Saddex garaad-laawe iyo hooyo gaajeysan. W/Q Axmed Takar
Saddex garaad-laawe iyo hooyo gaajeysan
Ahmed A. Takar
takar77@hotmail.com
Almelo,Netherlands
Luulyo 03 2012
Aqristayaasha sharafta leh Maanta waxaan idiin soo gudbinayaa qiso dhab ah marka dhan laga fiiriyo ,misana duur-xulida oo dadban marka dhan kale laga fiiriyo ,taasoo ka turjumeysa waaqica dhabtaa ee soomaaliya, waxba yaanan idinku badin horu-dhaca ee aan idiin kala baxo idinka iyo sheekada.
Goobtu waa bartamaha magaalada MUQDISHO ee caasimada somaliyed ,goortuna waa subax jimce ah oo ku beegan bishii janaaayo ee sanadkan 2012 waqtigaas oo sida lawada xasuusto ahaa waqtigii abaarta iyo macaluusha badani ka jirtay soomaaliya hadaba qisadan ayaa waqtigaasi waxay dhex-maray HOOYO soomaliyeed oo dhowr iyo konton jir ah oo ka mid ah dadka usoo barakacay MUQDISHO taasoo ay ka muuqato macaluul iyo tabar-daro iyo SADDEX garaad-laawe oo xoogag waaweyn oo xaaraanta , xatooyada iyo xumaantaba meel sare ka gaarey .
Saddexdaan arxan-laawe oo si weyn saaxiibo u ahaa ayaa isugu yimid afaafka hore ee guri dadkii lahaa ka qaxeen oo dhinac ka bur-bursan oo ku yala xaafad ka mid ah xaafadaha caasimada muqdisho, is bariidin kadib ,haddii lawada fariistay oo nin waliba ka sheekeeyey mishinkii amase fal-dambiyeedkii uu xalay soo fulieyey , iyadoo mid waliba kan kale ugu faanayo inuu isagu kaga dheereeyo ugana faro-dhuuban yahay sida wax loo dhaco ,wax loo dilo amase wax leysu daba-mariyo ,ama wax loo fara-xumeeyo.
Iyadoo xaalkoodu halkaas marayo ayaa waxaa kusoo baxday hooyo waayeela oo diif iyo darxumo badani ka muuqato ayna usii dheer tahay gaajo oo socodkuba dhib ku yahay markey aragtay raggaan meesha fadhiya ayey kusoo leexatay iyadoo quud-darayneysa iney gargaar iyo garab ka hesho waxayna ku biloowday hadalkeeda oo si nuxuus uga soo baxayey:”wiilasheydiyoow wax ii dhiiba in ilaahey wax idiin dhiibo”
Saddexdii arxan-laawe oo gacmahoodu aanay u baran iney dad wax taraan iney dilaan mooyaane , dhagahooduna aanay maqal wax dhiibid ,waxay dhacaan mooyaane , indhahooduna aanay arag wax la dhiso ,iney dumiyaan mooyaane.
Cabbaar haddii leys fiir-fiiriyey ayey qaateen go,aan aad u fool-xun oo hooyada dhibaateysan aysan kaba filan, go,aankaas oo daba socda doodii iyo faankii dhexdooda ahaa inteysan kusoo bixin hooyadan (quraacda raadineysay ee iyada lafaheeda lagu qadeeyay ) waxay isku raaceen saddexdii mujrim iney duqda ku kala baxaan oo nin waliba soo bandhigo burhaantiisa iyo belaayada uu kan kale dheer yahay iyadoo halka tijaabada (show-ga) ay ku sameynayaana uu yahay hooyo waayeela oo duruuf iyo daniba ay biday in subaxaan saaka ah saddexdan garaad-laawe ee ay arxanka iyo ehelnimada soo biday.
