Safiirka Britain Oo Gacanta U Galiyay Labada Ciyaartooy Ee Soomaaliya U Matalaya Olombikada Adduunka Fiisihii Ay Ku Tagi Lahaayeen London


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Danjiraha dowladda Britan u qaabilsan Soomaaliya Matt Bough oo maanta booqasho ku yimid Mudisho, ayaa waxa uu kullan la qaatay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Wali Cali Gaas, iyo ciyaartooyda Soomaaliya u mataleysa tartamada Olombikada aduunka.

Shir jaraa’id oo danjiraha iyo ra’iisal wasaaraha u qabteen saxaafadda, ayuu Matt Bough kaga hadlay arrimaha uu u yimid Muqdisho, waxana uu sheegay in Muqdisho maanta u yimid siddii uu fiisaha ama dalka ku galka UK uu ugu wareejin lahaan labadda ciyaartoy ee Soomaaliya uga qeybgaleysa ciyaaraha Olombikada aduunka oo 27-ka bishan ka furmaya magaalada London.

Mr. Bough ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay, in uu la kulmo ciyaartooyda Soomaaliya uga qeybgaleysa tartamada Olombikada aduunka oo sannadkan 2012-ka ka dhacaya magaalada London ee dalka Britain.

Wuxu sheegay ciyaaraha ciyaaraha adduunka ee sannadkan in ay ka qeybgalayaa ilaa dhowr kun oo ciyaartooy oo ka kala socda aduunka oo dhan, oo ay ka mid tahay Soomaaliya. waxana uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in Soomaaliya 20-sanno kaddib lagu arko ciyaaraha aduunka.

Intaa kaddib waxaa saxaafadda la hadlay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdi Wali Cali Gaas, waxana uu sheegay in uusan dareenkiisa soo koobi karin, maadama markii ugu horreysay ee Soomaaliya muddo 21-sanno Soomaaliya ay ka qeygaleyso Ciyaaraha caalamiga.

“Dareenkayga maanta lama soo koobi karo, waayo ciyaartooy da’yer oo aan helin dhaqaale ayaa ka qeybgalaya tartamada adduunka , waxa aan u rajeyneynaa Zamzam iyo Maxamed guul ay u soo hoyaan Soomaaliya oo dhan”

Waa markii ugu horreysay oo muddo labaatan sano ah magaalada Muqdisho dal ku galka Britain lagu siiyo Ciyaartooy Soomaaliya u mataleysa tartamada caalamiga.

Intaa kadidb waxa uu sheegay ra’iisal wasaaraha in dib loo soo celin doono ciyaarihii gobalada Soomaaliya, si loo xoojiyo ciyaaraha dalka, waxana kulankaas looga hadlay kullankii golaha wasiirada ee shaley.

Ugu dambeyn waxa ka hadlay kulanka labada ciyaartooy ee Soomaaliya u mataleysa ciyaarha Tartamada Olombikada adduunka, kuwaas oo kala ah Maxamed Xasan Maxamed iyo Zamzam Maxamed Faarax, waxana ay guulo u soo hoyi doonaan Soomaaliya.

Share

Tags:

4 Responses for “Safiirka Britain Oo Gacanta U Galiyay Labada Ciyaartooy Ee Soomaaliya U Matalaya Olombikada Adduunka Fiisihii Ay Ku Tagi Lahaayeen London”

  1. [...] View article: Safiirka Britain Oo Gacanta U Galiyay Labada Ciyaartooy Ee Soomaaliya U Matalaya Olombikada Adduunka… [...]

  2. FARATELO says:

    ASCaleykum, Guulbaan idiin rajeynayaa lakiin dalkiina kusoo laabta oo magaca Somaliyeed oo horay aduunku indhaha ku hayey hasii bahdilina oo ha’is dhiibinina ee calanka boorka ka jafa wadankiina hooyo dib ugu laabta hawshana halkaas kasii wada. Midda kale safiirkaan Ingiriiska ayaa wuxuu laba fiise = dal kugal diyaard uga soo raacey Ken-Nayrobi waa wax lala yaabo Xalane muu ka furto Guri uu fiisooyinka ku bixiyo Xalane waa meesha kaliya oo an loo ogolayn cid Somali sinji ku leh. ILLaahow dal nabada iyo dad caafimaad qaba sc.

  3. prof Piccolo says:

    webka fura comments ee hacaburin dadka ee u fasaxa fikirkooda daanyeerbaad tahey adeer

  4. xoghaye says:

    GUUL GARAAD DHEER GARASHO WACAN GAALO DIIDNIMO KU DHEEHANTAHAAY

Leave a Reply