Samafalayaashii Gargaarka Ee La Soo Badbaadiyay Oo Nairobi Gaaray [Warbixin & Sawirro]


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (RBC)  Waxa maagalada Nairobi ee dalka Kenya soo gaaray afar qof oo u shaqeynayay hay’adda qaxootiga u qaabilsan Norwegian ee Norway Refugee Council (NRC) kuwaas oo seddax cisho ka hor laga afduubtay xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.

Markii aySamafalaayaasha oo la socday diyaarad helicopter oo uu leeyahay milateriga Kenya ka soo dageyn ayaa saxaafadda ay la hadleen,

“Aad ayaan u faraxsanahay in aan noolnahay, waan ku faraxsanahay in ay soo dhamaatay arrintan, sidaas waxa yiri Gabar u dhalatay dalka Canada heesata oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Pakistan Qurat-ul-Ain Sadazai taas oo ay ka socdaan seddax kale oo u kala dhashay dalalka Canada, Norway iyo Philippines kuwaas oo yimid Nairobi.

Waa labo nin iyo labo gabdhood kuwaas oo ka tirsanaa hey’adda NRC, kuwaas oo u joogay xeryaha dhadhaab ee dalka Kenya in ay caawiyaan Soomaali badan oo halkaas qoxooti ku ah.

NRC ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay siideynta shaqaalaheeda oo ay magacyadooda ku sheegtay Steven Dennis, oo 37-sano jir ah, Astrid Sehl oo 33-sano jir ah, Glenn Costes oo 40-sano jir ah iyo Sadazai oo 38-sano jir ah.

Samafalaayaasha oo raacaya helicopter uu leeyahay milateriga Keny

Samafalaayaasha oo raacaya helicopter uu leeyahay milateriga Keny

Waxa ka muuqday daal iyo dhaawac yer oo ka soo gaaray lugaha, laakin caafimaadkooda waa uu wanaagsanaa sidaas waxa sheegay sarkaal ka tirsan hey’adda NRC ee dalka Norwey oo ay ka tirsanaayeen shaqaalaha la afuubtay oo lagu hayay koonfurta Soomaaliya, kaddib markii lagala soo tallaabay xerada dhadhaab oo ku dhow soohdinta Kenya.

Waa markii ugu horreysay ee lagu guuleesto shaqaale gargaar oo laga soo afduubtay dalka Kena la soo badbaadiyo, waliba ay soo badbaadiyaan ciidamo Soomaali ah.

Weerarkii lagu afduubtay shaqaalahan oo Jimcihii hore dhacay,ayaa lagu dilay darawalkoodii oo u dhashay dalka Kenya.

Korneel Cabdullaahi Macallin waxa uu sheegay ciidamada dowladda ee ku sugan gobalka Jubadda Hoose ee ku dhow soohdinta Kenya in ay joojiyeen gaari sahay u siday kooxda afduubtay shaqaalahan Axadii, sidaasna lagu ogaaday meesha lagu hayo shaqaalahan samafalayaasha ah.
“Ciidamadeena ayaa soo badbaadiyay afarta laheestayaasha ah oo lagu hayay inta u dhexeysa magaalada Diif iyo Dhoobleey kaddib howgal aan ka sameenay habeenkii Axada ,” Mocallin ayaa Reuters u sheegay.

Colonel Cyrus Oguna, waa afhayeenka ciidamada military-ga Kenya waxa uu sheegay howlgal wadajir ay u sameeyeen ciidamada Soomaaliya  iyo kuwa Kenya in lagu soo badbaadiyay laheestayaashan.

Dhadhaab, ku dhawaad 100-km ayey Soomaaliya u jirtaa, waxa la dhisay sannadkii 1991-dii, waxa ay hoy u tahay Soomaali badan oo ka soo cararay colaada iyo abaarta ka jirta dalkooda, waana xerada ugu weyn dunidda ay ku xareesan yihiin qoxooti, qiyaastii 500,000 oo qof ayey deegan u tahay halkaas.

Hey’addan waxa ay halkaas ka waday howlo guriyeen ah iyo dib-u dajin, ay u sameeneeysay dadka ku nool halkaas oo u badan Soomaali.

RBC Radio
—————
Xafiiska Wararka Nairobi 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

2 Responses for “Samafalayaashii Gargaarka Ee La Soo Badbaadiyay Oo Nairobi Gaaray [Warbixin & Sawirro]”

  1. [...] Read More: Samafalayaashii Gargaarka Ee La Soo Badbaadiyay Oo Nairobi Gaaray [Warbixin & Sawirro] [...]

  2. Aw Malaaq says:

    Aaway afduubeyaashii, ma la qabtey? ma la laayey? miyey baxsadeen?

    Dad nasiib badan bey ahaayeen la haysteyaasha.

    Ma filaayo Alshabaab iney ahaayeen abduubeyaasha? waayo kuwaasu arrinkoodu sahal ma aha.

Leave a Reply