Garaad-laawe kowaad: ayaa soo istaagey una soo dhaqaaqay dhankii duqda isagoo gownaxyada buuraya kuna leh saaxiibadiis : bal fiirsada waxaan dhigo, hooyadii waayeelka aheyd oon dareenba qabin ayuu ku bilaabay feer iyo haraati markii gacmihii daleen ayuu hadana inta bur u qaatay dhulka la dhigay . oo inta saaxiibadiis dib ugu noqday ku yiri haye , maxaad aragteen , mase idiku jiraa nin sideyda oo kale ah
Garaad-laawe 2 :ayaa isna markiisa soo joogsaday isagoo raba inuu show-ga halkiisa kasii wado iskana bareejeeyo arxan-laawii ka horeeyay, wuxuu isa soo dul-taagey duqdii oo natu kasii baxeyo afka iyo sankana dhiig ka socdo markaasi ayuu inta dhar dhigtay bilaabay inuu fara-xumeeyo amase kufsado, isagoo leh saaxiibayaal maxaad aniga iga taqaanaan ,bal saan yeelay ka warama
Garaad-laawe 3: oo doorkiisii la gaaray ayaa soo dul istaagay duqdii waayeelka ahey oo mar hore naftu ka baxday , intuu si aad ah u qoslay ayuu yiri labadiinaba waxba meydaan sameyn aniga qof ila mid ahi adduunka maba jiro ,xagga xagga damiir xumada iyo dadnimo xumadaba .. bal ka warama qoftaan aad sidaan horteyda ku yeesheen ma og tihiin iney hooyadii i dhashay tahy… THE END
Waxaa laga yaabaa in qaar badan oo naga mid ah uu goob-joog u ahaa amase uu maqlay qisooyin badan oo tan la mid ah oo ka dhacay soomaaliya dhowr iyo labaatankii sano ee lasoo dhaafay
Fasiraada qisadan:
Haddaan fasiraad dheeri ah ka bixiyo hooyada dhowr iyo konton jirta ah ee diifta iyo gaajadu heyso waxaa laga wadaa ciidda iyo calanka soomaaliyeed, arxan-laawayaasha amase saddexda garaad-laawena waxaa loola jeedaa hogaamiyaasha iyo siyaasiyiinta isku heysta madax-nimada soomaaliya muddo 21 sano ka badan, iyadoo waxa meesha yaal ay yihiin dad baaba,ay iyo dal bur-buray.
Ugu dambeyn aqristayaasha sharafta leh ayaan u deynayaa iney u kala magacaabaan siyaasiyiinta iyo musharaxiinta iyo hogaamiye diimeedyada amase hogaamiye kooxeedyada Soomaaliyeed doorka ku haboon ee mid waliba ka jilayo qisadaan gaaban …hadaan si kale u iraahdo keebaa no.1 ah keebaase 2 ah amase 3 ah ?
Ahmed A.Takar
takar77@hotmail.com
Almelo,netherlands
==============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM













Very good article. Marka kale oo aad qiso midaan lamida aad soqorto waxad kudartaa sadaxda maan laawayaal. Kuwa Ayana damiirka lahayn oo kuwaas maan laawayaaeha ah dhiig & maalba kutaageeray oo Ayana damiir laawayaaeha ah…
Faroole no.1
Sakiin. no. 2
Afguduud no. 3
mansha allah adeer ahmed adam takar runtii isha ayaad ka tuurtay runtii waana qiso dhab ah oo ka hadlaysa waa qicca iyo arinta dhabta ah ee ka jirta wadankena.. illah hakju sharfo adeer and thanks wacyi galintaaada iyo dareensiintaada..
Garaad-laawe 1 = Ahmed A.Takar
Garaad-laawe 2 = Ahmed A.Takar
Garaad-laawe 3 = Ahmed A.Takar
Why ? Waxaa dhaqan xumo ah ama xaaraan ah in aad shaqsi walaalkaa ah u gaftid .
Ahmed A.Takar ha moodin in aan kuu gafayo ee waa iga waano. U R Welcome.
