Saddexda Masuul ee Ugu Sareysa DKMG Soomaaliya oo Looga Yeeray Nairobi Iyo Saraakiil Mareykan ah oo Ku Sugaya (Xog Hordhac ah)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Madaxda DKMG Soomaaliya ayaa saacadaha soo socda u dhoofi doona magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya kadib markii ay farriin uga timid safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairobi, sida Raxanreeb ay ka heshay ilo wareed ku dhow Villa Soomaaliya oo aan rabin in la magacaabo.

Madaxweyne Shariif, Raysul wasaare C/weli Gaas iyo Sharif Xasan ayaa si wadajir ah Arbaca berito looha yeeray safaaradda Mareykanka ee ku taalla Nairobi, halkaasoo sida warar hiordhac ah ay sheegayaan ay kula kulmi doonaan xoghayaha arimaha dibadda Mareykanka Hillary Clinton iyo xubno la socda oo galabta soo gaaray Nairobi.

Qabanqaabada safarka saddexda masuul ayaa caawa laga dareemayaa Villa Soomaaliya sida ay sheegayaan wararka ugu dambeeya ee Raxanreeb soo gaaraya.

Maxaa laga hadli doonaa?

Su’aalo fara badan ayay bilaabeen inay durba madaxda isweydiiyaan kadib markii saaka la soo gaarsiiyey saddexda masuul martiqaadka safaaradda Mareykanka laguna wargeliyey in Hillary Clinton ay la kulmi doonaan.

Illaa hadda si dhab ah looma oga waxyaabaha lagala hadli doono saddexda sarkaal ee ugu sareysa DKMG ah, sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyada xogtan na siiyey oo ku dhow Villa Soomaaliya.  Hase yeeshee waxaa martiqaadka uu yimid xilli dawladaha Mareykanka iyo Ingiriiska ay isku aragti ka noqdeen warbixintii eedeynta musuqmaasuqa ee ay dhowaanta shaaciyeen guddiga madaxa bannaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan lasocodka cunaqabateynta hubka ‘Monitoring Group’ kuwaasoo shaaca kaqaaday warbixin ka kooban 198 bog oo banaanka keentay malaayiin doolar oo deeq ahaan loo siiyey dawlada oo ku maqan gacmaha madaxda sare.

Sarkaal ku sugan Villa Soomaaliya ayaa Raxanreebu sheegay inuu jiro shaki iyo walaac madaxdu ka qabaan in lagu wargeliyo inaysan doorashada soo socota isku soo sharioxi karin marba haddii eedeymo musuqmaasuq loo heysto, laakiin weli taasi waa tuhun ka jira Villa Soomaaliya.

Dawlada Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa dhowaan si buuxda u taageeray warbixinta kooxda Monitoring Group oo ay ku tilnmaameen mid faahfaahsan oo si xog ka buuxdo loo diyaariyey, waxayna cadeeyeen in loo baahan yahay in baaritaan buua lagu sameeyo waxyaabaha ky jira warbixinta.  Go’aan kaasi aan ka fogeyn waxaa qaatay xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee UNPOS.

Waxaa xusid mudan in xubnaha kooxda Monitoring Group oo ka kooban sagaal nin ay yihiin rag u kala dhashay Wadamada Canada, Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo xubno Afrikaan iyo Carab ah, iyadoo xubnaha ka soo jeeda wadamada reer galbeedka ay bilaabeen in dawladahooda ay culeys ku saaraan sidii warbixinta loo taageeri lahaa.

Waxyaabahan oo dhan waxay dhacayaan iyadoo in ka yar 20 maalmood oo kaliya ay ka harsan tahay doorashada madaxweynaha dalka oo loo ballansan yahay inay dhacdo 20-ka Agoosto taasoo ololaheeda ay ugu horeeyaan madaxda hadda ee dawlada ee kala ah Shariif Axmed, C/weli Gaas iyo Shariif Xasan.

