMO INAAN YEELANO WAAN KU FARAXSANAHAY KUWA DIIDANA DIIDMOSOOMAALI BAY UYIHIIN SARCIGII SOMAALI LOOGA DHAQMI JIRAY WAA ARAGNAY WUXUU DHALAY OO AH KALA TAG ISMAQLID LA AAN QABIIL OO SIDII ILAAHAY LOO GAABUDO

Leave a Reply