Sanad Guurada 14aad ee Aasaaskii Puntland oo Garoowe Looga Diyaargaroobay


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

RBC RADIO (Garoowe) Xaflada Sanadguurada ee 1da agoosto oo ka harsan mudo laba malmood ah ayaa waxaa diyaar garoow xoogan ka socda magaaloyinka waaaweyn ee ka tirsan deegamada Puntland waxaana shacabka reer Puntland ay ku mashquulsan yihiin udiyaargarowga xaflada 1da agoosto.

Waxa maanta kulan ku yeeshay xarunta dowlada hoose ee dagmada Garoowe
masuuliyin ka tirsan dowlada Puntland oo ay ka mid yihiin Wasiiro,  Xildhibaano, Maamulka Degmada, kan Gobalka iyo saraakil ka socota Madaxtooyada Puntland ururada dhalinyarad ururada hawenyka iyo Sportiga.

Waxan kulankan diirada lagu saarayaa sidii looga qeyb qaadan lahaa adkeynta nabadgalyada nadiifinta caasimada maadama ay udiyaar garobeyso garoowe in ay marti galiso dadka doonaya in ay ka qeyb qaatan xaflada iyo damaashadka lagu qaban doono caasimada.

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Waxan kulankaan ka hadlay Wasiirka Arimaha Gudaha Hormarinta Dowladaha
Hoose iyo reer Miyiga Cabdulaahi Axmed Jaamac  (ilko jiir) waxaana uu Wasiirku ka hadlay sida loga qeyb qaadan karo ilaalinta amaanka iyo waliba in loobahan yahay in siweyn looga shaqeeyo nadaafada caasimada.

Dhinaca kale ciidamada amaanka Puntland ayaa iyaguna waxa ay ku howlan
yihiin adkeynta amaanka waxan wado kasta marka aad marto ku arkeysaa askari sita tuutaha Ciidamada oo ku guda jira howshiisa.

Sawir ahaan Marka aad dhax marto magaalada hareereheeda waxa ay indhahaagu qabanayaan calamada Dalka Soomaaliya iyo kan Maamulka Puntland oo lagu xardhay ama lagu qoray baalayaasha ka taagan wadooyinka hareereeheeda.

Share

Tags:

1 Response for “Sanad Guurada 14aad ee Aasaaskii Puntland oo Garoowe Looga Diyaargaroobay”

  1. [...] Continue Reading: Sanad Guurada 14aad ee Aasaaskii Puntland oo Garoowe Looga Diyaargaroobay [...]

Leave a Reply