Isu ekaanshaha waqtiga

Dhacdooyinkan markaad si fiican ugu fiirsato waxay u eg yihiin sidii ay ku dhamaatay dawladii Marxuum C/laahi Yuusuf ee reer galbeedka iyo wadamada deriska aadka u taageereen hase yeeshee markii dambe ay iyaga laftooda madaxweynihii xilligaasi Marxuum C/laahi Yuusuf Axmed ay ku amreen inuu xilka iskaga dego bishii Disembar sanadkii 2008.

Dad badan oo siyaasadda ka faalooda ayaa hadalhaya in ugu yaraan wadamada horbooda siyaasadda Soomaaliya oo ay ugu horeeyaan Mareykanka iyo xulufadiisa ay markan madaxda DKMG Soomaaliya sidii 2008 amar kale duldhigi doonaan.

Wixii ku soo kordha safarka madaxda Soomaaliya ee Nairobi, kala soco Raxanreeb.com.

 

RBC Radio
Muqdisho

Share

Tags:

22 Responses for “Saddexda Masuul ee Ugu Sareysa DKMG Soomaaliya oo Looga Yeeray Nairobi Iyo Saraakiil Mareykan ah oo Ku Sugaya (Xog Hordhac ah)”

  1. adem says:

    i love that, but i really hope those guys will be tried and punished….

  2. DAACAD says:

    NIN ABEESO KPORIYOOW ADIGAA U AYAA…. DADKII GAALO QURUNLEY KA DABA ORODAY IDINKAA U AAYAA…. DHALINYARADA ISKA RAACA INTA GOORI GOOR TAHAY… HADDII KALE XABSIGA AYAA IDINLA DHIGAYAA… IDINKAA MARYKAN IYO EYDIISA LA IDINKA REEBI WAAYEEEE…

  3. viva MAREYKANKA IYO REER GALBEEDKA maalin walba kii ay DOONAYAAN noo soo magacaaba,, ileyn anagaa SHARAFTII DALKA QABIIL KU BADALANAYEE IYO MAXAAN CUNAA!! tan kale HA NAGA TAGAAN GROUPKAAN, koley mareykana qof SOMALINIMO ku jirto inoo KEENI MAAYO, ee ilaahey hanoo sahlo,,,,, KA WARAMA hadii aan tijaabino HIIL QARAN??

  4. somalijecel says:

    ACWW:Maraykan haday kala cayriyaan xarigna ugu daraan 3 nin waxaa ay kasban doonaan taageerada shacabka somaliyed.
    Ninkastaa waa la og yahay waxa uu yahay iyo sida uu wax u wado marka 3 nin iyo intii lagu sheegay xatooyo hana dhaafan new faces ayaa loo baahan yahay

  5. Nabadoon says:

    Aniga waxaan filayaa in sicad loogu sheegi doono labda shariif in aysan isa soo sharrixi karin, waanse arki doonnaa

  6. Jama says:

    I support the U.S. for taking this step, and I HOPE these 3 corrupted politicians are told not to run for office again. Somali people had enough of these kinds of people and want to rebuild their country. enough is enough, two SHARIFs and GAAS have to go. WE NEED NEW FACES, HONES’ PEOPLE.

    VIVA U.S.A.

  7. cadaani says:

    ANIGU WAXAAN KASHEGABA WAAN LA,AHAY MAXAAYEELAY WAALABA DARAN MID DOORO MIDIWAA GUMAYSIGA CAD EE WADANKU KUJIRO MIDNA WAA RAGAAN WAXAY YIHIIN UMADU KADHARAGSANTAHAY HABA LACAYRIYEE ARMAY NOOKEENAAN KUWO KAKHAYR DARAN OO LAGA ASHAHAATO ,ANIGA WAXAY ILATAHAY INAAN LAGU KALSOONAAAN GAALADAAN GUMAYSTAHAA OO WAX WALBOOY KEENAAN SHAKI LAGUSOO DHAWEEYAA

  8. Nimankaas dalka qaranka laguma aaminkaree faroole ha ka dabo tago oo ha soo dhageysto waxa lagu leeyahay kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  9. Mursalow says:

    MA la isaga yeeranayaa markii loo baahdo!! farmaajo idinka dad nimo badnaa suu maya ayuu oran jiraye!!