asc wr wb salaan kabacdi waa sheeko cajiib ah , laakiin dhab ahaan ayay xamar iyo konfurba uga dhacday walina usocotaa sababtoo ah xumaanta iskama qabtaan umadii la dagneed waa hore ayay dubteen oo wax la dilay iyo wax la dhacay laga dhigay ka bacdina ayagaa isbaaro isku dhigtay, kabacdina caruurtoodii iyo maatadoodii bay qaxiyeen oo hoobiye iyo bambo dhex dhigeen. cuqubo ay gacmahooda ku keen sadeen baa heesada yaa rabi towba dhaha
takaroow, xamar waxaas iyo wax ka xun baa lagu dhex sameeyey, ee meelaha khayrku ka scodo nooga sheekee, thnks
Ma fahmin waxa qoraaga ku kalifey inuu muqdisho dhacdadan u nisbeeyo ayadoo ay jiraan meelo ka xun-xun ay siyaabo taas ka liitawax uga dhacaan hase ahaatee aanba lasoo hadal qaadin sidii waddanka oo dhanba ay muqdisho kaliya uun xumaan iyo tacadiba ka dhacaan. Mase waa wixii xunba Xaawaa leh.(Xamaroow xaal qaado)
Ku:Takar.
Walaal waxaan u malayniyaa qofka marka uu wax qorayo inuusan caadhifaddiisa erayo ka dhigan, dalka lagaa jecel oo dad baaba naftoodii u waayay, laakiin waxa aad soo qortay waa edeb darro meel ka dhac ku ah dhaqanka iyo adaabta laga rabo habka qoraalka, waxa aad soo qortay morally ma aha wax dadka Soomaaliyeed loo nisbeeyo.
Raxanreeb, eedda ha ka cararin, khaladka qaybtiinaad ku leedihiin, ee waxaan idinkula talin lahaa samaysta qof Editor ah oo wax kala garanaya, waan idin arkaa wax badan baa idinka khaldan, sidee baad qoraal noocaan ah inoogu shaaciseen, waa iga talo waadse diidi kartaan, Editor wax yaqaan samaysta information waad heshaan laakiin samaysta Editor.
Takar waxaan leeyahay walaal waayo aragnimo la’aan qoto dheer baa kaa muuqata ee wax badan aqri, hana inoo gefin oo mujtamac dhan baa nahay ee sidaas ha inoogu fogaan, waxaana kuu sheegayaa waxa dhacay qoraaladaada badankood waxaa ka muuqda xanaaq ama laab la kac, ama qof necbaysi ama jelaysi, dee waynu is wada naqaan oo nin kasta oo wax qora waa la urin meeshuu u socdana waa la malayn.
kkkkkk Waa sheeko laga qaadan karo darsi dhab ah. Soomaaliya oo baaba ah waa HOOYO
Saddexda kalena aan tilmaamee fiiri.
- Soomalida barxan ee loo yaqaan ‘Dayuus-baro’ ama ‘diaspora’ ama ragga dibadaha kaga yimid ee shisheeyuhu soo maal geliyay si ay hilibka walaalahood oo ku dhibaateysnaa soomaaliya maanta u siiyaan shesheeye…waxa ay ku faanaan ingiriiska ayaa i wata, ama mayeykan ama Kanada iwm oo mutacallim baan ahay … Kuwaa waxa ka mida.. 1- Ali Geedi – Farmaajo – 2- Cabdirashiid Sharma-arke – Gaas – Yariisow – iwm.. AAWAY MUWAADINIINTII U SOO RAFAADAY DALKA 22 SANO. Waa laga tegey.
2- Doqonka A.Faroole iyo Axnaqyada labada Shariif Sheydaan oo iyagana hadda ku faana in ay dalka burburiyaan Puntland mooyee Halka Shariif ay Muqdisho iyo Puntland isku mid u yihiin oo uusan dhowran kursigiisa mooyee. Dal iyo dad waxba uma hayaan kuwaa.
3- Odayaasha dhaqanka oo intaaba garan waayay oo yiri….anigaa idinka waxa fiican sababta ooo ah waxa saa loogalaayo waa dadkeygii iyo dalkeygii oo aan HADANA RAALI KU AHAY kkkk kkkk kk
kkkkkkkkkk
Noolow TAKAR….
Kan labaad
All this guys wxe kala yihiin shekh sharif o ah midki dhehay midan aa san yeshen wa ani hooyadeyda halka labda kale e kal yihiin sharif hassan o wx ka day wadanka odayga gobalka banadir maxamed amed nuur tarsan o dilka wadanka iyo dhaca iyo boobka ka geysto
afkaaada caaaano lagu qabay, waxad kahashay wax ad iyo ad oga taaagan dalka soomalia, waana wax had iyo jeer soo noq noqda, qisadaaan,
shariif sakiin
tarsan
faroole