  10. Puntland boy says:

    Hala xiro 2 shariif, Kan baarla maanka isaga yaanba nala ku soo celin , Waa qabaa ina Sedexdoodaba 2 shariif & Gaas aaney mardanbe nagu soonoqon .4 Sano aan ku tijaabino Samatar waxaan qabaa wax badan buu sixi lahaa Halmidbaa se I dhibeysa Car arka isagoo dhahaya asalaamu calaykum Waxuu yiraahdaa Waxaan kugu salaamay salaanta Islamka, Ilaahow Umadeyda bad baadi & Dalkeyga 20 sano Qofkii larabo la iska dilayo, Marxuumkaas maanta lagu dilay Xamar isagana alaha unaxariisto. Bal maxaa lagu dilay ?

  11. Sama_Kataliye says:

    War seddexda qowlaysato ilahay sida ay noo dulmiyeen how dulmiyee (amiin) xaqiina allah ka soo saaree, waxaan ka baqayaa aabo maraykan iyo eedo Hillary in ay gacanta seddexdaan mooryaan dharbaaxo yar uga dhiftaan oo aanay waxweyn ku sameeynin nimankaan.

    War yaakhey Soomaaliyeey aan fahano cid dowlad noo dhisi majirto ilaa nafteena aan u dhisano dowlad mooyee. Cidna marabto in filimkaan dhamaado xitaa maraykanka…….marka, dadka farax sannow isqaboojiya, dowlad aanan gacanteena ku dhisan ku caano maalimaynee.

  12. kareem says:

    i love usa

  13. B Jameeco says:

    Kuwaan hana dhaafaan waxaan ka bixiwaynay dagaal iyo dhibaatooyin faarabadan , waxanse rajaynayna in ay noo yimaadaan kuwo xal noo keena oo yaqaan qaab dadkoo dhan ay ku heshiiyaan oo dagaalkuna u joogsado lana walaaloobo. Waxxaan rajaynaynaa inay noo yimadaan kuuwo caqli iyo garasho u leh sidii nabad lagu helilahaa dagaalkana uu u joogsanlahaa kuwa shacabka qaarijinta ku haya ay u qabtaan koley waa kuwo dibadda laga soo dirsaday

  14. M Isse says:

    walee soomali ma dhowa inay wax garato iskaba daayee, maxaa ka duli badam in dal dhan la iska maamusho iyo dadkiisa , oohaween uraysa iyadaba bolol ah ay meeeshey doonto ugu yeerato , yaa nabaday war horta yaa sababa??? ;;

  15. qoslaaye says:

    Aun marxuun cabdulaahi maalin cad yaa diyaarad laga saaray baydhabo markaa labada shariifna doon halaga saaro Nairobi kkkkkkk

  16. khadija says:

    waan jeclaan lahaa iney ku dhacdo tii ku dhacadey c/llahi yuusuf iyagu waxay sii dheer yihiin tuugaaleysi musuqmaasuq dhac xoolo dad weyne horeyna wey ugu sheegtey markii Ingiriiska la joogey ineysan soo noqon karin hadana fagfagtooda ayaa la arkaa sidaa ayaa loogu yeerey in la yiraahdo madaxtooyada ha is jecleysiina ee iska baxa, mid kalaa imaane oo xaasas keensan.

  17. NINA says:

    shacabka soomaaliyeed waa in uu isku kalsoonaado inuu isagu awooda doorashada hogaamiyayaashiisa leeyahay oo aan USA iyo cid kale toona badbaadin karin miyaan soomaalidu arkayn xataa sida carabtu isaga tuurtay kuwii daalimiinta ahaa ee xukumi jiray soomaalidu waa in ay dalkeeda aayihiisa ka tashataa waayo cid kale uma maqna taasi waa muhiim

  18. ilyaas says:

    tuugtaan hadii la bursho…tuug kale oo gaajoonanaya oo jeebkiisu maran yahay ayaa imaanaaya….arooy maa iska haysataan tuugtaan xaaraanta ka dheregtay,,,,,,,,,,,,,,,,

Leave a Reply